Skip to main content

Ma Saxbaa inaysan Soomaalidu Culimo Madax u Dooraan?

                                                           
                            
Suaalihii shalay (17/11/2017) Sheekh Maxamed Cabdi Umal lagu waydiiyay masaajidkiisa ayaa waxaa ka mid ahaa maxay culimadu ooga qayb qaadan la'dahay hannaanka nabad soo celinta Soomaaliya. Sheekhu wuxuu ku jawaabay "miyaad culimo u doorateen inay in maamuulaan"? intaas wuxuu  kusii daray "marki lagu yiri Soomaalidi soo doorta dad idin matalo ma jirin hal beel oo wadaad soo dooratay". su'aal ayuu dadkii kusoo celiyoo waxaa uuna yiri "mise waxaad rabteen inaan kursiga xoog ku qabsanno oo aan dagal oogayaasha ku biirno?"

suaasha dadka iyo jawaabta Sheekhu waxaa ka muuqdo ugu yaraan aqoon darro, haddaysanba dafir ahayn, ku saabsan doorka culimadu ku lahaayeen siyaasadda soomalida iyo maantana ku lee yihiin. 

Inta aanan galin sidaan ugu arko, aan caddeeyo inaan anigu ku tirsanahay wadaaddada. Tuulada yar ee an daganahay Soomaalida dagan waxay iigu yeeraan sheekha, tufta iyo nikaaxa haddii la iiga maarmi waayana waa laiigu yeeraa sidaa darteed ugu yaraan deegaankiis u faqiih ayaan ahay. 

inagoo inta aan eedayn doono ku jiro waxa qoraalkan igu qasbay ayaa ah in had iyo jeer aan ka cararno khaladaadkeenna iskuna dayno inaan ceeb ka saliim iska dhigno, halki aan dib isu eegi lahayn wixii naga khaldamayna aan dib ugu sixi lahayn. 

Waddaadu inay qabtaan talada dalka halgan dheer oo 40 sano ka badan socday ayay usoo galeen. mid hoose sida maamul goboleed iyo sare sida kurisga dalka ugu sarreeyo ladabada waa qabteen. Sidoo kale, iyadoo dad kale kursiga Filla Soomaaliya ku fadhido, jagooyin wasiirnimo iyo ka fiican sida gacan yaraha madaxweynaha waa noqdeen. Nasiibdarro mid ay ku fiican yihiin lama arag.

sanad ka dib burburki dalka culimadu waxay si buuxdo ula wareegeen maamulka gobalka Bari, dhaqaalo iyo maamul labada oo waa looga haray laakiin mamul xumo iyaga ka timid iyo siyaasad la'aan ayaa dumisay. 

Jabkii Boosaaso ma baabi'in dadaalkoodi ee waxay u hiil rogteen Gedo oo ay si buuxdo ula wareegaan maamulka gobalka Gedo intiisa badan. khaladaadki Boosaaso waxba kama aysan baran oo isla siyaasaddi iyo hab maamulki ayay la yimaadeen burburkoodina soo dadajisay. 

Marka kale, Cabdiqasim oo xagga wadaadnimo iyo lidkeeda, wadaadnimo u dhow ayaa qabsaday, isna ma guulaysan. hasa ahaatee guushii ugu waynayd waxay gaareen 2006di markaas oo dal iyo dibadba laga jeclaaday. Nasiib darro lama calfan oo cimri dagdag ayaa ku dhacay. Markaan waxaan ugu cudur daaraynaa in gaalo islaam neceb ku soo duushay, inkastoo dad badan qabaan in siyaasad xumo ay halaagtay. 

Laakiin jabkaas kuma aysan lumin oo madexwaynahoodi oo shaatiga soo badashay ayaa sadex gu' ka dib Filla Soomaaliya lagu soo dhaweey. Shariif ayaa watay koox culimo ah oo ay saaxiibo ahaayeen. wadaado qaarkood tafsiirka iyo saaxiixaynka akhrin jireen ayaa  buuxiyay inta badan golaha wasiiradda. Hab maamulkoodi waxaa uu noqday ka dar oo dibi dhal. iyagiina waa sumcad beeleen rajadiina waa dileen. 

Xagga maamul goboleedyada Axmed Madoobe oo loo aqoon jiray Sheekh Axmed ayaa Jubbaland la wareegay. Dadku ma aysan arag wax is badal ah iyo ka roonaan kuwa aan wadaadada sheegan. xagga xoolo lunsiga iyo isdaba mariska marki maamuladda la joogo waxaad mooddaa wadaaddadu inay baac dheer yihiin dadka caadiga ah. 

Haddii aad tiraahdo kuwaasu waa wada Wahaabiyo, bal eeg suuyidi waxay keeneen. gobolada dhexe 10 sano ku dhawaad waxaa gacanta ku hayo wadaaddo la baxay Ahelu-sunna. gobalkaas ayaa dhinac walba dalka kaga haray. dhaqaale, amni iyo maamul mid laga doonayo ma jiro. ladaba garab waa isma dhaanto iyo dhasheed. 

Intaas oo dhan kasoo tag, dhammaan maamuladi ugu danbeeyay dalka waxa dhex yaacayo wadaaddo hore. tolkood iyaga ayay usoo doorteen inay ku matalaan golaha baarlamaanka. sidoo kale, xirfaddaha isbadamarinta ee ay dadka caadiga ah dheer yihiin ayaa u suura galisay inay xafiis walba shaqo ka helaan. kuwa hadda ku xeeran madexwaynaha waa culimo hore, dhammaan xafiisyada dowladana sidaas ayay ugu wada jiraan. 

Dhabta sheekada ayaa ah, in culimada fursaddoodi la siiyay laakiin ay ku fashilmeen inay isa saxaanna aysan diyaar u ahayn. Sidoo kale, kii kursi qabto isagoo wadaad ah waxaa uu isu badalaa wadaad hore oo cimaamaddi iyo dhammaan calaamadihi culimonimo ayuu xooraa (Sheekh Shaakir waa gooni oo isagu wali waa jamhad, marki uu kursi fiican helo ayaa la kala ogaan). 

Haddii la yiraahdo way is qarinayaan oo gaalo inay farfiiqdo ayay ka cabsi qabaan, may hoos howshooda ka wataan oo arko saamayntooda iyo wanaagga diinta? Intii Alle dhowray ayaa dhowrsan, culimaduna hadda inay canta u dhigto way ku habboon tahay.

Ibrahim Aden Shire
ishire86@gmail.com
kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/



Comments

Popular posts from this blog

Gorfeyn: Buugga Adkaysi ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur

  Adkaysi waa buug cusub oo soo suuqa imaanaya kowda Disember 2024. Waxaan nasiib u yeeshay in aan ka mid noqdo dhowrkii qof ee ugu horreysay ee buugga la siiyo inta uusan suuqa imaan. Fiidnamdii Isniinta taariikhdu ahayd 18/11/2024 ayuu xildhibaan Cabdiraxmaan i guddoonsiiyay buugga goor aan ugu tagay gurigiisa Muqdisho. Fiidnamdii talaadada oo aan Ingiriiska safar u soo ahaa ayaan ku billaabay akhriska. Wehel waddada ila mara ayuu ii noqday. Qormadaan gaaban waxaan uga faalloon doonaa buugga.  Adkaysi oo 318 bog ah waxaa qorey xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Tafatirka iyo quraaradyntu (typesetting) waa heersare (laba meelood ayaan ka arkay wax aan is iri quraaradaynta ayaa geftay).  Waa buug xogwarran ah, xambaarsan taariikh, wacyigelin, waxbarid iyo waana-qaadasho. Waxaa uu si gaar ah u abbaarayaa waayihii Cabdiraxmaan, dhalashadiisii, korriinkiisii, waxbarashadiisii, shaqooyinkiisii ilaa siyaasadda oo uu hadda ku jiro. Sida ka muuqata ciwaankaba qoruhu b...

Maxaa ka run ah warbixinnada foosha xun ee laga qoro Soomaalida Qurbaha?

Warbixin ka ay daabacday Boomerg oo looga hadlay waxtarka muhaajiriinta Maraykan  tago ayaa lagu sheegay in Kiinyaanku yihiin dadka saddexaad ee ugu shaqada iyo waxtarka badan soogalootiga Maraykanka. Gaana oo Afrika ah ayaa qaadatay kaalinta koowaad waxaan labo noqday Bulgeeriya oo Yurub ah. Waxaa sidoo kale toban hore soo galay dalalka Itoobiya oo afar gashay, Masar oo shan gashay, Nayjeeriya oo siddeed gashay iyo Laybeeriya oo sagaal gashay. Toban qowmiyadood ee ugu shaqada badan muhaajiriinta ku nool Maraykanka lix ayaa kasoo jeedda Afrika. Waxaan tobanka hore soo galin Soomaalida. Sidoo kale soomaalidu safka hore oogama jirto muhaajiriinta ugu aqoonta badan. Afrika Masar iyo Natjeeriya ayaa kaga jiro tobanka hore xagga aqoonta. Marka walba oo lasoo hadal qaado Soomaali waxaa lagu xariiriyaa, faqri, burcadnimo, aqoon la'aan, argagixisonimo iyo shaqo la'aan baahsan. Warbixin laga soo saaray waddamada Galbeed oo sawir quruxsan ka bixiso Soomaalida in la helo ma dhac...

Hal ku dhigga halaagga noo horseeday: "Xoolaha dad weynaha ayaa ganacsi loo baddalay"

Ilaa shalay waxaa baraha bulshada lagu faafinayay in isbitaalki Jaalle Siyaad ee dagmada Garbahaareey loo rogay meel ganacsi. Saaka warki asaga ahaa waxaa qoray qaar ka mid ah mareegyada warfaafinta ee Soomaalida. Dadka qoray warkaan qaar waxay isticmaaleen erayo adag sida 'dhiig miirato', 'furasho' iyo 'boob'.  Inkastoo aan la xariiray qaar ka mid ah dadka qoray farriimahaan aana isku dayay inaan si hoose xal ugu helo warkaan aan salka lahayn, haddana waxaa ii muuqato inuu dhawaqu meel fog gaaray hoos u hadlidna aysan ku filnayn. Sidaa darteed waxaan go'aansaday in si muuqato wax ooga dhaho warkaan oo aan ahayn kii ugu horreeyay ee noociisa ah.  Muxuu yahay Isbitaalka Jaalle siyaad? Jaalle Siyaad waa isbitaal weyn oo ku yaal Garbahaareey. Waxaa dhismihiisa bilowday dowladdii dhexe isagoo qaybo ah ayayna dhacday. dhowr iyo labaatan sano ayuu qabyadaas ahaa oo arigu u xaroon jiray. Waqti aan fogayn ayay gabdho qurbajoog ah isu xilqaameen inay...

Contact Form

Name

Email *

Message *