Jean-Jacques
Rousseau waxaa loo aqoonsanyahay inuu ka mid yahay aqoonyahannadi ugu qiimaha
badnaa qarnigii 18naad ilaa maantana ugu saamaynta badan culimada
kasmo-nafeedda (psychology). Waa aabaha iyo marjica kasmo-nafeedda korniinka
bini-adamka (developmental psychology). Waa ninka soo jeediyay nidaam maanta
inta adduunka wax lagu baro caruurta ee loo yaqaan “child-centred approach”.
Hase ahaatee waxaan oo qiimo ah waxay soo baxeen dhimashadiisi ka dib, intooda
bandanna waxaa la fahmay 100 sano geeridiisi ka dib halka ilaa maanta la barto
dhigaalkiisi iyo afkaartisi lana sii hormariyo. Sidee ku dhacday?
Rousseau
waxaa uu ku dhashy magaalada Jeneefa ee dalka Swiisarland sanadki 1712ki.
Aabihii waxaa uu ahaa biro-tume saacadaha sameeyo, hooyadiina waxay ahayd gabar
aad u qurux badan oo reer dabaqadda sare ah kasoo jeeddo aabihiina aad u
jeclaa. Hooyadii isaga ayay ku umul raacday, geeridaasna waxay colaad hoose
kala dhex dhigtay isaga iyo aabihii. Waxaa uu dhihi jiray “inkastoo aabahay ii
roonaa yaraantaydi hadana marna ma uusan illaawin inaan ahay ninkii xaaskiisa
dhimashadeedi sababta u ahaa”.
Rousseau
waxaa siddeedi sano ee u horraysay koriyay habaryartii iyo aabihii. Habaryartii
waxay ahayd qof naxariis badan aadna ugu roon laakiin waxay u diidi jirtay inuu
bannaanka u baxo ama caruur la cayaaro. Sidaa darteed maadaama aysan jirin wax
kale uu qabto waxaa uu maalinta oo dhan ku dhamayn jiray akhrinta buugti guriga
tiil. Marki uu 6 sano jiray waxaa uu akhriyay dhammaan buugti hooyadii ka
dhimatay oo ay noofallo waaweyn ku jireen.
Marki uu
toban jirsaday, aabihii ayay isqabteen dad maal qabeen ahaa kana awood badnaa.
Waqtigaa Yurub waxaa looga noolaa sida maanta dunida Islaamka looga noolyahay. Si
walba oo wax u dhacaan xaqa waxaa lahaa ninki laandheeraha ah ama xoolaha badan. Sidaa
darteed waxay noqotay in aabihii ka baxsado Jineefa si uu naftiisa u
badbaadsado.
Lixdii sano
ee ku xigtay, Rousseau waxaa uu ku qaatay guryaha xannaanada caruurta aan dadka
lahayn. Guryahaan waxaa uu kula kulmay dhibaatooyin badan oo isgu jiro bajin,
dullaysi iyo garaac taasoo ku abuurtay cabsi badan oo uu dadka ka qabo.
Cabsidaas ayaa gaartay inuu xataa dukaamada wax ka iibsan waayo. Waxaa uu yiri
isagoo ka warramayo arrintaas “waxaa dhici jirtay inaan isku dayo inaan wax soo
iibsado oo aan kasoo noqdo dukaanka illinkiisa cabsi aan ka qabo in qof i
yaqaan i arko oo uu igu qoslo daradeed”.
Noloshii
xumayd ee uu kusoo arkay guryaha xannaada waxay u horseday xatooyo, khiyaano
iyo iskorisnimo. Marki uu jiray 16 sano waxaa uu noqday duur wareeg hadba meel u socdo waxaa uuna galay safaro
tiro dhaafay oo uu ku marayay Iswiisarland, Talyaaniga iyo Faransiiska,.
Waagaas, ma jirin xudduudaha maanta kala qaybiyo waddamada aan sheegnay. Dadku wuxuu u daganaa qabaaillo, magaalooyinkana way kala madax bannaanaayeen. Rousseau
safaradaan badan waxaa uu u galayay inuu kasbado wax uu ku noolaado laakiin
marnaba kuma guulaysan.
Sida uu la
qabo qabo ragga dadaalka ugu jiro inay nolol fiican helaan nasiibkuna xiro, Rousseau
si khaldan ayuu hunguri u doonay. Intii uu meelaha wareegayay waxaa uu fahmay
inay danaynayaan dumarka xusul-baruurka ah. Sidaa awgeed waxaa uu noqday
‘ruubaa-riqe’ waxaa uuna ka howl galay wixii carmali carrada joogay. nasiib darro waxaa uu ku guuldarraystay howshi
sariirta oo ahayd middii ugu muhiimsanayd ee dumarku ka doonayeen, hase ahaatee
ayaan ayuu ku caano maalay oo hadba marki meel laga kiciyaba mid kale galayay.
Marki uu
jiray 29 sano, waxaa uu hal-abuuray
xuruuf-muusigeed (musical notation) waxaa uuna u qaaday Baaris Faransa isagoo
is lahaa maanta ayaad faqriga jabin doontaa, balse lagama hoos qaadin badeecadi
uu la suuq tagay. Hungowgaas niyad jab weyn ayuu ku riday.
Intii uu ku
mashquulsanaa hal-abuuridda muusigga waxaa uu la falgalay muhandisiinti
qarnigaas ugu caansanaa ee ay isku deegaanka ahaayeen waxaana uuna qoray
curisyo u badnaa muusik hase ahaatee ma jirin mid hoos loo dhugtay, sababtuna
waxay ahayd in Rousseau ay daba socotay cabsidii uu kasoo qaaday guryihii
xannaanada taasoo keentay in goobaha aqoon is waydaarsiga uusan hadal ka
dhiiban. Taas waxaa dheeraa in aqoonyannada kale u arkayeen in addunku waddo saxan ku socdo mustaqbalkuna ifayo laakiin isaga waxaa u muuqatay in anshixi sii
dhimanayo taasina musiibo u horseedi doonto nolosha aadanaha.
Marki uu 33
sano jirsaday Rousseau waxaa uu uu garowsaday inuusan adduun orad ku gaarayn
waxaa uuna noqday dantiis-raacad. Waxa uu guursday gabar aan waxba akhrin
taasoo uu la noolaa inti cimrigiisa ka dhimanayd. Gabadhaan ayaa u dhashy shan
caruur ah waxaa uuna shantoodiba ku tuuray gurayaha xannaanad caruurta. Tallaabadaan
ayaa caqabad ku noqotay hal-abuurkkiisi sidaan gadaal ku arki doonno.
Guushiisi
ugu horraysay waxaa ay dhacday markii uu 37 jirsaday. Waqtigaan ayuu ka qayb
galay tartan curiseed looga doodayay in sayniska iyo farshaxanku faaiido u
keeneen ‘anshaxa’ (morals) iyo in kale. Rousseau curiskiisi waxaa uu ku dooday
inaysan wanaag u keenin ‘anshaxa’ ee aysoo kordhiyeen kaliya anshax xumo waxaa
uuna ku guulaystay abaal marinti taallay. Dhowrki sano ee xigay waxaa uu qoray
maqaalo iyo buugaag dhowr ah waxaana ugu caansanaa oo ilaa maanta dhaxal gal
noqday The social contract iyo Emile. Midka
hore ayuu ku billaabay oraahda caanka baxday ee Man is born free, and everywhere he is in chains (aadanahu isagoo
xor ah ayuu dhashaa laakiin meel walba oo uu joogo wuu jeebaysanyahay). Hadalkaan
ayuu Rousseau kaga jeeday in aadanuhu
addoon u yahay dhaqamada qowmiyadaha taasoo ka qaadday xorriyaddii uu ku fakari
lahaa si farxad ahna ugu noolaan lahaa. Akhristow in yar u fiirso xannibaadda
uu kugu hayo dhaqanka ka jiro dhulka aad ku nooshahay, waxaa kuu soo baxana ku
wax qaybso?
Buugga Emile, Rousseau wuxuu kusoo bandhigay sida ilmuhu wax u baran karo haddii laga daayo
faragalinta ay ku hayaan dadka waaweyn. Isagoo isticmaalayo sheego malo-awaal
ah ayuu Emile marayaa heerarka kala duwan ee korniinka iyo barashada waxyaabo
badan. Buugga ayaa ku doodayo caruurtu hagid kooban kaliya ayay u baahanyihiin
ee uma baahna in waayeelku wax ku shubo.
Inkastoo
uusan isagu sheegin, reer Galbeedkuna lagaba filayn inay sheegaan, anigu waxaan
tuhmayaa in Rousseau sheekada buuggaan ku qoran uu ka feer jeexay mid uu lahaa
caalimki muslimka ahaa ee la oran jiray Ibnu-Dhufayl. Caalimkaan oo reer
Andulus ahaa ayaa, lix boqol oo sano Rousseau hortiis, qoray buug aad u shabaho
Emile, kaasoo uu ku doodayo in
aadanahu caqligiisa ku gaari karo kala garashada xumaanta iyo samaanta. Wuxuu
isticmaalay sida Rousseau wiil malo-awaal ah. Wiilka ayaa ku dhalanayo meel
duur ah ka dibna la korayo xayawaan, waligiisna aan arkayn bini-aadam.
Laakiin
marki u waynaado waxaa uu fahmayaa inuu ka duwanyahay duur-joogta waxaa uuna
raadinayaa, isagoo isticmaalayo caqligiisa, waxaa u yahay, sida uu ku yimid iyo
awoodda ka danbayso inuu ka duwanaado uumiyaadka kale. Ugu danbayn
baaritaankiisi ayaa u horseedayo inuu Eebe rumeeyo. Inkastoo labo mowduuc oo
yara kala duwan ku saabsanyihiin, hadana waa isu ogyihiin, sidaas awgeed tuhun
weyn ayaa ka qabaa inuu horay u arkay buugga Ibnu-dhufayl. Maahan mid la
baciidsado in Rousseau helay buugga Ibnu-dhufayl waayo buuggaas ayaa noqday mid
lagu turjumay in badan boqol luuqadood, dunida reer Galbeedkana aad ugu faafay
caalimka oo nool.
Si kastaba
ha ahaatee, buugti qiimaha badnayd ee uu qoray Rousseau mudnaantoodi lama siin
dhowr sababood dartood. Kow, waxaa uu
garab maray aragtidii hal-abuurradi waqtigiisi noolaa taasina colaad ayay u
abuurtay. Waxay ku shaabadeyeen inuu yahay maan-gaab taasina waxay keentay in
buugtiisi aan hoos loo dhugan. Labo wuxuu si adag ooga horyimid hab nololeedki
markaas jiray oo ay dajiyeen boqorrada iyo wadaadada kaniisadaha. Inkastoo uu
ahaa wadaad Kirishtaan ah sida uu sheegan jiray hadana waxaa u cunnami waayay
hab-dhaqanki kaniisadda waxaa uuna yiri wadaadu kitaab maahan, in warkooda
la bushiyo wax diidayana ma jiraan.
Arrintaan
waxay aad ooga caraysiiyay wadaadi waqtigaas iyo boqorradi la shaqayn jiray.
Ilaa maanta inta badan wadaaddada iyo boqorradu meel walba oo ay joogaanba waa
isku dan. Waxaa amar lagu bixiyay in lasoo xiro laakiin wuxuu ka baxsaday
Baariis oo uu ku noolaa waxaa sidoo kale loo diiday inuu galo Jineefa oo uu
asalkiisi ka yimid. Sidaa darteed noloshiisi inteedi danbe waxaa uu ku
dhamaystay dhuumaalaysi waxaana ku dhacay KHAAKHAAYIRAAD
(paranoia).
Dhinaca dad
weynaha isaga iyo afkaartiisi toona soo dhawayn kama helin. Dadki waxaa gali
wayday in nin yaraantiisi dib jir ahaa waligiisna aan lagu baran sumcad uu
dadka baro waxa u fiican. Tan labaad oo ugu darnayd ayaa ahayd in buuggisa
Emile uu kaga hadlayo sidii caruur loo korin lahaa waxna loo bari lahaa.
Iyadoonba la dhugan waxa ku qoran buugta ayaa weerar lagu qaaday shaqsiyaddiisi
iyo wixii uu qorayba. Waa yaabe ma ninkii kuwii isagu uu dhalay iska fogeeyay
ayaa na barayo waxa u roon ubadkeenna ayay noqotay waydiinti waqtiga. Akhristow
ma is tiri dadkaasu waxay shabaheen kuweenna maanta? Imisa jeer ayaad aragtaa
qof aan la akhrin waxa uu qoray oo la xukumayo shaqsiyaddiisa?
Ugu danbyan
Rousseau waxaa uu ku dhintay tuulo yar isagoo dhuumalaysanayo waxaana lagu
aasay isla meeshi. Hadaba yaa soo nooleeyay aragtidiisi? Waxaa dhacay sanadka
dib dhimashadiisi (1779) kacaanki Faransiiska ee xukunka looga tuuray
boqortooyadi dad cunka ahayd. Raggii hoggaaminayay kacaanka waxaa saamayn weyn
ku lahaa afkaarti Rousseau sidaa darteed marki ay talada dalka la wareegeen
waxay soo saareen maydkiisi waxayna si sharaf leh mar kale ugu aaseen qabuuraha
Baariis ee dadka muxtarimka ah lagu aaso.
Hasa
ahaatee, madaxda kacaanku waxay awoodda u lahaayeen kuma jirin inay dadka
qalbigooda ku shubaan jeceyla Rousseau, sidaa darteed waxba iskama badalin
fikraddii xumayd ee laga qabay. Markii ay dhinteen intii isaga shaqsi ahaan u
taqaanay jiil cusubna uu la wareegay hoggaanka aqoonta ayaa waxaa billaabatay
in sifiican loo dhuuxo aragtidii Rousseau waxaana soo baxday in malab meel
fadhiyo laga qaday.
Waxaa billaabatay
in baaritaanno dheeraad ah lagu sameeyo soo jeedintiisi iyadoo la raacayo
hab-raaci uu dajiyay sidaas ayuuna ku noqday aabaha kasmo-nafeedda korniinka
aadanaha iyo hab-gudbinta aqoonta.
Maxaan ka baran karnaa sheekadaan?
Casharo tiro
dhaafay ayaa ku jiro balse aan ku ekaano kuwa ugu muhiimsan.
1: waxaa
cashar qiimo badan ah dadaalki Rousseau iyo sidii uusan marnaba u quusan
inkastoo albaab walba iska xiray. Dhabar-adayga ayaa la isku dhaafay waana
halka raggu ku kala baxo. Ninkii aan quusan miraha dadaalkiisa waa la gurtaa
geeridiisa ka dibba Allaha ka dhigee.
2: qiimaha
dhigaalka. Waxa suura galiyay in aragtidii Rousseau dhaxal gal noqoto waa
qormada. Haddii uusan qori lahayn ayaamaha hore waxaa lagu warin lahaa Rousseau
waxaa uu yiri, kuwa xiga waxaa lagu warin lahaa ninbaa waxaa laga sheegay,
marka danbana waa la iska illaawi lahaa. Balse maadaama uu ka tagay buug
dhigan, waxaa waaray warkiisi oo aan waxba laga badalin ilaa uu soo gaaray dad
fahmi karo waxaa uu ka hadlayay
3: Qof walba
oo keena-diid ah waxaa uu la kulmaa dhibaatooyin waaweyn kuwaasoo noloshiisa
wax yeelleeyo. Waxa ugu badan ee ku kacana waa culimada iyo madaxda oo u baqo
mansabkooda laakiin ku marmarsiyoodo fasaad ayaan ka hortagaynaa. Dhibka uu
maray Rousseau waxaa maray keeno-diidyo badan oo muslimiin ahaa sida Imaamu
Ibnu-Xazam iyo Ibnu-Rushdi.
4: Aragtida
aad waddo hadii aad xaq u aragto dano adduunyo iyo mid siyaasadeedna aadan ka
lahayn waxaa muuqato inaad aakhir guulysan doonto xataa haddi lagu aaso adoo
nool. Waxaa jiro culimo badan oo la gubay kutubtoodi iyagoo nool, qaarna ay
iyagu gacatooda ku gubay marki ay u adkaysan waayeen weerarki kaga yimid
bulshada iyo wadaadi ka caansanaa. Hasa ahaatee waqti dheer ka dib, dib loo daabacay
kutubtoodi.
5: Ugu
danbayn, raggu waa jab u joog, dadaalna waa lama huraan ee six un wax u dooniddu
faaiido badan ma keento. Meel xun istaaggi fashil ayuu ka qaaday Rousseau,
marki uu dantiisi aqoonsaday riyadiina meel iska dhigay ayay u kala kacday,
aabbe aqoonyahan ahna noqday.
Afeef
Akhristow qormadaan
isku day inaad faaiidada ka raacdid, waxaana kaaga digayaa inaad noqoto hayin
hadba meel loo wado. Waxaa ooga jeedaa inta is tiraahdid keena-diid noqo inaad
diintaada iyo dadnimadaada iibisid. Jidka uu maray aqoonyahankaan iyo kuwa la
mid ah maahan midka ay mareen kooxda Maandoon
iyo kuwa la mid ah. Ninkaan arigti aqoon ku dhisan, diintiisana aan diidayn
ayuu la yimid, halka Maandoon ay lasoo shirtageen aragti dad kale faaiido bandanna
aysan ka muuqan.
Sidoo kale,
qaddarinta dhaqanka bulshada waa mid muhiim ah. Hadii aad heli karto inaad
ilaaliso hab-nololeedka aagga aad ku nooshahay howshaadana aad wadato waa
inaadan dhib abuurin. Habkaan waa midka diinteennu na bartay waxyiguna kusoo
dagay. Ugu danbayn maanka ku haay keenada la diidayo inaysan ahayn midda Eebe.
Eebe diimaha
uu soo dajiyay marnaba ma khilaafaan waxa u roon nolosha aadanaha iyo anshaxa
suuban. Kuwii hore iyo teennaba, waxaa qalqaloociyay wadaadada oo intooda badan
niyad sami wax la khalday. Waxa doodda gali karo waa afkaarta ee maahan
waxyiga, sunnada iyo Ijmaaca ummada.
Ibrahim Aden
Shire
Kala soco https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/
31/10/17
Comments
Post a Comment