Skip to main content

"Dareenkayga markaan arko calankayga oo la qaybshay".



Waxaan kamid ahay dhalinyaradii dhalatay burburkii kadib, ma arkin nidaam dawladeed iyo hannaan qaran, balse waxaan la koowsaday bur bur iyo qax, markaan caqli yeeshay waxay ila ahayd xaaladda aan kujiro in  ay tahay xaalad caadì ah, waxaan xasuustaa hooyo iyo aabe markaan wada sheekaysanno in ay ka sheekeeyaan xilliyadii dawladda iyo noloshii wacnayd, waxaan oran jiray mararka qaar dawladdaas yaa noo soo celiyo, dugsigii qur'aanka kadib waxaan billaabay waxbarshadydii asaasiga ahayd, maaddooyinka waxaan ugu jeclaa maaddada af- Soomaaliga, waayo waxaa kujiray gabayo iyo sheekooyin aad u xiiso badan, waxaa jacayalkeeda igusii kordhiyay markaan taaganahay safafka daabuurka, waxaa nagula barbaariyay in aynu qaadno subax waliba astaanta qaranka iyo calanka, macallimiintana waxy nagu siin jirayn abaal marin kooxdii u cod qurxanaanta.

Xilliyadii waxbarsahada asaasiga ahayd iyo dugsiga qur’aanka waxaan arki jiray dadka oo aad u dhagaysta idaacadda BBC-da, balse nasiib darro waxaa soo yeeri jiary magaalo hebel waxaa ka dhacay dagaallo iyo abaar, dadka badankooda waxay u dhagaysan jirayn in ay xaaldda dunida lasocdaan maadadama aysan jirin tiknoolijiyaddan casriga ah manta, dhagahayga waxaa ku soo laalabanayay xilligii dawladda waxaan majirin, mar walbo waxaan ciil u qabay in aan arko dawaladaas iyo nidaamkeedii, arrinta  koobaad oo mar walbo dhibaatada ku ahaa dadka ayaa ahayd amni la’aanta iyo dagaallada sokeeye ee qabaailka loo kala safnaa waqtigaas.
Waxaan aad u jeclaaday in aan dhagysto ama aqristo taariikhihii dadkii u soo halgamay dalka iyo nidaamkii dawladeed, markaan aqriyo waxaa qalbigayga ka guuxayay goormaad arki doontaa dawladdaas haseyeeshee waxaan naftayda ku qancin jiray waa lagaari doonaa.
Dhibka iyo rafaadka aan idaacadaha sheegaan shaqsiyan iima soo gaarin xilliyadaas, balse waxaan la murugoon jiray dhibaataynta intaas la eg iyo dadka waxa ay isku haystaan.
Safarkaygii igu horreyasy ayaan u soo hayaamay caasimadda dalka Mogadishu, inta aan ka soo bixin goobtii aan ku dhasahay waxaan Lahaa waxaad soo arki doontaa caasimaddi iyo meelo badn oo dadka iiga sheekayn jirayn, sawirro iyo farriimo badn ayaan u dirayay maskaxdayda, geeddi socdkii safarkayga waxaan ku soo safry baabuur, dadka baabuurka aan wada saarnahy waxaa kamuuqatay murugo, qaar waxay af-ka kuhayeen Bissinka iyo yaasiinka, markaan arkay shucuurta dadka waxaa igu dhashay naxdin iyo argagax, aniga madareemaynin markii hore wax baqdin ah waayo waxaaa ii muuqday taariikh kale iyo sawirraan badan oo aan leeyahay waxaad soo arki doontaa goobo badan oo ka mid ahaa dalkaada, intii aan kuguda jiray safarkayga waxaan la kulmay waxyaabo badn oo aan idaacadaha ka maqli jiray, dhibaatooyin aan ku xusi Karin halkaan, balse aan qalbigayga ka dareemay ka hor qoraalkaygaan.

Ugu damabayn waan nabad tagnay, sawiraantii aan haystay iyo muuqaalkii ma ahan muuqaalka, dhismayaasha magaalada ma qurxanayan, dadka waxay ku sugnaayeen duruufo adag.
Waxaan xasuustaa in ay magaalada xabbado aan la garanayanin meelay ka imaanayaan ay dadka ku dhimanayaan, habeenkii aan wax isu socod ah jirin, waxaan dib u xasuustay taariikhdii markaas ayaan dareemay cabsi iyo niyad jab wayn. Waqti yar kadib waxaan ku laabtay goobtaydii aan kasoo hayaamay, anigoo xambaarsan cashir aan horey u aqoon.

Waxaan ku taamayay in aan arko dadkayga oo wax cabsi ah ama dareen xumo kujirin, sheekooyinkii wacnaa iyo hannaankii dawladeed aya waxay ii noqdeen in aan ku mashquuliyo naftayda, waxaan u ducayn jiray dadkii qoroyaasha ahaa iyo kuwii xambaarsanaa oo noo xafiday taariikhda.

Aragtidaydii riyadii shacbkayga iyo sheekooyinkoodii.

Fadiga alle s.w iyo dadaal dheeraad ah oo ay bixiyeen waxaan ka mid noqday ardaydii deeq waxarsho ka heshay dalka Suuriya, waxay ii ahayd xasuus fiican, waxaan imid magaalada Mogadishu, waxay ku jirtay xaald adag oo qof walbo maqribka meesha uu ugu dhaco iska seexdo, mararka qaaar aad maqlayso hoobiyaaal iska dhacayo iyo dadka oo khaatumo suuban Rabbi ka dalabanayo, waxay igu abuurtay murugo labaad oo aan qalbiyan dareemay.

Waxaan ka duulnay magalada Mogadishu, waxaan ku hakannay in muddo ah Dubai, waxaan waayay qof aan isku luuqad nahy,  waxaa meel dheer iiga muuqday qof Soomaali ah, markaas ayaan iri qof Soomali ah yaa soo socdo isagaa ina caawin bal sug, wuu noo yimid aadbaana u farxanay, xaal iswaydiin kadib  Su’aashii ugu horreysay ee uu ina waydiiyay ayaa ahayd diyaaradde Soo raacdeen?.
Hal mar ayaan ku jawaabnay anagoo farxasan diyaar xxxx, isagoon nala hadlin jawaab fiicanna na siin  ayuu naga tagay, runtii waan yaabnay wax dareen ahna Nama gelin, balse dareenkeenni iyo rabitaankeenni ma uusan ka jawaabin, si kaste ha ahaatee, waan iska baxnay hawshanadiina way noo hagaagtay.

Aniga waxaa igu taaganayd sababta uu qofka Soomaaliga ah uga tagay dad walaalihiis ah oo caawin u baahnaa,  isla markaas jawaabta waan heli waayay ilaa aan ka waydiiyay dad waawayn, jawaabta la isiiyay ayaa ahayd qofkaas wuxuu rabay in aad diyaard yyyyy soo raacdaan waayo maslaxddiisa iyo shaahiisa ayaa ugu jirtay, jawaabtii waxay igu noqotay fajac iyo dhafogaarsi, waxaa markiibo ii soo baxday sababta burburka noo hareeyay in ay qayb ka tahay in maslaxadda gaar ahaaneed ay kala waynatahy qofka Soomaaliyeed tan guud.

 Intii aan ku jiray garoonka waxaa indhahyga qabanayeen dad badan oo qofba meel u socdo, hadana aan wax cabsi iyo kala orod ah jirin, waxaan xasuustay dareenka dadkeennii ee ku dheehnaa cabsida iyo tasbiixda, halkaas markay maryso waxaa iisoo caraftay dareenkii iyo riyadii dawladnimo billowgeedii, Dhaka kale waxaaan ku tamaniyay yaa dareenkaan hal saacba ha noqotee shacnkeennii dareensiiyo, si ay wax uga faa’iidaan.  Safar dheer kadib waxaan nabad tagnay goobtii aan u maqsuudnnay, isla garoonkii waxaan ku arkay nidaamka iyo kala damabaynta dadka, qof walbo wuxuu wataa hawshiisa, albaab waliban askari si fiican u labissan ayaa taagan in aad salaanto ay kaa qabanayso soo dhaweyntiisa iyo ixtiraamkiisa awgiis.

Fadli Eebbe waxaan noqonnay arday u soo hoyatay gurigii hooyadood oo kale, waxaa noo billowday nolol fiican, waxaan dareennay dawladdii iyo riyaddii awooweeyaasheen iyo aabyasheen nooga sheekeenayeen, cabsidii iyo argagixii ma jiraan, bilooyin kadib waxaa  ku soo laabnayso jawwi  nabadeed, laakiin nasiib darro faraxddaan aad farxsantahay ma ahan dalkaadii, ma jiro qof kula wadaagayo, markaad argato goob qurxoon ood sawir ku galayso ma ahan waddankaadii hooyo, wax walbo oo qurxoon markaad u barbardhigto noloshii dhulkaado hooyo waxay isku badlayaan isla daqiiqad gudaheed xaald kale, waxaad  billaabaysaa fikir cusub, muhiim ma ahan in aad adiga kaligaa aad ku noolaaato nolo fiican, waxa muhiim ah dadkaadii iyo dalkaaga in aad kula noolaatoo farxddaas iyo nabaddaas, intii aan joogay dalkaas waxaa ii dhadhantay macnaha saxda ah ee dawladnimo, waxaan la socon jiray xaaldda dalka iyo hormarkiisa, runtii ma ahayn dalka xilliyadii dambe sidii hore mar walabana xaald iyo duruufo adag ayuu ka gudbayay, waxaa soo muuqaty rajooyin, waxan isha ku hayn jiray hormarka iyo nabdda oo markaas qabsaday baraha bulshada.

Burburkkii dal-ka suuriya maxay I bartay?

Ma ogid qadrta rabbi iyo qalinka meesha uu kudhacyo, maanta waad faraxsantahy berritana waad murugsantahay, shalay nabad iyo amni ayaad ku noolayd berritana dagaal, imtixaan iyo dhibaato ayaad la kulmaysaa, maanta waxaad tahay qof hantiila ah berritana waxaad arkaysaa maalkaadii badnaa ood waysanatahy waxaad biyo uga cabto, waa suunnada Rabbi (s.w) uu qur’aaanka kariimka ah inoogu caddeeyay, ALLE s.w wuxuu yiri (كل يوم هو في شأن).

Muddo dheer oo aan nabad ku joogay dalkaas waxaa dhacay dagaalkii iyo burburki, waxaan markiibo xasuustay markaan arakay xaaladda meesha ay gaartay dhulkaygii hooyo, waxaase iiga duwanaa ma arkin dhulkaygii oo nabad ah oo haddana  aan goob joog u ahaa burburkiisii, ma arkin goobihii qaranka oo la duduminayo, mana arkin goobihii waxbarasho oo laga kala cararayo, mana arkin shacabkii is jeclaa oo salaanata isla dhaafayo, ma arkin habeenkii oo la xaroonayo waqti hore, dhammaan hal mar ayaa waxaa isbedalay noloshii iyo maamlihii wacnaa, waxaa I soo waajahday murugo ka badan tii dalkayga igu haysay, waayo dalkaygii waxaan awoodi karay in aan meelaan doono kabaxo, waxaan ku dhex noolaa dad aan isku haybad nahay, oo aan kala garanayao cadawga iyo saaxiibka, waxaa masuuliyad iyo culays kale aan saarnay dadkii masuulka naga ahaa , oo aan mararka qaar qoysaskoodii u bixi Karin iyagoo anmaga na dhawryo, arrintaas oo iyadana I xasuusisay dhacdadii aan ku arkay Dubai iyo sida dadkaan aan isku dalka ahayn ay dantooda iyo danta qoyskooda nooga hormariyeen,  khayr iyo ixsaan rabbi ha ku jazeeyee.

Haddabo burburkaan waxaan ka baraty cutub aad u ballaraan oo nolshayda meel wayn uga qoray, waxaan kabartay in ay kala duwantahy marka aad ku noolayd nabad iyo amni oo aad la koowsato burbur iyo dagaal sida qalbigaad noqonayo, waxay ibartay isjeclanashaha iyo kala dambynta waxaa hoggaan u ah dawladnimo iyi midnimo, waxay ibaratay in burburka uusan kala garnaynin qof hantiile ah iyo faqiirba, mid waliba uu culayskisa saamaynayo, waxy ibartay in nabaddu ay tahay tiirka hormarka iyo jiritaanka dalka iyo dadka, waxay I bartay in muddo yar haddi la noolaado nabd la’aan ay adagthay in waqti yar lagu soo celiyo, waxay ibartay in shacabkaadii ay marti ku noqonayaan bulsho kale mar walabana ay suurta gal tahay wixii dooni in laga yeesho, waxay I bartay in aan uga duwanahay dadka kale in aana hayn dal bur bursan oo xittaa iyagoo bur burayo ay na ixtiraami jireen, noolana dhaqmi jirteen si ka duwan ajaanibta kale ee ku nool dalka, waxay ibartay in ay in badan dhagahaygii ku dhici jirreen ducada Soomaaliya oo ay ku liifaaqeen dalkoodii oo runtii murugo kale igu dhalisay, balse aay hayd Sunnada rabbi s.w, Bur-burka dal-ka  waa bur-burka qalbiga qofka u dhashay iyo Kan an u dhalan-bo”

Waa oraah igu soo dhacaday qalbigana aan ku qortay kadib markaan arkay sida ay ahayd xaaladda marka uu dal-ka nabadda ahaa iyo mar-ka uu bur-buray.
Samir badan ka dib dalka wuxuu sii galay marxalado adag, waxaa billoday awoodo shisheeya in ay ku loolamaan, halkaas markay marayso ayaa ardaydii aan isku qalinka ahayn waxaa u yimid dadkii ka masuulka ahaa, waxaana loo dalbaday diyaardo ka qaado goobta, ardayda waxaan uga duwanayn majirin cabsi aan kabaqyno gugaca rasaasta iyo duqaymaha diyaardaha, waayao waxaan ku soo noolayn waddan haddii aadan maanta maqlin gugac rasaaseed berrito aad maqlayso.

Ugu damabayn waxaa ku soo haray goobta arday yar, barayaashii ayaa dhawr jeer nawaydiiyay dawladiinna soo idinma imaanayso, waxaan muujinayanay rajjo waxaana oranaynay haa way imanaysaa, niyaddase kumaanan haynin, waxaa jirtay safaarad, subax ayaa ku jarmaadnay, arintana u bandhignay meesha ay marayaso, balse wax jawaab ah aan kawaynay, maalmo kadib ayay na dhaheen wax dawlad ah oo jawaab ka sugayno ma haynno ee adinka is maareeya.

Hadalkii safaarrdaa ka soo yeeray waxay nagu sii dhalisay arrin xanuunkeeda wadatay, markaad argto saaxiibadaa oo kusii sagoontinayo maalinba iyagoo loo soo gurmaday, adigana aad tahay rajjo ku nool, adigoo difaacyo dawaladaada markii lagu waydiiyana aad oranayso dawladda way noo maqantahay, balse aanan jirin qof ku tirsanyo xitaa illintana aaad hoos isaga tirayso, markaas ayaad hadana xasuusanaysaa macanaha dawaldnimo iyo midnimo, iyo sida aan wali isku haysanno.
Ugu damabyn waxaan ka soo baxnay dalkii waxaana nimid dhulkeenni hooyo, waxan dareemaynay farxda maadaama uu Alle s.w naga soo badbaadshay dhibaatadii  haddan aan usoconno dhulkeennii hooyo, waxaan xasuustaa markii aan soo caga dhigannay in aan aad ugu farxasanayn aragtida shacbkeenna iyo dhulkeenna, haddabo maxaa is badelay saacad gudaheed?.

Markaan usoo baxnay bannaanka ayaa waxaa lakulannay kala carar iyo labo ciidan oo kal safan, mar labaad waxaa ii billowday bog cusub oo murugo ah, waxan joogay in muddo ah oo aan arday ku ahaa, wax badan waa isbadaleen balse sidii aan dawladnimo ku soo arkay Kama aanan helin.
Mar walabana waxaan isku qanacsiinayay mar hadda ciiddaaddii iyo shacabkaadii aad dhibaatada iyo murugada la wadaagayso wax kaa maqan malahan ee ducada iyo wardiga u qabo.

Haddabo munaasabadda calanka ee 12 October ee ku beegan Maanta haddii loo dhiibi lahaa calankeenna qalin si uu wax uga qora taariikhdiisa iyo meesha uu joogo, waxaan hubaa in warqadahaas ay buux dhaafin lahaayeen waddooyinka iyadoo ku dheehantahay illin iyo iyo dardaaran.

Rajaddii shacabka ma dhiman.

Burbur iyo dhibaato badan kadib shacabka Soomaaliyeed wuxuu mar walbo ku rajo waynaa in uu helo dawlad wanaagsan oo ka haqab tirto baahiyadooda, mar walbo waxay rabbi ka baryaan in ay u soo laabato karaamadoodii iyo sharaftoodii, xilliyadii dambe dalka waxaa soo maray dawlado isku dayay in ay dadaal muujiyaan, dawlad walibana waxbay qabatay haba jirta dhaliilo iyo ka gaabain shaqooyin badan oo loo baahnaa in ay qabtaan.

Sidoo kale Soomaliya waxaa mar walbo guryo u fadhiyay dad shisheeyo oo rabo in ay marnaba horey Usocon, kuwa jaarka la ah iyo kuwa aan la aahynbo, waxaa lagu heshiiyay in ay godka mugidiga ah kujirto, mar walboo ay tillabo qaadana la hordhigo tiirar waawayn iyadoo la adeegsanayo cadaw iyo shakhsiyaad Soomaaliyeed balse aan u adeegaynin danaha guud ee dalka iyo dadka.
Waxaa loo sameeyay maamul goboleedyo, waxaa laga soo galay dhankii manhajka waxbarasho, waxaa lagu furay xisbiyo iyo ururo diimeed, waxaa lagu barbaariyay dadkii qabyaalad, waxaa laga dhaadhiciyay in calankii guud ee ka wada dhaxeeyay ay meel dhigaan, kuwo cusubna ay ku qaraabtaan,  waxaa la isku adeegsaday annagii dhexdeenna ugu dambayn si loo hilmaansiiyo qaranimadii, karaamadii iyo sharaftii ay ku lahaayeen dunida.

Ma ogtahay haddaa tahay muwaadin Soomaaliyeed?.

Ma ogtahay in cadawgeena uu hoos kaaga qoslayo mar walbo ood god ku dhacdo adigana aad u malaynayso in aad kaalin wayn u hayso, soo ma ogid in berrito lagu iibsan doono haddii aad maanta ogolaato iibinta karaamdii iyo sharftii dalkaaga iyo dadkaada, soo ma ogid in kursigaan uu maalmo yahay dadka ku fadhiyo balse dalka uu jiri doono inta ay naftu kugu jirto caruurtaada iyo ehelkaadana u hari doonaan, ma ogatahay in musuq-maasuqa haddii aad la dagaalamayso laguu aqoonsanayo qof ka hor imaaday danihii cadawga ay rabeen, cadawgaaduna uusan ku rabin haddii uu awood u yeesho daqiiqad  gudaheed uu kaaga tuurayo xilka aad u hayso shacabkaada iyo dalkada.
Shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa lama joogo xilligii aan dhagaheenna ku dhagysan lahayn hadallada la isku qurxinayo oo berritana laga baxayo, qabyaalddu waa qaran dumisee qarankaa Na kaafiyee u hiilli dadkaada iyo dalkaada.

Hadallo idhiira geliyay shalay maanatana inniyad jabshay.

Shirkii mar dhawayd lagugu qabtay London oo ay ka qayb galeen madaxada dawladda Soomaaliya iyo mamaul goboleedyada wuxuu ahaa shir inta badan shacabka Soomaliyeed dhiira geliayay hadallada ay ku hadlayeen maamul goboleedyada iyo sida ay uga dambeenayaan madaxda dalka, mid walbo wuxuu hadlkiisa ku fur furanayay “Soomaaliya Ha Noolaato”, waxaan ka shaqyn donna midnimada Soomaaliya iyo danta guud, qaar ka mid ahna kumaba qanacsaneen maamul goboleedyada iyo federalism-kaba, ugu damabayn maxaa is bedalay maalmo kadib in ay dhacday arintii siyaasadda waddamada khaliijka, markiibo waxaa la billaabay in lala kala safto oo mid waliba uu doorbido kharashaad yar isagoo shalay lahaa Soomaaliya ha noolaato haseyeeshee qalbiga aan ka rumaysneen, runtii hadalladoodii  hore aad ayay ii dhiira geliyeen laakiin wixii maalmahaan ka soo yeerayay ma ahyn wax shacbka u dan ahaa, shacbaka Soomaaliyeedna way ka daaleen war wareejintii, waxaan iyagana ALLE. s.w uga baryayaa in ay gartaan meesha ay u socdaan iyo meesha ay ka socdaan tawfiiqdana Rabbi ha waafajiyo iyaga iyo madaxda dalkaba.

Kaalinta culimada, madaxada, wax gardka iyo dhalinyarda ooga aadan dhisidda dal-ka.

1- Culimada waa marjica loo laabanayay waxaa waajib ku ah in ay ka hadlaan wax walbo oo ka qaldama madaxda dawladda, sidoo kale waa in ay kaalin muuqato ka qaataan u horseedidda dalka nabadda, hormarka iyo wacyoi gelinta guud.

2- Madaxda dalka waxaan leeyahay maanta waxaad badbaadin kartaa qarankaada si hufan oo daacadnimo ku jirto, laakiin haddii aad khiyaanto naftaadina waad khiyaantay, dambigana wuu kuu labo jibaarmay, maadaama masuuliyad ummadeed aad lumisay, maslaxaddiina gaar ahaaneed ka hor mariya tan guud ee aad udhaarateen.

3- Odoyaasha iyo wax-garadka waxaan leeyahay lugtaada midig waxay kuugu jirtaa qabrigaadii, tan bidixna waxy kuu taalla dunida, waxaad tahay hoggan leh saamayn, waxaa hadlkaada ku kacayo boqollaal dhalin yaro iyo  haween, haddabo taladaada hanaga dhigin meel xun oo dalka u horseedi karto burbur iyo kala qaybsanaan.

4- Dhalinyarada waxaan leeyahay mustaqbalka dalkaan wuxuu ku jiraa gacantiinna, maskaxdiina nadiifta ah yaysan idin ka hallayn afkaarta wasaqysan ee na cirib tirtay ilaa 30 sano ku dhawaad.

Ugu damabyn waxaan ku soo gunaanadayaa macno wayn ma keenayso in aan mar walbo wadanniyad ka sheekkenno ama aan xilliyadii aan nidaamka lahyn aan xusno oo kali ah, waxay u baahantahay in go’aan lagu gaaro sidii looga dhabayn lahaa rajada shacabka loona soo celin lahaa qarankii burburay iyo karaamadii naga luntay.
Sidoo kale macno ma samayayso mucaaridnimo qofka kursiga ku fadhiyo waxa uu joogo waa Malmo, balse adigu iyo ciyaalkaada waxaad joogtaan waa sanado, dalka ha u bur burin maalmo yar adigoo helayo wax ka badan.

W/Q: Tabaarak Cumar Xirsi



Comments

Popular posts from this blog

Taariikh Nololeedkii Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf

  28/12/2023 waxaa geeriyooday sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf oo ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed marna ahaa hoggaamiyihii Imaaradii Gedo. Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf Aw Axmed Ismaciil Mubaarak sheekh Cabdiraxmaan sheekh Samantar,  waxaa uu ku dhashay qiyaastii 1938-kii, meel lagu magacaabo Buuro oo galbeedka uga beegan magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Sheekha waxaa uu ahaa Marreexaan, Cali Maxammed (Cali-dheere), reer Sheekh reer Mubaarak.  Sheekh Maxammed waxaa uu ku barbaaray guri aqoon iyo Diin. Sida aad ka arki kartaba abtirkiisa aabbihii iyo awooyaashii waxaa ay ahaayeen culimo. Sheekha Maxammed Allaha u naxariisto e (AUN),  waxaa uu Qur’aanka kariim ka ah dhammeeyay isaga oo aad u da’ yar. Intaa ka dib waxaa uu u jeestay barashada caqiidada, fiqhiga iyo Shaaficiga isaga oo kutubtaas ka qaatay aabbihii. Sidii uu dhaqanku ahaa, sheekh Maxammed  waxaa uu xiraystay sannadka markii uu ahaa 1956-kii ilaa 1961-kii  goortaas oo uu cilmi u raadsaday magaalooyinka Beledwayne,

Hal ku dhigga halaagga noo horseeday: "Xoolaha dad weynaha ayaa ganacsi loo baddalay"

Ilaa shalay waxaa baraha bulshada lagu faafinayay in isbitaalki Jaalle Siyaad ee dagmada Garbahaareey loo rogay meel ganacsi. Saaka warki asaga ahaa waxaa qoray qaar ka mid ah mareegyada warfaafinta ee Soomaalida. Dadka qoray warkaan qaar waxay isticmaaleen erayo adag sida 'dhiig miirato', 'furasho' iyo 'boob'.  Inkastoo aan la xariiray qaar ka mid ah dadka qoray farriimahaan aana isku dayay inaan si hoose xal ugu helo warkaan aan salka lahayn, haddana waxaa ii muuqato inuu dhawaqu meel fog gaaray hoos u hadlidna aysan ku filnayn. Sidaa darteed waxaan go'aansaday in si muuqato wax ooga dhaho warkaan oo aan ahayn kii ugu horreeyay ee noociisa ah.  Muxuu yahay Isbitaalka Jaalle siyaad? Jaalle Siyaad waa isbitaal weyn oo ku yaal Garbahaareey. Waxaa dhismihiisa bilowday dowladdii dhexe isagoo qaybo ah ayayna dhacday. dhowr iyo labaatan sano ayuu qabyadaas ahaa oo arigu u xaroon jiray. Waqti aan fogayn ayay gabdho qurbajoog ah isu xilqaameen inay

Maxaa ka run ah warbixinnada foosha xun ee laga qoro Soomaalida Qurbaha?

Warbixin ka ay daabacday Boomerg oo looga hadlay waxtarka muhaajiriinta Maraykan  tago ayaa lagu sheegay in Kiinyaanku yihiin dadka saddexaad ee ugu shaqada iyo waxtarka badan soogalootiga Maraykanka. Gaana oo Afrika ah ayaa qaadatay kaalinta koowaad waxaan labo noqday Bulgeeriya oo Yurub ah. Waxaa sidoo kale toban hore soo galay dalalka Itoobiya oo afar gashay, Masar oo shan gashay, Nayjeeriya oo siddeed gashay iyo Laybeeriya oo sagaal gashay. Toban qowmiyadood ee ugu shaqada badan muhaajiriinta ku nool Maraykanka lix ayaa kasoo jeedda Afrika. Waxaan tobanka hore soo galin Soomaalida. Sidoo kale soomaalidu safka hore oogama jirto muhaajiriinta ugu aqoonta badan. Afrika Masar iyo Natjeeriya ayaa kaga jiro tobanka hore xagga aqoonta. Marka walba oo lasoo hadal qaado Soomaali waxaa lagu xariiriyaa, faqri, burcadnimo, aqoon la'aan, argagixisonimo iyo shaqo la'aan baahsan. Warbixin laga soo saaray waddamada Galbeed oo sawir quruxsan ka bixiso Soomaalida in la helo ma dhacd

Contact Form

Name

Email *

Message *