Skip to main content

Kumuu ahaa Ibnu Dhufayl?


Sanadki hore dhammaadkkisi ayaa qormo lagu daabacay bolooggaan waxaa lagu magac-dhabay Ibnu Dhufayl. Ma uusan ahayn ruux aan horay u maqlay. Waxaan jeclaystay inaan wax badan ka ogaado. Akhris badan ka dib waxaan ogaaday inuu ahaa sheekh meelo badan in looga daydo mudan, gaar ahaan jeceylka uu aqoonta u qabay iyo dadaalki uu galiyay raadinteeda. Sidaa darteed waxaan jeclaystay inaan la wadaago dhalinta Soomaaliyeed ee marki ay hal maaddo bartaan isu maleeyo inay waxba u harin si ay u ballaariyeen raadinta cilmiga siduu uu Ibnu Dhufayl-ba u kulmiyay culuum badan oo kala duwan.

Ibnu Dhufeyl waa Faylasuuf saynis yahan iyo dhaqtar muslim Carab ah. Waa mid kamid ah maanshiilayaasha Carbeed Ee magacoodu uu sida aadka ah u baahay. Wuxuu dhaxal ahaan u reebey buugaag badan oo uu ka qoray falsafada, suugaanta Carbeed, xisaabta, meeryaasha iyo caafimaadka.
Magaciisu Waa Abuu Bakar, aabihii waxaa la oran jiray Cabdi Malik Maxamad. Qabiil ahaan wuxuu kasoo Jeedaa qabiilka carbeed Ee Qeys Bin Caylaan, gaar ahaan wuxuu kasoo jeedaa Jilibka reer Mudar. Ibnu Dufayl wuxuu ku dhashay magaalada Guadix-Spain Oo 53KM Dhanka Waqooyi bari ka xigto degmada Cordoba. Wuxuu dhashay sanadkii 1100-aad tirsiga Dhalasha Nabi ciise CS.
Billawgii noolashiisa xilligi ay da'diisa aadka u yareed ayuu ibnu dufeyl kabaha u illiday waxbarasho. Wuxuu ahmiyaddiisa koowaad siiyay inuu barto culuumta diiniga ah, waxa uu maalinka u rafaaday habeenkiina u dhafray sida uu wax uga keeni lahaa barashada noocyaheeda kala duwan. Wuxuu mid mid u goobey culimadii lagu xaglin jiray in ay daraja ka gaareen aqoonta diiniga, mid ka furo iyo mid ku dhagaystabo albaab walbo wuu garaacay.


Wuxuu si dhab ah u aqbalay wax walbo oo uga yimaado raadinta cilmiga, gaajadi ayuu u adkeeystay, ihaanadi uu culima is moodka qaarkood kala kulmay ayuu iska indha tiray, Jab iyo rafaad Waxa Kasoo gaaray ayuu fududeeystay. Wuxuu Naftiisa ka dhaariyay macmacaansiga dunida, hurdadi ayuu ka Fogaaday, dharagti ayuu col ka goostay. Wuxuu si kama danbays leh uga dhaartay raacidda adduunka.

Wuxuu il Xaqiraad leh ku fiiriyay adduunka, Wuxuu garwaaqsaday in adduunyadan aqoonta un wax lagu yahay. Waxuu naftiisa ku qanciyay in dunidaani tii hore tahay, mid danbana ay xigi doonto, wuxuu dhadhamiyay macaanka iimaanka, dadaalkii badnaa ee uu bixiyay kuma uusan hungoobin, niyaddiisii samayd ee uu ilaahay la qaabilay Kuma ayaan-darroonin. Gacmihii marnaa ee uu sidi isbihinbihinta leheed ilaahay ugu hoorsaday wax la'aan kuma noqon. Dhafarkii badnaa gaajadii harraadkii iyo dhibtii uu usoo dulqaatay dheef ayeey isu baddaleen.
Markii uu diinta bartay Ayaa Waxaa u caddaaday inay jiraan culuum kale oo noolasha u mihiim a. Waxaa aayadaha Qur'aanka uga dhex bidhaamay barashooyin badan. Wuxuu inbadan carrabkiisii kusoo noqnoqday aayada magac dhabaayo daawo, cudur iyo Waxyaaba la xariiro caafimaadka. Waxaa maladiisi u xaqiijiyay markuu kor istaagay Xadiith nabiga laga soo wariyay. Waa xadiithki uu nabiga SCW ku lahaa " is daaweeya waayo ilaahay cudur masoo dajiyo haduu soo dajiyana wuxuu lasoo dajiyaa daawo".

Markaan hareerihiisa eegey. Waxuu Si dhug leh u dhugtay dhirta noocyeheeda kala duwan, Wuxuu maskaxdiisa ku billaabay su'aalo aad u badan. Waxa maankiisa la wareegey waydiimo uusan jawaab uhayn asii ay la gudbanaatay inuu ka salgaaro. Sow markan umaysan Caddaan mala'waalkiisii, sow Xujo uma helin shakigii uu ku beerey naftiisa. Allaylehe sow markaan daw ma noqon inuu caafimaadka Wax ka barto. Ibnu Dufayl wuxuu ku dhaqaaqay tabtii uu Ku baran lahaa caafimaadka. Dadaal aan kii hore ka yarayn ayuu galiyay. Wuxuu kabaha u illaday buraashkana u dhaansaday magalada Garnada ee ka tirsan dalka Spain markaana la oran jiray Andalus.

Waa nin diinta wax badan ka bartaye dhib badan kalama uu san kulmin barashadiisa. Wuxuu muddo gaaban Guduheeda kusoo afmeeray caafimaadkii isagoo in badana kusoo kordhiyay. Dabadeed ayuu ka hawlgalay arrimaha Dawaynta dadka Wuxuu ahaa farmashiga wareega. kumunaan qof ayuu ilaahay idinkii ku daawayey, badbaadidda noloshoodana Kaalin libaax leh ka Qaatay.

Sheekaba sheeko kale ayeey keentaa, wax walbana wax kale ayuu kuu geeyaa, barashadana mid ba mid beey kuu sii gudbisaa, Ibnu Dufeyl Wuxuu ku xeeldheeraaday aqoonti caafimaadka taasoo u gudbisay inuu noqdo saynis-yahan wayn gaar ahaana Ku takhasusay fisigiska. Shalay wuxuu ahaa Nin dhirta kaliya bartay Waxna ku daaweeyo maantase wuxuu usii gudbay nin Sal ku leh cilmiga fisigiska. Wuxuu Kamid noqdey Khubarada adduunka ee xilligaa jirtay, Xubnaheeda muhiimka ah ayuu qayb ka noqdey, Nin hadalladiisa iyo Cilmi baaristiisa aad loo tix galiyo ayuu noqdey.
Ilaahay SWT ayaa maskax iyo caqli ku galladay. Ibnu Dufayl wuxuu dhinac ka qabsaday falsafadda. Wuxuu wax soo Bartaba waxay mid ba mid u soo dhiibto ugu danbayntii wuxuu Go'aansaday inuu Wax ku yeesho Falsafadda. Rag talo kama dhamaatee wuxuu ku tallamay in uu qqriyo buugaagta laga qorey falsafadda, wuxuu kabaha u illiday Meel walbo oo loogu sheegey inuu ka heli karo buug arrintaan falanqeeyo.


Dharaar iyo habeen Wuxuu ku dadaalay inuu fahmo tiirarka falsafadda, Ibnu Dufayl marki uu buugaagti falsafadda arkay ayuu ashqaraaray. Waxa meesha ku qoran ayuu la fajacay. Buugga uu kala bixiyaba waxay ku noqotey amakaak. waxa uu usoo Rafaaday inuuba hibo u haysto ayuu ogaaday. Isagooba meel dheer fiirin ayuuba billaabay inuu Waxa buugaagta ku qoran raddiyo, Magaciisa ayaa sii baahay.

Shalay Waxaa caan ahaa Ibnu Dufaylki gabyaaga, Sheekha caalimka iyo dhaqtarba ahaa maantase magac kale ayaa ugu darsamay oo waa faylasuuf aan loo babac dhigi karin. Falaasifadi xilligaa joogtey Ayuu argagax ku beerey. Waxaa Buugaagtiisa ugu caansan buugga la yarihado Haggaajinta fahanka Aadanaha 

Buuggaan oo si wayn uga marag kacaayo heerki ay gaarsiisneed falsafaddii Ibnu Dufayl, Waa buug uu kaga sheekeeynaayo "xay bin Yaqdaan" oo ah Shaqsi kusoo barbaaray Jaziirad ku taallo dhul bah gooya ah oo dad aysan Ka dhaweeyn. Shaqsigaa oo kusoo barbaaray dhabta garanuugta ama eelada, ayada ayaa tarbiyeeysey oo quudin jirtay. Wuxuu la qabsaday dabeecadaha xawayaanada kala duwan. Wuxuu fahmay luuqadaha ay adeegsadaan kulana Xiriiri jiray. Ugu danbaytii Waxuu ogaaday inuu Fakiri karo uuna kasban karo Dabeecadihiisa dadnima. Wuxuu kaloo ogaaday inuu awood u leeyahay barashada dabeecada noocyadeeda kala Duwan Sida dhirta dhulka cirka iwm.

Ibnu Dufayl buuggani Wuxuu uga dan lahaa inuu ku fariisiyo ra'yigiisa ku aadanaa dadka, halka muslimiin badan ay Ku Saamaysnaayeen ra'yigii uu Platon arinkaasi ka qabay.

Ibnu dufayl kaliya kuma uusan koobmin aqoonyahinmada faylasuufnimada iyo gabyaanimada ee wuxuu sidoo kale galay siyaasadda. Wuxuu xilal muhiim ah kasoo qabtay dawladdii Muwaxidiinta la oran jiray, taas oo ka dhigaysa inuu Wax ku laha Siyaasadda. Waxaa loo magacaabay dhaqtarka gaarka ah ee suldaanki Muwaxidiinta ee la oran jiray Abuu Yacquub Bin Yusuf. Sidoo kale Wuxuu xil wasiirnimo kasoo qabtay isla dawladda Muwaxidiinta Xilligii uu suldankan Xilka hayey. Halka Mar kalana loo magacaabay garsoore.


Ibnu Dufeyl Wuxuu ahaa nin dhinac walbo ka dhisan. Wuxuu kamid ahaa falaasifada Andulus ugu tunka rooneed, xisaabyahanada, saynisyshannada culimada, dhaqaatiirta iyo waliba abwaannadi waqtigiisi.

Ugu danbayn wuxuu ku geeriyoodey magaalada marakish ee dalka Marooko Sanadii 581-di tirsiga hijriyada oo ku aadneed 1185-ki tirsiga dhalashada Nabi ciise CS. Waxaan lagu aasay isla magaalada marakish Allaha u naxariisto Ibnu Dhufyl Al-Andalusi

W/Q: Abdulahi Mohamed Yusuf
abdallelihle@gmail.com

Comments

Popular posts from this blog

Taariikh Nololeedkii Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf

  28/12/2023 waxaa geeriyooday sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf oo ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed marna ahaa hoggaamiyihii Imaaradii Gedo. Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf Aw Axmed Ismaciil Mubaarak sheekh Cabdiraxmaan sheekh Samantar,  waxaa uu ku dhashay qiyaastii 1938-kii, meel lagu magacaabo Buuro oo galbeedka uga beegan magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Sheekha waxaa uu ahaa Marreexaan, Cali Maxammed (Cali-dheere), reer Sheekh reer Mubaarak.  Sheekh Maxammed waxaa uu ku barbaaray guri aqoon iyo Diin. Sida aad ka arki kartaba abtirkiisa aabbihii iyo awooyaashii waxaa ay ahaayeen culimo. Sheekha Maxammed Allaha u naxariisto e (AUN),  waxaa uu Qur’aanka kariim ka ah dhammeeyay isaga oo aad u da’ yar. Intaa ka dib waxaa uu u jeestay barashada caqiidada, fiqhiga iyo Shaaficiga isaga oo kutubtaas ka qaatay aabbihii. Sidii uu dhaqanku ahaa, sheekh Maxammed  waxaa uu xiraystay sannadka markii uu ahaa 1956-kii ilaa 1961-kii  goortaas oo uu cilmi u raadsaday magaalooyinka Beledwayne,

Hal ku dhigga halaagga noo horseeday: "Xoolaha dad weynaha ayaa ganacsi loo baddalay"

Ilaa shalay waxaa baraha bulshada lagu faafinayay in isbitaalki Jaalle Siyaad ee dagmada Garbahaareey loo rogay meel ganacsi. Saaka warki asaga ahaa waxaa qoray qaar ka mid ah mareegyada warfaafinta ee Soomaalida. Dadka qoray warkaan qaar waxay isticmaaleen erayo adag sida 'dhiig miirato', 'furasho' iyo 'boob'.  Inkastoo aan la xariiray qaar ka mid ah dadka qoray farriimahaan aana isku dayay inaan si hoose xal ugu helo warkaan aan salka lahayn, haddana waxaa ii muuqato inuu dhawaqu meel fog gaaray hoos u hadlidna aysan ku filnayn. Sidaa darteed waxaan go'aansaday in si muuqato wax ooga dhaho warkaan oo aan ahayn kii ugu horreeyay ee noociisa ah.  Muxuu yahay Isbitaalka Jaalle siyaad? Jaalle Siyaad waa isbitaal weyn oo ku yaal Garbahaareey. Waxaa dhismihiisa bilowday dowladdii dhexe isagoo qaybo ah ayayna dhacday. dhowr iyo labaatan sano ayuu qabyadaas ahaa oo arigu u xaroon jiray. Waqti aan fogayn ayay gabdho qurbajoog ah isu xilqaameen inay

Maxaa ka run ah warbixinnada foosha xun ee laga qoro Soomaalida Qurbaha?

Warbixin ka ay daabacday Boomerg oo looga hadlay waxtarka muhaajiriinta Maraykan  tago ayaa lagu sheegay in Kiinyaanku yihiin dadka saddexaad ee ugu shaqada iyo waxtarka badan soogalootiga Maraykanka. Gaana oo Afrika ah ayaa qaadatay kaalinta koowaad waxaan labo noqday Bulgeeriya oo Yurub ah. Waxaa sidoo kale toban hore soo galay dalalka Itoobiya oo afar gashay, Masar oo shan gashay, Nayjeeriya oo siddeed gashay iyo Laybeeriya oo sagaal gashay. Toban qowmiyadood ee ugu shaqada badan muhaajiriinta ku nool Maraykanka lix ayaa kasoo jeedda Afrika. Waxaan tobanka hore soo galin Soomaalida. Sidoo kale soomaalidu safka hore oogama jirto muhaajiriinta ugu aqoonta badan. Afrika Masar iyo Natjeeriya ayaa kaga jiro tobanka hore xagga aqoonta. Marka walba oo lasoo hadal qaado Soomaali waxaa lagu xariiriyaa, faqri, burcadnimo, aqoon la'aan, argagixisonimo iyo shaqo la'aan baahsan. Warbixin laga soo saaray waddamada Galbeed oo sawir quruxsan ka bixiso Soomaalida in la helo ma dhacd

Contact Form

Name

Email *

Message *