Skip to main content

Labo arrimood oo aadan uga hagran waxa aad hayso dadka wax yeeloobay

Musabadii nagu habsatay Sabtidii waxay abuurtay baahi balaaran oo dhinacyo badan leh. Gurmadka loo fidiyay dhibbanayaasha iyo eheladooda ayaa wali socdo. Wax qabadka la wado waxaa ka mid ah tabaruucaad loo aruurinayo dadka wax yeeloobay oo ka socdo meel walba oo dad soomaaliyeed joogaan. Anigoo og in dadkeennu hagar la'aan wax u bixinayaan ayaan, hadana, rabaa inaan sii dhiiri galiyo si aysan u noogin. 

Labo xalaadood midkood unbaad ku sugantahay oo aan mid sadexaad lahayn. 1) inaad haysato wax kuu kala haro oo haddi aad qayb bixiso qayb kusoo harayso. 2) inaad haysato waxa markaas gacantaada ku jiro oo haddii aad dhiibto waxbo kaaga danbayn. kii aad tahayba bixi oo waxba ha hagrin labo arrimood dartood. 

Haddi aa tahay kan hore ogow waxa aad bixisay waa qashin iyo wasaq aad ka fogaysay naftaada, reerkaada iyo maalkaada. Qashin qofkii kaa fogeeyo mahadnaq ayuu mudan yahaye ma mudna manno sheegasho. Inay sadaqadu wasaq tahay waxaa noo sheegay Suubanaha SCW waana sababta loogu diiday in Suubanaha SCW iyo qoyskiisaba ay qaataan sadaqadu. Sidaa darteed naftaada u sheeg in waxa aad bixinayso ay tahay wasaq aad iska fogaysay oo waliba si bilaash ah lagaaga qaaday qofka qaadayna adiga mahadnaq kugu leeyahay, intaasna ay kuu sii dheertahay in abaal gud weyn laguugu dari doono goor danbe ama goor dhow. Haddii aad intaan naftaada ka raariddo culays danbe kugu qaban mayso waxaad bixinayso. 


Haddii aad ku sugan tahay xaaladda danbe oo hal shilin aad ka naxdo waa inaadan ka harin gurmadka oo aad bixiso halka shilin ee aad hayso waayo waxaa laga yaabaa in waxa kaa hortaagan taajirnimada uu yahay shilinka faraqa kuugu guntan ee laga fujin la'yahay. Si dhug leh u akhri qisadaan si aad u fahanto waxaa aan tilmaamayo. 

Waxaa Siiriya ka soo socdaalay Cubaydullahi Ibnu Cabbaas Ibnu Cabdi-Mudalib oo uu la socdo khaadin kiisa ah. Goor ay meel duur ah marayaan habaynkiina dumay ayaa roob qabtay maryihiina ka qooyay maadama aysan haysan meel ay ka jirsadaan. Iyagoo naftu hayso qabow dartii ayay arkeen dab meel ka baxayo waana kusoo leexdeen. 

Dabku wuxuu u shidanyahay oday ay la socdaan haweenay u hayso wiil yar. Hooyadu gaajada iyo faqriga dartii naaskeedu caano ma leh sidaa darteed waxay wataan ri' irmaan oo ay wiilka u listaan. Cubaydullahi iyo kaahdimkiisi salaan ka dib dabki ayay dhinac ka kulaaxeen. Odaygii ayaa kacay oo aaday docdii ridu ku xirnayd. Islaanti oo dareentay inuu rida gowrici rabo ayaa ka daba kacday kuna tiri markii uu ridi soo qabtay, war ma waatay maxaa canuga la siin haddii aad rida gowracdo? Wuxuu yiri intii marti igu ak bakhtin lahayd wiilkaygu gaajo ha u dhinto. 

Marki waagi baryay ayuu Cubaydullahi oo xalay hilib ka dhargay eeg-eegay agagaarka qoyska si uu u arko xoolaha xalay laga nooleeyay mise wax noolba sadexdaan qof ayaa meesha ka joogo. ma leh xoolo dhaqaaqayo iyo raadkood toona. Wuxuu xaqiiqsaday in reerku ridaas ka naxay. Wuxuu ku joostay khaadinki oo ku yiri maxaad lacag noo haysaa. Khaadimki ayaa ku jawaabay shan boqol oo dirham. wuxuu ku yiri sii reerka. Khaadimki ayaa yiri ma walaatay, ninkaan reer miyiga ah waxaa ku filan shan dirham oo kaliya, haddii aad u roonatana boqol ooga dhig ee xageed u siinaysaa waxaan oo maal ah. wuxuu ku jawaabay ninki xalay noo qalay halki neef ee uu xoolo ka lahaa sideen waxaan yar ee aan gacanta ku sito ooga kala reebtaa anigoo xoolo badan meelo kale ii yaalaan. 

Sidaas ayay odaygii qoraxdu u dhacday isagoo hal neef leh, waaguna u baryay isagoon waxbo lahayn u hergalsaday isagoo ka mid ah taajiriinta dhulki uu ku noolaa. Malaha qaninimada waxaa ka hortaagnaa ridaas oo laga yaabo inuu muddo ilaalin jiray. Waxaa laga yaabaa inuu shaydaan ku yiraahdo ninkaasu nin wax wato ayuu wax siiyay. Labo shay maskaxdaada gali. kow, cidda wax bixisay waa Eebe waayo haddusan Eebe ku hanuunin in Cubaydullahi reerka daymoodo, horay ayuu isaga kallihi lahaa isagoon shilin dhiibin. Labo, Qasab maahan in qofki aad wax siisay laguu soo mariyo waxa Eebe kula doono ee siyaabo kale ayaa laguu dharjin. Si la mid ah ridaas ayaa laga yaabaa in waxa yar ee aad ku dhagantahay kaa hortaagantahay inaad ka baxdo faqriga ee dhiib waxa aad hayso. 

Waxaan kusoo koobayaa maanta lama joogo maalin la kala haro. waxaa dhintay hooyooyin haystay caruur aan cid kale haysan. waxaa dhintay wiilal iyo gabdho reero biilka usoo saari jiray, waxaa dhaawac ah dad tiro dhaafay oo aan cid awood u leh aysan jirin caawintooda sidaa awgeed qof walbow bixi waxaad hayso. 

Ibrahim Aden Shire
ishire86@gmail.com
https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/

Comments

Popular posts from this blog

Taariikh Nololeedkii Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf

  28/12/2023 waxaa geeriyooday sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf oo ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed marna ahaa hoggaamiyihii Imaaradii Gedo. Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf Aw Axmed Ismaciil Mubaarak sheekh Cabdiraxmaan sheekh Samantar,  waxaa uu ku dhashay qiyaastii 1938-kii, meel lagu magacaabo Buuro oo galbeedka uga beegan magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Sheekha waxaa uu ahaa Marreexaan, Cali Maxammed (Cali-dheere), reer Sheekh reer Mubaarak.  Sheekh Maxammed waxaa uu ku barbaaray guri aqoon iyo Diin. Sida aad ka arki kartaba abtirkiisa aabbihii iyo awooyaashii waxaa ay ahaayeen culimo. Sheekha Maxammed Allaha u naxariisto e (AUN),  waxaa uu Qur’aanka kariim ka ah dhammeeyay isaga oo aad u da’ yar. Intaa ka dib waxaa uu u jeestay barashada caqiidada, fiqhiga iyo Shaaficiga isaga oo kutubtaas ka qaatay aabbihii. Sidii uu dhaqanku ahaa, sheekh Maxammed  waxaa uu xiraystay sannadka markii uu ahaa 1956-kii ilaa 1961-kii  goortaas oo uu cilmi u raadsaday magaalooyinka Beledwayne,

Maxaa ka run ah warbixinnada foosha xun ee laga qoro Soomaalida Qurbaha?

Warbixin ka ay daabacday Boomerg oo looga hadlay waxtarka muhaajiriinta Maraykan  tago ayaa lagu sheegay in Kiinyaanku yihiin dadka saddexaad ee ugu shaqada iyo waxtarka badan soogalootiga Maraykanka. Gaana oo Afrika ah ayaa qaadatay kaalinta koowaad waxaan labo noqday Bulgeeriya oo Yurub ah. Waxaa sidoo kale toban hore soo galay dalalka Itoobiya oo afar gashay, Masar oo shan gashay, Nayjeeriya oo siddeed gashay iyo Laybeeriya oo sagaal gashay. Toban qowmiyadood ee ugu shaqada badan muhaajiriinta ku nool Maraykanka lix ayaa kasoo jeedda Afrika. Waxaan tobanka hore soo galin Soomaalida. Sidoo kale soomaalidu safka hore oogama jirto muhaajiriinta ugu aqoonta badan. Afrika Masar iyo Natjeeriya ayaa kaga jiro tobanka hore xagga aqoonta. Marka walba oo lasoo hadal qaado Soomaali waxaa lagu xariiriyaa, faqri, burcadnimo, aqoon la'aan, argagixisonimo iyo shaqo la'aan baahsan. Warbixin laga soo saaray waddamada Galbeed oo sawir quruxsan ka bixiso Soomaalida in la helo ma dhacd

Hal ku dhigga halaagga noo horseeday: "Xoolaha dad weynaha ayaa ganacsi loo baddalay"

Ilaa shalay waxaa baraha bulshada lagu faafinayay in isbitaalki Jaalle Siyaad ee dagmada Garbahaareey loo rogay meel ganacsi. Saaka warki asaga ahaa waxaa qoray qaar ka mid ah mareegyada warfaafinta ee Soomaalida. Dadka qoray warkaan qaar waxay isticmaaleen erayo adag sida 'dhiig miirato', 'furasho' iyo 'boob'.  Inkastoo aan la xariiray qaar ka mid ah dadka qoray farriimahaan aana isku dayay inaan si hoose xal ugu helo warkaan aan salka lahayn, haddana waxaa ii muuqato inuu dhawaqu meel fog gaaray hoos u hadlidna aysan ku filnayn. Sidaa darteed waxaan go'aansaday in si muuqato wax ooga dhaho warkaan oo aan ahayn kii ugu horreeyay ee noociisa ah.  Muxuu yahay Isbitaalka Jaalle siyaad? Jaalle Siyaad waa isbitaal weyn oo ku yaal Garbahaareey. Waxaa dhismihiisa bilowday dowladdii dhexe isagoo qaybo ah ayayna dhacday. dhowr iyo labaatan sano ayuu qabyadaas ahaa oo arigu u xaroon jiray. Waqti aan fogayn ayay gabdho qurbajoog ah isu xilqaameen inay

Contact Form

Name

Email *

Message *