Skip to main content

Wajiga Wanaagsan ee Gedo: Saamayn intee la eg ayuu Xassan Axmed-Nuur ku leeyahay horumarka gobalka Gedo


                                                                        

Sidaan horay idinku ballan qaaday waxaan idinla wadaagi doonaa dadki ka qayb qaatay horumarinta gobalka Gedo. horumarintaas ha ahaato mid nabadeed, mid wax barasho, mid ganacsi iyo shaqo abuur, mid samafal ama nooc kale. 

waxaan boggayga Facebuuga kusoo bandhigay in aan soo gudbib doono cid walba oo aad ila wadaagtaan oo buuxiso shuruudaha aan kor ku xusay. Shaqsiga ama shaqsiyaadka aan xusayo ma noqon doonaan kuwa aan anigu iska doorto balse waxay noqonayaan kuwa ku yimid talo soo jeedinta aqristayaasha iyo xogaha ay ila wadaagaan dadka xog-ogaalka u ah horumarka gobalka. 

Qoramadan waxay ku saabsantahay Sheekh Xassan Axmed-Nuur Aadan oo ah sheekh, nabad-doon ganacsade ah. Inkastoo mansabyada aan xusay dhamaantood uu wanaag ku qabtay, qormadaan waxaan ku eegaynaa qaybta uu ganacsigiisu ka qaatay horumarinta gobalka iyo sida dadaalkiisu u badalay hab-fakkarka ganacsatada gobalka Gedo. 

Gedo ayaan caan ku noqotay dib u dhac iyo horumar la'aan. Dadkeedu inta badan waxaa la yiraahdaa waa reer miyi aan ganacsi aqoon. kuwooda wax helo waxay caan ku noqdeen inay maalkooda meelo kale la'aadaan. Gaar ahaan sanadihii  danbe ee colaaduhu ka jireen waxay sii heleen cudur daar ay xoolahooda ula cararaan gobollo ama wadamo kale. 

Balse hab-dhaqanki noocaas ahaa waxaa wax ka badalay sheekh xassan oo furay jid cusub oo lagu dayday. wuxuu baray ganacsatada gobalka ee Kaash la yuururka ahayd in ganacsigu u baahanyahay in khatar la qaato. Tallaabooyinki uu Xassan qaaday waxay horseeday inay kuwa badan ku dhiiradaan inay maal gashadaan gobalka. 

Xassan wuxuu noqday ninkii ugu horeeyay ee Baladxaawo ka hirgaliyay warshad biyaha sifayso. warshaddaan oo ay ku baxday lacag ka badan boqol kun oo doolar ayaa la furay xilli aysan magaaladu nabad buuxdo ahayn cabsi badana laga qabay in weerar ooga yimaado dhinaca Itoobiya. iyadoo dadka deegaanka aan horay looga baran inay lacag intaas la eg hal mar meel galiyaan ayaa hadana waxaa arinta sii murjinaysay ammaan xumada magaalada ka jirtay iyo qarasaaraha sida fudud kusoo gaari karo warshad haddii dagaal dhaco.

Sidii laga cabsi qabayba dagaalo ayaa magaalada ka bilowday, qax iyo kala carar badan ayaa dhacay, madaafiic ayaa warshadda iyo agaheedaba ku dhacay inakstoo iyadu uusan dhaawac gaarin. Inta ay qalalaasahaanu socday shaqaalaha warshadda oo uu maamulhu oo Xassan ah u horreeyo dhinac waa qaxayeen dhinacna shaqada ayay ka wadeen. waxay muujijeen dhabar adayg iyo dhiiraan, inay hiil rogtaan mooyee ma aysan dhicin inay warshada meelo fog u raraan si ay nabad u helaan.

Tani waxay horseeday inay ganacsato kale oo qaarkood aysan gobalka u dhalan laynka soo galaan oo ay furaan warshado kale. Maanta magaalada Baladxaawo (dhul ahaan waxay ka dhisanyihiin dhinaca Mandera hadda laakiin waxay xisaab yihiin inay ku yaalaan Balad-xaawo) waxaa ka furan labo warshadood oo biyaha sifayso iyo mid joodariyada isbuunyada ah samayso. waxaa xusid mudan inay warshadahaan waxay soo saaraan ay gaaraan wadamada dariska ah ilaa Ramow oo kenya ahna laga cabbo biyaha Najmo. Haddii aad arki jirtay isbuunnyo Kenya ka timaado hadda waxaa Balad-xaawo laga raraa isbbunyo gaarto ilaa Xamar. 

Intaas waxaa dheer Xassan inuu noqday ninkii ugu horeeyay ee biyo macaan ka hirgaliyay Garbahaareey. Garabahaareey ku caan baxday biyo qaraar ayaa ku darsatay xanuuno ka dhasho biyaha wasaqaysan. Sanadkaan dhexdiisa ayay ahayd marki shuban miyoodku ka dillaacay dagmada iyo nawaaxigeeda kaasoo sababsaday biyaha aan nadiifka ahayn ee magaaladu cabbaysay. Marki aynu innagu ku mashquulsanayn biyo dhaaminta iyo helidda xal ku meel gaar ah, Xasan wuxuu ku mashquulsanaa sidii loo heli lahaa xal waaro oo laga gaaro muusibada biyo xumada ka dhalatay. 

Xassan oo ay muuqatay maahida bulshadu qabto iyo aduunyada badan ee loo baahan doono si biyaha loo macaaneeyo ayaa u suuq tagay helitaanka dad maal gashado. Inti uusan raadin dadki qarashka bixin lahaa wuxuu waqti badan, maal iyo maskax galiyay sida ugu fudud ee lagu helo karo qalab biyaha siffeeyo. wuxuu qaaday tijaabooyin badan oo wadamo kala duwan lagu sameeyay sida Kenya, Imaaraadka Carabta iyo Maraykanka oo sambal loo diray, go'aanki ugu danbaysay lagu qaatay. 

sidoo kale wuxuu qiimeeyay qarashka loo baahanyahay si loo hirgaliyo mashruuca. waxaa soo baxday in mashruucu u baahanyahay aduun wax yar ka hoose nus-malyuun doolar. wuxuu billaabay raadinta cid maal gashato maadaama uusan isagu ahayn taajir duudku caddaaday oo qarashkaas bixin karo. Lacagta loo baahanyahay tiro badnaanteeda, ammaan xumada carada ka jirto iyo tiro yaraanta dadka dagan magaalada waxay walaac badan galiyeen qof walba oo mashruuca la hordhigay. 


Isagoo adeegsanayo waaya aragnimdiisa ganacsi, howl karnimo iyo xirfadda gaar ah ee u leeyahay wada-xaajoodka ayuu ku guulaystay inuu ku qanciyo ganacsato inay maal galiyaan mashruuca. Mashruucaan oo lagu furay shirkad la magac baxday Raasamaal ayaa la daah furay bishii labaad ee sanadaakaan 02/2017.  waxaa la suura galiyay in magaalada biyo galin buuxdo loo sameeyo. Ree Garbahaareey ayaa cabbay biyo macaan oo aan cirka ka imaan marki ugu horaysay noloshooda, waxaana xoorisay saabuunti  ku kala go'i jirtay dhibicda ugu horayso ee ay ku shubaan korkooda.

                                    Gobalka maxay ooga dhigantahay mashaariicdaan

Waxaa laga yaabaa inaad is tiraahdo maxaa macno ah oo ku jiro nin maqaayad furtay ayuu la mid yahaye. Inkastoo biibitana allaha ka dhigee wax walba oo la furo faaiido caam ah laga helo, hadana mashaariicdaan intaas waa ka qiimo badan yihiin. 

Mashaariicdaan waxay badaleen fakarki qaldanaa ee laga haystay gobalka. Waxay soo jiiteen indhaha gacasatada soomaaliyeed gaar ahaan kuwa gobalka u dhashay oo horay looga quustay inay maal gashi ku sameeyaan dhulkooda. 

si aad u fahanto fakarka ganacsatada ree Gedo gobalka ka haysteen aan idinla wadaago sheeko na dhex martay ani iyo ka mid ah ganacsatada gobalka ka soo jeeda ee Kenya wax ku haysato. Bishii kowaad sanadki 2010-ki ayaan waxaan bas soo wada raacnay aniga iyo xasan Axmed-Nuurka aan hadda ka hadlayo iyo ninka ganacsade ah. Anigu markaas ayaan ka imid Gedo oo ay iigu danbaysay 8 sano ka hor, aad ayaana u xuurtaysnahay.

is waraysi ka dib, waxaan ka sheekeeyay sida beeraha dadku beeranayaaan iyo isbadalka cusub ee carada ka jiro. waxaan kusoo qaaday ninki odaga ahaa inuu wadanki beer ka iibsado. Wuxuu igu yiri ilaa imisa ayaa beer laga bixin karaa? waxaan iri ilaa shan kun oo doolar ilaa toban kalana beerida iyo baxnaaninta ayay gali. Wuxuu yiri ilaa imisa ayay qaadan in wax laga helo? waxaa iri ugu yaraan labo sano ama ka badan.

Wuxuu yiri, $15 kun waxay maal galisaa meel gawaarida lagu dhaqo, haddii aan shan iyo tobakaas aan galiyo garaash baaburta lagu mayro sanad gudahiis ayaan lacagtayda ooga heli, ee maxaan kala doonaa Gedo.

waa hadal gar ah marki laga eego xagga ganacsiga laakiin haddii qof walba sidaa u fakkaro soo waligeed sidaan nahay ku jiri mayno? Inkastoo shaqsigaan aan ka hadlayo uusan ka mid ahayn dadka aan ogahay ee meel-gashiga ka wado gobalka hadda, hadana kuwa badan oo la mowqif ahaa ayaa is badalay oo ay u muuqatay fursadaha badan ee ka jira gobalka taasoo aan u aanayn karno dadaalki uu sameeyay xasan.

waxaa kaloo jiro  mashaariic kale oo dhowr ah oo uu isagu qalqaaladeeda leeyahay kuwasoo dhawaan ka billaami doono dagmooyinka Balad-xaawo, Garbahaareey  iyo Luuq. Qaar ka mid ah mashaariicdaan marki la ii sheegay waan fahmi waayay sida ay ugu qanceen inay faaido ka heli doonaan dadka maal-gashanayo. Laakiin waxaan aaminsanahay wax dheefki laga helay khatarti hore ee ay qaateen inay ku dhiiri galisay inay qaataan mid kasii khatar badan.

 Shaqo abuur

Intaas waxaa dheer in mashaariicdaan ay abuureen fursado shaqo oo badan. Tusaale, labada mashruuc ee uu Xasan gacanta u hayo waxaa ka shaqayso 44 qof. 19 ka mid ah ayaa Garbahaareey ka shaqo galo oo isugu jiro maamulayaal, injineero, xoogsato ilaa nadiifiyaal. Siyaabo kale oo badan ayay gobalka dhaqaale usoo galiyaan. Tusaale, guryo xafiisyo ah ayaa u kiraysan, koronto ayay isticmaalaan ay dad kale ka macashaan, baabuur shidaal u baahan ayaa u shaqayso, ku darso in mushaarka shaqaaluhu galayo magaalooyinka ay ku nool yihiin. Qiyaas haddi sanad walba laga hirgaliyo toban mashruuc oo noocaan ah horumarka uu gaari lahaa gobalka Gedo iyo nolosha ay heli lahaayeen dadka baahidu aafaysay.


Gababadii qorshayaalka uu keenay Xasan, khatarta ganacsi ee uu qaatay iyo dadaalki badnaa ee uu sameeyay waxay saamayn muuqato ku yeesheen ganacsiga gobalka gaar ahaan dagmooyinka Balad-xaawo, Luuq iyo Garbahaareey.

Ibrahim Aden Shire
ishire86@gmail.com
https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk

Comments

Popular posts from this blog

Taariikh Nololeedkii Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf

  28/12/2023 waxaa geeriyooday sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf oo ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed marna ahaa hoggaamiyihii Imaaradii Gedo. Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf Aw Axmed Ismaciil Mubaarak sheekh Cabdiraxmaan sheekh Samantar,  waxaa uu ku dhashay qiyaastii 1938-kii, meel lagu magacaabo Buuro oo galbeedka uga beegan magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Sheekha waxaa uu ahaa Marreexaan, Cali Maxammed (Cali-dheere), reer Sheekh reer Mubaarak.  Sheekh Maxammed waxaa uu ku barbaaray guri aqoon iyo Diin. Sida aad ka arki kartaba abtirkiisa aabbihii iyo awooyaashii waxaa ay ahaayeen culimo. Sheekha Maxammed Allaha u naxariisto e (AUN),  waxaa uu Qur’aanka kariim ka ah dhammeeyay isaga oo aad u da’ yar. Intaa ka dib waxaa uu u jeestay barashada caqiidada, fiqhiga iyo Shaaficiga isaga oo kutubtaas ka qaatay aabbihii. Sidii uu dhaqanku ahaa, sheekh Maxammed  waxaa uu xiraystay sannadka markii uu ahaa 1956-kii ilaa 1961-kii  goortaas oo uu cilmi u raadsaday magaalooyinka Beledwayne,

Maxaa ka run ah warbixinnada foosha xun ee laga qoro Soomaalida Qurbaha?

Warbixin ka ay daabacday Boomerg oo looga hadlay waxtarka muhaajiriinta Maraykan  tago ayaa lagu sheegay in Kiinyaanku yihiin dadka saddexaad ee ugu shaqada iyo waxtarka badan soogalootiga Maraykanka. Gaana oo Afrika ah ayaa qaadatay kaalinta koowaad waxaan labo noqday Bulgeeriya oo Yurub ah. Waxaa sidoo kale toban hore soo galay dalalka Itoobiya oo afar gashay, Masar oo shan gashay, Nayjeeriya oo siddeed gashay iyo Laybeeriya oo sagaal gashay. Toban qowmiyadood ee ugu shaqada badan muhaajiriinta ku nool Maraykanka lix ayaa kasoo jeedda Afrika. Waxaan tobanka hore soo galin Soomaalida. Sidoo kale soomaalidu safka hore oogama jirto muhaajiriinta ugu aqoonta badan. Afrika Masar iyo Natjeeriya ayaa kaga jiro tobanka hore xagga aqoonta. Marka walba oo lasoo hadal qaado Soomaali waxaa lagu xariiriyaa, faqri, burcadnimo, aqoon la'aan, argagixisonimo iyo shaqo la'aan baahsan. Warbixin laga soo saaray waddamada Galbeed oo sawir quruxsan ka bixiso Soomaalida in la helo ma dhacd

Hal ku dhigga halaagga noo horseeday: "Xoolaha dad weynaha ayaa ganacsi loo baddalay"

Ilaa shalay waxaa baraha bulshada lagu faafinayay in isbitaalki Jaalle Siyaad ee dagmada Garbahaareey loo rogay meel ganacsi. Saaka warki asaga ahaa waxaa qoray qaar ka mid ah mareegyada warfaafinta ee Soomaalida. Dadka qoray warkaan qaar waxay isticmaaleen erayo adag sida 'dhiig miirato', 'furasho' iyo 'boob'.  Inkastoo aan la xariiray qaar ka mid ah dadka qoray farriimahaan aana isku dayay inaan si hoose xal ugu helo warkaan aan salka lahayn, haddana waxaa ii muuqato inuu dhawaqu meel fog gaaray hoos u hadlidna aysan ku filnayn. Sidaa darteed waxaan go'aansaday in si muuqato wax ooga dhaho warkaan oo aan ahayn kii ugu horreeyay ee noociisa ah.  Muxuu yahay Isbitaalka Jaalle siyaad? Jaalle Siyaad waa isbitaal weyn oo ku yaal Garbahaareey. Waxaa dhismihiisa bilowday dowladdii dhexe isagoo qaybo ah ayayna dhacday. dhowr iyo labaatan sano ayuu qabyadaas ahaa oo arigu u xaroon jiray. Waqti aan fogayn ayay gabdho qurbajoog ah isu xilqaameen inay

Contact Form

Name

Email *

Message *