Muddadii ku dhaweyd sodonka sano ee dalkeennu burburku ka jiray, gacansatadu waxay soo jiiteen eedaymo badan iyo ammaanba. In badan waxaa lagu eedeeyay inaysan u aaba yeelin waxay ka ganacsadaan. Waxaa lagu duray inay lacag badan ka sameeyaan beecsharada hubka dadku isku gumaaday, inay dalka keenaan dawo iyo raashin dhacay, keenidda iyo suuq-galinta lacagaha faalsada ah iyo kuwo kale oo aan tiro lahayn sida inay ka macaashaan dowlad la’aanta. Laakiin wax walba oo laga sheego waxaan la inkiri karin kaalinti ay ganacsatadu lahayd baadbaadinta dalka iyo dadka. Intii lagu jiray dowlad la’aanta, ganacsatada ayaa dalka dowlad ka ahayd: iyaga ayaa bixinayay adeegyada aasaasiga ah sida waxbarashada iyo caafimaadka lacagba ha ku qaataane, iyaga ayaa keenayay dhammaan wixii daruuriyaad ah ee loo baahna. Sidoo kale waxay ahaayeen dadka kaliya ee uusan xaddidin colaadihii umulo dooxa ahaa ee dalka ka socday sanadihii hore ee ...