Dhowr bari ka hor ayuu Maraykunku ku hanjabay inuu cayrta ka jari doono waddanki ka codeeyo. Bootadi ma shaqayn oo adduunka intiisa badan oo dalkeennu ku jiro waa ka codeeyay. Ilaa shalay dhowr qof oo aan isku soo qaadnay arrintaas ayaa walaac ka muujiyay in Maraykanku biilka ka jaro dowladda. Balse su’aashu waxa ay tahay marki hore wax ma siin jiray? Waxaan isku dayay inaan wax ka ogaado inay jirto cid ku nool cayrta Maraynka, waxaana la kulmay warbixin ay daabacday Aljazeera sadex cisho ka hor iyadii ayaana halkaan idin kula wadaagayaa. Sanadki 2015ki waxa uu Maraykanku sadaqo u bixiyay adduun gaarayo $58.6 bilyan taasoo u dhiganto 1.3% miisaaniyadda dalkaas. 43% adduunka uu bixiyay Maraykanku wa...