Skip to main content

Posts

Maxaad ka ogtahay magaalada qurba-joogta looga soo Duceeyo

Waxaan safar ku joogay baryahaan dagmada Garbahaareey ee gobalka Gedo. Maalinti shalay ahayd waxaa dhagtayda kusoo dhacay hadal la hayay oo Qur'aan akhris ahaa. Waxaan sheekadi ka helay in ujeedku yahay duco iyo xirsi-xir loo sameeyo soomaalida qurbaha ku nool. Waxaan jeclaystay inaan wax badan ka ogaado waxaana codsaday in maanta aan ka qayb galo Alla bariga taasoo la ii ogolaaday. Salaaddi Casar ka dib ayaan tagay goobta la ii sheegay in muraadku ka dhacayo. Waxaan koox koox u yimid wadaaddadi ducayn lahaa. Waxaa soo xaadiray 21 wadaad oo dhalinyaro aan labaatan gaarin u badan. Waxaa la keenay cunno fudud sida bun, daango, timir iyo cabbitaanno kala duwan. Cunto ka dib waxaa naloo qaybiyay boqol boqol kun oo Soomaalli ah. Waxaana la yiri akhriya waxaad kartaan oo Qur'aan ah duceeyana. Waxaa loo duceeyay dhammaan ummadda Soomaaliyeed ducadina waxaa lagu khatimay qurba-joogta oo aad iyo aad loogu duceeyay in Eeebbe dhowro iyaga iyo caruurtooda.  Waxaan codsaday in ...

Maxaa iiga baxay shirki dhallinyaro ee aan abid uga qayb-galo Soomaaliya

Xalay   waxyar  un  salaadda   maqrib  ka dib,  ayaa   waxaa    acanta  I  qabta y   wiil   dhalinyaro  ah  oo   madax  u ah  qalin- maalka magaalada .  Wuxuu   iga   codsaday   inaan   kala   qayb   galo   kulan xog-waraysi  ah  oo  ay  leeyihiin   saacaddaas   waana   aqbalay laakiin   wa xaan  ka  cudur-daartay  in la  igu   daro   dadka   kalmadda ku   leh .  H alkaan   waxaan   ku   tuuro-goyn   doonaa   waxy aabihi   aan is  iri   il- qabad   togan   ama   taban   ayay   leeyihiin   ee   dhacay   intuu kulunku   socday . Kulunka   waxaa   ka  qayb- galay   lix   iyo   toban   saddex   dumar   yihiin iyo   aniga   oo  ...

Maxaysan waqtigaan u shaqayn karin siyaasadda ay ku socdaan qolyaha Mooshinka keenay?

Xildhibaanno dhowr darsin ah ayaa Axaddi Mooshin xil ka qaadis ka keenay madaxweynaha dalka. Qodabada loo loo cuskaday mooshinka waxay ahaayeen kuwo cabsi, walwal iyo mugti uu galay mustaqbalka dalka lagu muujiyay. Waxay sheegeen inay go'aanka u qaateen inay badbaadiyaan madaxbannaanida Soomaaliya oo khatar ugu jirto in Itoobiya lagu daro. Xildhibaan Fiqi oo ka mid ah ragga indhaha u ah kuwa mooshinka keenay ayaa yiri "gaari fariin la'aan ayaa shacabki la saaray marka inta uusan la gaddoomin inaan badbaadinno waaye".  khiddada mooshinka lagu dhisay, idaacadda laga sheegay dadkana loo akhriyo waxaa mid caan ah adduunka oo dhanna ka jirta. Waa kaarto ay isticmaalaan xagjiriinta iyo dadka siyaasadda dibad joogta ah inta badanna waxay sahashaa inay hantaan hoggaanka dalka iyagoon dhib badan u marin. Waa farsamada Taraam kursiga saartay. Afka qalaad waxaa lagu yiraahdaa "politics of fear and anger". Waxay ku dhisantahay in dadka laga cabsiiyo, loo muuji...

Tallaabada uu qaaday Guddoomiye Mursal waxay i xasuusisay Dhacdadii dhexmartay Rory Stewart and Mullah Mustafa

Maanta anigoo meel aan qof ku yara sugayay taagan ayaan mobilkayga yara eegay. Waxaan furay caasimada.com wixii ugu horreeyay oo aan arkayna waxay noqdeen Mursal oo aqbalay mooshin madaxdweynaha xilka looga qaadayo. Anoo wali yaabban si fiicanna uusan warku iigalin ayaan markale furay mise waa mid kale oo dag-dag ah. Waxyaabihii loo cuskaday mooshinka ayaa lasoo qoray. Dhaqso ayaan isha u mariyay laakiin mid aan ku qanco ma arag waayo, inkastoo ay ahayeen dhammaan qodabada la keenay waxay ahaayeen kuwo aan jeclaa in marhore madaxweynaha inta loo yeero su'aalo laga waydiiyo, haddana jid sax looma marin. Halkii la waraysan lahaa ka dibna go'aan laga qaadan lahaa sheekadi waxay ka billaabatay xil ka qaadis iyo eedaymo meeshi ugu xumayd oo ah qiyaamo qaran. Su'aalo rax-raxan ah ayaa qalbigayga isku cariiyay. Mursal miyuusan ogayn dhibka iyo wareerka siyaasadeed ee arrintaanu keeni karto? Hadii usan dan ka lahayn taasi miyusan ogayn in 184 cod loo baahanyahay si xilka lo...

Wax ka ogow Cawaaqibta ka Dhalan karto Deeqda Waxbarsho ee Itoobiya na Siiso

Dadka Soomaaliyeed waxay xasaasiyad xooggan ka qabaan dhaqdhaqaaqa Itoobiya. Waxay u arkaan inay tahay cadowgooda koowaad. Cadaawaddaan maahan mid ka dhalatay dagaalo hore ee waa natiijo ka dhalatay duullaanka joogtada ah ee Itoobiya iyo faragalinta aan jogsiga lahayn ee ay ku hayso arriimaha Soomaalia. Fal walba oo ay samayso siduu doono ha u qurxanaadee waxay Soomaalidu ku fiirisaa il shakisan waxayna ku shaabbadeeyaan khiyaano ay u maleegayso dadka Soomaaliyeed.  Waxa inta badan noo muuqdo waa tallaabooyinka militiri ama kuwa siyaasadeed ee sida muuqato noogu wajahan. Laakiin dad yar ayaa arko awooddo jilicsan ee ay Itoobiya bilowday inay isticmaasho si ay u hanato qalbiyada dadka Soomaaliyeed. Qormadaan gaaban waxaan ku iftiimin doonaa mid ka mid ah awoodaha jilicsan ee ay Itoobiya noo isticmaasho waa waxbarashda sare e si ay u baddasho aragtideenna iyo fahamka aan ka qabno duullaankeeda.  Eray cilmiyeedka 'awoodda jilicsan' waxaa guntay borofeesar wax ka dhig...

Ethiopia’s Unnoticed Soft Power: How Ethiopia is using Higher education as a tool to influence Somalia’s future generations.

Somali people are very sensitive and suspicios about all activities of Ethiopia. They see Ethiopia as the number one enemy of Somali people and country. The animosity towards Ethiopia did not result from previous wars only but it is the consequence of Ethiopia's constant aggression, invasion and political interferences in Somalia. Somali people feel that their country is occupied by land-locked Ethiopia and the aim of this occupation is to takeover Somalia’s territory to gain access to their sea. Every step that Ethiopia takes, no matter how good it seems, is looked with suspicious eyes and branded as ill-intended conspiracy. However, a very small number of Somali people noticed the soft power that Ethiopia has been exercising to influence Somali policies, culture and even the feeling of Somali people feeling towards it. In this short article, I will highlight one of the soft powers that Ethiopia uses as an instrument to change our views towards it and the possible out...

Libaax nimaan aqoon baa lax ka rito: Soomaalida iyo Shirakadaha ay u shaqeeyaan

Talaadadi ina dhaaftay wuxuu daabacay wargayska New York Times in shaqaale Soomaali ah  ay Amazon ku qasbeen inay gasho wada xaajood. Wargaysku wuxuu yiri waxaa la yaab noqotay arrintaas maadaama Amazon aysan waligeed aqbalin gorgorton xataa mid hoose sida ay qireen dad aqoon u leh shirkadda iyo kuwa u dhaqdhaaqo arrimaha shaqaalaha. Amazon waa shirkad laga leeyahay Maraykanka. Waxay ka mid tahay shirkada caalamiga ah ee dunida ugu waaweyn uguna taajirsan. Milkiilaheeda ayaa dhowr goor noqday ruuxa ugu qanisan dunida. Shirkadaan oo la aasaasay 1994 ayaa si dag dag ah u kortay faaiido xad dhaaf ahna u samayso. Sifada ugu muhiimsan ee ay lacagta badan ku samayso ayaa ah sida la sheegay ku gaboodfalidda shaqaalaha. Waxaa lagu eedeeayay inay shaqaalaha u dirto shaqo tankooda ka badan, waqtiga xataa ilbiriqsiyo u xisaabiso, ilaa ay gaartay in la xisaabiyo inta daqiiqo ee ay suuliga ku jiraan. Dhibkaan lagu hayo shaqaalaha waa mid gaal iyo islaam, caddaan iyo madowba u sima...

Contact Form

Name

Email *

Message *