Skip to main content

Iskool dhigashadu Macnaheedu Maahan Waxbarasho: Qeybti 2-aad.

                                                                       
                                                
Waxaan qormadi hore kaga warrannay si kooban heerka aqoonta caruurta dhigato iskoollada ee ku nool dacallada adduunka. Waxaa soo sheegnay in dalka baraasiil ay ku qaadanayso 75 sano inuu soo gaaro heerka aqoonta xisaabta ay ka gaaraan caruurta ku nool waddamada hodanka ah, halka ay 260 sano ku qaadanayso inay kala mid noqdaan akhriska. Hadaba maxaa sababay fogaanta intaas la eg? Maxay fogaanta xisaabtu ooga yartahay midda akhriska, miyuusan akhrisku ka fududayn xisaabta?

Su’aalahaan jawaabahooda loogama faalloon warbixinta Bankigu daabacay laakiin waxaa isku dayi inaan fikrad kooban idinka siiyo annigoo isticmaalayo waayaragnimadyda iyo baaritaan kale oo aan sameeyay. Marka hore, xisaabta iyo akhriska waxaa fudud in la barto xisaabta. Uma baahnid inaad aqoonyahan tahay inaad taas ogaato. Dib u milicso dadki aad taqaanay. Odayga reer miyiga iyo haweeneeyda suuqa wax ku gadato oo aan waligood iskool dhigan xisaab kama qaldanto. Waa yaqaanaan sida ay u xisaabsadaan iyagoo buug iyo qalin qaadan.

Xirfadda xisaabinta waxyaabaha aasaasiga ah waa mid ku abuuran aadanaha iskool iyo iskool la’aanna uu baran karo ilaa xad. Marki iskool la geeyo inuu raaco qaacidada loo dhigayna ma adka. Midda kale, xisaabtu muhiim uma aha sida akhrisku muhiim ugu yahay horumarka shaqsiyadeed iyo kan daleed.

Akhrisku waa shayga lagu cabbiro ilbaxnimada ummadi gaartay. Maqli maysid dal ama qowmiyad lagu ammaanayo waa xisaabyahan laakiin waxaad arki in akhriska la isku ammaano, kaan aqoonna lagu caayo, wax ma akhriyo. Sababtu waxa ay tahay akhrisku wuxuu saamayn joogta ah ku leeyahay horumarka shaqsiyadeed iyo midda daleedba. Akhrisku waa shayga shaqsiga ka dhigo mid la socdo ammuuraha siyaasadeed iyo midka dhaqaale ee dalkiisa iyo caalamkaba ka jiro. Waa midka hago hiigsiga shaqsiyadeed iyo shulshaba.

Bulshadi aan wax akhrin, lama xisaabtami karaan siyaasiyiintooda, lamana socon karaan sooyaalka dalkoda. Muhiimmada akhriska waxaa kaaga filan inuusan jirin dad yoolkiisu yahay in dadkiiso oo dhan saynisayhan ama xisaab-yahan wada noqdaan laakiin wuxuu adduunku ka midaysanyahay rabitaanka ummad wax akhrisa, ummina uusan ku jirin. Waa tan looga dhigay halbeegga ugu muhiimsan ee lagu cabbiro horumarka dal samaynayo. Qoraalku akhriska ayuu daba socdaa. Ma dhici karto in qof aan wax akhrin wax qoro laakiin lidku wuu badan yahay.

Maadaama uu akhrisku sidaas muhiim u yahay, waddamada hodanka ah waxay xoogga saaraan inay ubadkooda ka dhisaan akhriska. Waqtiga ugu badan ee sanadaha hore waxaa la galiyaa baridda akhriska. Waana meesha ay ku kala tagaan caruurta ku kala nool waddamada aan soo sheegnay. Si aan u fahanno waxa keenay inay aad ugu kala fogaadaan akhriska caruurta ku nool waddamada saboolka ah iyo kuwa nool waddamada hodanka ah, waxaan soo bandhigi tusaale.
Tusaalahaan wuxuu ku saabsanyahay wiil iyo gabar ilmo-adeer ah. Mid wuxuu ku dhashay Ingiriiska midna Soomaaliya. Waa labo qof oo jiro laakiin magacyada aan isticmaalayo kuwooda maahan.

Amaal waxay ku dhalatay Northampton England. Qoyskoodu waa mid sabool ah marki loo eego dalka uu ku nool yahay. Aabaheed waa murqumaal. Waxaa uu kasbado kuma filna noloshooda sidaas awgeed dowladda ayaa kabto. Guriga ay daganyihiin waa mid aad u cariiri ah kirana ay ka bixiyaan. Waliba waa kuwa dowladdu siiso dadka saboolka ah.

Marki ay jirtay sadex sano waxaa la geeyay iskool ay ka bilowday naasari sadex saacadood ah maalinka shan cishana ay tagayso. Muddo sanad ah ayay dhiganaysay. Muddadaan waxbarasho la taaban karo lama siin. Inta badan waa la cayaarsiinayay. Waxaa loo qaadayay heeso gaagaaban oo alifbeetada iyo lamabarada ilaa toban lagu kulmiyay. Sidoo kale waxaa loo akhrinayay sheekooyooyin gaagaaban oo sawiro wato laga tusayay buugaag.

Waxaa kaloo la baray sida caruur kale fasal loola wadaago, alaabta lagu cayaarana (toys) loola wadaago. Ayadoo loo heli karo alaab ku filan ayaa dhowr xabbo kaliya la dhex dhigaa si ay u wadaagaan. Halkaan waxaa laga ogaadaa midka hunguriga xun iyo kan maro u dhagga ah. Kuwa noocaas laga dareemo si gooni ah ayaa xoogga loo saaraa waxaana la baraa sida ay ugu noolaan lahaayeen bay’ad wax yaraan ka jirto.

Sanadka xigo oo ay afar jirtay waxay u gudbtay fasal kale oo aan hayn wax barashadii rasmiga ahayd laakiin maalin dhan ah (lix saacadood). Sanadkaan waxaa la sii balaariyay intii la baray sanadki hore. Sidoo kale waxaa loo billaabay habka dhawidda alifka, muuqoolkooda iyo qoriddooda. Waxaa xoogga la saaray in la fahamsiiyo sida qalinka loo qabsado. Waxaa sidoo kale loo billaabay higgaada. Ka dib waxaa loo dhiibay buugaag yar yar oo 10 bog iyo ka yar ah oo sawiro u badan laakiin xeyn erayo ah ku qoran yihiin. Waxaa kaloo la siiyay caddad erayo oo la yiri waa inaad sanadkaan ku xafiddaa. Erayadaan waa kuwa silloon oo dhawaqooda iyo dhigiddoodu kala duwan tahay.

Sidoo kale waxaa la baray sida loo hadlo iyo sida loo istaago marki la hadlayo. Asbuucii subax ka mid ah ayaa la yiraahdaa soo istaag oo ka waran wax loo cayimay (ogow waa afar jir). Waxay ka hadlayo aqoon iyo wax muhiim ah. Waxay noqon karaan inay ka waranto waxay jidka kusoo aragtay ama ay saaka cuntay. Intaas waxaa dheer, sadex bilood oo walba waxaa loo yeeraa waalidkeed si loo siiyo warbixin ku saabsan horumarka gabadhoodu samaynayso, meelaha ay ka liidato oo caawin dheeraad ah ooga baahantahay iyo meelaha ay ku fiicantahay oo in lagu ammaano ay tahay.

Sanadki dhammaadkiiisa waxay kor ka taqaan alifka oo dhan, dhawaqiisa iyo dhigidiisa, waxay kor ka haysaa 45 eray oo ah kuwa silloon. Waxay soo akhrisay ilaa labaatan buug oo ay iyadu kickicisay. Waxay fahansantahay macnaha iskool. Waxay ogtahay in dad kale wax ay la wadaagayso. Iyadoo wacdigaas qabto waxna akhriso haba yaraadeene ayay bilowdaa waxbarashadi rasmiga ahayd waxayna fadhiisan sanadki koowaad.

Sanadka koowaad waa ka adag yahay kuwii hore. Waxa la barayo waxaa lagu dhisi aasaaski hore balse aad ayaa loo balaarin. Wali akhriska ayaa ugu muhiimsan. Waxaa loo samayn yool ay tahay inay gaarto dhammaadka sanadka. Inta khasabka ku ah ka sakow waxaa la siin buugaag akhris oo maalinle ah kuwaas oo ay guriga la aaddo. Maalin walba ugu yaraan hal buug oo 24 bog ah inay soo akhriso ayaa laga rabaa laakiin kuma ay khasbana. Si loo baro inay iskeed wax u barato qof is wadana u noqoto, waxaa lagu dhihi haddii marki uu sanadka dhamaado aad akhriso 50 buug abaal marin qalin ah ayaa lagu siin, haddii aad 100 gaartana mid dahab ah (maahan dahan dhab ah).

Sidaa awgeed waxay ku dadaashaa inay ugu yaraan hal buug akhriso maalintii iyadoon cidna u dirin. Buugtaan waa wada 24 bog. Waxay ku saabsanyihiin mowduucyo kala duwan oo dhab iyo dhayalba leh. Buug walba waxaa ku cayiman erayo gooni ah oo ku cusub lagana rabo inay barato. Iyadoo shan sano jirto ayay asbuucii shan buug akhrisaa kana sheekaysaa waxa ku qoran. Waalidka ayaa ka dhagaysto sheekada si ay xiiso ugu yeelato waxaana lagu waaniya waalidka inuu la fadhiyo marki ay akhrinayso buugaagta.

Dhinaca kale waxaa taagan ina adeerkeed Ayuub. Wuxuu iyada ka weyn yahay sanad. Waxaa uuna ku dhashay Balad-xaawo Gedo. Aabihii waa shaqaale laakiin wuxuu ku jiraa dadka ugu mushaarka badan meesha uu ku nool yahay. Lacagta uu qaato way ka badan tahay mida Amaal aabaheed qaato sidaa awgeed wuxuu ka mid yahay dabaqdda dhexe ee deegaankaas. Waxay dagan yihiin guri weyn oo sar ah iyaguna leeyihiin. Waxaa u yaal wax walba maacuun raaxo ah oo dhulkaas laga heli karo.

Ayuub hadda wuxuu jiraa 6 sano. Wax iskool ah ma dhigto waligiina lama geyn. Iskoolada ka furan meesha uu ku nool yahay 7 sano ka yar ma qabtaan. Aabihii uma qaban macalin u gaar ah. Sidoo kale dugsi ma dhigto. Taasi macnaheedu waxaa weeye wax dhigaal ah oo u akhrin karo ma jiraan.

Sanad ka dib ayaa iskool la geyn loogana billaabi sanadka koowaad ee waxbarashada rasmiga ah. Subixii la geeyo macalinku wuxuu ula dhaqmi sidii wiil waligiis iskool dhigan jiray. Cashar bixintana waxaa laga billaabi erayo sabuurad lagu qoray caruurtana lagu yiraahdo iga daba qaada. Ayuub waa subixii koowaad ee uu caruur tiro intaas la eh soo dhex fadhiisto. Sidoo kale waa subixii ugu horeeyay ee uu fasal soo galo. Waxaa uu la yaaban yahay sawirada ku yaal darbiyada ee caruurti sanadka hore ku qoreen qaarna lagu qurxiyay.

Marka macalinku sabbuuradda ku mashquulsanyahy  Ayuub maskaxdiisu caradaan ma joogto. Argagax iyo cabsi ayaa buux dhaafisay. Yaa meesha kaa kaxeeyo ayay ka joogtaa. Sidaas ayuu ku qaadan sanad dhan. Cidna oran mayso xagee dhibkaa haystaa. Ma jirto cid u kuur galayso fahamkiisa waxbarasho iyo meelaha uu ku liito. Ma jirto cid xaaladiisa ka warqabto oo waalidkiis xog siiso. Sidaas ayuu ku gaari fasalka sadexaad isagoo wali aan baran sida loo kiciyo jumlo labo xaraf ah. Ogow markaan isaga iyo Amaal waa isku fasal oo mid walba waa sadexaad. Laakiin aqoontiisa waxay joogtaa tii ay kusoo qaadatay sanadki labaad ee waxbarashada aan rasmiga ahayn. Taasi macnaheedu waa inay ka horrayso afar sano waxbarasho ah, tayada ka sakow. Maalintaas ayaa qiimayn lagu sameeyay. Amaal jumlo walba hal ilbiriqsi ayay ku akhrisay halka Ayuub midna akhrin waayay.

Waxa looga jeeddo Baraasiil 260 sano ayay ka danbaysaa maahan in canuga ku dhasho Baraasiil uu baahan yahay 260 inuu waxbarto si uu usoo gaaro kan ku dhashay Fillaan. Waxaa looga jeedaa, haorumarka waxbarasho ee dalkaas hadda ka socdo hadaysan wax iska badalin waxay qaadan 260 inuu soo gaaro heerka ay maanta joogaan waddamada hodanka ah. Qarashka ku baxao Amaal iyo inta dadaal la galiyay inay si siman u helaan caruurta dalka ku nool oo dhan waa mid ay adag tahay inay gaaraan waddamada saboolka ah.

Laakiin haddii dadaal laga helo dowladaha iyo shucuubta dalalkaas si fudud ayaa lagu gaari karaa. Waliba waxay qaadan waqti aad ooga yar kan ay ku qaadatay Maraynkanka iyo ngriiska. Side? La soco qormada xigto hadduu Eebe idmo.

Balse aan ku xiro erayadaan. Inkastoo fursaddaan la siiyo caruurta Ingriiska ku dhalato oo dhan haddana duruufo badan dartood isku si loogama faaiidaysto. Sidaa darteed waxaa suura gal ah in Amaal aysan sidii la rabay wax u baran. Dhinaca Ayuub, inkastoo aysan jirin dowlad fursad siiso hadana eedda waxaa wax ku leh bay’ada iyo dhaqanka oo waalidka gacmo xiray. Maadaama ay jiraan waalidiin badan oo maal qabeen ah ama shaqo wacan haysto waxay heli karaan inay abuurtaan nidaam waxbarasho oo caruurtooda u gooni ah. Laakiin habka nololeed dhulka ka jiro ayaa saameeyay dhammaan dadkoo dhan sidaas ayayna ubad badan ku waayeen fursad ay heli lahaayeen. Hasa ahaatee waxaa muuqdo isbadal tartiib u socdo waxaana filayaa inuu xawaaraha kordhi doono sanadaha soo socdo.
Ibrahim Aden Shire



Comments

Popular posts from this blog

Taariikh Nololeedkii Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf

  28/12/2023 waxaa geeriyooday sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf oo ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed marna ahaa hoggaamiyihii Imaaradii Gedo. Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf Aw Axmed Ismaciil Mubaarak sheekh Cabdiraxmaan sheekh Samantar,  waxaa uu ku dhashay qiyaastii 1938-kii, meel lagu magacaabo Buuro oo galbeedka uga beegan magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Sheekha waxaa uu ahaa Marreexaan, Cali Maxammed (Cali-dheere), reer Sheekh reer Mubaarak.  Sheekh Maxammed waxaa uu ku barbaaray guri aqoon iyo Diin. Sida aad ka arki kartaba abtirkiisa aabbihii iyo awooyaashii waxaa ay ahaayeen culimo. Sheekha Maxammed Allaha u naxariisto e (AUN),  waxaa uu Qur’aanka kariim ka ah dhammeeyay isaga oo aad u da’ yar. Intaa ka dib waxaa uu u jeestay barashada caqiidada, fiqhiga iyo Shaaficiga isaga oo kutubtaas ka qaatay aabbihii. Sidii uu dhaqanku ahaa, sheekh Maxammed  waxaa uu xiraystay sannadka markii uu ahaa 1956-kii ilaa 1961-kii  goortaas oo uu cilmi u raadsaday magaalooyinka Beledwayne,

Maxaa ka run ah warbixinnada foosha xun ee laga qoro Soomaalida Qurbaha?

Warbixin ka ay daabacday Boomerg oo looga hadlay waxtarka muhaajiriinta Maraykan  tago ayaa lagu sheegay in Kiinyaanku yihiin dadka saddexaad ee ugu shaqada iyo waxtarka badan soogalootiga Maraykanka. Gaana oo Afrika ah ayaa qaadatay kaalinta koowaad waxaan labo noqday Bulgeeriya oo Yurub ah. Waxaa sidoo kale toban hore soo galay dalalka Itoobiya oo afar gashay, Masar oo shan gashay, Nayjeeriya oo siddeed gashay iyo Laybeeriya oo sagaal gashay. Toban qowmiyadood ee ugu shaqada badan muhaajiriinta ku nool Maraykanka lix ayaa kasoo jeedda Afrika. Waxaan tobanka hore soo galin Soomaalida. Sidoo kale soomaalidu safka hore oogama jirto muhaajiriinta ugu aqoonta badan. Afrika Masar iyo Natjeeriya ayaa kaga jiro tobanka hore xagga aqoonta. Marka walba oo lasoo hadal qaado Soomaali waxaa lagu xariiriyaa, faqri, burcadnimo, aqoon la'aan, argagixisonimo iyo shaqo la'aan baahsan. Warbixin laga soo saaray waddamada Galbeed oo sawir quruxsan ka bixiso Soomaalida in la helo ma dhacd

Hal ku dhigga halaagga noo horseeday: "Xoolaha dad weynaha ayaa ganacsi loo baddalay"

Ilaa shalay waxaa baraha bulshada lagu faafinayay in isbitaalki Jaalle Siyaad ee dagmada Garbahaareey loo rogay meel ganacsi. Saaka warki asaga ahaa waxaa qoray qaar ka mid ah mareegyada warfaafinta ee Soomaalida. Dadka qoray warkaan qaar waxay isticmaaleen erayo adag sida 'dhiig miirato', 'furasho' iyo 'boob'.  Inkastoo aan la xariiray qaar ka mid ah dadka qoray farriimahaan aana isku dayay inaan si hoose xal ugu helo warkaan aan salka lahayn, haddana waxaa ii muuqato inuu dhawaqu meel fog gaaray hoos u hadlidna aysan ku filnayn. Sidaa darteed waxaan go'aansaday in si muuqato wax ooga dhaho warkaan oo aan ahayn kii ugu horreeyay ee noociisa ah.  Muxuu yahay Isbitaalka Jaalle siyaad? Jaalle Siyaad waa isbitaal weyn oo ku yaal Garbahaareey. Waxaa dhismihiisa bilowday dowladdii dhexe isagoo qaybo ah ayayna dhacday. dhowr iyo labaatan sano ayuu qabyadaas ahaa oo arigu u xaroon jiray. Waqti aan fogayn ayay gabdho qurbajoog ah isu xilqaameen inay

Contact Form

Name

Email *

Message *