Tan iyo dowladahiihi ku meel gaarka ahaa waxaan maqlaynay wasiir xoolo dhacay iyo agaasime xisaab la gooystay sidaa darteed nagumo cusbo jiritaanka dad naftooda usoo shaqo tagay. Hasa yeeshee waxaad mooddaa in dhacdooyinka is dabada joogga ahaa ee ayaamahaan ku kacayeen qaar ka mid ah madaxda maamul-goboleedyadda ay u keentay niyad-jab iyo quus dad Soomaaliyeed. Sidaa awgeed waxaan jeclaystay inaan tusaaleeyo dadkeena inta tabartayda si moraalkoodu u dhismo una fahmaan in dhibku uusan kaligeen ahayn ee dal walba oo burburo u dabeecad u leeyahay inay baryaha hore hantaan madax naftooda u qaraab doon ah. Eebe in badan ayuu qisooyin Qur'aanka kariim ah ku keenay. culimada tafsiirku waxay sheegeen in waqtiyadda kala duwanaa ee suuradaha iyo ayadaha qisooyinka Suubanaha SCW lagu soo dajiyay ay ahaayeen marar uu culeys badan dareemay sidaa darteedna looga warramay in hortiis waxaanu jireen nabiyo badanna ay qabsadeen in badan inta isaga haysato si niyadda loogu dhiso laabtiisana...