Skip to main content

Posts

Maraykanku yuu wax siyaa sideese wax u siiyaa?

                                                                                  Dhowr bari ka hor ayuu Maraykunku ku hanjabay inuu cayrta ka jari doono waddanki ka codeeyo. Bootadi ma shaqayn oo adduunka intiisa badan oo dalkeennu ku jiro waa ka codeeyay. Ilaa shalay dhowr qof oo aan isku soo qaadnay arrintaas ayaa walaac ka muujiyay in Maraykanku biilka ka jaro dowladda. Balse su’aashu waxa ay tahay marki hore wax ma siin jiray? Waxaan isku dayay inaan wax ka ogaado inay jirto cid ku nool cayrta Maraynka, waxaana la kulmay warbixin ay daabacday Aljazeera sadex cisho ka hor iyadii ayaana halkaan idin kula wadaagayaa. Sanadki 2015ki waxa uu Maraykanku sadaqo u bixiyay adduun gaarayo $58.6 bilyan taasoo u dhiganto 1.3% miisaaniyadda dalkaas. 43% adduunka uu bixiyay Maraykanku wa...

Mashaariicda Horumarineed ee ka fulay gobalka Gedo sanadka 2017

                                      Waxaa si joogta ah u helnaa wararka iyo dhacdooyinka ka dhaco gobalka Gedo. Inta badan wararka aan helno waa kuwa xambaarsan sawir madow iyo mustaqbal murugo leh. Sababaha keenay in aan helno wararka xun kaliya waxaa ka mid ah dadka warka soo gudbiyo ujeeddooyinka ay ka leeyihiin. Wararka ugu badan ee ku saabsan nolosha dadka Gedo iyo xaaladda uu marayo gobalku waxaan ka helnaa ama soo diyaariyo hayadaha samafalka. Ujeedka hayadaha waa in lagu baraarugaa dhibka ka jiro gobalka iyo baahida uu qabo sidaa awgeed waxay xoogga saaraan kaliya dhinaca qarracanka si loogu beer jileeco.  khadka kale ee aan akhbaaraha ku helno waa baraha bulshada iyo shabagadaha warbaahinta. Dadka gudaha joogo ayaa sawiro ama war kooban kasoo gudbiyo meelaha ay joogaan. Arrimaha dadkaan soo jiito maahan kuwa horumarka ee sida tartartiibta ah u dhaco ee waxay arkaan ...

Baabi’inta doorka odayaashu waa bilowga helitaanka dowlad rasmi ah

                                                                               Oday dhaqameedyadu waxay door muhiim ah ku lahaayeen qaybaha kala duwan ee nolosha dadka soomaaliyeed. Doorkoodi wuxuu sii balaartay wixii ka danbeeyay burburkii dalka oo ay xuddun u noqdeen siyaasadda dalka, ilaa haddana waxaa sii socoto saamayntoodi. Hadda waxaa la wadaa in la sharciyeeyo kaalintooda oo loo sameeyo gole. Tusaale, hadda waxaa Koonfurta Soomaaliya ka socdo dadaal lagu dhisayo gole guurti oo ay yeelanayaan maamul goboleedyada. Su’aashu waxa ay tahay: tani ma horumarbaa mise waa dhib iyo dib u dhac soo kordhay? Waagi hore iyo shaqada odayaasha Wayadii hore adduunka oo dhan kama jirin dowlado dhexe. Waxaa loo dagi jiray beel beel iyo qowmiyad qowmiyad. Beel walba waxay dhignayd dowlad gaa...

Qorshaha Dowladdu ay ka leedahay Waxbarashada inta u dhaxayso 2018-2020-ka

                                                                                 Dowladda Fedaralka ah ayaa diyaarisay qorshaha ay ka leedahay waxbarashada dalka iyo yoolka ay rabto inay gaarto labada sano ee soo socoto. Diyaarinta qorshahaan waxaa maalgaliyay hayadaha UNICEF iyo Global Partnership for Education . Nasiib darro warbixinta iyo xogta ay xambaarsantahayba waxaa lagu qoray af qalaad sidaa darteed dadkeennu wax badan kama oga xaaladda ay ku suganathay waxbarashada dalka iyo meesha loo jihaynayo. Waxaan isku dayi doonaa inaan soo kobo nuxurka qorshaha. Marki laga hadlayo horumarka Soomaaliya, dalka waxaa loo qaybiyaa sadex: Somaliland, Puntland iyo Koofurta&Baratahama Soomaaliya (KBS). Labada hore waxay leeyihiin qorshe u gooni ah oo ay iyagu dagsadaan. Marka ...

Waa kuma Sheekh Cusmaan Zaylici?

                                       Tan iyo marki Islaamku soo gaaray Soomaaliya, waxay dadka soomaaliyeed ka qayb qaateen faafinta iyo difaaca diinta iyo dadkeeda. Waxaa kasoo baxay hoggaamiyaal ciidan iyo madax maamul oo dunida caan ka noqotay. Waxaa sidoo kale kasoo baxay culimo ku xeel dheeraaday barashada iyo baridda diinta dunida dacalladeedana laga wada bartay. Dadkaan qiimaha badan ee naga dhashay wax raadraac ah kama aannan reebin. Halka kuwa xagga ciidan ku caanbaxay ay wali qalbigeenna ku jiraan, kuwa xagga aqoonta ku sara maray tirisgaba kuma aannan darsan. In yar oo ka mid ah, magacyadooda waa naqaan oo kutubta ay qoreen ayaan akhrisannaa laakiin nasiib darro uma naqaan inay soomaali yihiin, balse waxay noogu xisaabsanyihiin culimadii muslimiinta ee Carbeed. Sababta keentay in dhaxalka sidaan u qiimha badan uu naga lumo waa qorid la’aanta. Waqtigaas laba cudur d...

Qurba-joogta Dayaysan yaysan Qalbiga naga Dilin

                                                                                           Dadka ugu badan ee qoro maqaalada iyo faallooyinka ku saabsan dalkeenna waa dad ku nool waddamo kale ama ka yimid qurbaha. qaar badan oo ka mid ah waddanka waxay ka baxeen horraanti dagaalki sokeeye dibna uguma laaban muddo dheer. dhammaan qurba joogtu waxay ku noolaayeen ama ku noolyihiin waddamo aad ooga hormarsan  dalkeenna xagga amniga, dhisamaha, waxbarashada iyo siyaasadda. Ssidoo kale dadka qoro qormooyinkaan oo afaf qalaad iyo afkeennaba wax ku qoro waxay u badan yihiin dad ka soo baxay jaamacado xirfaddooda qoraalkuna aad u sarreeyo. sidaa awgeed qoraaladuudu waa kuwo xoog badan oo si fudud qofka u duufsan karo. Laakiin dhibka jiro ayaa ah inaysan ka q...

Laba-kaclaynta Mowliidka iyo Xadrada maxaa keenay?

                                                                                Afeef Qormadaan kuma saabsana xugunka Mowliidka iyo xadrada. Sidoo kale kama faaloonayso waxa ay yihiin iyo qeexiddooda. Intaas waxaa dheer, qormadu kuma salaysana cilmi-baaris ee waa fikir shakhsiyadeed oo sax iyo khaladba qaabilo. Sidaa darteed yaanan lala aadin meel aysan u socon, wayse u furantahay naqdin. Soomaalida iyo Mowliidka Soomaalidu waxay ahaayeen dad wada Sunni ah. Caqiido Ashaaciro barax la’ ah. Mad’hab shaafici aan la tarrixin ah. U dababaal dagidda mowliidka iyo xadradu ma ahaan jirin wax qariib ah balse waxay ahaayeen astaamaha ugu caansan ee lagu muujiyo diinta suubban ee dadku haysteen.  Inkastoo culimo iyo caamo intaas ka sinnaayeen, culimadu waxay ahaayeen labo jaad. ...

Waad Qaboobiye, ku Qanac wuxuu Qaadir ku siiyay

                                                                                                            Qaneecadu waa keyd aan dhammaan, waa shey qaali ah oo helidusu adagtahay. Siduu Rasulku SCW noo sheegay, waa hontinimada xaqiiqda ah. Waa shey ka maqan aadanaha intiisa badan. La’aanteed waa waxa nin rageed oo dhan ceeb faraha u galiyo, maalin walbana aan u maqalno malaayin aya la lunsaday, hanti qaran aya la boobay, dadbaa la furtay, badbaa la iibsaday, qandaraas qaran iibis ah ayaa lasoo qaatay iyo wax yaabo kale oo badan oo In taba la xariiro qaneeco la’aan iyo hunguri weynin. Waxa maxay qaneeco? Qanecadu ama sida aan inagu u naqaan imaanku, waxa lagu macneeyaa: ruuxu inuu ku qanco waxa uu hayst...

Contact Form

Name

Email *

Message *