Muddadii ku
dhaweyd sodonka sano ee dalkeennu burburku ka jiray, gacansatadu waxay soo
jiiteen eedaymo badan iyo ammaanba. In badan waxaa lagu eedeeyay inaysan u aaba
yeelin waxay ka ganacsadaan. Waxaa lagu duray inay lacag badan ka sameeyaan
beecsharada hubka dadku isku gumaaday, inay dalka keenaan dawo iyo raashin
dhacay, keenidda iyo suuq-galinta lacagaha faalsada ah iyo kuwo kale oo aan
tiro lahayn sida inay ka macaashaan dowlad la’aanta.
Laakiin wax
walba oo laga sheego waxaan la inkiri karin kaalinti ay ganacsatadu lahayd
baadbaadinta dalka iyo dadka. Intii lagu jiray dowlad la’aanta, ganacsatada
ayaa dalka dowlad ka ahayd: iyaga ayaa bixinayay adeegyada aasaasiga ah sida
waxbarashada iyo caafimaadka lacagba ha ku qaataane, iyaga ayaa keenayay
dhammaan wixii daruuriyaad ah ee loo baahna. Sidoo kale waxay ahaayeen dadka
kaliya ee uusan xaddidin colaadihii umulo dooxa ahaa ee dalka ka socday
sanadihii hore ee dagaalka sokeeyo. Ganacsiga iyo ganacsatadu waa socdeen
iyadoo dhiiggu qummayo. Sidaa darteed anigu waxaan qabaa in ganacsatadu qabatay
shaqo muhiim ah hadana laga rabo mid kasii badan.
Walaalka
ganacsadaha ahow farriinta aan kuu wado ayaa ah inaad maal galisaan
waxbarashada dalka. Waxaad kasoo gudubteen wajigii hore ee ganacsiga kasoo ku
dhisnaa nidaam la’aan, waxaana la joogaa waqtigii aad hanan lahaydeen ganacsi
rasmi oo nidaam iyo manhaj leh. Taasi inaad heshaan waxaad u baahantihiin
shaqaale aqoon iyo xirfad leh. Heliddda shaqaale caynkaas ahna waxay u baahantahay
jaamacado soo saaro oo tayo leh. Taas ayaa ka dhigayso lama huraan inaad maal
galisaan waxbarashada sare maadaama aysan dowladdu aysan lahayn awood dhaqaale
oo ay ku taageerto waxbarashada sare iyo tan hoosaba. U maalgaliya si aad ooga
faaiidaan, dalku uga faaiido dadkuna uga faaiido. U maalgaliya jiritaanka iyo
horumarinta ganacsigiinna.
Walaalka ganacsadaha
ahow waxaa la joogaa waqtigii uu ganacsigiinu noqon lahaa mid hal-abuur leh oo aqoon
ku dhisan. Si taasi loo helo waa inaad maalgalisaan cilmi-baaris jihooyin badan
oo ku saabsan sida ganacsigiinnu ugu gudbi lahaa mid heer qaran ah ama caalami
oo dalka iyo adinkuba aad kaa fiiddaan. Maalgalinta cilmi-baaris ayaa dhiiri
galin borofeesrada dalka joogo ee inay cashar bixiyaan mooyee aan fursad u
helin si kale oo ay aqoontooda u isticmaalaan. Waxaan qirayaa in ay aad u
hoosayso xirfadda ay borofeesaradu u leeyihiin qaadidda cilmi-baaris tayo leh
balse waxaan hubaa inay jiraan kuwo badan oo ku filan midda aasaasiga ah ee uu
hadda u baahanyahay ganacsigiinnu sida baaritaanka la xiriiro suuq-geynta,
aragtida macaamiisha iyo saamaynta uu ku yeelan karo ganacsigiinnu dadka iyo
bay’ada.
Shirkadaha waaweyn
waxaa ay samayn karaan inay xariir shaqo la wadaagaan hal ama dhowr jaamacadood.
Wada shaqayntaan ayaa suura galin in ardayda wali wax dhiganayso ka shaqo
billaabaan shirkadahaas si ay ficil ahaan ugu sameeyaan wax yaabaha ay
baranayaan. Arrintaas kaliya sare u qaadi mayso aqoonta ardayga ee sidoo kale
waxay shirkadda fursad u siinaysaa inay xushaan kuwa kartida iyo aragtida fog
leh. Jaamacadda waxay ka caawin inay hesho sumcad iyo qarash lagu tayeeyo
maadooyinka ay bixiso. Borofeesarraduna waxay ka faaiidi inay helaan qarashka
ay ugu baahan yihiin inay cilmi-baaris sameeyaan taasoo sumcaddooda iyo
aqoontoodada sare qaadayso.
Walaalka ganacsadaha
ahow ma ogtahay in shirkadaha adduunku ugu yaraan rubuc ka mid ah, haddaysan
kala bar ahayn, faaiidada ay helaan ay ku bixiyaan cilmi-baaris la xariito
danaha ganacsigooda. Maahana kuwa waaweyn kaliya ee xataa kuwa yaryar waa
sidaas. Marka loogu baahi badanyahay cilmibaaristu waa inta ay shirkaddu
curdanka tahay. Tusaale, huawei company, oo ah shirkad shiine laga leeyahay waa
dhawna la askumay, waxay ku bixin jirtay 50% faaiidada ay hesho cilmi-baaris
iyo hormarin marki ay bilowga ahayd. Maanta waxay tartan kula jirtaa shirkadaha
ugu waaweyn dunida sida Samsung iyo Apple iyadoo labo sano ka hor moobillada ay
soo saarto loo arkayay boonbale ay caruurtu ku cayaarto. Waxa keenay inay
dadgdagaas u korto waa qarashka ay u ogalaatay horumarinta ganacsigeeda.
Waxaa laga
yaabaa in ganacsatada yaryar u arkaan in hadalkaan ku socdo shirkadaha waaweyn
kaliya. Maya ee inkasta oo uu ganacsigaadu la ekyahay waad u baahantahay inaad
qarash oogu talo gasho baaritaan fursado iyo fikrado cusub. Haddii ay, tusaale
ahaa, Dahabshiil hiigsanayso galidda suuqyada caalamiga ah, adigu waxaad hiigsanaysaa
galidda suuqa qaranka sidaa darteed mid walba tabartiisa ayuu la ekyahay
yoolkiisu.
Walaalka ganacsadaha
ahow, ma ogtahay in waxbarashda lafteedu ay tahay suuq dihin oo oo lacag badan
laga samayn karo? Ma ogtahay inaad maalgalin kartaa madbacado daabaco buugaag
aad ka ganacsataan? Ma ogtahay in baahi weyn loo qabo buugaagta cilmiga ah ee
afafka kala duwan ku qoran mase ogtahay in keeniddoodu faaiido u tahay kobcinta
aqoonta dadkeenna? Ma ogtahay in haddii dadku waxbarto ganacsigaada ballaaran
doono. Ka sakow inaad hesho shaqaale xirfad leh, waxaad heli dad shaqeeyo oo
wax iibsan karo taasoo macaamiil cusub u abuuri doonto ganacsigaada.
Walaalka ganacsadaha
ahow, maaanta waxaan haysanna fursad qaali ah oo ay yartahay dal haysto taasoo
ah suuq dihin iyo shaqaale jaban oo dhalin yaro ah. Laakiin in labadaan laga
faaidaysto waxay u baahantahay maal-galin lagu sameeyo waxbarashada aasaasiga
ah iyo midda sare. Sidaas awgeed mid walba oo idinka mid ah, intuu rababa ha la
ekaado ganacsigiisee, ha ku talo galo gacan qabashada waxbarashada dalka mid
hoose iyo saraba. Ka fekera mustaqbalka fog ee ganacsigiinna. Hiigsada meel
sare cindigana galiya in ganacsigiinnu gaaro adduunka dacalladiisa. Hanka ganacsigiinna
oo sarreeyo wuxuu dan u yahay dhammaan dadka soomaaliyeed. ugu danbayn, ogaada
in maanta 70% badbaadinta dhalinta soomaaliyeed gacantiinna ay ku jirto meesha
aad adingu dhigtaanna ay tagi doonaan.
Ibrahim Aden
Shire
Kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/
27/11/17
Comments
Post a Comment