Skip to main content

Anigu sidiibaan ahaye adinkaa isoo gaaray: Maxaan ka baran karnaa doodda Sheekh Bashiir Shiil iyo Cabdirisaaq Xirsi


Waxaa ayaantaan socotay dood u dhaxaysay labo wadaad oo Kanada ku wada nool. Labadan sheekh fool ka fool uma aysan wada hadal balse waxay isugu jawaabayeen muuqaallo duuban. Doodda u dhaxayso labada sheekh waxay ku saabsantahay in muslimiinta ku nool waddamada Galbeedku ay guryo ku qaadan karaan nidaamka dulsaarka (ribada) ee wax lagu kala iibsado  marki la joogo waddamadaas.

Sheekh Cabdirisaaq ayaa qabo inay dadkaasi u bannaantahay in guryaha lacag ay ku gataan ay ka daynsadaan bankiyada dulsaarka qaato. Sheekh Bashiir wuxuu leeyahay sinnaba uma bannaana in qof muslim ah uu ribo qaato ama bixiyo.

Mas'alada waxay tahay, kan ku saxan iyo iyo kan khaldan midna anigu xaq uma lihi inaan ka hadlo waayo aqoonteed ma lihi. Hasa ahaatee waxaa ii muuqatay inay jiraan casharro muhiim ah oo ka baxsan mas'alada taaso ka muuqato qaabka wax u socdaan. Labo arrimood ayaan hoos kusoo qaadi.

Isbaddalka ku dhacayo bulshada Soomaaliyeed ee qurbaha timid

Soomalidu xooggeedu wuxuu qurbaha yimid wixii ka danbeeyay burbukii dalka. Waxaa waddamadi la tagay loogu yimid muslimiin kasoo jeeddo qaaradda Aasiya oo dalalkaas sii dagannaa muddo qarniyaal gaartay. Sooaamlida oo ahayd dad aan lasoo noolaan umado kale, hal mad'hab haysto mid kalana aan waligeed arag warna aan u hayn nolosha ka jirto dhulka ay yimaadeen ayaa la yaabtay hab dhaqanka dadka ay u yimaadeen ee muslimiinta shaaganayo haddana ku kacayo waxyaabo diintu diidday sida ay soomaalidu la ahayd. 

Waxaa ka mid ahaa, labiska gabdhaha oo meelaha qaar aadan kala garan karin gaaleeyda iyo muslimadda. Arriintaan labiska soomaalidu waa ku dhagtay wayna ku guulaysteen in sideey ku yimaadeen ku noolaadaan. Dhowr arrimood ayaa suurogaliyay in soomaalidu xijaabka u shaqeeyo. Midda koowaad waxay lasoo kulmeen waqti isbadal xagga isgaarsiinta ah ay aad u kobcaysay taasoo suuragalisay inay dadku bartaan jiritaanka dhaqamo kale.

Labo, dhulka waxaa kusii noolaa muslimiin soo maray dhib badan, cunsiriyad iyo haybsooc ay aad ooga soo dagaalameen. Soomaalidu waxay timid dhul la carro gadiyay oo abuur diyaar u ah iyaga ayaana noqday kuwii ku abuuray xijaabka. 

Hasa-yeesshee waxaa jiro meelo la dhaafi waayay. Waxaa ka mid ah mas'alada maanta dooddeedu nagu billaabatay. Soomaalidu ribada aad ayay u neceb tahay. Qofka soomaaliga ee danbi kasta ku jiro wuxuu ku dhihi guri ribo aan ku qaatay seexan mahayo. Waxay aad oogu canbaaryn jireen muslimiinti loo yimid inay ribo ku nool yihiin, aad ayayna ooga fogayd caqliga soomaaliga in ay arki doonaan wadaaddo soomaaliyeed oo leh guryaha ribada ah qaata. Maxaa is baddalay?

Soomaali Galbeedka ku cusbayd ayaa magaalo ugu soo dagay mid kaloo soomaali ah oo burburki ka hor qurbaha yimid. Waxba kuma uu darsado, waa nin iska aamusan, sheeko badan aan aqoon, waxa ay ka sheeyaanna aan xiiso u qabin. Waxay u aqoonsadeen inuu yahay nin xanuunsan oo madaxa looga jiro.

Muddo ka dib ayay arkeen ninki oo ay isfahmayaan. Waxay ku dhaheen hebalow baryahaan waad fiicnaatay oo dadki ayaad soo dhex gashay. Wuxuu ku yiri "anigu sidii baan ahaye, adingaa isoo gaaray" oo sidaan ahaa noqday sidaas ayaa keentay inaan is fahanno oo aan israacno.

Waxaan ula jeedaa waxa hadda doodda keenay waa inaan ka daba tagnay muslimiinti naga horraysay. Waxaa na gaaray kulaylki gaaray ee ku qaaday waxaan u arakaynay xumaanta. Waa calaamad tusaysaa isbadalka xagga dhaqanka ah ee ku dhacayo soomaalida qurbaha timid. Sanadaha soo socdo waxaa xaqiiq ah in la arki doono arrimo kale oo badan oo aannan maanta caqli gal nala ahayn innaago caadi u aragno.

Waxaa lagama maarmaan ah in lagu baraarugo isbadalka ku dhacayo bulshada soomaaliyed ee qurbaha ku nool sidaas darteed loo wajaho sida badbaadadu ku jirto. Waxaan aaminsanahay inaysan dhici doonin laga guuro Galbeed oo loo wada noqdo Soomaaliya. Sidaa darteed waa in la helaa xal kale oo aan ahayn ha la guuro iyo waddamo kale ha la aado.

Dhibta hoggaan la'aanta iyo muwaafaqo la'aanta

Qodob labaad oo iiga soo baxay doodda ayaa ah dhibka uu leeyahay hoggaan la'aantu. Taasi maahayn mid qariib ah iyo mid aan moogayn, haddana mar walba oo aad aragto saamaynta ay leedahay xanuun kale ayay kugu noqon. Mas'alada culimadu ka doodeen waa mid ka weyn wax ay labo nin cajalo isku dhaafsafdaan.

Waa arrin saamayn adduun iyo mid aakhiro ku yeelan karto malaayiin muslimiin ah. Waa rrin cadaab iyo ciqaab waaro u kaxayn karto malaayiin qof. Sidaa darteed maahan mid labo isaga jawaabi karto. haddii uu jiri lagaa hoggaan suuban iyo is maqal, waxaa dhici lahayd in la dhiso golo fuqaho oo loo nocdo marki ay yimaadaan dhibaatooyinka noocaan ah.

Golahaas ayaa noqon karaa midka ka niqaasho, baaro waqti badanna galiyo mushkilada taagan ugu danbayna fatwo kasoo saaro. Fatwada golaha kasoo baxdo waxay noqon lahayd mid lagu kalsoonaan karo dadkana aakhiro cudur-daar u noqon karto.

Nasiib-darro dhibka nagu dhacay saamaynta ugu badan wuxuu ku yeeshay culimadi oo mid mid ogal laga waayay. Taas waxay qiil siiyay inuu qof walba oo dhowr xadiis barto isu maleeyo faqiih farahana uu la galo masaa'il uusan aqoon iyo awood midna u lahayn ka hadalkooda. 

Ilaah baan waydiisannay ilaalin iyo badbaado

Ibrahim Aden Shire
ishire86@gmail.com
kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.com/




Comments

Popular posts from this blog

Taariikh Nololeedkii Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf

  28/12/2023 waxaa geeriyooday sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf oo ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed marna ahaa hoggaamiyihii Imaaradii Gedo. Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf Aw Axmed Ismaciil Mubaarak sheekh Cabdiraxmaan sheekh Samantar,  waxaa uu ku dhashay qiyaastii 1938-kii, meel lagu magacaabo Buuro oo galbeedka uga beegan magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Sheekha waxaa uu ahaa Marreexaan, Cali Maxammed (Cali-dheere), reer Sheekh reer Mubaarak.  Sheekh Maxammed waxaa uu ku barbaaray guri aqoon iyo Diin. Sida aad ka arki kartaba abtirkiisa aabbihii iyo awooyaashii waxaa ay ahaayeen culimo. Sheekha Maxammed Allaha u naxariisto e (AUN),  waxaa uu Qur’aanka kariim ka ah dhammeeyay isaga oo aad u da’ yar. Intaa ka dib waxaa uu u jeestay barashada caqiidada, fiqhiga iyo Shaaficiga isaga oo kutubtaas ka qaatay aabbihii. Sidii uu dhaqanku ahaa, sheekh Maxammed  waxaa uu xiraystay sannadka markii uu ahaa 1956-kii ilaa 1961-kii  goortaas oo uu cilmi u raadsaday magaalooyinka Beledwayne,

Maxaa ka run ah warbixinnada foosha xun ee laga qoro Soomaalida Qurbaha?

Warbixin ka ay daabacday Boomerg oo looga hadlay waxtarka muhaajiriinta Maraykan  tago ayaa lagu sheegay in Kiinyaanku yihiin dadka saddexaad ee ugu shaqada iyo waxtarka badan soogalootiga Maraykanka. Gaana oo Afrika ah ayaa qaadatay kaalinta koowaad waxaan labo noqday Bulgeeriya oo Yurub ah. Waxaa sidoo kale toban hore soo galay dalalka Itoobiya oo afar gashay, Masar oo shan gashay, Nayjeeriya oo siddeed gashay iyo Laybeeriya oo sagaal gashay. Toban qowmiyadood ee ugu shaqada badan muhaajiriinta ku nool Maraykanka lix ayaa kasoo jeedda Afrika. Waxaan tobanka hore soo galin Soomaalida. Sidoo kale soomaalidu safka hore oogama jirto muhaajiriinta ugu aqoonta badan. Afrika Masar iyo Natjeeriya ayaa kaga jiro tobanka hore xagga aqoonta. Marka walba oo lasoo hadal qaado Soomaali waxaa lagu xariiriyaa, faqri, burcadnimo, aqoon la'aan, argagixisonimo iyo shaqo la'aan baahsan. Warbixin laga soo saaray waddamada Galbeed oo sawir quruxsan ka bixiso Soomaalida in la helo ma dhacd

Hal ku dhigga halaagga noo horseeday: "Xoolaha dad weynaha ayaa ganacsi loo baddalay"

Ilaa shalay waxaa baraha bulshada lagu faafinayay in isbitaalki Jaalle Siyaad ee dagmada Garbahaareey loo rogay meel ganacsi. Saaka warki asaga ahaa waxaa qoray qaar ka mid ah mareegyada warfaafinta ee Soomaalida. Dadka qoray warkaan qaar waxay isticmaaleen erayo adag sida 'dhiig miirato', 'furasho' iyo 'boob'.  Inkastoo aan la xariiray qaar ka mid ah dadka qoray farriimahaan aana isku dayay inaan si hoose xal ugu helo warkaan aan salka lahayn, haddana waxaa ii muuqato inuu dhawaqu meel fog gaaray hoos u hadlidna aysan ku filnayn. Sidaa darteed waxaan go'aansaday in si muuqato wax ooga dhaho warkaan oo aan ahayn kii ugu horreeyay ee noociisa ah.  Muxuu yahay Isbitaalka Jaalle siyaad? Jaalle Siyaad waa isbitaal weyn oo ku yaal Garbahaareey. Waxaa dhismihiisa bilowday dowladdii dhexe isagoo qaybo ah ayayna dhacday. dhowr iyo labaatan sano ayuu qabyadaas ahaa oo arigu u xaroon jiray. Waqti aan fogayn ayay gabdho qurbajoog ah isu xilqaameen inay

Contact Form

Name

Email *

Message *