Skip to main content

Hadalka cadowga ha u qaban madaxdaada iyo dadkaada


Lagdanka iyo isu-xoog-sheegashada u dhaxeeyo aadanaha waa mid waliggiis jiray. Had iyo jeer damac qolo ka galo xaq dad kale leeyahay ayaa keeno xurguf mararka qaar ku dhammaado dhimasho. Ilma aadan oo dhowr ah hal abbo iyo hal hooyo kaliya leh adduunka intaan la ekna kaligood ku nool ayuu damacu bilowday.

Waxaa la sheegaa in markii u Qabiil Habaail ku dilay xaq uusan lahayn ay dunida ku noolaayeen lix qof kaliya oo labo ahaayeen kuwa is dilay. Damaca iyo Hunguri wayninka ku dhisan waxaad haysato kuma deeqaan ama kan kale wuxuu haysto ayaa kaada ka wanaagsan waa mid maalintaas bilowday ilaa qiyaamahana jiri doono.

Waxaa kala duwan farsamada iyo habka loo maro hadba waqtiga la joogo iyo dadka nool. Sidoo kale ilbaxnimada dadka lagu socdo ayaa go'aamiso luuqada la isticmaalayo iyo wajiga la tusayo dunida kale. Laakiin guumayste waqti walba oo uu joogo farsamadiisu saddex shay kama baxaan. Mid ku saabsan dhulka la rabo in la qabsado, mid ku saabsan dadka loo socdo in la qabsado iyo mid ku socoto dadka la rabo inay wax qabsadaan. 

Madaxda guumaystuhu iyo aqoonyahniintoodu waxay dadaal galiyaan in ay dadkooda ku qanciyaan inay dhul kale raadsadaan. Si taasi dadka loogu qanciyo, dhulka loo diri rabo ayaa laga dhigaa meel aan laga maqnaan karin oo janno oo kala ah. Marki uu Kolombus soo arkay dhulka maanta loo yaqaan Amererika, dadki dagganaa Yurub ee la rabay in ay xagga u guuraan waxaa loo sheegay in lasoo helay jannadii nabi aadan lagu beeray.

Waqtigaas dadka intiisa badan wax ma uusan akhrin jirin, sidaa awgeed iclaanka ugu sarreeyo wuxuu ahaa sawir gacameedyo hadba lagu soo gudbinayo farriinta la dirayo. Sawirradi laga bixin jiray Ameerika waxay ahaayeen kuwo tusayo dhul aan janno ka duwanayn. Maadaama Yurub masiixi ahayd aqoonna u lahaayeen tilaamaha jannada iyo waxa laga helo waxay soo sawiri jireen dhul aad mooddo janno oo wax walba yaallaan dhib badanna aan loo marayn. 

Marka dadki la hayi kiciyo oo ay billaabaan inay ka fekeraan waxa dhulkas yaallo, dadka ku nool iyo waxa ay kala kulmi karaan, tallaabada labaad ee ay qaadaan hormuudka guumaytuhu waa in dadka dhulkaas ku nool ay ka dhigaa mid aan bini-aadam ahayn. Habka loo gudbinayo farriintaan waxay ku xiran tahay hadba waqtiga la joogo. Tusaale, waqtigii Kolombos oo hadda laga joogo in ka badan 500 oo sano dadki dagganaa Ameerika waxaa laga dhigay inaysan ahayn aadane caadi balse ay yihiin xoolo oo kale ama wax ka hooseeyo.

Sawirradi ay keeni jireen dadki sahanka u aadi jiray waxaa ka mid ahaa kuwo tusayo dad qaarka danbe aadane ka ah, qaarka horana geedo, kuwo tusayo dad aan madax lahayn, kuwo tusayo dad sida xoolaha u nool oo qaawan, cowska cuno, sida xoolahana isu fuulo oo aan la kala lahayn dumarka. Waxay la soo sawiri jiray dad dugaagga oo kale ah oo kaymaha ku nool iyaguna is cuno. 

Intaan oo sawir ah lagama dhigi jirin kuwa is burinayo balse midkii tagaba wuxuu lahaa waxaan soo arkay dhul cusub oo kuwii hore kuwo kasii liito ay ku nool yihiin. Sababta sawirrada noocaan ah loo soo gudbinayay waxayd in shacabka Yurub lagu qanciyo inay aadaan dhulkaan iska bannaan ee xoolaha iyo dugaaggu ku nool yihiin. Waxaa meesha laga saarayay in dhulkaas dad naf leh oo ixtiraam mudan ku nool yahay si shacabka Yurub ee meeshaas tagi doono aysan u dareemin qajil iyo inay danbi galeen marki ay laayaan, ama baro kiciyaan dadkaas. 

Dhowr qarni ka dib marki loo jeestay in Afrika la guumaysto suuragal maahayn in sidii Ameerika loo sawiro marka qaab kale oo shacabka Yurub ay ku qaci karaan ayaa la billaabay in loogu soo gudbiyo. Afrika waxaa laga dhigay meel dad ku noolyahay laakiin dadkaasu uu noolyahay waqti jaahiligi kaalamana u baahan yahay. Waxaa laga dhigay dad cawaan ah, diin lahayn, Rabbi aan aqoon, is laayo, macaluul ay laysay maxkas ahaanna hooseeyo oo aan wax qabsan karin. Ogow Afrika waagaas inteeda badan muslimiin ayaan dagganaa jaamacado waaweyn ayaana ku yaalay!

Buugga bixiyay sawirka Afrikaanka ee saamaynta ugu badan ku yeeshay ree Yurub waxaa qoray nin aan waligiis tagin Afrika. Adward Long oo kasoo jeeday qoys ka ganacsado addoomaha ayaa qoray buug uu bixyay taariikha Jamayka 1774'ti. Buuggu taariikh maahan balse wuxuu ku qaray waxyaabo kala duwan sida qayb ah tusaha-musaafirka (travel guide) qayb  ka hadlaysa guumayisigii Ingriiks IWM. Laakiin waxa uu ku dul wareegayo waa dadka madow iyo inay xaq tahay in la addonsado. 

Wuxuu ku dooday inay Afrikaanku cawaan islaaya yahay oo aan noolaan karin haddii la isaga tago sidaas darteed in la addonsado ayaa ooga fiican in xorriyad la siiyo. Taasi waxay keentay in shucuubti Yurub ay u arkaan tacaddiyadi ay gaysanayeen kuwa ay ajar ka helayaan. Cecil Rhodes oo ahaa ninkii guumaysan jiray waddamada Malaawi iyo Zimbaabwi oo mar loo aqoon jiray Southern Rhodesia iyo Northern Rhodesia ayaa yiri "hadii uu ilaah jiro, wuxuu jeclaan lahaa inaan qaaradda Afrika oo dhan ku xardho calanka Ingriiska" waayo qaaradda dhan ayaa u baahan gargaarka Igriiska sida ay isaga la tahay. Mar kale waxaa laga sheegay inuu yiri hadal macnihiisu ahaa Ilaaha haddii uusan raali ka ahayn shaqadaan aan hayo garan maayo siduu dadkaan ka rabay! 

Marki la joogo waqtigeenna taasi suuragal maahan oo isbadal wayn ayaa dhacay ilbaxnimana way korortay sidaas darteed waa in si kale loo dhigaa oo dadka lagu duulayo looga qaadayo sharafka aadanuhu leeyahay ee keenayo in la xurmeeyo naftiisa. Booski cawaan iyo diin ma leh waxaa lagu baddalay 'argagixiso'. Erayga argagixiso oo markii hore ku bilowday in loogu yeero shaqsiyaad ayaa markii danbe lagu dabbaqay shucuub dhan.

Waxaa laga dhigay ruux ama shacabki argagixiso noqdaa inaysan mudnyan nolol dilkodana aan wax la iska waydiin. Boqollaal qof inta hal meel lagu dilo ayaa la dhihi waxaan dilnay argagixiso. Haddii la dhihi lahaa 100 qof oo cadaw ah baan dilnay dadku wuu danqan lahaa oo waxaa kusoo dhici lahaa maxaa cadawadda loo abuuray keentay intaas oo qof ah la dilo balse haddii argagixiso la laayo lama layn bini-aadam ee waxaa la laayay argagixiso haddii ay rabaan caruur iyo dumar ha noqdaane. 

Tii ahayd ma noolaan karaan iyo la ilbixiyo ayay rabaan waxaa lagu baddalay iskama xorayn karaan argagixisada marka waa inaan xoraynaa dadkaas masaakiinta ah. Maamul ma samaysan karaane  waa in maamul aan u dhisnaa, dowlad wanaagga barnaa nabadna u keenna. Xasuuso hadallaadi Zenaawi marki shacabka Soomaliyeed Xamar uu ku xasuuqayay. Xasuuso marka ay Kiinya duqayso xoolo-dhaqatada Gedo iyo Jubbooyinka. Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa ku qancay inaan u baahannay in nala kala ilaaliyo oo aannan wada noolaan karin.

Shacabka la qabsan rabo waxaa lagu qanciyaa inaysan lahayn hoggaan fiican iyo madaxda toona. Waa loo hadlaa, waxa ka maqan ayaa loo sheegaa, xuquudooda in loo raadinayo ayaa loo sheegaa, barwaaqadi ay ku guuldaraysteen inay gaarsiiyaan kuwa hoggaamiyo in la gaarsiinayo ayaa loo sheegaa. Dhulkooda buuxa ee aysan aqoon si ay ooga faaiidaystaan in looga faaiidaynayo ayaa loo sheegaa. Waxaa lagu yiraahdaan inma qabsan rabnee waan kala faaiidaysanaynaa. Marka danbe waxay ka aamin baxaan madaxdooda, waxayna wax ka dhagaystaan kuwa cadowga oo noqdo cidda masuulka ka ah noloshooda.

Midda ugu danbayso waxaa lagula hadlaa dadka la rabo inay shaqo tagaan oo dhulkaas qabsadaan. Qaybtaan waa mid lagu dhiirri galiyo shacabka. Waxaa loo sheegaa inay dadka kale ka sarreeyaan, ay yihiin kuwa laga sugayo inay dunida badbaadiyaan, faqriga ka saaraan horumarna u sameeyaan. 

Waxaa la xasuusiyaa waajibaadka ka saaran dadka kale iaydoo lagu leeyahay meel hoose ayaad ka fakeraysaan innaguna inaad dunida badbaadisaan ayaan rabnaa. xasuuso jawaabti Abiy uu siiyay wiil kasoo jeedo qabiillada laga badan yahay ee Itoobiya kaasoo uu ku yiri inaad Xamar kasoo shaqayso ayaan rabnaa adigana inaad meel yar oo Itoobiya ka mid ah aad isku koobto ayaad rabtaa. Xasuuso hadalladii kii isaga ka horreeyay ee yiri mar uu C/Salaan Hareeru waraysanayay waxaan rabnaa inaan Afrika ka dhigno haldal oo nabad ku wada nool. Wxay tusayaan shacabkooda in halkoodu ka sarreeyo midka madaxda waddamada kale uuna gaaray jeer ay ka fakeraan hoggaaminta qaarad dhan. Aqoonyahannadeenna qaar baa iibsaday hadalkaas! Isla farsamadaas ayay isticmaali jireen guumaysto oo dhan, Fircoon iyo kuwii ree Yurub. 

Ujeedka qormadaan waxay tahay inaan ku baraarugno khayaanooyinka guumaystahu ku doonayo inuu godka nagu rido. Innaagoo u toog hayno hadalkiisa meelna ku qorayno waa inaan fahamnaa in kuwa badan oo ka mid ah lagu doonayo niyad jabin, quusin iyo isdhiibid. In kuwa badan oo ka mid ah lagu doonayo in lagu karaamo tiro madaxdeenna si naloo qabsado. In kuwo bnadan oo ka mid ah loola jeedo dad ma tihidin ee noo talo dhiibta. Eray walba oo guumayste maanta joogo uu ku hadlo mid ka horreeyay ayaa ku hadlay. 

Ibrhaim Aden Shire
ishire86@gmail.com
Kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.com/



Comments

Popular posts from this blog

Taariikh Nololeedkii Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf

  28/12/2023 waxaa geeriyooday sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf oo ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed marna ahaa hoggaamiyihii Imaaradii Gedo. Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf Aw Axmed Ismaciil Mubaarak sheekh Cabdiraxmaan sheekh Samantar,  waxaa uu ku dhashay qiyaastii 1938-kii, meel lagu magacaabo Buuro oo galbeedka uga beegan magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Sheekha waxaa uu ahaa Marreexaan, Cali Maxammed (Cali-dheere), reer Sheekh reer Mubaarak.  Sheekh Maxammed waxaa uu ku barbaaray guri aqoon iyo Diin. Sida aad ka arki kartaba abtirkiisa aabbihii iyo awooyaashii waxaa ay ahaayeen culimo. Sheekha Maxammed Allaha u naxariisto e (AUN),  waxaa uu Qur’aanka kariim ka ah dhammeeyay isaga oo aad u da’ yar. Intaa ka dib waxaa uu u jeestay barashada caqiidada, fiqhiga iyo Shaaficiga isaga oo kutubtaas ka qaatay aabbihii. Sidii uu dhaqanku ahaa, sheekh Maxammed  waxaa uu xiraystay sannadka markii uu ahaa 1956-kii ilaa 1961-kii  goortaas oo uu cilmi u raadsaday magaalooyinka Beledwayne,

Maxaa ka run ah warbixinnada foosha xun ee laga qoro Soomaalida Qurbaha?

Warbixin ka ay daabacday Boomerg oo looga hadlay waxtarka muhaajiriinta Maraykan  tago ayaa lagu sheegay in Kiinyaanku yihiin dadka saddexaad ee ugu shaqada iyo waxtarka badan soogalootiga Maraykanka. Gaana oo Afrika ah ayaa qaadatay kaalinta koowaad waxaan labo noqday Bulgeeriya oo Yurub ah. Waxaa sidoo kale toban hore soo galay dalalka Itoobiya oo afar gashay, Masar oo shan gashay, Nayjeeriya oo siddeed gashay iyo Laybeeriya oo sagaal gashay. Toban qowmiyadood ee ugu shaqada badan muhaajiriinta ku nool Maraykanka lix ayaa kasoo jeedda Afrika. Waxaan tobanka hore soo galin Soomaalida. Sidoo kale soomaalidu safka hore oogama jirto muhaajiriinta ugu aqoonta badan. Afrika Masar iyo Natjeeriya ayaa kaga jiro tobanka hore xagga aqoonta. Marka walba oo lasoo hadal qaado Soomaali waxaa lagu xariiriyaa, faqri, burcadnimo, aqoon la'aan, argagixisonimo iyo shaqo la'aan baahsan. Warbixin laga soo saaray waddamada Galbeed oo sawir quruxsan ka bixiso Soomaalida in la helo ma dhacd

Hal ku dhigga halaagga noo horseeday: "Xoolaha dad weynaha ayaa ganacsi loo baddalay"

Ilaa shalay waxaa baraha bulshada lagu faafinayay in isbitaalki Jaalle Siyaad ee dagmada Garbahaareey loo rogay meel ganacsi. Saaka warki asaga ahaa waxaa qoray qaar ka mid ah mareegyada warfaafinta ee Soomaalida. Dadka qoray warkaan qaar waxay isticmaaleen erayo adag sida 'dhiig miirato', 'furasho' iyo 'boob'.  Inkastoo aan la xariiray qaar ka mid ah dadka qoray farriimahaan aana isku dayay inaan si hoose xal ugu helo warkaan aan salka lahayn, haddana waxaa ii muuqato inuu dhawaqu meel fog gaaray hoos u hadlidna aysan ku filnayn. Sidaa darteed waxaan go'aansaday in si muuqato wax ooga dhaho warkaan oo aan ahayn kii ugu horreeyay ee noociisa ah.  Muxuu yahay Isbitaalka Jaalle siyaad? Jaalle Siyaad waa isbitaal weyn oo ku yaal Garbahaareey. Waxaa dhismihiisa bilowday dowladdii dhexe isagoo qaybo ah ayayna dhacday. dhowr iyo labaatan sano ayuu qabyadaas ahaa oo arigu u xaroon jiray. Waqti aan fogayn ayay gabdho qurbajoog ah isu xilqaameen inay

Contact Form

Name

Email *

Message *