Maalmaha loo
asteeyay weynaanta ciidamada kala duwan sida booliska, militiriga iyo asluubta,
waxaa si weyn ooga qayb galo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada. Waxaan aragnaa
madaxda dalka ugu sarrayso oo xiran dirayska ciidamada. Waxay ka qayb galaan
xafladaha lagu maamuusayo weynaynta maalmahaas ilaa aan aragnay madexweyne
Farmaajo oo inta bururay qoob-ka-cayaar masraxa la fuulay isagoon is ogayn.
Waxaa idaacadaha
dowladda laga siidaayaa heesaha loo qaaday ciidamada waxaana meel walba lagu
xardhaa astaamaha kala duwan ee lagu aqoonsado ciidamada. Bulsho weynta
soomaaliyeed ayaa iyaguna muujiyo taageerada ay u hayaan ciidamada waxayna ooga
qayb qaataan siyaabo kala duwan weynanta maalmahaas. Meelaha aan sida weyn ooga
arki karno taageerada dad weynaha ayaa ah baraha bulshada oo ay dadku kusoo
bandhigaan erayo ama sawiro muujinayo taageerada ay u hayaan ciidamada.
Si taasi ka
duwan, maanta oo ah (21/11/17) maalinti loo asteeyay xusidda macalinka
Soomaaliyeed ayaan si muuqato meelna looga xusin. Maannan arak madax booqanayso
malcamado iyo iskoollo. Ma aannan maqal heeso iyo gabayo lagu ammaanayo
macalinka oo la baahinayo. In aysan macallimiintu ahmiyad weyn u lahayn dowladdu
waxaan kale oo aan ka dheehan karnaa miisaaniyaddi shalay uu wasiirka
Maaliyaddu soo bandhigay.
Miisaaniyadda
sanadka danbe ayaa la sheegay inta ay tahay iyo sida loo qorsheeyay. Qorshaynti
dhexdeeda ayaa lagu sheegay in haddii la waayo lacagta la filayo inay soo
xarooto isbadal lagu samaynayo waaxaha loo qoorsheeyay. Kuwa lama taabtaanka ah
ee aan tooda la faragalin doonin ayaa lambar kow looga dhigay ciidamada qalabka
sido iyadoo aanba lasooqaadin macalimiinta. Habdhaqanka madaxda iyo aamusnaanta
dad weynuhu waxay na tusaysaa in loo arko in macallimiintu aysan la muhiimad
ahayn ciidamada. Xaqiiqduse waxa ay tahay inay isku mid yihiin haddii aysan
macallimiintu bur sidan.
Haddii ay
ciidamadu cadow bannaanka nooga soo duulay naga daafacaan, macallimiintu waxay
sidoo kale naga daafacaan cadowga bannaanka ee maskaxda nooga soo duulay. Hadii
ay ciidamadu naga difaacaan cadowga xoogga ku qaadan rabo dhulkeenna macalinku
wuxuu naga daafacaa kan qalinka ku qaadan rabo. Haddii ay ciidamadu naga
difaacaan cadowga rabo inuu dadkeenna laayo, macalinku wuxuu naga daafacaa kan
rabo inuu dadkeenna oo nool naga qaato oo dad kor ka soomaali, maskax ka
shisheeye ah noo dhiibo taas ayaana ka xun dhimashada.
Haddii ay
ciidamadu sugaan amniga iyo kala danbaynta, macalinku wuxuu sugaa edebta iyo
anshaxa oo la’aantood aan ammaan la heli karin. Haddii ay ciidamadu u taagan
yihiin ka hortagga cadowga muuqdo, macalinku wuxuu u taagan yahay la dagaalanka
cadowga qarsoon ee jahliga. Haddii ay ciidamadu yihiin ilaaliyaha calanka
soomaaliyeed, macalinku waa sare u qaadaha calanka la ilaalinayo.
Marki ay
dhinac walba ka sinneedeen xaqa shaqada ayay macallimiintu wax sii dheeraadeen
taaso ah inay iyagu yihiinkuwa soo saaro ciidan qaran oo tayo leh. Ciidan dal
iyo dad daafaco waa inuu lahaadaa qadiyad iyo qaayosoor uu dagaalamo, labaduba
suura gal ma noqon karaan haddii aan la helin macalin baro. Sidoo kale, ma
dhici karto in ciidan aan aqoon lahayn uu yeesho asluub ciidan, aqoontana waxaa
laga qaataa macalinka. Si kooban way dhici kartaa in la helo macalin fiican
iyadoon la haysan ciidan laakiin ma
dhici karto in la helo ciidan fiican iyadoon la halayn macalin.
Sidaa darteed
wax walba oo aad ka aaminsantahay ciidanka mid u dhiganta ka aamin macalinka. Haddii
aad aaminsantahay inuusan ciidan baahan dal difaacin, sidoo kale aamin in macalin
baahan uusan dal difaacin. Haddii aad aaminsantahay inaysan suuragal ahayn in
ciidan ay mushaar siyaan Maraykan iyo Imaaraad ay wadaniyiin noqdaan, sidoo kale aamin in macalin ay UNICEF iyo Sacuudi mushaar siyaan uusan soo
saarin dad waddaniyiin ah.
Macallmiintu
waa Aabe iyo hooyo, waa kuwaan ku aaminnay ubadkeenna, waa kuwa aan ka sugayno
dad qiimo leh oo dalka noo dhiso, waa kuwa aan ka sugayno waraso wacan oo wax
maqasho, waa isha kaliya ee mustaqbalku ka burqado. Ishaas waxaa ka imaan wixii
la galiyo, haddii aan ixtiraam, qiimayn, sharaf iyo jeceyl ku abuurno waxaa ka
soo burqan biyo macaan oo soo saaro nabaad nacfi badan, haddiise aan, sida aan
hadda nahay, liidmo, yesmo, iyo naceyb ku shubno waxaa kasoo burqan cusbo-eel
baajeer mooyee wax kale aan reebin.
Aan u wada
istaagno raadinta xuquuda macalimiinta iyo weynantooda. Qof walba naftiisa ha
iska xil saaro sidii uu macalinka sare u qaadi lahaa ka dibna si wada jir ah
aan culays ku saarno madaxda, maamullada iyo hayadaha intaba inay sida u
dhaamaan macallmiinta.
Ibrahim Aden
Shire
Kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/
Comments
Post a Comment