Skip to main content

Posts

Hadalka cadowga ha u qaban madaxdaada iyo dadkaada

Lagdanka iyo isu-xoog-sheegashada u dhaxeeyo aadanaha waa mid waliggiis jiray. Had iyo jeer damac qolo ka galo xaq dad kale leeyahay ayaa keeno xurguf mararka qaar ku dhammaado dhimasho. Ilma aadan oo dhowr ah hal abbo iyo hal hooyo kaliya leh adduunka intaan la ekna kaligood ku nool ayuu damacu bilowday. Waxaa la sheegaa in markii u Qabiil Habaail ku dilay xaq uusan lahayn ay dunida ku noolaayeen lix qof kaliya oo labo ahaayeen kuwa is dilay. Damaca iyo Hunguri wayninka ku dhisan waxaad haysato kuma deeqaan ama kan kale wuxuu haysto ayaa kaada ka wanaagsan waa mid maalintaas bilowday ilaa qiyaamahana jiri doono. Waxaa kala duwan farsamada iyo habka loo maro hadba waqtiga la joogo iyo dadka nool. Sidoo kale ilbaxnimada dadka lagu socdo ayaa go'aamiso luuqada la isticmaalayo iyo wajiga la tusayo dunida kale. Laakiin guumayste waqti walba oo uu joogo farsamadiisu saddex shay kama baxaan. Mid ku saabsan dhulka la rabo in la qabsado, mid ku saabsan dadka loo socdo in la q...

Maxaa Sabab u ah Isbaddalka Ka Socdo Itoobiya

Siduu u yimid raysulwasaare Abiy, dalka Itoobiya waxaa ka socdo isbaddaal xawaare dheereeyo ku socdo. Isbaddalka uu wado mudane Abiy waxaa ka mid ah kuwo aanan la filayn saamayn weyna ku yeelan karo guud ahaan Geeska Afrika. Tusaale, go'aanka uu ka qaatay qadiyadda Baadhame oo ay Eritareeya isku hayeen. Haddaba maxaa keenay isbaddalkaan dad badan ula muuqdo qar iska-tuur qaarna ula muuqdo mid aad loogu baahi qabay? Labo arrimood ayaa sabab u ah isbaddalka mudane Abiy: Culaysyo siyaasadeed oo gudaha ah iyo mid dhaqaale oo soo foodsaaray. Siyaasadda gudaha Mudane Abiy wuxuu ka dhashay qowmiyadda Oromada oo ah tiro ahaan kuwa ugu badan dalka Itoobiya laakiin waligood aan hanan hoggaanka dalkaas. In la doorto waxaa keenay kacdoonno waaweyn oo uu qabiilkiisu sameeyay kuna dalbanayeen xuquuq siyaasadeed iyo mid xorriyad. Imaanshaha mudane Abiy waxay ahayd guul usoo hoyatay Oromo iyo musiibo u billaabatay Tikre iyo kuwa saaxiibka la ah. Tikre oo hastay xukunka muddo ...

Anigu sidiibaan ahaye adinkaa isoo gaaray: Maxaan ka baran karnaa doodda Sheekh Bashiir Shiil iyo Cabdirisaaq Xirsi

Waxaa ayaantaan socotay dood u dhaxaysay labo wadaad oo Kanada ku wada nool. Labadan sheekh fool ka fool uma aysan wada hadal balse waxay isugu jawaabayeen muuqaallo duuban. Doodda u dhaxayso labada sheekh waxay ku saabsantahay in muslimiinta ku nool waddamada Galbeedku ay guryo ku qaadan karaan nidaamka dulsaarka (ribada) ee wax lagu kala iibsado  marki la joogo waddamadaas. Sheekh Cabdirisaaq ayaa qabo inay dadkaasi u bannaantahay in guryaha lacag ay ku gataan ay ka daynsadaan bankiyada dulsaarka qaato. Sheekh Bashiir wuxuu leeyahay sinnaba uma bannaana in qof muslim ah uu ribo qaato ama bixiyo. Mas'alada waxay tahay, kan ku saxan iyo iyo kan khaldan midna anigu xaq uma lihi inaan ka hadlo waayo aqoonteed ma lihi. Hasa ahaatee waxaa ii muuqatay inay jiraan casharro muhiim ah oo ka baxsan mas'alada taaso ka muuqato qaabka wax u socdaan. Labo arrimood ayaan hoos kusoo qaadi. Isbaddalka ku dhacayo bulshada Soomaaliyeed ee qurbaha timid Soomalidu xooggeedu w...

Links I Liked (Qoraalladi aan ka helay)

This article answers some of the questions we have on Ethiopia's navel building plan.  lick here to read China has announced it will host the inaugural China-Africa defense and security forum later this month, signaling its deepening engagement in Africa.  See here for more This is an interesting article which sheds a light on how governments benefit the suffering of others.  What is explained in this article makes you suspect the work of AMISOM and other organisations working in Somalia to bring peace.  click here for more here is a stud y which answers  Why are  African women more politically active in some countries  than others? The U.S. is punishing Rwanda for rejecting our old jeans and T-shirts. It’s a shortsighted move.  Read here for more Yes, water is a human right, fundamental to life - yet if you are an average American, you would be lucky to have access to it, at a price you can afford to pay and not be poisoned. ...

Kumuu ahaa Ibnu Dhufayl?

Sanadki hore dhammaadkkisi ayaa qormo lagu daabacay bolooggaan waxaa lagu magac-dhabay Ibnu Dhufayl. Ma uusan ahayn ruux aan horay u maqlay. Waxaan jeclaystay inaan wax badan ka ogaado. Akhris badan ka dib waxaan ogaaday inuu ahaa sheekh meelo badan in looga daydo mudan, gaar ahaan jeceylka uu aqoonta u qabay iyo dadaalki uu galiyay raadinteeda. Sidaa darteed waxaan jeclaystay inaan la wadaago dhalinta Soomaaliyeed ee marki ay hal maaddo bartaan isu maleeyo inay waxba u harin si ay u ballaariyeen raadinta cilmiga siduu uu Ibnu Dhufayl-ba u kulmiyay culuum badan oo kala duwan. Ibnu Dhufeyl waa Faylasuuf saynis yahan iyo dhaqtar muslim Carab ah. Waa mid kamid ah maanshiilayaasha Carbeed Ee magacoodu uu sida aadka ah u baahay. Wuxuu dhaxal ahaan u reebey buugaag badan oo uu ka qoray falsafada, suugaanta Carbeed, xisaabta, meeryaasha iyo caafimaadka. Magaciisu Waa Abuu Bakar, aabihii waxaa la oran jiray Cabdi Malik Maxamad. Qabiil ahaan w uxuu kasoo Jeedaa qabiilka carbeed Ee Qey...

Links I liked (Qoraalladi aan ka helay)

  International partners appear to be stuck in a “chicken or egg” conundrum in Somalia. On the one hand, they recognise that using country systems is critical for building national capacity and achieving broader state-building objectives. Yet, on the other hand, the weakness of these systems is often the excuse donors cite for avoiding the use of country systems. Read  here more Here are  over 30 studies about education and health. There are some good and informative researches in them. Have a go see how many you can reed Rwanda sponsored English Premier League club Arsenal  here is criticism about  and  here is its defense What kind of Evidence Influences local officials? A great example from Guatemala .  Read here more

Articles I liked (Qoraalladi aan ka helay)

                                              This website  tracks  down how African parties which are in power are performing Politics and poverty caused past conflicts in East Africa – not climate change Arsenal has a new shirt sponsor: Rwanda. The Rwandan Development Board has inked a deal with the famous English football club, who from next season will play with the slogan ‘Visit Rwanda’ on their famous white sleeves.  Here  what you need to know about Rwanda before visit PM ABIY AHMED TELLS HIS CABINET THE GOVERNMENT IS INVESTIGATING FOREIGN BANK ACCOUNTS HELD BY SENIOR OFFICIALS.  Read More here All you need to know about Africa's free Trade ambitions.  Read here more  According to the latest  report  by the  Stockholm International Peace Research Institute (SIPRI) , in total, countries around the wo...

Qof Wax ma Baddalo ee Qalin iyo Qoraal ayaa wax Baddalo

Aadanuhu waa is baddal u joog. Wuxuu tartan kula jiraa isbadalka Rabbaniga ah ee ku dhacayo bii’ada uu ku noolyahay. Qowmiyaddi la socon waydo xawaaraha isbaddalku ku socdo waxaa ku dhaco dib u dhac ka reebo dunida kale. Guud ahaan caalamka islaamka waxaa ku yimid dib u dhac xagga horumarka iyo hoggaanka dunida ah. Dalalka saboolka ah ee dalkeennu ka mid yahay ayaa ugu sii daran. Waxay u ilmaynayaa isbaddal siyaasadeed, mid bulsho, mid dhaqaale, mid aqooneed iyo mid hoggaan. Qof walba oo aad waydiiso waxa naga dhimman wuxuu si fudud kuu dhihi isbaddal ayaa loo baahan yahay. Hasa ahaatee wax mushkilad noqotay in la fahmo cidda laga sugayo inay isbaddalka keenaan. Dadka intiisa badan waxay eegayaan madaxda iyo siyaasiyiinta oo ay ka sugayaan isbaddal dhinac walba ah. Laakiin qof wax ma baddali karaa iyada oo aysan bulshadu is baddalin? Bulshaduse yaa baddali karo yaase saamayn wax baddali karto yeelan karo? Dabcan duunyo iyo dugaag isbaddal horumarineed laga sugi mahay...

Erayadii Hurdada ii diiday

Waa xagaagi 2003di. Waddanka waxaan joogaa dhowr bilood kaliya. Waxaan aadaa meel lagu maaweeliyo dhalinta ka saaqidday iskoollada shaqana aan doonan. Dadka dhigo iyo kuwa maalgaliyo barnaamijka waxay ku andacoodaan in dhalintaan maankooda iyo muraalkooda la dhisayo si ay shaqo u raadsadaan dadkana ula mid noqdaa. Laakiin aniga iyo inta ila mid ah waxaan u tagnaa lacag yar oo soddon gini ah taasoo asbuuci la isa siiyo iyo kaar baska lagu raaco oo isna asbuucle ah. Dhammaan dhalinta aan meesha ku bartay oo midkoodna uusan labaantanki gaarin waa wada muslimiin Soomaali badanna ku jirto. Waxaa ka mid ah wiil asal ahaan Pakistaan kasoo jeeda laakiin ku dhashay Ingriiska. Wuxuu jiraa 17 sano oo kaliya. Ma tukado wax astaan diimeed ahna kama muuqato. Runti da’da uu jiro ayaaba ah tii dhalintu diinta ku dhaqankeeda ka weecan jireen. Laakiin isaga waxaa usii dheer howlo kale. Mar walba waxaa dhagaha ugu jiro sameecado uu muusitigo ka dhagaysto kuna jaaso. Waqtiga biririfta, isag...

Dhib noocee ah ayuu soo kordhiyay mashruucii "Aada Dugsiyada"

Sanadi 2013ki, hayadda UNICEF iyo dowladda dhexe ayaa si wada jir ah u daahfuray mashruuc loogu magac daray Aada Dugsiyada. Mashruucaan oo loogu talagalay inuu socdo muddo saddex sana ah, ujeedka laga lahaa ayaa lagu sheegay dugsiyaynta caruurta dan-yarta ah ee aan tagi karin iskoollada lacagta ah. Sidoo kale, mashruucu wuxuu qayb ka ahaa tallaabooyin lagu xoojinayay wasaaradda waxbarashada iyo hayadaha dowliga ah ee ka waxbarshada ka shaqeeyo. Waxaa la qiyaasay in hal milyan oo caruur soomaaliyeed ah uu mashruucu iskuuulayn doono. Mashruuca waxaa fulinaysay UNICEF oo dhaqaalaha lasoo marsiiyay laakiin waxaa maalgaliyay waddamada Maraykanka, Ingriiska iyo Nederland.  Maadaama Soomaalidu musuq iyo xatooyo caan ku noqotay, deeq-bixiyayaashuna aysan aaminin, waxaa caqabad noqotay sidii macallimiintu mushaarkooda ku heli lahaayeen iyadoo aan wax lagala harin. Xalka kaliya ee muuqday wuxuu noqday in la yiraahdo macallin walba isaga koontadiisa toos lacagta ha loogu diro,...

EU’s pledge of direct budgetary Support to Somalia is another sign of good governance

Following the Mogadishu Security Conference of 4 December 2017, H.E. Hassan Ali Khaire and EEAS Deputy Secretary General Pedro Serrano co-chaired the Somalia High-Level Security Meeting on 2 May in Brussels. In a press conference, shortly after the conference, Prime Minister Hassan Ali Kheyre stated that the European Union agreed to contribute 100 million Euros to Somalia's budget. This is an overdue step taken in the right direction. The international community spends over a billion dollar of humanitarian and developmental aid in Somalia every year. Almost all this money is managed and dispersed by UN agencies and other NGOs. For a long time, the somali government has been requesting some of this money to be channelled through its treasury. In 2014, donors and Somali government agreed 15% of the Official Development Aid (ODA) being infused into the government budget. The implementation of that agreement was steady but slow. Only 4% and 8% of ODA, for instance, was m...

Contact Form

Name

Email *

Message *