Skip to main content

Posts

Warbixin Kooban. Safarkaygi Gobalka Gedo. Q3

Qormadi inoo danbaysay waxay ku saabsanayd amniga. Laakiin waxay inaga soo dhexgashay qodobbo arrimaha bulshada ahaa oo inoo socday. Waxbarshada ayaan si kooban ooga hadalnay. Iskoollada maadiga lagu barto iyo goobaha diinta loo diraaseeyaba inay buuxaan ayaan soo sheegnay. Waxaan ka daba gaynayaa in goobaha diinta lagu barto ay aad u ballaaranayaan. Tusaale, waxaa soo socda qorsha ballaarinta machadka Imuumu Dahabi ee Garbahaareey oo dhawaan inuu bilowdo la filayo. Haddii lagu guulaysto waxa uu qorshuhu yahay in la dhiso dhismo dabaq ah oo mati galin karo kun arday ka badan hal mar. Waxaa sidoo kale lagu wadaa in masjikd jaamica ee Garbahaareey gabi ahaanba dhulka la dhigo si loo waasicyo. Masjidku waa udub dhexaadka aqoonta islaamka ee gobalka. Waa meesha ay fadhido xerta kunka ku dhow ee kutubta raacato. Waa meesha salaadda jumacaad sidoo kale lagu oogo. Haddaa waa uu qaadi la'yahay baahiyahaas, waxaana u ilmaynayaa ballaarin taasoo howsheedi lagu jiro. Caafimaadk...

Warbixin Kooban: safarkaygi Gedo Q2

Qormadi hore waxaan kaga soo hadalnay in ree baladnimadu kobacday, dhismayaasha iyo dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada oo aan waxbarashada kasoo qaadannay. Waxay ahayd inaan ku xijiyo caafimaadka iyo adeegyada kale balse waxaa igu soo noqnoqday codsi ah inaan wax ka iraahdo ammaanka gobalka iyo waxaan soo arkay. Qodobkaas ayaan maanta gorfayn doonaa hadduu Eebbe idmo.  Gobalka waxaa laga galaa dhulka ama cirka. Inta badan magaalooyinku waxay leeyihiin garoomo diyaaradeed oo shaqeeyo. Doolow ayaa ugu caalaminsan oo duullimaad maalin walba ah leh. Baardheere iyo Garbahaareey ayaa soo raaco. Buurdhuubo iyaduna marmar waa laga dagaa haddase dib u habayn ayaa garoonkeeda ku socdo in duullimaadku hagaago ayaa suuragal ah. Cid walba oo hawada marto cabsi badan ma qabto. Laakiin haddii dhulka la maro waa howlo badan tahay. Dadka qurbaha ka tago inta badan Mandera ayay Gedo ooga gudbaan. Xadku rasmi ahaan waa uu xiran yahay. Hasa yeeshee si caadi ah ayay la isugu gudbaa. Askarta...

Warbixin kooban: Safarkaygi Gedo

Waxaan safar gaaban ku gaaray gobalka Gedo, gaar ahaan magaalooyinka Baladxaawo iyo Garbahaareey. Safarkaan oo qaatay inti u dhaxaysay 16/02/19-09/03/19 ayaan intiisa badan joogay dagmada Garbahaareey ee caasimada gobalka Gedo. Intii aan joogaay dagmadaas waxaan u kuurgalay horumarrada iga danbeeyay iyo waxa iska baddalay nolosha dadka.  Ree balad Arrinta koowaad ee isoo jiidatay ayaa ah in magaaladu ballaaratay. Waxaa ku darmaday in ku dhow inti ay awal ahayd. Sidoo kale waxaa kobcay tirada dadka ku nool inkastoo wali aysan helin caddadki ay qaadi kari lahayd. Dadka badan ee soo buuxshay magaalada waa midkii dagganaa miyageeda. Dadkii xoola-dhaqatada ahaa ayaa soo xarooday oo ree balad noqday.  Arrintaan waxay la qabtaa dagmadu qaaradda Afrika oo ree magaaloobiddu aad u kobcayso. Bankiga adduunka ayaa ku warbixiyay, qaaradda Afrika, in dadka magaalooyinka dagayo ay kobcayaan 3.5% sanad walba. Sidoo kale Bankigu wuxuu sheegay in inta u dhaxayso 2010 iyo 2025'k...

Safarkaygi Garbahaareey wuxuu mar kale i baray qiimaha gabdhaha Soomaaliyeed.

Dadnimada haweenka soomaaliyeed waa mid horay loo sajalay. Caddaan iyo madow, gaal iyo islaam cid walba oo u kuur-gashay nolosha dadka soomaaliyeed waxay qarrireen in haweenka soomaliyeed raggooda ka waxtar badan yihiin. 163 sano ayaa laga joogaa marki Richard Burton, oo maray bariga Afrika, uu qoray sidatan “awoodda jireed iyo adkaysikaba, haweenka Soomaaliyeed aad ayay ooga sarreeyaan raggooda. Guriga marki la joogo waxay qabtaan dhammaan howlaha guriga… marki la guurayo shaqadooda kala duwan oo mid buux dhaaftay. Waxay raraan awrta, garwadaan ugu danbayna ka furaan [heeryada marki la gaaro meeshi loo guurayay]. Waxay dhisaan aqallada, waxay soo guraan xaabada, waxay soo arooraan biyaha waxayna kariyaan cuntada”. Inta uu sheegay dhul mareenkaas waa mid aan anigu soo gaaray ilaa maantana ay la noolyihiin inta miyaga wali joogto. Marki ree baladka la noqday howl-karnimadaas ma noqon mid miyigi looga yimid balse way sii korortay. Qaybtoodi iyo tii raggaba iyagaa isku qabt...

Maxaad ka ogtahay magaalada qurba-joogta looga soo Duceeyo

Waxaan safar ku joogay baryahaan dagmada Garbahaareey ee gobalka Gedo. Maalinti shalay ahayd waxaa dhagtayda kusoo dhacay hadal la hayay oo Qur'aan akhris ahaa. Waxaan sheekadi ka helay in ujeedku yahay duco iyo xirsi-xir loo sameeyo soomaalida qurbaha ku nool. Waxaan jeclaystay inaan wax badan ka ogaado waxaana codsaday in maanta aan ka qayb galo Alla bariga taasoo la ii ogolaaday. Salaaddi Casar ka dib ayaan tagay goobta la ii sheegay in muraadku ka dhacayo. Waxaan koox koox u yimid wadaaddadi ducayn lahaa. Waxaa soo xaadiray 21 wadaad oo dhalinyaro aan labaatan gaarin u badan. Waxaa la keenay cunno fudud sida bun, daango, timir iyo cabbitaanno kala duwan. Cunto ka dib waxaa naloo qaybiyay boqol boqol kun oo Soomaalli ah. Waxaana la yiri akhriya waxaad kartaan oo Qur'aan ah duceeyana. Waxaa loo duceeyay dhammaan ummadda Soomaaliyeed ducadina waxaa lagu khatimay qurba-joogta oo aad iyo aad loogu duceeyay in Eeebbe dhowro iyaga iyo caruurtooda.  Waxaan codsaday in ...

Maxaa iiga baxay shirki dhallinyaro ee aan abid uga qayb-galo Soomaaliya

Xalay   waxyar  un  salaadda   maqrib  ka dib,  ayaa   waxaa    acanta  I  qabta y   wiil   dhalinyaro  ah  oo   madax  u ah  qalin- maalka magaalada .  Wuxuu   iga   codsaday   inaan   kala   qayb   galo   kulan xog-waraysi  ah  oo  ay  leeyihiin   saacaddaas   waana   aqbalay laakiin   wa xaan  ka  cudur-daartay  in la  igu   daro   dadka   kalmadda ku   leh .  H alkaan   waxaan   ku   tuuro-goyn   doonaa   waxy aabihi   aan is  iri   il- qabad   togan   ama   taban   ayay   leeyihiin   ee   dhacay   intuu kulunku   socday . Kulunka   waxaa   ka  qayb- galay   lix   iyo   toban   saddex   dumar   yihiin iyo   aniga   oo  ...

Maxaysan waqtigaan u shaqayn karin siyaasadda ay ku socdaan qolyaha Mooshinka keenay?

Xildhibaanno dhowr darsin ah ayaa Axaddi Mooshin xil ka qaadis ka keenay madaxweynaha dalka. Qodabada loo loo cuskaday mooshinka waxay ahaayeen kuwo cabsi, walwal iyo mugti uu galay mustaqbalka dalka lagu muujiyay. Waxay sheegeen inay go'aanka u qaateen inay badbaadiyaan madaxbannaanida Soomaaliya oo khatar ugu jirto in Itoobiya lagu daro. Xildhibaan Fiqi oo ka mid ah ragga indhaha u ah kuwa mooshinka keenay ayaa yiri "gaari fariin la'aan ayaa shacabki la saaray marka inta uusan la gaddoomin inaan badbaadinno waaye".  khiddada mooshinka lagu dhisay, idaacadda laga sheegay dadkana loo akhriyo waxaa mid caan ah adduunka oo dhanna ka jirta. Waa kaarto ay isticmaalaan xagjiriinta iyo dadka siyaasadda dibad joogta ah inta badanna waxay sahashaa inay hantaan hoggaanka dalka iyagoon dhib badan u marin. Waa farsamada Taraam kursiga saartay. Afka qalaad waxaa lagu yiraahdaa "politics of fear and anger". Waxay ku dhisantahay in dadka laga cabsiiyo, loo muuji...

Tallaabada uu qaaday Guddoomiye Mursal waxay i xasuusisay Dhacdadii dhexmartay Rory Stewart and Mullah Mustafa

Maanta anigoo meel aan qof ku yara sugayay taagan ayaan mobilkayga yara eegay. Waxaan furay caasimada.com wixii ugu horreeyay oo aan arkayna waxay noqdeen Mursal oo aqbalay mooshin madaxdweynaha xilka looga qaadayo. Anoo wali yaabban si fiicanna uusan warku iigalin ayaan markale furay mise waa mid kale oo dag-dag ah. Waxyaabihii loo cuskaday mooshinka ayaa lasoo qoray. Dhaqso ayaan isha u mariyay laakiin mid aan ku qanco ma arag waayo, inkastoo ay ahayeen dhammaan qodabada la keenay waxay ahaayeen kuwo aan jeclaa in marhore madaxweynaha inta loo yeero su'aalo laga waydiiyo, haddana jid sax looma marin. Halkii la waraysan lahaa ka dibna go'aan laga qaadan lahaa sheekadi waxay ka billaabatay xil ka qaadis iyo eedaymo meeshi ugu xumayd oo ah qiyaamo qaran. Su'aalo rax-raxan ah ayaa qalbigayga isku cariiyay. Mursal miyuusan ogayn dhibka iyo wareerka siyaasadeed ee arrintaanu keeni karto? Hadii usan dan ka lahayn taasi miyusan ogayn in 184 cod loo baahanyahay si xilka lo...

Wax ka ogow Cawaaqibta ka Dhalan karto Deeqda Waxbarsho ee Itoobiya na Siiso

Dadka Soomaaliyeed waxay xasaasiyad xooggan ka qabaan dhaqdhaqaaqa Itoobiya. Waxay u arkaan inay tahay cadowgooda koowaad. Cadaawaddaan maahan mid ka dhalatay dagaalo hore ee waa natiijo ka dhalatay duullaanka joogtada ah ee Itoobiya iyo faragalinta aan jogsiga lahayn ee ay ku hayso arriimaha Soomaalia. Fal walba oo ay samayso siduu doono ha u qurxanaadee waxay Soomaalidu ku fiirisaa il shakisan waxayna ku shaabbadeeyaan khiyaano ay u maleegayso dadka Soomaaliyeed.  Waxa inta badan noo muuqdo waa tallaabooyinka militiri ama kuwa siyaasadeed ee sida muuqato noogu wajahan. Laakiin dad yar ayaa arko awooddo jilicsan ee ay Itoobiya bilowday inay isticmaasho si ay u hanato qalbiyada dadka Soomaaliyeed. Qormadaan gaaban waxaan ku iftiimin doonaa mid ka mid ah awoodaha jilicsan ee ay Itoobiya noo isticmaasho waa waxbarashda sare e si ay u baddasho aragtideenna iyo fahamka aan ka qabno duullaankeeda.  Eray cilmiyeedka 'awoodda jilicsan' waxaa guntay borofeesar wax ka dhig...

Contact Form

Name

Email *

Message *