Dowladda
Fedaralka ah ayaa diyaarisay qorshaha ay ka leedahay waxbarashada dalka iyo
yoolka ay rabto inay gaarto labada sano ee soo socoto. Diyaarinta qorshahaan
waxaa maalgaliyay hayadaha UNICEF iyo Global
Partnership for Education. Nasiib darro warbixinta iyo xogta ay
xambaarsantahayba waxaa lagu qoray af qalaad sidaa darteed dadkeennu wax badan
kama oga xaaladda ay ku suganathay waxbarashada dalka iyo meesha loo jihaynayo.
Waxaan isku dayi doonaa inaan soo kobo nuxurka qorshaha.
Marki laga
hadlayo horumarka Soomaaliya, dalka waxaa loo qaybiyaa sadex: Somaliland,
Puntland iyo Koofurta&Baratahama Soomaaliya (KBS). Labada hore waxay leeyihiin
qorshe u gooni ah oo ay iyagu dagsadaan. Marka waxaan halkaan kusoo qaadayno
waa midda danbe laakiin si kooban inaan u yara tilaamo way dhici kartaa
isbarbardhig ahaan.
Inta aanan
gaarin yoolka dooladdu tiigsanayo waxaan ku hormari xaaladda waxbarashada
aasaasaiga ah ee dalka hadda ka jirto si loo fahmo baahida iyo suura galnimada
yoolka dowladda.
Waxbarashada
bilowga iyo Barbaarinta (Early Childhood Care and Education)
Qaybtaan wax
horumar ah oo la taaban karo lagama samayn. Qorshihii sadexdii sano ee la soo
dhaafay loo dajiyay qaybtaa, dhammaantood midna kama hirgalin. Laakiin caruurta
da’daan ah waxay dhigtaan malcamado iyo iskoollo gaar loo leeyahay dadkuse
aysan wada awoodin dalkana aan kuwada oollin.
In kastoo
dowladdu qortay qorshe tilmaamayo waxa ay ka damacsantahay qaybtaan, hadana ma jiro manhaj u diyaarsan,
siyaasad lagu hago iyo tababarro iyo waxbarasho loogu talagalay macallimiinti
dhigi lahayd. sidaas awgeed magac ahaan mooyee si kale uma jirto waxbarashada
da’daan oo aad muhiim u ah.
Waxbarashada
aasaasiga ah (primary Education)
Qaybtaan waa
midda aan wada naqaan meel walbana xoogga laga saaray. Dhowrki sano ee la soo
dhaafay waxaa xoogga la saaray in la hormariyo waxbarshada hoose hase ahaatee
yoolalki intoodi badnayd waa la gafay. Isdiiwaan
galinta guud ayaa ah mid aad u hoosayso. 22.1% kaliya ayaa ahayd caruurta isu
diiwaan galisay dugsiyada hoose, taasi waxay ka dhigantahay 77.9% caruurtu
iskool ma dhigtaan.
Waxaa sidoo
kale muuqatay dheelitir la’aan u dhaxayso miyi ka warqabeenka iyo
magaalooyinka. Tusaale, 12% kaliya ayay noqotay isdiiwaan galinta tuulooyinka
halka magaalooyinku ay ahayd 58%. Labka iyo dhaddigu waxaa isu soo dhawaadeen
(44% dhadig, 56% lab).
Shaxda hoose
waxay tusaysaa saamiga isdiiwaan-galinta guud ka maamul gobaleed ahaan.
Waxaa cad
inuu jiro farqi weyn uu dhexeeyo maamullada. Jubaland ayaa ugu fiican oo guud
ahaan saamigu yahay 29.7%. Jubaland haddii aad si hoose u fiiriso faqri balaaran
ayaa u dhaxeeyo gobollada. Gedo ayaa ugu sarrayso oo 39.9% yahay saamigeedu
halka Jubada Hoose ugu hoosayso (20.2%). Arintaan waa mid lama filaan ah waayo
Jubada Hoose waxaa ku taal Kismaayo oo caasimad ah dad badanna ku nool yahay. Sidoo
kale, waxaa lagu tuhmayay lacagti gobalka oo dhan inaysan iyada soo dhaafin
marka inay heerkaas joogto waa amakaak ah.
Gedo heerka
ay joogto ayaa iyaduna ah mid fiiro gaar ah leh. Abaaraha aan kala go’a lahayn,
colaadaha gaamuray iyo dhaqaalaheeda oo hooseeyo darteed dadku waxay aamineen
inay Gedo tahay meel duntay. Hase ahaatee waxaa muuqato in dadkeedu dantiisa
qabsaday kana shaqeeyay inuu la noolaado xaaladda haysato. Isu tashigaas ayaa
keenay guushan balaaran ee ay ka gaareen waxbarashada.
Koofur-Galbeed
ayaa ugu hoosayso maamullada 11.8% kaliya ayaa caruurta iskool ka aaddo. Sawirkaan
runtii waa mid argagax leh. Si guud kuufurta iyo Bartamaha soomaaliya Banaadir
ayaa ugu sarrayso oo saamigeedu yahay 30.7%.
Puntiland
ayaa u muuqato inay dalka ugu fiicantahay. Waxaa fiiro mudan farqiga u dhaxeeyo
iyada iyo Somaliland. Dadka intiisa badan waxay u haystaan in Somalind
hoggaanka horumarka dalka u hayso laakiin sawirkaan wuxuu tusayaa sidaas si ka
duwan.
Baaqi ahaanshaha
Ku baaqi
ahaanshaha iskoolka ayaa ah mid dhib ka joogo. Inkastoo caruur badan is qoraan
fasalka koowaad hadana tiro yar ayaa gaarto fasalka shanaad. Saamiga baaqi
ahaanshaha ilaa fasalka shanaad ayaa ah 64%. Taasi waxay ka dhigantahy boqolkii
ayday ee koowaad fadhiisato 36 ayaan gaarin fasalka shanaad.
Markale,
magaalooyinka iyo miyi ka warqabeenka ayaa farqi weyn u dhaxeeyaa. Halka Banaadir
saamiga baaqi ahaanshuhu yahay 96.7% Bakool waa 36.4%. Gabdhaha ayaa aad ooga
badan wiilasha xagga iskool ka bixidda.
Dugsi-sare
Guud ahaan
dalka Soomaaliya oo dhan oo Somaliland ku jirto 195804 arday ayaa ka
diiwaan-gashan dugsiyada sare. 39% ardaydaan ayaa dhadig ah. KBS marki hoos loo sii eego waxaa muuqanayso sawir madow. Tusaale,
32% ayaa ah fasalka Koowaad halka 14% kaliya ay yihiin fasalka Afraad. Taasi waxay
ka dhigantahay in tiro badan usoo gudubto fasalka koowaad ee dugsiga sare
laakiin aysan dhamaysane dhexda ooga tagaan.
Tuulooyinka caruurta
ku nool 1.3% kaliya ayaa dugsi sare ka dhigto. Guud ahaan dalka 30% caruurta
ayaa ka diiwaan gashan iskoollo dowaladdu maamusho. Laakiin KBS 8% kaliya ayaa
dhigto dugsiyada sare ee ay dowladdu maamusho. Arintaan waxay tusaysaa in caqabada
ay ka mid tahay iskoolada lacagta ah ee aysan dadku wada awoodin.
Waxbarashada dadka waaweyn (Alternative
Education)
Waxaa jiro
iskoollo badan oo dalka ka furan looguna talagalay ardayda dhaaftay da’da
dugsiyada hoose. Iskoolladaan intooda badan waxaa gacanta ku hayo NGO-yo. 14801
arday ayaa iskoolladaan ka diiwaan gashan. KBS waxaa ka furan 11 xarumood oo dadka
waaweyn wax lagu baro 1361 ardayna ay dhigato.
Hasa ahaatee
xogtaan waxaa laga soo xigtay dowladda dhexe waxaase jirto xog kale oo ay soo
gudbiyeen NGO-yada taasoo tusayso in 44 xarumood oo ay dhigtaan 5000 oo arday ay
ka furan yihiin KBS. Midka saxda lama yaqaan laakiin waxaa runta u dhow midda
dowladda.
Waxbarashada
tababarrada shaqooyinka (Technical , Vocational Education &Training)
Qaybtaan oo
ah midda ugu muhiimsan baahida ugu weyna maanta loo qabo ayaa ah midd ay aad u
hoosayso tirada ka diiwaan gashan marki loo eego tirada ay ahayd inay dhigato. Guud
ahaan dalka waxaa ka diiwaan gashan 145309 arday. 90% dhallinta da’dooda u
dhaxayso 14-24 kama diiwaan gashano waxbarasho sare sidaas darteed waxay ahayd
inay tiro aad u badan aadaan tabar shaqo.
Qorshihii hore ee loo dajiyay 2013-2017 ayaan waxba laga qaban qaybtaan. Sababta ugu wacanna waxay
ahayd dhaqaalo iyo tabar darro xagga dowladda ah. Sidoo kale deeq-bixiyayaashu
aad isugma howlin inay wax ka qabtaan qaybtaan.
Gunaanad.
Guud ahaan dalka
waxaa xagga waxbarashada ka haysto dhib weyn. Maamulladu xil iskma saarin inay
dhaqaale ku bixiyaan waxbarashada aasaasiga ah. Hase ahaatee waxaa muuqto
ifafaale qurxoon oo ay hurmuud ka tahay bulshadu. Waxaa sidoo kale jiro dadaal
xagga dowlada ah kaas oo ay ku fududaynayso manhaj midaysan iyo yool cad.
Inshallah qaybta
xigto waxaan u eegi doono qorshaha dowladda iyo yooleeda.
Ibrahim Aden
Shire
Vabriaspu Don Barker https://wakelet.com/wake/VAmM52I6AvxEo5la9Zav7
ReplyDeletevierapounkia