Skip to main content

Waad Qaboobiye, ku Qanac wuxuu Qaadir ku siiyay

                                                    
                                                      
Qaneecadu waa keyd aan dhammaan, waa shey qaali ah oo helidusu adagtahay. Siduu Rasulku SCW noo sheegay, waa hontinimada xaqiiqda ah. Waa shey ka maqan aadanaha intiisa badan. La’aanteed waa waxa nin rageed oo dhan ceeb faraha u galiyo, maalin walbana aan u maqalno malaayin aya la lunsaday, hanti qaran aya la boobay, dadbaa la furtay, badbaa la iibsaday, qandaraas qaran iibis ah ayaa lasoo qaatay iyo wax yaabo kale oo badan oo In taba la xariiro qaneeco la’aan iyo hunguri weynin.

Waxa maxay qaneeco?

Qanecadu ama sida aan inagu u naqaan imaanku, waxa lagu macneeyaa: ruuxu inuu ku qanco waxa uu haysto in kasta oo ay la egyihiin, kuna shugriyo ciddii siisay.

Waxaan qoralkaan kuso gudbin doonaa qiiso cajiib ah oo noa sharaxayso sida qofku u kala duwanyahay  xilliga uu qaneeco leeyahay iyo marka laga qaado. Waa qiso dhab ah kuna saabsan sheekh Salafkeenni suubbanaa ka mid ah. Qisada waxaan kazoo minguuriyay kitaabka at-taawiib ee uu qoray Ibnu-qaddaamah Al-Xambali.

Fudayl ibnu ciyad فضيل ابن عياض waxa u ahaa nin dhalin yaro kuna can baxay dhaca. Waxa uu waddada u gali jiray dadka musaafurka ah ee kula safro magaloyinka, xilliga habaynka, dabadeed wuxu ka furan jiray waxa ay wataan oo dhan, waxaa lagu bartay naxariis la’an iyo inuusan qofna cafin.

Xilliga uu dadka furan jiray ninkas waxa jiray dowlad islaami ah oo waliba xoog badan danbiilayaashana ku xukunto sharecada islamka. Haddii la heli laha Fudayl xukunkiasu waa lug iyo gacan is dhaaf ah in la gooyo, isna waa ogaa balse shahwada naftiisa iyo jeceylka uu maal u qabo ayaa khatartaas ka indha sabtay. “Hasha qadowga aragto Qalowga ma aragto” ayaa horay loo yiri.

Asagoo xaladas ku jiro, maalin kiina dhuunto habaynkina shaqaysto sida dugaagi. ayu arkay gabar cajabisay ka dibna jeceyl aya saaqay, hawadii aduunyada ayaa kusii badatay waxayna noqotay inu shaqadi dariiqyo-goyska ahayd labanlaabo illeen maal badan ayuu u bahanyahaye si uu gabadhan oogu guulaysto.

Habayn asago ku cajisay isbaradii ayuu is yiri maad so fiirisid qofti bal inad hesho ka dibna gurigooda ayu soo aaday, darbiga ayuu fuulay si uu gudaha u galo. Gudaha marku qoransaday wuxu arkay oday salaad ku jiro kuna raxaysaynayo qur’aanka kariimka ah. Akhrinaya أَلَمْ يَأْنِ لِلَّذِينَ آمَنُوا أَن تَخْشَعَ قُلُوبُهُمْ لِذِكْرِ اللَّهِ وَمَا نَزَلَ مِنَ الْحَقِّ وَلَا يَكُونُوا كَالَّذِينَ أُوتُوا الْكِتَابَ مِن قَبْلُ فَطَالَ عَلَيْهِمُ الْأَمَدُ فَقَسَتْ قُلُوبُهُمْ ۖ وَكَثِيرٌ مِّنْهُمْ فَاسِقُونَ oo macnaheeda ahaa “miyan  la gaarin waqtigi dadka mu’mininta ah ah ay qulubtooda xuska Eebe u khushuuci lahayd” Fudayl wa dhagaystay, sacaddaan waxa xuman ku jiro, sida uu ugu tuntay shareecada eebe, iyo sida uu u dhibayo dadka muslimka ah ayaa qalbiga kala jeexay. Rabbi ayaa qalbigisa hanuun kuso tuuray, darbigi ayu kaso hoobtay, isla saacadas ayuu masajidka galay, maalintas laga billabana waxa u waqtigisi galiyay cibaado iyo barashada diinta islaamka.

Booqashadii Haaruun Al-rashiid

Eebe aya ku yir xadiiul qudsii “aadaow u faaruq noqo cibadadayda, laabtaada ayan ka buuxin qaninimo, faqrigadana wan dabooli, haddii kale laabtada waxan ka buuxin mashquul, baahidada dabooli mahayo”, macnaha baahi an dhamad lahayn aya ku hayn wax walba oo aad heshana ku deeqi mahayaan.

Waa run sheegay Eebe ninki adduun iska daayana isaga soo raadsan. Bal aan eegno meesha ay adduunyo oogu timid ninki habayn iyo maalinba radshay ee soo qaban waayay iyo sida uu yeelay markay so boqotay.

Madax weynihii islaamka Haruun Al-rashiid- oo markas ka talin jiray dhammaan dhulka carabta, Iiraan, ilaa Hindiya, ahaana quwadi ugu xoogga badnayd dunida markaas oo dunidoo dhana ay isaga si toos ama si dadban u hoos jogtay aya so xajiyay. Isagoo xaramka joogo ayuu habayn ku yiri wakiilkiisi magalada Makko ii gee Sheekh caalim ah. Waa la waday waxa loo geeyay Cabdirazaq ibnu hamaam oo ahaa caalim weyn, muxadiisyahan  cibaado badan ah. Albaabki ayaa lagu garacay, waa kuma ayuu yiri waa amiirki mu’minta aya loogu jawaabay.

Si halhaleel ah ayuu usoo booday gurigi ayuuna furay, aad ayuu u wayneeyay. Waxa u yiri maxad isu soo dhibtay anaa ku iman lahaye maxad iigu so cid diri wayday?

Haaruun aya yiri maya adaa mudan in lagu imaado. Waa la fadhistay in cabaar ah ayuuna la joogay. Haaruun ayaa ku yiri Wax dhib ah ma jiraan oo aan ka caawiyo. Cabdirasaaq ayaa jawaabay “dayn aya la igu leeyahay ee iga bixi”, Haaruun  wuxuu amray in dayntas la bixiyo. Waana iska baxay, maahan ninkan radinayay ayuu yiri ee sheekh ii gee.

Wa la hor kacay waxana loo geeyay Sufyan ibnu cuyayna oo isna nin la iska yaqaanay, xaga cibadada iyo cilmiga ahaa. Albabki aya lagu soo garacay. “waa kuma” ayuu yiri Sufyaan.
Waa amiirki mu’miniinta, Haarun ayaa loogu jawabay.

Wuu soo dagdagay gurigii ayuuna ka furay. Maxaad iso dhibtay, anaa ku imaan laha ayuu yiri. Haaruun ayaa yiri adaa mudan in laguu yimaado. Wa la fadhistay in cabaar ah ayuuna la joogay. Haruun aya ku yiri  ma jiran wax dhib ah oo an kaa cawiyo?.

Sufyaan ayaa yiri “haa dayn badan ayan qabaa ee iga bixi”. Haruun aya amray in laga bixiyo wixii dayn ah ee lagu leeyhay sheekha. Waa iska baxay, marku bananka gaaray ayuu yiri “ma helin ninkan radinayay ee ii geeya sheikh caalim ah”
Wa lala orday, waxa albabka lagu garacay Fudayl ibnu ciyaad. Wax la hadlo ayay waayeen. Xoog ayay u garaaceen, juuq iyo jaaq toona ma leh. Markay waayen cid la hadasho ayay yirahdeen. Ajiib amiirka mu’muninta. Markaas ayuu yiri, ani iyo amiirna xageen isugu nimid.

Waardiyihi ayaa ku yiri “ Eebe aya xuman ka hufane, soo dhaaco kuguma lahan amiirku” markaas ayuu kacay, albabki ayuuna furay. Haaruun ayaa ku salaamay labada gacmood. Fudayl aya yiri “gacantaan jilicsan wanaag badnaan lahaydaa hadday ka badbaado cadaabka aakhiro”. Haruun ayaa naxay. Fudayl ayaa wacdiyay wacdi dheer, oo Haruunna la ilameeyay ilaa uu suuxay, waxaa u xasuusiyay akhiri iyo dhibka yaalo iyo wajibaadka iyo xaqa ay ku leyihin dadka uu xukumo.
Haaruun aya yiri dayn malgu leeyahay?. Fudaykl aya yiri haa Rabigey ayaa dayn badan igu leh. Wan halaagsamay hadduu ila xisabtamo, waana ii dhamatay hadu i baarbaaro. Haaruun ayaa yiri, waxn ka wadaa midda aadanaha. Fudayl aya yiri Rabigeey wuxu i diray inaan isaga caabudo, amarkisa adeeco, waxa uu iga rebayna ka fogaado, asaga ayaana ii ballan qaaday inuu i quudinayo.
Haaruun ayaa u soo taagay kun diiraan. Qaado oo u kaalmayso cibaadada ayuu ku yiri.
Faduyl ayaa yiri, waxan ku tusayay waddada cadabka kaa korin lahayd adna, lacag ayaad iigu badalaysaa. Waana iska amusay. Markay cabbaar fadhiyeen ayay isaga baxeen.

Waxa u yiri Cabbaas o ahaa ninki waday amiirka. Haaruun ayaa igu yiri markaan ku iraahdo qof aan cilmi waydiiyo ii gee ninkan oo kale ii keen. Midkan wa sayidka mu’mininta maanta.

Waxa u yiri Cabbaas intii aannan ka bixin  daaradda guriga, xaaskisi ayaa la hadashay Fudayl kuna tiri, wad aragtaa faqriga iyo cariiriga aan ku jirno, haddaad lacagta nooga qaadi lahayd, waan ku baahi bixi lahayn. Fudayl ayaa ku yiri, aniga iyo adinga masalkeenu waa cid awr lahayd ay ku shaqaystaan wuxuu soo shaqeeyanaya cuno. Markuu duqoobay ratigi qashay hilibkiisana cunay.

Haaruun ayaa so laabtay markuu maqlay, hadalka haweneydaas, iskuna dayay inu siyo lacag fiican cidda balse Fudayl wa diiday. Haadurna waa ak fadhiistay isagoo aamusan. Iyadoo uu xaalku xaas yahay, ayaa waxaa soo baxday gabar guriga joogtay. Waxa tiri “sheekha caawa waad dhibteen, cibadadiisana waad ka mashquuliseen ee iska dhaafa. Haaruun iyo saaxibadiis way iska baxeen.ayagoo khushuucsan Rabbina xasuusan.

Sida aad aragto, fudayl wa isla ninkii habayn kasta ku dhafri jiray inuu helo waxa ku jiro dad kale faraqooda. Habaynkanna waxaa xaqiiq ahayd wax walbo oo mansab iyo maalba ah inuu heli laha hadduu waydisan lahaa madax weynaha, balse wuxu ogaday su’aal walba oo adunyo ku saabsan oo ninkan uu waydisto inay qiimihisa hoos u dhigayso, sida darted waxa  uu doortay inu ku noolaado waxa yar’e  soo galo ee uu isagu shaqaysto, waa taa midda uu sharaftan weyn ku helay
Qofkii  Eebe weyneeyo, Eebe aya waynayn. من كان يريد العزة فإن العزة لله جميعا

Waxaan ku xiraya qormada inay muhiim tahay inaan ku qanacno waxa aan haysanno. Haddii aad masuul, madax sare, muruq-maal ama shaqaale dowladeed tahay ha ku deeqeen waxa kusoo galo. Naftaada oo aad ku filnaysiiso waxa Eebe kuu qoray ayaad ku heli kartaa sumcad, hodantinimo iyo maqaam sare. Waxaa Tusaale kuugu filan in ninkii isbaariistaha ahaa ay madaxdi adduunku guriigisa kusoo booqatay.

Ibrahim Aden Shire

Kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/

Comments

Popular posts from this blog

Taariikh Nololeedkii Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf

  28/12/2023 waxaa geeriyooday sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf oo ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed marna ahaa hoggaamiyihii Imaaradii Gedo. Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf Aw Axmed Ismaciil Mubaarak sheekh Cabdiraxmaan sheekh Samantar,  waxaa uu ku dhashay qiyaastii 1938-kii, meel lagu magacaabo Buuro oo galbeedka uga beegan magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Sheekha waxaa uu ahaa Marreexaan, Cali Maxammed (Cali-dheere), reer Sheekh reer Mubaarak.  Sheekh Maxammed waxaa uu ku barbaaray guri aqoon iyo Diin. Sida aad ka arki kartaba abtirkiisa aabbihii iyo awooyaashii waxaa ay ahaayeen culimo. Sheekha Maxammed Allaha u naxariisto e (AUN),  waxaa uu Qur’aanka kariim ka ah dhammeeyay isaga oo aad u da’ yar. Intaa ka dib waxaa uu u jeestay barashada caqiidada, fiqhiga iyo Shaaficiga isaga oo kutubtaas ka qaatay aabbihii. Sidii uu dhaqanku ahaa, sheekh Maxammed  waxaa uu xiraystay sannadka markii uu ahaa 1956-kii ilaa 1961-kii  goortaas oo uu cilmi u raadsaday magaalooyinka Beledwayne,

Maxaa ka run ah warbixinnada foosha xun ee laga qoro Soomaalida Qurbaha?

Warbixin ka ay daabacday Boomerg oo looga hadlay waxtarka muhaajiriinta Maraykan  tago ayaa lagu sheegay in Kiinyaanku yihiin dadka saddexaad ee ugu shaqada iyo waxtarka badan soogalootiga Maraykanka. Gaana oo Afrika ah ayaa qaadatay kaalinta koowaad waxaan labo noqday Bulgeeriya oo Yurub ah. Waxaa sidoo kale toban hore soo galay dalalka Itoobiya oo afar gashay, Masar oo shan gashay, Nayjeeriya oo siddeed gashay iyo Laybeeriya oo sagaal gashay. Toban qowmiyadood ee ugu shaqada badan muhaajiriinta ku nool Maraykanka lix ayaa kasoo jeedda Afrika. Waxaan tobanka hore soo galin Soomaalida. Sidoo kale soomaalidu safka hore oogama jirto muhaajiriinta ugu aqoonta badan. Afrika Masar iyo Natjeeriya ayaa kaga jiro tobanka hore xagga aqoonta. Marka walba oo lasoo hadal qaado Soomaali waxaa lagu xariiriyaa, faqri, burcadnimo, aqoon la'aan, argagixisonimo iyo shaqo la'aan baahsan. Warbixin laga soo saaray waddamada Galbeed oo sawir quruxsan ka bixiso Soomaalida in la helo ma dhacd

Hal ku dhigga halaagga noo horseeday: "Xoolaha dad weynaha ayaa ganacsi loo baddalay"

Ilaa shalay waxaa baraha bulshada lagu faafinayay in isbitaalki Jaalle Siyaad ee dagmada Garbahaareey loo rogay meel ganacsi. Saaka warki asaga ahaa waxaa qoray qaar ka mid ah mareegyada warfaafinta ee Soomaalida. Dadka qoray warkaan qaar waxay isticmaaleen erayo adag sida 'dhiig miirato', 'furasho' iyo 'boob'.  Inkastoo aan la xariiray qaar ka mid ah dadka qoray farriimahaan aana isku dayay inaan si hoose xal ugu helo warkaan aan salka lahayn, haddana waxaa ii muuqato inuu dhawaqu meel fog gaaray hoos u hadlidna aysan ku filnayn. Sidaa darteed waxaan go'aansaday in si muuqato wax ooga dhaho warkaan oo aan ahayn kii ugu horreeyay ee noociisa ah.  Muxuu yahay Isbitaalka Jaalle siyaad? Jaalle Siyaad waa isbitaal weyn oo ku yaal Garbahaareey. Waxaa dhismihiisa bilowday dowladdii dhexe isagoo qaybo ah ayayna dhacday. dhowr iyo labaatan sano ayuu qabyadaas ahaa oo arigu u xaroon jiray. Waqti aan fogayn ayay gabdho qurbajoog ah isu xilqaameen inay

Contact Form

Name

Email *

Message *