Skip to main content

Mashaariicda Horumarineed ee ka fulay gobalka Gedo sanadka 2017

                                     Image result for Gedo region
Waxaa si joogta ah u helnaa wararka iyo dhacdooyinka ka dhaco gobalka Gedo. Inta badan wararka aan helno waa kuwa xambaarsan sawir madow iyo mustaqbal murugo leh. Sababaha keenay in aan helno wararka xun kaliya waxaa ka mid ah dadka warka soo gudbiyo ujeeddooyinka ay ka leeyihiin.


Wararka ugu badan ee ku saabsan nolosha dadka Gedo iyo xaaladda uu marayo gobalku waxaan ka helnaa ama soo diyaariyo hayadaha samafalka. Ujeedka hayadaha waa in lagu baraarugaa dhibka ka jiro gobalka iyo baahida uu qabo sidaa awgeed waxay xoogga saaraan kaliya dhinaca qarracanka si loogu beer jileeco. 


khadka kale ee aan akhbaaraha ku helno waa baraha bulshada iyo shabagadaha warbaahinta. Dadka gudaha joogo ayaa sawiro ama war kooban kasoo gudbiyo meelaha ay joogaan. Arrimaha dadkaan soo jiito maahan kuwa horumarka ee sida tartartiibta ah u dhaco ee waxay arkaan kaliya xawaadista kadiska ku dhacdo. Tusaale, haddii la ballaarinayo iskool sii jiray ma jiro qof ku mashquulayo dhismaha meesha ka socdo, wuxuuna dhammaan isagoon cidna ku baraarugin.


Dhinaca kale, haddii qof la dilo ama duqayn, qarax ama musiibo kale dhacdo waxaa loo kala hormari tabainta dhacdadaas. Mareegaha wararkuna waa la mid. Iyagu waxayba sii dheer yihiin inay si ku talagal ah u raadiyaan wararka xasaradda abuurayo si ay u helaan akhristayaal badan.


Soo gudbinta wararka xun waxay keentay inuu gobalku noqdo meel laga cabsado. Dadku waxay aamineen in Gedo tahay gole laga guuray, maalgashi uusan ka jirin, adeeg iyo waxyaabaha nolosha aasaasiga ah loogu baahanyahay aan laga heli karin. Cabsidaan waxay niyad jabisay dad badan oo maalgashi ku samayn lahaa gobalka ama booqan lahaa ama kuba noolaan lahaa. 


Si aan wax ooga badalno muuqaalkaas, aana u helno xog dhab ah oo dheeli tiran oo ku saabsan gobalka, waxaan i joogta usoo gudbin doonnaa haduu Eebe idmo mashaariicda horumarineed ee gobalka ka dhaco sanad walba. Halkaan waxaan kusoo gudbin doonaa mashaariicdi ugu muhimsanaa ee ka hirgalay gobalka guga 2017-ka. Waxaan waqti galiyay inaan helo xog buuxdo oo gobalka oo dhan ah laakiin kuma wada guulaysan. 


Waxaan isku dayi doonaa inaan labo qormo ka dhigo si ayan noogu dheeraan waxaana soo gudbin xogta oo kooban oo aan wax faahfaahin la socon. Waxaa baraarujinayaa in aanan tagin magaalo walba mashruuc walbana aanan ka war helin sidaa darteed waxaan ka tago ku talagal maahan ee waxaan ka hadlay intaan ogahay. Qofkii helo xog kale ama haddaba hayo ha ila soo xariiro si aan ooga daba geeyo.


Baardheere

Dagmada Baardheere waa dagmadii ugu danbaysay ee laga saaro Shabaabka. Muddo badan ayaa waxaan laga fulin mashaariic horumarineed. Sanadkaan waxay heshay mashaariicdi ugu badnayd ee ay bixiyaan hayadaha caalamiga ah. Mashaaruiicda ugu badan ee ka fulay waa kuwa ay fuliso hayada IOM maalna galiso USAID. Mashaariicdaan ayaa waxaa laga fuliyaa meelaha laga qabsaday xarakada Shabaab, waxaana loogu magac bixiyay mashaariicda xasalinta waqtiga kala guurka.

mashaariicdaan ayaa u badnaa dayac tir iyo dhismayaan yaryar waxaana ka mid ahaa:

1: Dayactir lagu sameeyay xafiiska dagmada. 2: Dayactir iyo hagaajin lagu sameeyay gagida diyaaradaha. 3: Dhismo cusub oo qaybo dhowr ah ka kooban oo loo dhisay ururada rayidka iyo arrimaha bulshada. 4: Dayactir iyo qurxin lagu sameeyay garoonka kubbada kacta. 5: Biyo xireen aan weynayn oo lagu sameeyay farraq dhib weyn ku hayay isu gudbidda dadka. 6: layrarka soolarka ku shaqeeyo oo lagu xiray waddooyinka ugu muhiimsan magaalada.

Waxaa sidoo kale dayactir iyo dib u habayn lagu sameeyay isbitaalki dagmada oo aan muddo ku dhow 20 sano aan shaqayn. Isbitaalka soo noolayntiisa ayaa ah mid ahmiyad weyn u leh dagmada waxayna qayb weyn ka qaadan doontaa sixada dadka iyo horumarka guud ee gobalka.

Dhinaca waxbarashada, iskoollo hoose oo loogu talagalay dadka barakacayaasha ah ayaa laga furay dagmada kuwaas la filayo inay daboolaan baahida caruurta dhulkoodi kasoo qaxday ee ku dhibaataysan bannaanka dagmada. Mashruuca iskoollada waxaa fulisay hayada HIRDA.

Garbahaareey

Dagmada Garbahaareey ayaa waxaa muddo dheer saarnaa go'doomin ay ku samaysay xarakada shabaab. Go'doomintaas ayaa adkaysay mashaariic badan oo dagmada ka hirgali lahaa. Laakiin waxaa laga dhaxlay faaiido mustaqbalka u fiican taasoo ah in dadku isu tashaday. Garbahaareey masharricda ka hirgasho inteeda badan waxaa hormuud ka ah dadka deegaanka.

Sanadkaan kaliya waxaa dhisay labo buundo oo yaryar kuwaas oo la saaray farraqyo maritaankoodu dhib weyn ahaa. Inkastoo qarashki ka go'ay oo wali qaybyo jirto hadana waxay ahayd tallaabo muhiim ah oo ay qaadeen dadka deegaanku.

Shirakadda gaarka loo leeyhay ee Raasumaal ayaa iyana ka hirgalisay dagmada mashruuc biyo galin ahaa kaas oo ay ku baxday lacag ku dhow nus malyuun doolar. Mashrrucaan ayaa noqday kii ugu faaiidad badnaa ee abid soo mara dagmada waxaa marki ugu horraysay dagmada laga cabbay biyo macaan. Biyaha macaan ee nadiifka ah waxay kaalin muhiim ah ka cayaarayaan sixada iyo yaraynta xanuunnada ka dhasho biyaha wasaqaysan sida shuban biyoodka oo deegaan dhib weyn ku hayay.

Tuulada Maykaareebay, oo hoos timaaddo Garbahaareey, ayaa iyana waxaa laga qoday ceel riig ah oo qarash badan lagu bixiyay. Tuuladaan oo ceelki hore aasmay biyaheeduna qaraar ahaayeen ayaa lagu le'an jiray waqtiyada jiilaalka. Hayadda Al-Raxma oo ah mid dadka deegaanku leeyihiin ayaa ceelkaas suura galisay waxaana 200 mitir ka dib loo tagay biyo xareed ah. 


Xagga waxbarashada, waxaa la dhisay dhisme cusub oo uu yeeshay dugsiga sare ee An-Anwar. Dismahaan oo ka kooban afar qol, labo musqulood, xafiis iyo hool ayaa waxaa fulisay hayadda IOM. Hayaddaan ayaa sidoo kale dhistay suuqa caanaha oo ay aad ugu dhib qabeen haweenka miyiga caanaha ka keeno oo qorrxada la fahiisan jiray caanaha ay iibinayaan. Dhismaha suuqa iyo kan iskooka waxaa ku baxay adduun gaarayo $120,0000.


HIRDA ayaa iyana ka hirgalisay sadex iskool oo hoose ku waasoo loo dhisay dadka barakacayaasha ah. Iskoolaadaan ayaa kiiba waxaa uu ka koobanyahay labo fasal iyo labo musqulood, waxaana dhigayo kiiba afar macalin iyo maamule. Sadex goobood oo ay dadka barakacayaasha ah Dagan yihiin ayaa laga dhisay iskoolladdaan.

waxaa baraarujin mudan waxa loola jeedo barakacayaal. Dadka kasoo barakacay dhulkoodi waa labo. Kuwa waa dad ka yimid meelo ka baxsan gobalka Gedo sida Bakool iyo Bay iyo meelo ka fog. Kuwa labaad waa dadki dagganaa hareeraha magaalada oo inta  abaaruhu xoolihii ka dhammeeyeen ka dibna iyagoo gacmo maran baladka soo gaaray. Labada qayboodba isku si ayaa loola dhaqmaa kala sooc la'aan ayaana wixii loo karo la taraa.

Waxaa mugdi ku jiro inta ay sii socon doonaan iskooladaan maadaama ay HIRDA sheegtay inay gacanta ku haynayso lix bilood kaliya. Hasayeeshee marba haddii la dhisay waxaa la filayaa inay dadka loo dhisay si buuxdo ula wareegi doonaan maamulkiisa.


Guud ahaan, sanadkaan wuxuu ahaa sanad u wacnaa magaalooyinka aan kor kusoo xusay, inkastoo jireen dhacdooyin dhowr ah oo dhibkeeda lahaa. 

lasoco qaybta xigto Eebe idankii

Ibrahim Aden Shire
ishire86@gmail.com

https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/

Comments

Popular posts from this blog

Taariikh Nololeedkii Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf

  28/12/2023 waxaa geeriyooday sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf oo ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed marna ahaa hoggaamiyihii Imaaradii Gedo. Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf Aw Axmed Ismaciil Mubaarak sheekh Cabdiraxmaan sheekh Samantar,  waxaa uu ku dhashay qiyaastii 1938-kii, meel lagu magacaabo Buuro oo galbeedka uga beegan magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Sheekha waxaa uu ahaa Marreexaan, Cali Maxammed (Cali-dheere), reer Sheekh reer Mubaarak.  Sheekh Maxammed waxaa uu ku barbaaray guri aqoon iyo Diin. Sida aad ka arki kartaba abtirkiisa aabbihii iyo awooyaashii waxaa ay ahaayeen culimo. Sheekha Maxammed Allaha u naxariisto e (AUN),  waxaa uu Qur’aanka kariim ka ah dhammeeyay isaga oo aad u da’ yar. Intaa ka dib waxaa uu u jeestay barashada caqiidada, fiqhiga iyo Shaaficiga isaga oo kutubtaas ka qaatay aabbihii. Sidii uu dhaqanku ahaa, sheekh Maxammed  waxaa uu xiraystay sannadka markii uu ahaa 1956-kii ilaa 1961-kii  goortaas oo uu cilmi u raadsaday magaalooyinka Beledwayne,

Maxaa ka run ah warbixinnada foosha xun ee laga qoro Soomaalida Qurbaha?

Warbixin ka ay daabacday Boomerg oo looga hadlay waxtarka muhaajiriinta Maraykan  tago ayaa lagu sheegay in Kiinyaanku yihiin dadka saddexaad ee ugu shaqada iyo waxtarka badan soogalootiga Maraykanka. Gaana oo Afrika ah ayaa qaadatay kaalinta koowaad waxaan labo noqday Bulgeeriya oo Yurub ah. Waxaa sidoo kale toban hore soo galay dalalka Itoobiya oo afar gashay, Masar oo shan gashay, Nayjeeriya oo siddeed gashay iyo Laybeeriya oo sagaal gashay. Toban qowmiyadood ee ugu shaqada badan muhaajiriinta ku nool Maraykanka lix ayaa kasoo jeedda Afrika. Waxaan tobanka hore soo galin Soomaalida. Sidoo kale soomaalidu safka hore oogama jirto muhaajiriinta ugu aqoonta badan. Afrika Masar iyo Natjeeriya ayaa kaga jiro tobanka hore xagga aqoonta. Marka walba oo lasoo hadal qaado Soomaali waxaa lagu xariiriyaa, faqri, burcadnimo, aqoon la'aan, argagixisonimo iyo shaqo la'aan baahsan. Warbixin laga soo saaray waddamada Galbeed oo sawir quruxsan ka bixiso Soomaalida in la helo ma dhacd

Hal ku dhigga halaagga noo horseeday: "Xoolaha dad weynaha ayaa ganacsi loo baddalay"

Ilaa shalay waxaa baraha bulshada lagu faafinayay in isbitaalki Jaalle Siyaad ee dagmada Garbahaareey loo rogay meel ganacsi. Saaka warki asaga ahaa waxaa qoray qaar ka mid ah mareegyada warfaafinta ee Soomaalida. Dadka qoray warkaan qaar waxay isticmaaleen erayo adag sida 'dhiig miirato', 'furasho' iyo 'boob'.  Inkastoo aan la xariiray qaar ka mid ah dadka qoray farriimahaan aana isku dayay inaan si hoose xal ugu helo warkaan aan salka lahayn, haddana waxaa ii muuqato inuu dhawaqu meel fog gaaray hoos u hadlidna aysan ku filnayn. Sidaa darteed waxaan go'aansaday in si muuqato wax ooga dhaho warkaan oo aan ahayn kii ugu horreeyay ee noociisa ah.  Muxuu yahay Isbitaalka Jaalle siyaad? Jaalle Siyaad waa isbitaal weyn oo ku yaal Garbahaareey. Waxaa dhismihiisa bilowday dowladdii dhexe isagoo qaybo ah ayayna dhacday. dhowr iyo labaatan sano ayuu qabyadaas ahaa oo arigu u xaroon jiray. Waqti aan fogayn ayay gabdho qurbajoog ah isu xilqaameen inay

Contact Form

Name

Email *

Message *