Skip to main content

Xagee Laga leeyahay Shirkadaha ugu Waaweyn ee Hubka Sameeyo?

                                                 


Waxaan maqalnaa in badan dowlad hebla oo intaas oo bilyan hub kaga iibsanayso dowlad heblo, waxaan aragnaa ama maqalnaa boqolaal qof oo maalin walba u dhinto isticmaalka hub, sidoo kale waxaan maqalnaa dowlado badan oo sheeganayo inay aduunka nabad la rabaan, hadafkooda ugu danbeeyana yahay in la helo dadka adduunka ku nool oo si nabad ah isu garab dagan.

Inta badan hadalada nabad-doonnimada ah waxaan ka maqalnaa dowlaha ugu badan oo aan maqalno iyagoo hub iibinayo ama soo iibsanayo. Sanadkaan dhexdiisa ayay ahayd marki aan arkaynay Sacuudiga oo shirkad Maraykan ah 15 bilyan oo doolar kaga iibsanayo nidaamka difaaca ee loo yaqaan THAAT. Hadaba si aan u fahanno in adduunka nabad lala doonayo iyo in kale waa inaan eegnaa cidda hubka soo saarto iyo faaiidada ay ku qabaan. Hoos ka akhri tobanka shirkadood ee ugu horayso aduunka xagga hub samaynta.

1:  Lockheed Martin (Maraykan). Shirakadaan waxay ku taal gobalka Maryland ee Maraykanka. Waxay u samaysaa diyaaradaha dagaalka, radeerada, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo waliba qaybo ka mid ah dayax-gacameedyada ciidamada Maraykanka iyo kuwa dalalka kale ee lacagta haysto. Waxaa ugu caansan waxa ay samayso miiga F-16 iyo diyaaradda xamuulka ee Hercules. Shirkadaan sanadki 2015ki waxay iibisay hub qiimihiisu ahaa 36 bilyan oo doolar, waxayna faaiido heshay 3.6 bilyan. Shirkadaan ayaa lagu qiimeeyay inay joogto 91 bilyan oo doolar.

2: Boeing (Maraykan). Shirakadaan iyaduna waxaa leh Maraykan. Waxay caan ku tahay soo saaridda diyaaradaha waaweyn ee rakaabka. Balse sidoo kale waxay samaysaa hub culus, 29% ayuu hubku ka yahay ganacsigeeda guud. Hubka ay samayso waxaa ka mid ah miigaga F-15, F-18 iyo F-22. 2015ki waxay samaysay hub qiimihiisu dhanyahay 28 bilyan oo doolar waxayna faaiido ka heshay 5.2 bilyan


 3: BAE Systems (Ingiriis). Shirakadaan waxaa laga leeyahay Ingriiska waxaana ka shaqeeyo dad gaarayo 82 kunoo qof. Waxay soo saartaa agab militari oo ay ka mid yihiin diyaaradaha sida ba’an wax u duqeeya ee loo yaqaan Tornado, taankiyada Challenger iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn. 2015ki waxay iibisay hub qiimihiisu ahaa 26 bilyan doolar.

4: Raytheon (Maraykan). Tanina waa Maraykan waxayna si gooni u soo saartaa gantaalada cul-culus, nidaamyada ay ku shaqeeyaan diyaaradaha iyo maraakiibta dagaalka. 2015ki waxay iibisay hub qiimihiisu ahaa 22 bilyan oo doolar.

5: Northrop Grumman (Maraykan). Waxaa saldhig u ah gobalka Farjiiniya waxayna soo saartaa diyaaradaha dagaalka, kuwa aan duuliyaha lahayn, raadeerada iyo qaybaha diyaaradaha (aircraft components). 2015ki waxay iibisay hub qiimihiisu ahaa 20 bilyan oo doolar.

6: General Dynamics (Maraykan). Iyaduna waxay dagantahay Farjiiniya waana shirkadda samayso taangiyada ugu muhiimsan ee ay isticmaalaan ciidamada Maraykanka. 2015ki waxay iibisay hub gaarayo 19 bilyan oo doolar.

7: Airbus Group (Yurub). Shirkadaan waxay dhaxaysaa midowga Yurub waxayna caan ku tahay samaynta diyaaradaha rakaabka. Balse hubka ayaa u dhigmo 18% ganacsigeeda guud. 2015ki waxay iibisay hub dhan 12.9 bilyan oo doolar.

8: United Technologies (Maraykan). Waxay ku taal gobalka Connecticut ee Maraykanka hubkuna waxaa uu u ka yahay ganacsigeeda guud 16%. Waa shirkadda soo saarto diyaaradaha quumaatiga u kaco ee Black Hawk kuwasoo aan aad u naqaan. 2015ki waxay iibisay 9.6 bilyan doolar hub gaarayo.

9: Leonardo/Finmeccanica (Talyaani). Shirkadaan waxay soo saartaa qaybaha diyaaradaha dagaalka, nidaamyada hubka (weapon systems), diyaaradaha qumaatiga u kaco iyo gawaarida gaashaaman.  2015ki waxay iibisay hub qiimihiisu dhanyahay 9.3 bilyan doolar.

10: L-3 Technologies (Maraykan). Shirakadaan oo dagan magaalada New York ayaa soo saarto qalabka wax lagu jaajuuso (surveillance systems), kan isgaarsiinta malitariga iyo nidaamyada koontaroolo hubka ciidamada. Waxay iibisay 2015ki hub qiimihiisu dhanyahay 8.8 bilyan oo doolar.


Waxaa noo muuqato in 7 ka mid ah tobanka shirkadood ee iib-geeyo hubka ugu badan addunka laga leeyahay  Maraykanka. Sadexda soo hartayna laga leeyahay galbeedka Yurub. Hubkaan intiisa badan waxaa loo iib-geeyaa dibadda.

Haddii adduunku nabad noqdo oo meel uu dagaal ka socdo la waayo ama aad ay u yaraadaan dagaalada dhacayo maxay qaban doonaan shirkadahaan iyo dadka ka shaqeeyo,  dhaawac intee la eg ayaase soo gaari karo dhaqaalaha waddamada laga leeyahay shirkadahaan?


Ibrahim Aden Shire
https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/




Comments

Popular posts from this blog

Gorfeyn: Buugga Adkaysi ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur

  Adkaysi waa buug cusub oo soo suuqa imaanaya kowda Disember 2024. Waxaan nasiib u yeeshay in aan ka mid noqdo dhowrkii qof ee ugu horreysay ee buugga la siiyo inta uusan suuqa imaan. Fiidnamdii Isniinta taariikhdu ahayd 18/11/2024 ayuu xildhibaan Cabdiraxmaan i guddoonsiiyay buugga goor aan ugu tagay gurigiisa Muqdisho. Fiidnamdii talaadada oo aan Ingiriiska safar u soo ahaa ayaan ku billaabay akhriska. Wehel waddada ila mara ayuu ii noqday. Qormadaan gaaban waxaan uga faalloon doonaa buugga.  Adkaysi oo 318 bog ah waxaa qorey xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Tafatirka iyo quraaradyntu (typesetting) waa heersare (laba meelood ayaan ka arkay wax aan is iri quraaradaynta ayaa geftay).  Waa buug xogwarran ah, xambaarsan taariikh, wacyigelin, waxbarid iyo waana-qaadasho. Waxaa uu si gaar ah u abbaarayaa waayihii Cabdiraxmaan, dhalashadiisii, korriinkiisii, waxbarashadiisii, shaqooyinkiisii ilaa siyaasadda oo uu hadda ku jiro. Sida ka muuqata ciwaankaba qoruhu b...

Maxaa ka run ah warbixinnada foosha xun ee laga qoro Soomaalida Qurbaha?

Warbixin ka ay daabacday Boomerg oo looga hadlay waxtarka muhaajiriinta Maraykan  tago ayaa lagu sheegay in Kiinyaanku yihiin dadka saddexaad ee ugu shaqada iyo waxtarka badan soogalootiga Maraykanka. Gaana oo Afrika ah ayaa qaadatay kaalinta koowaad waxaan labo noqday Bulgeeriya oo Yurub ah. Waxaa sidoo kale toban hore soo galay dalalka Itoobiya oo afar gashay, Masar oo shan gashay, Nayjeeriya oo siddeed gashay iyo Laybeeriya oo sagaal gashay. Toban qowmiyadood ee ugu shaqada badan muhaajiriinta ku nool Maraykanka lix ayaa kasoo jeedda Afrika. Waxaan tobanka hore soo galin Soomaalida. Sidoo kale soomaalidu safka hore oogama jirto muhaajiriinta ugu aqoonta badan. Afrika Masar iyo Natjeeriya ayaa kaga jiro tobanka hore xagga aqoonta. Marka walba oo lasoo hadal qaado Soomaali waxaa lagu xariiriyaa, faqri, burcadnimo, aqoon la'aan, argagixisonimo iyo shaqo la'aan baahsan. Warbixin laga soo saaray waddamada Galbeed oo sawir quruxsan ka bixiso Soomaalida in la helo ma dhac...

Hal ku dhigga halaagga noo horseeday: "Xoolaha dad weynaha ayaa ganacsi loo baddalay"

Ilaa shalay waxaa baraha bulshada lagu faafinayay in isbitaalki Jaalle Siyaad ee dagmada Garbahaareey loo rogay meel ganacsi. Saaka warki asaga ahaa waxaa qoray qaar ka mid ah mareegyada warfaafinta ee Soomaalida. Dadka qoray warkaan qaar waxay isticmaaleen erayo adag sida 'dhiig miirato', 'furasho' iyo 'boob'.  Inkastoo aan la xariiray qaar ka mid ah dadka qoray farriimahaan aana isku dayay inaan si hoose xal ugu helo warkaan aan salka lahayn, haddana waxaa ii muuqato inuu dhawaqu meel fog gaaray hoos u hadlidna aysan ku filnayn. Sidaa darteed waxaan go'aansaday in si muuqato wax ooga dhaho warkaan oo aan ahayn kii ugu horreeyay ee noociisa ah.  Muxuu yahay Isbitaalka Jaalle siyaad? Jaalle Siyaad waa isbitaal weyn oo ku yaal Garbahaareey. Waxaa dhismihiisa bilowday dowladdii dhexe isagoo qaybo ah ayayna dhacday. dhowr iyo labaatan sano ayuu qabyadaas ahaa oo arigu u xaroon jiray. Waqti aan fogayn ayay gabdho qurbajoog ah isu xilqaameen inay...

Contact Form

Name

Email *

Message *