Waxaa indhaeenna
ku badan kiintaallada haruurku ka buuxo, tanagyada saliidda lagu cabbeeyay,
kiishashka lagu ningaxay boorashka macaan ee nafaqadiisu waqti yar haweenka iyo
caruurta macaluushu hayso ku cayiliyo. Dhammaan alaabtaan waxaa ku sawiran
calanka buluuga iyo casaanka isugu jiro ee lagu xardhay xidigiha ee Maraykanka,
hoosna waxaa far waaweyn lagu dhigay “USAid” gargaarka Maraykanka.
Nacfigaan kali
kuma nihin ee waxaa sideenna oo kale helo dhammaan walaalaheenna ku nool
qaaradda madow. Sanadki hore (2016) wuxuu Maraykanku bixiyay raashin qiimihiisu
yahay 2.2 bilyan doolar. 80% raashinkaan waxaa la siiyay Afrika. Hadaba side ku
billaabatay raashin bixintaan yaase faaiido ku qabo?
Goormaa la billaabay?
Dagaalki labaad
ee adduunku wuxuu dhaawac xooggan gaarsiiyay waddamadii galbeedka Yurub. Gaajo,
macaluul iyo maal la’aan ayaa ku dhacday. Maraykaynku oo ay xulufo ahaayeen
kana tun waynaa ayay u muuqatay inuu gargaar u fidiyo saaxiibadii inta ay soo
kabanayaan. Gargaarku uu Maraykanku siinayay Yurub wuu noocyo badnaa cunnaduna
qayb ayay ka noqotay.
Waxay dowladdi
Maraykanka ee waqtigaas ogaysiisay beeralaydooda inay soo saaraan raashin aad u
tiro badan. Soo saaridda raashinkaan lacag xooggan ayuu maraykanku ku bixiyay. Wixii
kasoo haro intuu dalku u baahanyahayna waxaa uu u dhoofiyay Yurub oo naftu
haysay. Fakerki si qurux badan ayuu u shaqeeyay. Reer Yurub waa noolaadeen oo
raashin caloosha u buuxiyo ayay heleen. Maraykanku sharaf iyo karaamo ayuu ku
helay caawinta saaxiibadii. Beeralaydi waa taajireen oo lacag dowalad bixinayso
oo aan xisaab lahayn ayaa usoo xarootay, maal galin iyo isbaalarin ayayna u
dhaqaaqeen.
Marki ay
Yurub cagaheeda ku istaagtay, waxay iska joojisay kaalmadi ay heli jirtay waxay
u sheegtay waddamadii wax siin jiray inay waxooda haystaan. Waa ayaa ku baryay
beeralaydi Maraykanka ee baqaaradu u buuxeen, qorshayn tobannaan sano ah oo ay
raashin ku dhoofiyaanna dajistay. Waxay billaabeen inay dowladda cadaadis ku
saaraan inaysan joojin lacagti ay siin jirtay raashinkaanna meel u raadiso. Waxay
shirkadaha ka ganacsado raashinka uu Maraykanku soo saaro ku yeesheen dad
matalo labada aqal ee dalka. Waxay maal galiyeen looyaro iyo ururo u doodo. Ishi
muuqatay ayaa noqotay Afrika oo macaluul la tiicaysay. Sidaas ayaa raashinki
Yurub loo rari jiray loogu weeciyay qaaradda madow.
Laakiin markaan
cashar fiican ayaa laga bartay caawinti Yurub. Waxaa soo baxday haddii loo
hagar baxo cidda la kaalmaynayo inay dagdag isugu filnaan sidaasna gacantaada
ooga bixi. Sidaa darteed waa in wax loo bixiyaa si ay gacanta ugu jiraan
raashinkana loogu qubo. Tallaabo walba oo ka maaransiin kartana waa in lasoo
xiraa. Ma jiro sharci sidaan u qoran laakiin qaabka wax u dhacaan ayaa tusayo.
Yaa faaiido ku qabo?
Shaki kuma
jiro in dad badan oo Afrikaan ah innaguna aan ku jirno nacfigu wax naga soo
gaaro. Maalin gaajo kaa bi’iyaa ama islaan kuu umushay siisataaba kiish boorash
ah oo aad bilaash ku heshay cidina ma diiddo. Laakiin faaiidada ugu badan ee
raashinka waxaa helo dadka Maraykanka oo isagu jiro noocyo badan.
Dhammaan raashinka
uu bixiyo Maraykanku waxaa uu ka baxaaa dalkiisa isaga ayaana laga soo raraa. Sanad
walba dowladdu waxay siisaa beeralayda lacag kaalmo ah si ay u soo saaraan
raashin xad dhaaf ah. 11% in ka badan qiimaha caadiga ee raashinku suuqa ka
joogo ayaa lagu siiyaa shirkado gaar ah inay kordhiyaan raashinka ay soo
saaraan. Lacagtaan tartan ayaa loo galaa ciddii ku guulaysato ayaa mashruuca la
siiyaa. Sanadki 2012ki labo sadexdaad (1.2 milyan oo tan) raashinki cawimaadda
u bixiyay maraykanku waxaa laga gaday sadex shirkadood oo kaliya (ADM, Cargill
iyo Bunge).
Sidoo kale
waxaa faaiido xoog badan ku qabo raashinka qaaradda madow lagu qubo, shirkadaha
gaadiidka leh sida kuwa baabuurta xamuulka ah iyo maraakiibta. Nus ka mid ah lacagti
raashinka lagu bixiyay sanadki hore ee aan kor ku soo sheegnay waxaa qaatay
maraakiib iyo baqaaro. Taasi waxay ka dhigantahay in , inkastoo 2.8 bilyan
doolar raashin lagu magacaabay 1.4 bilyan tirisboot ayaa loo qaatay, haddana
xisaabta nagu qoran waa ku jirtaa. 1.4taan nama soo wada gaarto. Hayadaha maraynaka
ee raashin qaybinta u xilsaaran waxay rukhso u haystaan inay qaar iibiyaan oo
qarashka ay ka helaan isticmaalaan. Sanadki 2001-di dakhligi soo galay 7
hayadood oo maraykanka ugu waaweyn sida CARE, 25% wuxuu ka yimid raashin ay caddaysteen.
Marki
caqliga lagu eego, sida uu Maraykan wax u wado yaab ayay leedahay. Qiimaha uu
maraakiibta ku bixiyo waxay kuwa caadiga ka qaalisan tahay 46%, waqtiga
raashinka ku geeyaanna waxay kuwa dalalka kale dheer yihiin 14 asbuuc. Taasi waxay
ka dhigan tahay in khasaare lacageed ugu jiro dowladda maraykanka, sidoo kalana
dadka baahan aysan cunnadoodi waqtigi loo baahnaa ku helayn.
Arrintaan waxaa
hagayo sharci la qoray 1950-ki oo oranayo “raashinka deeq ahaanta loo siiyo
dalalka shisheeye waa in laga iibiyaa beeralayda maraykanka, gudihiisa lagu
diyaariyaa, marakiibtiisana lagu qaadaa xitaa haddii ay suura gal tahay in la
helo meelo ka raqiisan”. Sharcigaan waxaa u dalbanayay 50% kaliya laakiin
dowladda Taraam ee hadda soo gashay waxay rabtaa inay ka dhigto 100%. Waa markaan
marka aad fahmayso waxay soomaaliddu kaga jeeddo “caqli gaalo iyo indho quraanjo
midna lama arko”.
Laakiin haddii
aad toosh iftiin badan isticmaasho way kuu muuqan ujeedka dowladdu khasaaraha
badan u galayso iyadoo qiimo ka jaban heli karto. Raashinkaan waxaa uu keenaa
faaiidooyin fara badan. Waxaa ku nool malaayiin qof oo maraykan ah. Kuwa leh
beeraha iyo kuwa ka shaqeeyo, kuwa leh maraakiibta iyo kuwa ka shaqeeyo,
baqaarada lagu kaydiyo, kuwa ka shaqeeyo diyaarinta iyo jawaan galinta, kuwa
leh shirakadaha sameeyo suntan cayayaanka ka ilaaliso iyo inta ka shaqayso,
gawaarida waaweyn ee lagu daad gureeyo liisku waa buug muggiis.
Intaas waxaa
dheer, in shirakada ka ganasado arrintaan ay awood ku yeesheen baarlamaanka
dalka sidaas darteed aan la jiiri karin rabitaankooda. Sanadki 2005ti Buush
dowladdiisi ayaa soo jeedisay in rubuc ka mid ah (1.2 bilyan doolar)
miisaaniyadda lagu gadayo raashinka deeqda ah loo qorsheeyo in lagaga iibiyo
waddamada loo wado. Arrintaas waxaa is hortaagay golaha baarlamaanka waana la
marin waayay. Difaacaas bilaash kuma imaan. Beeralaydu waxay 15 milyan oo
doolar ku bixiyeen kaambaynki doorashadi 2004ti, doorasho walbana waa sidaas. Intaas
oo kaliya maahan. cunnada waa tan lagugu xukumo laguugna manno sheegto. Waa midda
dowlado badan oo afrikaan ah ugu hoggaansamaan amarada Maraykanka. Waa mida lagu faafiyo dhaqanka Maraykanka iyo
afkaartiisa.
Dadku ma
wada moogo khiyaadana meesha ku jirto, qaar badanna iyagoo og ayay ka indho
qarsadaan duruufo jiro iyo dano gaar ah dartood. Tusaale, madaxweynaha Yugaandha
mudane Msafeeni ayaa laga hayaa “Yugaandha ayaa deeq siiso wadamo kale. Waxaa naga
lumo malaayiin lacag ah oo aan heli lahayn sanad walba. Dhab ahaanti dadka reer
Yugaandha ayaa ka qayb ka ah shaqo abuurka iyo kobaca dhaqaale ee waddamo
badan. Waxaan nahay deeq bixiyaal aan loo ogayn”. Wuxuu kaga jeeday in haddii
aysan Yugaandha qaadan raashin, dad badan oo Maraykan ah camal la’aan ku dhici
lahayd.
Gunaanad
Muran kuma
jiro in raashinkaan dhib weyn ku yahay horumka beeraheenna. Waxaan wada ognahay
waqtiyada lagu soo beego bixinta raashinka noocaan ah. Waxaan ognahay qiimo
jabinta uu ku sameeyo midka innaga noo baxo. Waxaan ognahay in qaar badan oo ka
mid ah uu baqaarada uu ku dhaco dadka oo gaajo la tabaalaysan. Hadana saas oo
ay tahay masoo jeedinayo in la yiraahdo ha mamnuuco waqtigaan.
Marka koowaad
ma lihin dowlad awood u leh fulinta amar mamnuucid. Labo, wali waxaa jiro dad
badan oo faaiido ka helo kuna nool xoogaaga la qaybiyo. Tan ugu muhiimsan ayaa
ah in hadda aynu u diyaarsanayn in beeralaydeennu booska buuxiso. Go’aannada lab
lakaca ah waa kuwi Zimbabwe ka waday waddan raashin dhoofiyo una waday mid
raashin deeq ah ku nool. Inta aannan joojin raashin dad kale na siiyaan waa in
aan baranaa sida wax loo beerto. Maanta dhiba ugu badan ee haysto
beeralaydeennu waa aqoon la’aan horseeday wax soo saar aad u yar. Sidoo kale
waxaan jirin qalab fududeeyo kordhinta wax soo saarka. Aan ku mashquulno
diyaarinta dad soo saari karo raashin ku filan dadkeenna ka hor inta aanan ku
yaacin mid dadkiisa u danaynayo innagana wax naga siiyay ujeeddo gurracanba ha
ka danbaysee.
Ibrahim Aden
Shire
Kala soco: https://ibrahim-shire.blogspoat.co.uk
16/11/17
Comments
Post a Comment