Skip to main content

Qurba-joogta Dayaysan yaysan Qalbiga naga Dilin

                                                                                          Image result for qurbajoog
Dadka ugu badan ee qoro maqaalada iyo faallooyinka ku saabsan dalkeenna waa dad ku nool waddamo kale ama ka yimid qurbaha. qaar badan oo ka mid ah waddanka waxay ka baxeen horraanti dagaalki sokeeye dibna uguma laaban muddo dheer. dhammaan qurba joogtu waxay ku noolaayeen ama ku noolyihiin waddamo aad ooga hormarsan  dalkeenna xagga amniga, dhisamaha, waxbarashada iyo siyaasadda.

Ssidoo kale dadka qoro qormooyinkaan oo afaf qalaad iyo afkeennaba wax ku qoro waxay u badan yihiin dad ka soo baxay jaamacado xirfaddooda qoraalkuna aad u sarreeyo. sidaa awgeed qoraaladuudu waa kuwo xoog badan oo si fudud qofka u duufsan karo. Laakiin dhibka jiro ayaa ah inaysan ka qiyaas qaadan waciyga jira iyo waaqiga ay tahay in wax lagu dhiso marki laga hadlayo horumarka uu dal samaynayo. waxay ka simanyihiin inay sawir murugo leh oo niyad jabis ah ka bixiyaan dalka iyo jidka uu ku socdo. 

Marka ay hadlayaan waxaad mooddaa inay ka hadlayaan dal aan Soomaaliya ahayn ama aanan Afrikaba ku ool. Tusaale, waxaan wada xasuusannaa hadalki borofesar Samatar uu u jeediyay Soomaalida ku nool maraykanka waxyar ka dib doorashadii madaxweyne Xasan. mar la waydiiyay xaalka soomaaliya waxaa uu u yiri caruur caga-cad oo macaluul ka muuqato ayaan soo arkay ee dal masoo arag. 

Qiyaasti shan sano ka dib hadalki Samatar, waxaa maqaal ku qoran af-Ingiriss qoray aqoonyahan kale oo soomaaliyeed. Maqaalka oo ciwaan looga dhigay "mustaqbalka madow ee Soomaaliya" (The bleak Future of Somalia" ayaa wuxuu kahadlay dhibka dalka ka jiro. Qoraha oo sheegtay inuu ku dhawaacmay qarixii lagu halaagsamay ee Soobe ayaa eed culus u jeediyay madaxda dalka ugu sarrayso. 

Dhibku maahan inuu madaxda eedeeyo, waxaa mushkilad ah in waxa uu ku eedaynayo aysan ahayn mid awalba meesha laga filan karay marki la eego xaaladaha adag ee uu dalku soomaray. qaabkauu hadalka u qoray waxaad mooddaa inuu la hadlayo madaxweyne dal Yurub ku yaal xukumo, xataa kuwa Maraykanka sidaa looma eedayn karo. waaase ka sii daran inuu mustaqbalka dalka iyo horumarkiisaba mugdi galiyay kana dhigay mid ay adagtahay in wax laga qabto. 

Maxaa ka khaldan qorayaashaan?

Labo qodob ayaa sal u ah khalaadkaan. Kan koowaad waa laab-lakac. Qoraalkooda iyo hadalkuuduba waxaa keeno dhib shaqsiyadeed oo qabsaday. Tusaale, qoraha danbe ee aan sheegay wuxuu ku dhibtooday qarixi Soobe sidaa darteed wuxuu ciil ugu dhintay waxtar yarida madaxda dalka. Sidaa darteed dareenkiisi markaasi jiray ayuu wax u qoray ee maahayn mid uu ka fakeray saamaynta.

Sidoo kale Samatar habaynka uu shirkaas ka hadlayo waxaa uu ka soo laabtay Xamar oo uu kula kulmay caddaalad darro ba'an iyo ardaalnimo ay shaqsiyaad ku kaceen. Ciilki uu qabay ayuu ka turjumayay hadalkiisu. Ilaha yar ee ku nool Maraykanku waa yaqaan in caruur qaaqaawan oo cagacad ku noolyihiin Afrika. Marnaba wax cusub kuma ahayn Samatar foolxumada dalka ka jirto.

Midda Labaad waa booska ay ka cabbir qaateen. Shay walba oo la cabbirayo waxaa laga billaaba bar cayiman. ka dib waxaa la eegaa hadba intuu bartaas xagga wanaaga ama xumaanta uga durkay. Tusaale, canugu markuu dhasho korriinkiisa waxaa laga billaabaa saacadda uu dunida yimaado. Kadib inta kiilo ee ku darsantahay, kororka kasmadiisa iyo korriinka xubnihiisa ayaa lagu oogaadaa inuu korayo iyo inuu naaqusayo.

Qurba-jioogtu waxay intooda badan ka cabbir qaataan waddamada ay ka tageen ee Galbeedka. Wuxuu dalka ku laaban isagoo madaxa ku haysto sawirka New York ama Dubai. Marki uu tago garoon labo diyaaradood fadhido oo boor ka kacayo ayuu naxdin iyo anfariir la istaagi. Meesha dal ma joogo ayuu billaabi.

Marki uu gudaha sii galo, wuxuu la kulmi nolol ay ugu danbaysay 20 ama 30 sano ka hor. Dad tiro dhaafay oo tuusanayo, boolis dadka baadayo, waddooyin aan sharci lahayn, askar hubaysan oo jidadka safan, meeshuba waxay ula ekaan xero ciidan. habayno markuu baryo ayuu billaabi inuu isku dayo inuu xarumaha dowladda booqdo isagoo shaqo doon ah ama rabo inuu talo dhiibto. Wuxuu la kulmi mid kasii daran tii hore. Gacanyaraha wasiirku laaluush ayuu rabaa, wasiirku xafiiska maba yimaado, boqol qof oo aan meesha ka shaqayn ayaa dhooban. isagii ayaaba shaxaad lagu billaabai.

dadaal badan ka dib wuxuu la kulmi cidduu rabay ee madaxda ahayd. Xurmo badan kala kulmi mahayo, warkiisi laga hoos qaadi mahayo, isoo laabo iyo mar dhan aan is aragno ayaa looga bixi. isagoo caro dhuunta joogo ayay bishii uu watay dhammaan. tigid ayuu goosan wuuna soo laban. waxaa xigo inuu qalinkiisa ku aarsado. wuxuu saacado badan galin helidda tusaalooyinki ugu foosha xumaa ee kuwii soo xumeeyay, sideey isaga la tahay, uu ka bixin lahaa. ka dib ayaan akhrinnaa oo aan ku wax qayb sannaa warkiisa.

Maxaa Caddaalad ah

Caddaaladu waa in dalku uu dhib ka jiro balse uu sameeyay horumar baaxad leh. horumarkaas waxaa garan karo qof walba oo maan fayow ku jiro, dalka xaaladuu soo marayna og. Waxaa horumar laga gaaray xagga siyaasadda, dhaqaalaha, aqoonta, caafimaadka iyo amniga. Hadday muraayado nadiif ah ku fiirin lahaayeen, qacda horaba waxay ku farxi lahaayeen inay kasoo dageen Xamar iyagoo ka duulay Yurub ama Maraykan. Taas ayaaba ah horumar aan caadi ahayn waayo muddo dheer taas ma dhici jirin waxaana qasab nagu ahayd inaan aadno waddamada dariska ah ka dibna aan usoo tahriibno dalkeenna.

waxaa horumar ah, in boolis waddooyinka joogo haddu rabo laaluush ha gurtee waayo 20 sano kudhawaad maba aannan lahayn boolis, waxaa horumar ah in wasiir shaqaynayo oo la raadiyaba oo u jiro waayo awal meeshaba wuu ka baxay. Horumarkaan waa mid sooo socday muddo. Markaad cabbirka waa ka qaadato dowladdi Cabdiqaasim, waxaa si cad kuugu muuqanayo in maamulba midka ka danbeeyo uu ka fiicnaa tallaaboyin muhiim ahna uu soo kordhiyay.

Waxaa sidoo kale caddaalad ah in madaxda la dhaliilo. Waxaa la iftiimin khaladaadka ay galeen iyo kay markaas ku jiraanba. Waxaa la sheegi meelaha ay ka gaabiyeen, waxaa  la xasuusin in intaas in badan la qaban karay. Waa lala xisaabtaa si af u fahmaan inay shacabka shaqaale u yihiin. Intaas oo dhan ayaa la samayn iyadoon lagu xadgubayn shaqsiyadooda, aadna loo ixtiraamayo mansabka ay noo hayaan.

Ugu danbayn, dalku horay ayuu u socdaa. Waagii baryaba waxaa soo kordho horumar cusub oo aan shalay jirin waxaana arki karo qofkii sifiican ugu fiirsado duruufihi kala duwanaa ee aan ku jirnay sodonki sano ee lasoo dhaafay. Hase ahaatee mushkiladaha balaaran ee dalka ka

jiro, aqoonyahanka wareersan, siyaasiga danta gaarka ah leh iyo qurba-joogta dayaysan ayaa naga hortagaan inaan aragno horumarka uu dalku samaynayo.

Ibrahim Aden Shire
ishire86@gmail.com

Comments

Popular posts from this blog

Taariikh Nololeedkii Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf

  28/12/2023 waxaa geeriyooday sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf oo ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed marna ahaa hoggaamiyihii Imaaradii Gedo. Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf Aw Axmed Ismaciil Mubaarak sheekh Cabdiraxmaan sheekh Samantar,  waxaa uu ku dhashay qiyaastii 1938-kii, meel lagu magacaabo Buuro oo galbeedka uga beegan magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Sheekha waxaa uu ahaa Marreexaan, Cali Maxammed (Cali-dheere), reer Sheekh reer Mubaarak.  Sheekh Maxammed waxaa uu ku barbaaray guri aqoon iyo Diin. Sida aad ka arki kartaba abtirkiisa aabbihii iyo awooyaashii waxaa ay ahaayeen culimo. Sheekha Maxammed Allaha u naxariisto e (AUN),  waxaa uu Qur’aanka kariim ka ah dhammeeyay isaga oo aad u da’ yar. Intaa ka dib waxaa uu u jeestay barashada caqiidada, fiqhiga iyo Shaaficiga isaga oo kutubtaas ka qaatay aabbihii. Sidii uu dhaqanku ahaa, sheekh Maxammed  waxaa uu xiraystay sannadka markii uu ahaa 1956-kii ilaa 1961-kii  goortaas oo uu cilmi u raadsaday magaalooyinka Beledwayne,

Hal ku dhigga halaagga noo horseeday: "Xoolaha dad weynaha ayaa ganacsi loo baddalay"

Ilaa shalay waxaa baraha bulshada lagu faafinayay in isbitaalki Jaalle Siyaad ee dagmada Garbahaareey loo rogay meel ganacsi. Saaka warki asaga ahaa waxaa qoray qaar ka mid ah mareegyada warfaafinta ee Soomaalida. Dadka qoray warkaan qaar waxay isticmaaleen erayo adag sida 'dhiig miirato', 'furasho' iyo 'boob'.  Inkastoo aan la xariiray qaar ka mid ah dadka qoray farriimahaan aana isku dayay inaan si hoose xal ugu helo warkaan aan salka lahayn, haddana waxaa ii muuqato inuu dhawaqu meel fog gaaray hoos u hadlidna aysan ku filnayn. Sidaa darteed waxaan go'aansaday in si muuqato wax ooga dhaho warkaan oo aan ahayn kii ugu horreeyay ee noociisa ah.  Muxuu yahay Isbitaalka Jaalle siyaad? Jaalle Siyaad waa isbitaal weyn oo ku yaal Garbahaareey. Waxaa dhismihiisa bilowday dowladdii dhexe isagoo qaybo ah ayayna dhacday. dhowr iyo labaatan sano ayuu qabyadaas ahaa oo arigu u xaroon jiray. Waqti aan fogayn ayay gabdho qurbajoog ah isu xilqaameen inay

Maxaa ka run ah warbixinnada foosha xun ee laga qoro Soomaalida Qurbaha?

Warbixin ka ay daabacday Boomerg oo looga hadlay waxtarka muhaajiriinta Maraykan  tago ayaa lagu sheegay in Kiinyaanku yihiin dadka saddexaad ee ugu shaqada iyo waxtarka badan soogalootiga Maraykanka. Gaana oo Afrika ah ayaa qaadatay kaalinta koowaad waxaan labo noqday Bulgeeriya oo Yurub ah. Waxaa sidoo kale toban hore soo galay dalalka Itoobiya oo afar gashay, Masar oo shan gashay, Nayjeeriya oo siddeed gashay iyo Laybeeriya oo sagaal gashay. Toban qowmiyadood ee ugu shaqada badan muhaajiriinta ku nool Maraykanka lix ayaa kasoo jeedda Afrika. Waxaan tobanka hore soo galin Soomaalida. Sidoo kale soomaalidu safka hore oogama jirto muhaajiriinta ugu aqoonta badan. Afrika Masar iyo Natjeeriya ayaa kaga jiro tobanka hore xagga aqoonta. Marka walba oo lasoo hadal qaado Soomaali waxaa lagu xariiriyaa, faqri, burcadnimo, aqoon la'aan, argagixisonimo iyo shaqo la'aan baahsan. Warbixin laga soo saaray waddamada Galbeed oo sawir quruxsan ka bixiso Soomaalida in la helo ma dhacd

Contact Form

Name

Email *

Message *