Waxaan ahay qof aad u nasiib daran Waxaan
dhashay Kadib markii aan gacmeheena isaga tuurnay dawladii dhexe, waxaan ku
dhashay dhul aad u barwaaqo badan balse dadkiisii laga indha saabay, Wali
indhaha ma saarin dawlad uu dhulkeyga leeyahay. Waxaan ku hanaqaaday Intii ay soconayeen
digaalidii sokeeye, waxaan ifka imid umadii soomaliyeed oo Kala irdheysan,
Waxaan dadaal dheer ugalay inaan ogaada taariikhda dalkayga, Wax ma aqrin
aqoonin balse midaas igama aysan hor istaagin inaan dalkayga taariikhdiisa soo
helo. Waxaan Wareeystey dadka iga waawayn, waxaan mar waliba ka maqli jiray "Alla yaa dawladii dhexe noo soo
celiyo". Waan waydiiyay waxyaabaha ay ooga jeedaan ereyadaan ay mar
waliba ku taahaayaan Waxay iiga sheekeyeen Wax aan Maskaxdayda Marnaba ka dhaadhaci karin, Waxay iiga
sheekeeyeen Dad Aduunka Madaxiisa joogey maantana minja isku badalay.
Waxay igu dheheen: waxaan kamid ahaan jirnay dawladaha Afrika oogu
quwada badan waligeen quursi lama aanan kulmin Waxaan lahaan jirnay qab aad u
wayn ciddii isku dayda inay quwad nagu qabsado waxaan U meerin jirnay cashir ay
aad ooga qoomameeyaan, maantase maye! Waxaan kamid nahay dawladaha oogu liito
Caalamka, Qaran na mideeyo ma lihin, Dadka waxaa qalbigooda dhexdagay qabyaalad
qurun iyo qof jecleeysi , qof waliba waxaa uu rabaa qas iyo qalalaaso ka dhacday gobol hebel inay
dhagihiisa Maqlaan Markaasna uu ku diirsado, Dhabna uu u dhoolacadeeyo,
Waxay igu dheheen: Waxaan lahaan jirnay ciidanka oogu adag afrika waxay
Caan ku ahaayeen Geesiminmo Markii ay jaanta isla helaan cadawga dib ayuu u
guran jiray nin walibana Wuxuu sii raadsan jiray godki uu ku dhuuman lahaa,
Marki ay Isla helaan dhawaaqii lagu yaqaanay Cadawga wuu jarayn jiray, Waxay
ahaayeen rag naftood hurayaal ah, Dalka ayaa ooga qiima badnaa naftooda , Waxaa
ku jiray kumanaan lamid ah XALANE, waxay ahaayeen Ma soo jeestayaal aan baqin Geerida
ayay ka jeclaayeen inay Sheeda ka daawadaan dalkoodi oo gunimo ku jiro , Waxaan
lahayn ciidamo ilaaliyo baddeena, Xeebaheena iyo gunta baddeena midna si sharci
darra ah loogama kaluumaysan jirin.
Waxaaan leheen ciidamada cirka, Hawadeena
Anaga ayaa maamulam jirnay cid sharci darro u isticmaashana ma jiri Karin. Hadase
maye! Ciidankii Tilmaamahaas lahaa ma jiro, Way baabe'een, Waxaa badalay Rag
kale oo magaca ciidanimada u fahmay qori In la qaato laguna noolaado (FG: Marabo inaan ciidmada maanta joogo tilmaamo
xun ku sheego waayo Run ahaantii kuwi hore waxba kama badalnaa iyaguba dhib
ooma yaro)
Waxay igu dheheen waxaan lahaan jirnay warshada wax waliba noo soo
saaro,Waxaan leheen warshadii sokorta ee ku tiilay jawhar, waa warshadii1919-kii
ay shirkad talyaani ah noo asaastay , Wa warshadii nalaga siyay 50% Sanadkii
1960kii, Umada soomaliyeed baahida ay u qabtay sokorta waxaa dabooley
warshadaan Wax sokor ah dibada ugama aan Baahan jirin. Waxaan lahaan jirnay
warshadii cusbada ee xaafuun Cusbo dal shisheeya Noogama imaan jirin Anaga ayaa
isku filneeyn. Waxaan lahaan jirnay Warshada caanaha ee ku Tiilay magaalada
Mugdisho Waxay soo saari jirtay 10.000 litre oo caana ah maalintii. Waxaan
leheen warshadii kaluunka ee fadhigeedu ahaa Laasaqorey waxay soo saari jirtay In kabadan 5,000 tons
oo qasacadood oo Tuuno ah sannadkii. Waxaan sidoo kale lahaan jirnay warshadii
sokorta ee Mareerey, Mareerey waxay ku taal degmada Jilib gobolka Jubbada
dhexe, Waxaan lahaan jirnay inkabadan intaan Hadase maye! Hadii aan u baahano
Koob aan shaah ku cabno waxaan u doonanaa Dalal shisheeye.
Waxay igu dheheen: Da'yarta soomaliyeed waxay u dareeri jireen
waxbarasho Kuwa Aan awoodin inay dhiibaan qarashaadka Waxbarashada iyo kuwa
awoodayba waxaa halmar la wada qaadan jiray buug iyo qalin, Waxaa la furey
Dugsiya wax lagu barto Si lacag la'aan ah waxaa taakulayn jirtay dawladeenii
aan sida wayn u tabnay , Ardayda waxay wax ku baran jireen manhaj midaysan,
Gobollada dalka oo idil isku wax ayaa lagu baran jiray, Waxaa Naloo dhisay
jaamacadii la magacbaxday Jaamacadda
maddau soomaaliyeed Waxayna noo soo saartay aqoonyahana dhan waliba ka
dhamaystiran mid walibana uu takhusus muhiima haysto, Waxaa hal mar si iskumid
ah hal dhinac looga soo wada jeestey La dagaallanka jahliga. Waxaana tusaale
wanaagsan ugu filan Ololihii Horumarinta Reer Miyiga ee lagu cirib tirayey
jahliga oo uu ugu horreeyo wax qoris iyo aqrin la’aanta, taas oo ciribteeda la
mahdiyey.....Hadase maye !! Wixi ayaga ahaa ma jiraan Daryeelkii aqooneed
meesha wuu ka baxay, Aqoonyahanadi iyo macalimiinti waxay u hayaameen dalka
dibaddiisa, Jahligi ayaa awoodiisii soo ceshtay Aqoonti iyo waxbarashadiina
tirtiray oo baaba' iyo hoog ku idleeyey.
waxay igu dheheen: Dadka soomaaliyeed waxay aaminsanaan jireen Waxa la
yiraahdo midnimo, wada dhalasho Ayaa si wayn ooga dhaadhacsaneyd, waxa lagu
abtirsan jiray Hal qabiil oo layirahdo "SOOMAALIWAYN" Ninka koonfur
ka hayaamo Hadii uu gabalka oogu dhaco Waqooyi halkaa ayuu ku gashiimi jiray
sidi asagoo gurigiisa joogo ayaa loola dhaqmi jiray Galkacayl,Walaaltimo,iyo
gobonimo ayaa lagu soo dhawayn jiray,.....Hadase maye Jacaylkii Waxaa badalay
nacayb, Dadki sokeeyaha ahaa waxay isku badaleen shisheeye; Hadii aad gurigaaga
ka baxdo ma jirto meel aad naftaada ku aamini karto, Magicii soomaliwayn waxaa
badalay qabyaalad; Dadkii Waxay isku noqdeen dhurwaa ayaga dhexdooda ayaa is
cunaayo Mid waliba walaalkiii ayuu Cadow u soo adeegsaday
Waxay igu dheheen: Waxaan ku naaloon jirnay amni xasilooni Wax layirahdo
cabsi ama baqdin ma jirin ; Madaxweynaha markuu u safraayo baydhabo wuxuu ku
aadi jiray baabuur, Ciidan shisheeye ma
daba socon jirin, Wax laga baqo waqtigaas ma jirin, Isbaaaro Iyo jodgooyo lama
aqoon, Qarax lagama baqi jirin,.....Hada se Ma jirto xasilooni iyo amni
midna, Madax warkeeda iska daa
aqoonyahanka Jid kuma uu safri karo suxufi iyo waxgaradka bulshada magaalada
xasilooni kuma dhex mari karaan,
xaragadi aan Meel waliba ku mari jirnay Maanta ma jirto, Maalin waliba waxaa dhagahaaga kusoo dhacaayo Hebel
ayaa Lagu dilay Meel heblo, Madax jibis ayaa Toogtey Saxafi hebel , Arday Ayaa
xafladii qalin jibintooda lagu qarxiyay, Hooyo ayaa lagu xoogey Meel hebel,
IWM.
waxay igu dheheen :Waxaan lahaan jirnay madax Aduunka magac iyo sharaf
wayn ku leh, Madax Maamuus iyo milga leh, Waxaa loo Aqoonsanaa libaaxyadii
africa, Cidi kuma amar taaglayn jirin, Cid u goodin kartaana ma jirin, Waxay
ahaayeen Madax dalkooda ayaga u taliyo reer galbeed iyo shisheeye Fikirkooda
kuma aysan shaqayn jirin, Wadan jacaylka ayaa wax waliba ooga qaalisanaa, Lacag
walibo oo loo sheega way ku fara adkaayeen ilaalinta kheyraadka dalka, Ciidama
shisheeye kuma aysan faani jirin Oo waxay dhisteen ciidan soomaaliyeed oo
rumaysnaa dalkooda iyo dadkooda, Waxay ahaayeen madax xushmo qadarin iyo kala
danbayn ku shaqeeyo, ma jirin madaxweyne iyo reysulwasaara isku dhagdhago,
waxaa ay meel iska dhigeen qabyaalad iyo qolo jecleeysi.....Hadase Maye!!!
Waxaa badalay Madax aan Naftooda u qirsanayn inay aduunka qiimo ku yeelan
karaan, Kama dhaadhacsano inay Aduunka la tartami karaan, Waxay ku shaqeeyaan
fikir shisheeye, Waxay ku guuleysan la'yihiin inay ka maarmaan dawlada lamid
ah, Waxay Dakhligi dalka soo gali lahaa ku beerdareeyeen Ciidamo shisheeye oo
aan Dalka wax Faaiida ah u haynin, Waxay Dhaqan ka dhigteen is qabqabsi
siyaasadeed, Wadanki ayeey lacag siisteen, Baddi wayneed ayeey gateen, Hadana
waxay xaraashi rabaan wadanki oo idil, Aduunka Oo idil wuxuu u tartamayaa
kheyraadka dalkeena ka buuxo ayaguse Ma ku baraarugsano, Midki lacag badan u
balanqaado ayeey xagiisa u bataan.
Waxay igu dheheen: Baasaboorkeena wuxuu kamid ahaa baasaboorada oogu
xooga badan Guud ahaan qaarada africa, Dal waliba ayaan ku gali jirnay, Wuxuu
lahaa qiimo aad u sareeya wuxuu ka soo dhex muuqan jiray Baasaboorada
caalamka......Haddase maye Baasaboorkeena dawladaha Aqoonsan waa fara ku tiris
waa dawlada aan aad u badneen, Danta waxay nagu kaliftay inaan dalkeena inkirno
oo aan baasaboor shisheeyo qaadano, Dadki soomaaliyeed Waxay daadsanyihiin
dunida dacaladeeda oo ku dayacanyihiin waxay ku jiraan qoxooti, Somaliyadai
qoxootiyada marti galin jirtay maanta waxay isku badashay in ayada qoxootigeeda
lala daalaa dhaco.
waxay igu dheheen : Waxaan ahaan jirnay dad mideysan, Dad rumaysan
Jiritaanka "SOOMAALIWEYN" Waxaan ka koobneen Gobolo badan gobol
waliba wuxuu kaabi jiray gobolka kale xag dhaqaale xag caafimaad xag waxbarasho
xag daaqsin iyo Waliba Xag Ilaalin, Gobol kamid ah gobolada dalka hadii ay
dhibaata ka dhacdo midka kale ayaa u gargaari jiray garabna siin jiray, Nin
waliba wuxuu naftiisa u huri jiray Dhul walba oo soomaliya ka tirsan Uma aysan
kala soocneen gobolkaana i xigo iyo midkaa baa ree hebel dagaa kamana dhaadhici
karin ........ Hadde se Maye. Soomaliwayn waa lakala qaybiyay Gobol waliba waxaa galadaal laga
raacshay "LAND" Gobol waliba waxaa loo dhiibay Calalo iyo maryo
midibo aan la fahmayn lagu xardhay laguna yiri waa calankiini, Waxaa la dhex
dhigay xuduudo, Gobol gobol ugudbi karo majiro, Hadii gobol gobol la daris ah
dhibaato ku dhacdo wuu ku maadaystaa Oo uu ku farxa dhibaatadiisa, Raxmadi ayaa
hal mar laga siibay Cid cidi u turaysaa ma jirto "SOOMALI BAAN AHAY"
Marki aad tirahdo waa lagula yaabi doqon aan waxba garanayn ayaa laguu arki.
Waxay igu dheheen dalkeena maalinbo maalinka xigo waxaa ku sii
kordhaayey bilic iyo qurux, Wadooyinka waxaa la saaray Laamiyo, Dadka danyarta
ah waxa loo dhisay guryo ay ku hoydaan, Agoonta waxay lahaan jireen guryo Ay
bilicdooda heer-sare tahay, Waxaa La dhisay Dekado Lamid ah kuwa caalamka ka dhisan,
Waxaa Si qurux badan loo dhisay Gegida ay dayuuradaha kusoo dagaan, Waxaa Dalka
laga hergilayay mashruucyo wax soo saar leh, Waxaa kamid ahaa beeraha, Umada
soomaliyeed oo idil baagamuudo ma aysan aqoon, Qof waliba Markii uu ooga
dilaaco ayuu shaqo Aadi jiray. Hadase Maye Wadanki maalinba malinka xigo Waxaa
ku sii fido burbur, Dawladii xarumeheedi waa la boobey oo dad ayaa xoog ku
dagan, Madaxtooyadi bilicdi ay lahaan jidhay malahan, Shacabki soomaaliyeed
waxaa saameeysey baagamuudo, Ardayga somaaliyeed marka uu jaamacada dhameeyo
Waxu isku diyaariyaa tahriib waayo sbaqo ma heleyo.
Waxay igu dheheen: Waxaan leheen
dhaqan Aan ku faano, Dhaqan aan kaga sareeyno Dalalka asaageena ah, Wax walibo
waxaa ka muhiimsanaan jiray dhaqankeena, Luuqadeena waxay ahaan jirtay luuqada
1aad ee dalka, Xafiisyada dawlada waxay Wax ku qori jireen Af-soomaliga, Waxaan
lahaan jirnay akaademiyad u xilsaaran hor marinta Luuqadeena hooyo, Buugaagta
wax laga barto waxay ku qornaayeen Af-soomaali. Hadase Maye! Dhaqnki waa la
tuurey, Waxaan Dhaqankeenii ka door bidnay dhaqan shisheeye, Waxaan Qiimo
tirnay luuqadeeni, Af-somaligi wuxuu Isku badalay Luuqad aan diiwaan
gashaneeyn.
Aniga Waan yaabanahay, ma dhab baa mise way i dhuminayaan? Umadii
soomaliyeed ee maqaamkees taagneed maxaa hoos u riday? Haduuse alle xukumay
maxay ooga soo kaban la'dahay? Dadka soomaliyeed qalbiga way kawada ooyayaan
laakiin Afkooda inay midnimo soo mariyaan way iskala xushoonayaan Maxaa keeney
xishoodkaas?
Dhalinyaradii hore way fakiri jirtay, Waxay
qayb libaax leh ka qaadan jireen horumarinta dalka, Waxay Qayb mug leh ka
qaateen xoriyadeenii, Maxaa ku dhacay dhalinyarada maanta? Ma qabiil ayaa kala
waynaaday Wadankoodii iyo dhulkoodii? Aduunka Ma jiro wadan la guumaysto 2017
Laakiin wadankeena guumaysi ayuu ku jiraa, Waxaa na guumaysto dawlada aan anaga
xoriyadeedii u soo dhicinay, Dalkayaga wax difaaco ma la waayay?
Dadkayga wax u gargaaro ma la waayay? Goormaa laga bixi dowlad heblaa wadato, dowlad heblaa soo dirtay, dowlad heblaa taageerto? Goormaa istaagi dhiigga dadkayga ee bilaashka u dadaadanayo? goormaa la heli dad madax bannaan oo danahooda, midda dadkooda iyo midda dalkooda ka hormariyo midda dalalka shisheeye?
W/Q: Abdulahi mohamed yusuf Cigaal
abdallelihle@gmail.com
Comments
Post a Comment