Tan iyo dowladahiihi ku
meel gaarka ahaa waxaan maqlaynay wasiir xoolo dhacay iyo agaasime xisaab la
gooystay sidaa darteed nagumo cusbo jiritaanka dad naftooda usoo shaqo tagay.
Hasa yeeshee waxaad mooddaa in dhacdooyinka is dabada joogga ahaa ee ayaamahaan
ku kacayeen qaar ka mid ah madaxda maamul-goboleedyadda ay u keentay niyad-jab
iyo quus dad Soomaaliyeed. Sidaa awgeed waxaan jeclaystay inaan tusaaleeyo
dadkeena inta tabartayda si moraalkoodu u dhismo una fahmaan in dhibku uusan
kaligeen ahayn ee dal walba oo burburo u dabeecad u leeyahay inay baryaha hore
hantaan madax naftooda u qaraab doon ah.
Eebe in badan ayuu
qisooyin Qur'aanka kariim ah ku keenay. culimada tafsiirku waxay sheegeen in
waqtiyadda kala duwanaa ee suuradaha iyo ayadaha qisooyinka Suubanaha SCW lagu
soo dajiyay ay ahaayeen marar uu culeys badan dareemay sidaa darteedna looga warramay
in hortiis waxaanu jireen nabiyo badanna ay qabsadeen in badan inta isaga
haysato si niyadda loogu dhiso laabtiisana loo waasiciyo. Hadaba anigoo halkaas
ka duulayo ayaan halkaan idinkula wadaagi qiso ka dhacday dalka Siiraalyioon oo
ah dalka Afrikaan ah.
Dalka Siiraaliyoon waxaa
ka dhacay dagaal fool xun oo arxan-darro ahaa intii u dhaxaysay 1991-2002-di.
Jamhaddi hubaysnayd ee dowladda ku kacday waxay bilowday inay gacmaha ka jaraan
dadka shacabka ah ee lagu tuhmay inay dowladda taageeraan ama qabiil la
wadaagaan. si loo hubiyo in dhibku noqdo mid aan laga soo kaban, madaxda
jamhadda waxay abaal marin iyo daroojin ku bixin jireen hadba inta gacmood ee
askarigoodu keeno.
Sidaa darteed caruurta ay
askareeyeen ayaa subixii u kallaho tuulooyinka ay dagan yihiin dadka xoolo
dhaqatada iyo beeralayda ah waxayna
gacmaha ka soo guraan cid walba oo ay ka xoog badan yihiin, mid walbana casarki
ayuu yimaadaa isagoo sido jawaan uu qaadi la'yhay oo gacmo caruureed ah.
Arintaan waxay argagax
galisay aduunka oo dhan, waxaa muraala dillaacay qof walba oo daawaday caruurta
yar-yar oo gacmaha gumudan ee dariiqyada wareegayo, gurmad balaaran ayaana loo
fidiyay. kumanaan kun oo hayadood ayaa isugu yimid. xeryo dhowr ayaa loo furay
si loogu xannaaneeyo dadka ku curyaamay. Waxaa loo keenay maraakiib gacmo iyo
lugo macmil ah (artificial) ilaa meel la dhigo la waayay. Xeryihii loo dhisay
caruurta ayaa isu badalay xarunta 'igu sawir' ee dhammaan dadka caanka ah ee
aduunku isugu yimaadaan ilaa ay u muuqatay in qofki magac leh ee tagi waayo loo
arko mid aan damiir aadane lahayn.
Fursadaan waxaa ka
faaiidaystay qowlaysato kala shaatiyo duwan oo ay u muuqatay in fursadda
ganacsi meesha ku jirto. waxaa loo kala tartamay helitaanka koox caruurta
gacmoolayaasha ah si loogu shaqo tago lacagna loogu soo aruursado. Waxaa dunida
dacaladeeda gaar ahaan wadamada Galbeeka ka yimid dad leh caruurtaan ayaan soo
dawaynaynaa.
Gabadha la yiraahdo Linda
Polman ayaa buugeeda (War Games) ay ka qortay sida cawimaadaha la siiyo
wadamada dagaaladu ka jiraan ay usii huriyaan dagaalka waxay ku warisay
qisidaan. waxay tiri anigoo maalin socdo ayaan arkay xayaysiis ku qoran mid ka
mid ah joornaalada wadanka Siiraaliyoon. Xayaysiisku wuxuu leeyahay 25 canug
ayay hay'ad heblo fiisse ooga heshay dalka Jarmalka marka waxaa la rabaa cid
tikidhada ka bixiso.
Magaca NGO-ga ayaan soo
qortay waxaana billaabay inaan baaro cidda iska leh. hadba sidii meel la iigu
tilmaamayay ayaa ugu danbayn ku biyo shubatay wasiirka gaadiidka iyo duulista
hawada ee Siiraaliyoon. Ballan ayaan ka samaystay si aan ula kulmno oogana waraysto
waxa ay yihiin caruurtaan iyo meesha ay u wadaan.
Xafiiskiisa ayuu igu
ballamaiyay oo aan oogu imid. Waxaan iri NGO-gaan yaa iska leh? Wuxuu yiri wasiirki
waxaa leh aniga iyo ina adeerkay oo Jarmalka dagganaa 30 sano. Ina adeerkay
kaniisad ayuu imaam ka ahaa, qof caan ah oo la aamino ayuuna meeha uu dagan
yahay ka noqday. Nasiib darro lacag kama
uusan samayn kaniisaddi waxaana hoos u dhacay dadki ku xirnaa ee joogtada u
imaan jiray.
Maalin danbe ayuu arkay
in caruurta wadankeena lacag noqdeen oo caddaanki oo dhan ka faaiidaysteen
markaas ayuu ila soo xariiray oo ii sheegay haddaan hayad samayno inuu layn soo
xirayo. Sidii ayaan yeelnay hadana wuxuu fiise iyo lacagtii lagu dawayn lahaa u
helnay 25 canug. Waxay tiri Linda wasiirku gadaal ayuu u fadhiyaye intuu horay
usoo fadhiistay xusuladana saartay miiski noo dhaxeeyay ayuu isagoo malafsanayo
yiri HADAY ARINTAAN NOO MARTO ANI IYO CARUURTAYBA WADANKAAN WAAN ISAGA TAGAYNAA
OO JARMAL AYAAN U GUURAYNAA!! Ogow wadanka uu leeyahay waan isaga tagaynaa waa
midka uu wasiirka ka yahaye.
Labo arimood ayaan
sheekada u keenay. Mida koowaad. Soomaalidu ha ogaato in madaxda soomaalidu (dowalada
dhexe ama maamul goboleedyada kay rabaanba) yihiin labadaas nin ee aan kor
kusoo xusnay. Kuwa qurbaha ka yimid waxay la mid yihiin midka markay Kaniisadda
u shaqayn wayday caruurta ku qaraab tagay. In badan oo ka mid ah madaxdeena markay
qurbaha wax ka keeni waayeen ayay Soomaaliya ugu soo noqdeen si ay u tabcadaan.
Kuwa gudaha joogay waxay la mid yihiin wasiirkaas oo waxay sugayaan inta mar
layn ku filan iyaga iyo caruurtooda u galayo, markaasna ay si fudud ku qaataan
baasaboor Itoobiyaan, Kiinyaan ama Jabuutiyaan ka dibna wadankay rabaan u
guuraan.
Ogaada in madaxda iyo
kuwa kale ee ka shaqeeyo xafiisyada dowladda ama maamul goboleeyada ay
caruurtoodi joogaan wadamo nabad ah, dhigtaan iskoolo bilaash ah, haystaan
caafimaad iyo xannaano ku filan mana jiro hal qof oo ka mid ah oo reerkiisi iyo
caruurtiisi wadanka keenay. Kuwa kalana ay haystaan lacag ku filan oo ay
caruurtooda ugu rartaan wadamo kale. Sidaa darteed waxa dhibku gaarayo waa inta
shacabka ah ee tabarta daran iyagiibaana u sacab tumayo nin soo qaraab tagay.
Arinta Labaad waxa ay
tahay in dalka walba oo burburay uu maro marxalado dhib badan si fududna uusan
dib ugu dhismin. Waxaan arki doonnaa waxa aan hadda aragno iyo wax ka daran. Waxaa
lagu hungoobi dad badan oo aan filaynay inay libaaxyo yihiin. Waxaa barriiqan
qof daacadnimo iyo howl-karnimo lagu filayay waxaa la suuq geyn dalka oo dhan. Hasa
ahaatee horumarku wuu socon. Wadanki Siiraaliyoon ee aan kasoo sheekaynay hadda
waa nabad wana kaa ciidamada nabad ilaalinta noo soo diray.
Sidaa darteed yaan la
quusan, niyaddana la xumayn. Marka walba oo xaladahaan oo kale yimaadaan dib u
jalleec wixii la soo maray. 20 sano ka hor, 10 sano ka hor 5 sano ka hor,
waxaad ogaanaysaa in horumarka socday tartiibba ha ahaadee.
Gabagabadii waxaan
leeyahay kuwa u sacab tumayo xaalada murugsan ee uu wadanku galay QARAABKU WUU
DHAMMAANE CARUURTA HA QIIXINNINA.
Ibrahim Aden Shire
27/09/17
Comments
Post a Comment