Skip to main content

Al-Anwar School Ujeedkiisi ma Gaaray? Q2











waa qaybti labaad ee qormadii ku saabsanayd iskoolka Al-Anwar oo ka qayb qaatay horumarinta gobalka Gedo. Waxaan qoramadii hore kusoo sheegnay sababihii loo askumay iyo ciddi askuntay balse su'aashu waxa ay tahay ma la gaaray ujeedki laga lahaa iskoolka? Haddii si kale aan u dhigo ma xaliyay baahidii keentay in iskoolka la furo? lifaaqa hoose dhag sii hadii aadan aqrin qaybti koowaad: 
https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/2017/09/wajiga-wanaagsan-ee-gedo-al-anwar-school.html.

Waxaa la dhihi karaa intii badnayd ujeedooyinki loo furay iskoolka waa la gaaray in kastoo shaqada u hayo aysan ahayn mid meel ku eg. waxaan soo sheegnay in muhiimada ugu weyn ee laga lahaa ay ahayd in caruurta saaqid-nimada iyo dhaqan xumada isugu darmatay xaalkooda la badalo iyadoo loo marayo iskoolayn iyo wax-barid. 

waxaa inoo danbaysay iskoolka oo lagu furay 40 arday oo afarta fasal ee hoose iyoshan macalin lagu billaabay. macalimiintu waxay ku shaqo billaabeen mushaar la'aan, ardayduna waxaa laga qaadi jiray lacag u dhiganto $3. Toban sano gudahood iskoolku wuxuu sameeyay koritaan baaxad leh iyo horumar balaaran. wuxuu hammigooda kor u qaaday dhalinti gobalka, waaliditiinta iyo guud ahaan shacabka gobalka. 

Tusaale, Maanta waxaa dhigato 620 arday oo isugu jiro dugsi hoose/dhexe iyo mid sare waxaana ka howl galo 24 bare. Waxaa ka baxday afar dafco wadar ahaan ahaa 133 arday. Maamulku iskoolku wuxuu isku howlay inaysan ardaydaan bannaan kusoo dhicin oo marki ay iskoolka ka baxaan aysan dib ugu noqon camal la'aan u horseedo balwad, mooryaanimo iyo wax ka daran. 

Waxaa dadaal badan la galiyay in la helo deeqo wax-barasho oo dibada ah taasoo aanan gobalka horay ooga jirin. waxaa lagu guulaystay in lala xirto jaamacado ku yaalo suuriya, Masar, iyo Suudaan. Waxaa xusid mudan in wadankii ugu horeeyay ee deeq wax-barasho oo wax ku ool ah iskoolka siiyay uu ahaa Suuriya, dagaaladdi ka dhacayna uu dhib gooni ah u gaystay reer Gedo gaar ahaan reer Garbahaareey. 

Maanta 31 arday oo Al-anwar kasoo baxday ayaa wax-barasho sare kaga jirto dalka dibadiisa kuwaasoo wax ka barto  wadamada Suudaan, Itoobiya, Yugaandha, Hindiya, Yemen, Bangaaladheesh iyo Baakistaan. Sidoo kale, 15 arday oo kale ayaa jaacadaha ku yaal Muqdhiso iyo Boorame wax ku barto (12 Muqdisho, 3 Camuud). Ardaydaan intooda badan oo waxay heleen deeqo wax-barasho oo bilaash ah kuwaasoo ay ku keensadeen qalinkooda. Tusaale, sanadkaan deeqaha wax-barasho ee laga helay dalka Suudaan 7 arday ayaa kaga soo aaday Jubbaland oo dhan. shan ka mid ah todobadaan waxaa qaadatay Garbahaareey, sadex ka mid ah shantaanna waxaa qaatay Al-anwar halka labada kale ay heleen arday kasoo baxday Amiir-Nuur.

Sababta keentay in 7 boos oo sadex gobal dhex taalay shan la siiyo hal magaalo maahayn mid caddaalad darro iyo hoos ka siibid ku timid ee waxaa keenay in deeq bixintu lagu saleeyay darajaadki ay ardaydu ka heleen imitixaanadi dugsiyada sare. 7-da arday ee ugu sarraysay Jubbaland shan ka mid ah ayaa Garbahareey ka timid sidaas ayayna shiddo la'aan ku qaateen deeq wax-barasho oo waliba sadex caafimaad tahay oo labo dhaqtarnimo baranayaan. Ogow qiimaha sanadki lagu bixiyo barashada dhaqtarnimo dalka Suudaan waa toban kun oo doolar oo aysan ku jirin nolosha ardayga, hadase ardayda Eebe u calfay waxay wax ku baranayaan si bilaash ah oo xattaa noloshooda la kafaalo qaaday.

Deeqahaan wax-barasho maahan kuwo ku cusub dalka. Dalalka Masar, Suudaan, Suuriya iyo Baakistaan waliggood waa bixinayeen wax-barasho bilaash ah. Sanad walba waxaa aadi jiray boqolaal arday oo soomaaliyeed; qaarkood waxaa ka  iibin jiray kuwa magacooda kusoo qaday, qaar badanna si bilaash ah ayaa lagu siin jiray oo gobollada ay ka soo jeedaan ayaa usoo qaadi jiray.

Laakiin Gedo ka mid maahayn gobollada heli jiray deeqahaan waayo waxay ahayd "bertire buugga kuma jiro". Sidii dolwaddi dhexe u dhacdayba dabkaa ayaa ka dansanaa, gobollada kale ee dalkuna in markii hore loo gacan bidixeeyay oo xisaab badan ku maqan tahay ayay ku tirinayeen sidaas ayayna gabi ahaanba ooga baxday goobaha tartanka iyo wax qaybsiga. Haddase Gedo waxay ka mid noqotay gobollada safka hore ooga jiro u tartamidda horumarka iyo deeqaha wax-barasho. Mahadaas Eebe ka sakow waxaa leh iskoolada gobalka gaar ahaan Al-anwar iyo raggii aasaasy.

Dhinac kale, iskoolku wuxuu baray dadka gobalka inay iyagu masuuliyad ka saarantahay wax-baridda ubadkooda sidaa awgeedna aysan cid kale ka sugin bixinta qarashka ay wax ku barayaan caruurtooda. Tusaale, iskoolku gabi ahaanba isagaa is bixiya, qarashka uu ku shaqeeyana waxaa bixiyo waalidiinta dhashay ardayda wax ka barato. Waxaan soo xusnay in iskoolka bilowgii laga qaaday jiray lacag u dhiganto $3 maantase kuwa hoose/dhexe waxaa laga qaadaa $10 halka kuwa sare laga qaado $20.

Waa lacag aad ugu badan dadka deegaanka oo aan haysan shaqooyin fiican iyo ilo dhaqaale oo ay wax kasoo galaan, laakiin walidiinta oo fahmay qiimaha wax-barashada awgeed, waxay ahmiyadda koowaad siiyeen iskoolaynta ubadkooda taas ayaana keentay in iskoolku is bixiyo. Wa tallaabo ay tahay in laga barto lagana hirgaliyo deegaanada kale ee gobalka ee wax-barasho la'aantu dilootay.



Khulaaso


Al-anwar waxaa la furay xilli baahi badan loo qabay, waxaana lagu furay duroofo adag. Wuxuu soo maray marxalado kala duwan, oo hoos u dhac iyo sare-kac ba leh. wuxuu ku bilowday afar fasal, maantana wuxuu daboolay dhammaan wax-barashada asaasiga ah.

Ka sakow in iskoolku Eebe ku badbaadiyay caruur badan oo soomaaliyeed, wuxuu qayb muhiim ka qaatay soo noolaynta gobalka. Wuxuu qayb weyn ka noqday soo noolaynta rajada dadka deegaanka ee colaadaha, abaaraha is daba-joogga ah iyo nidaam la'aanta baahsan quusiyeen. Wuxuu bilay muuqaalka gobalka wuxuuna sare u qaaday martabada iyo maqaamka Gedo ku leedahay guud ahaan dalka ka dib guulihii taxanaha ahaa ee uu kasoo hooyay imtixaanaadka dugisiyada sare ee dalka ilaa 2015-ki. Sidoo kale, wuxuu iskoolku qayb ka yahay guulaha Garbahaareey oo Gedo matalayso ay kasoo hoyasay tartan-aqooneedka sanad-laha ah ee Radio Muqdisho.

Intaas waxaa dheer in iskoolku qayb ka yahay kobaca dhaqaale ee gobalka isagoo shaqo siiyay inka badan labaatan qof. sidoo kale iibsiga direyska iyo tolidiisa, buugaagta, qalimaanta iyo agabka kale ee caruurtu ugu baahan yihiin wax-barashadooda ayaa ka mid ah dhaqaale abuurka iskoolku soo kordhiyay.

Gunaanad

waxaan qormadaan kusoo xirayaa labo farriimood. Midda hore waxay ku socotaa maamulka iskoolka iyo aasaasayashisa. midda xigtana waxay ku socotaa reer Garbahaareey oo dhan.

Maamulka iskoolka waxaan leeyahay mahad-naq ka dib, iskoolku waa lagu aflaxay waxaana ka filaynaa wax intaan kasii badan. Waxaan ka filaynaa inuu noqdo Harvard-ta Soomaaliya. Harvard waa jaamacadda ugu magaca dheer aduunka Maraykan ayay ku taal, sidaan oo kale oo waxaa aasaasay shan nin oo socoto ku timid, sidaa awgeed waxaan idinku adkaynayaa in hammigiinu noqdo mid sare oo gaaro aduunka dacaladiisa. Havard dhowr sano kuma aysan gaarin heerka ay joogto ee waxay qaadatay boqolaal sano sidaas darteed qasab maahan inaad inta aad nooshihiin aad aragtaan riyadiina oo rumowday balse waxaa muhiim ah inaad meel sare dhigto himmagaada si jiilalka danbe u gaarsiiyaan meesha aad la rabto.

Intaas waxaan ku darayaa in magaca uu watto iskoolku uusan ka turjumayn dhaqanka bulshada soomaaliyeed. Sidoo kale maahan mid ay macnihiisu fudadyahay in la fahmo, sidaa-owgeed waxaan fiicnaan lahayd in inta wali iskoolku koritaanka ku jiro laga badalo magaca loona bixiyo mid macno u samaynayo qofki maqlo.

Farriinta labaad, waxaan leeyahay reer Garbahaareey haddii lix qof oo socotto ahayd noo fureen Al-anwar oo badbaado noo noqday 100 qoys waxay keeni karaan wax ka sii weyn. waxaan ula jeedaa dadka qaxa ku yimid dagmada hadana ka mid noqday dad deegaanka ee dagan tuulada Garka-gali. Waxaan jeclaan lahaa in xoogga la saaro tuulaadaan oo aysan dayacmin dadkeeda taasoo laga yaabo inay mustaqbalka dhibaato aan xal lahayn ku noqoto aminga iyo horumarka gobalka.

Soo dhawaynti iyo kaaramaynti aad siiseen xerta sheekh Xusseen miraheedi waad haysaan, haddii inti oo kale aad siisaan dadkaan musiibooyinku soo barakiciyeen waxaan Eebe ka rajaynayaa inuu liibaan balaaran idin siin doono kana soo saari doono kuwa qayb ka gaysto horumarinta magaalada iyo guud ahaan gobalka.


Hoos ka aqriso magacyadda macalimiinti ugu horeeyay ee ka howl gala iskoolka Al-anwar:

1: Sheekh Xuseen Ibraahim Axmed-Nuur (sh xuseen dheere)
2: Sheekh Khaalid Macalin Nuur
3: Saadaq Sheekh Daahir
4: Maxamed Gaboobe Muuse (Baaqillaani)
5: Muxamed Shaafi

Waxaa shantaas la socdo oo ka mid ahaa aasaasyaasha iskoolka

1: Axmed maxamed Caafi (Axmed Gaaruf)
2: Cabdinasir Maxamed Cilmi, oo hadda maamule ka ah dugsiga sare ee Al-anwar

Waxaa lagama maarmaan ah inaan xusso Bilaad Guuleed Aaden oo dowr aad muhiim ah waqti xasaasi ah ka qaadatay samata bixinta iskoolka had iyo goorna ku fooggan horumarinta iskoolka. Waxaa kaloo jiro hooyin kale oo badan oo la'aantood uusan iskoolku socdeen. Dhammaan inti ka qayb qaadatay horumarka Eebe miisaankooda aakhiro ha ugu daro.

W/Q: Ibrahim Aden Shire
ishire86@gmail.com

https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/






Comments

Popular posts from this blog

Taariikh Nololeedkii Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf

  28/12/2023 waxaa geeriyooday sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf oo ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed marna ahaa hoggaamiyihii Imaaradii Gedo. Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf Aw Axmed Ismaciil Mubaarak sheekh Cabdiraxmaan sheekh Samantar,  waxaa uu ku dhashay qiyaastii 1938-kii, meel lagu magacaabo Buuro oo galbeedka uga beegan magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Sheekha waxaa uu ahaa Marreexaan, Cali Maxammed (Cali-dheere), reer Sheekh reer Mubaarak.  Sheekh Maxammed waxaa uu ku barbaaray guri aqoon iyo Diin. Sida aad ka arki kartaba abtirkiisa aabbihii iyo awooyaashii waxaa ay ahaayeen culimo. Sheekha Maxammed Allaha u naxariisto e (AUN),  waxaa uu Qur’aanka kariim ka ah dhammeeyay isaga oo aad u da’ yar. Intaa ka dib waxaa uu u jeestay barashada caqiidada, fiqhiga iyo Shaaficiga isaga oo kutubtaas ka qaatay aabbihii. Sidii uu dhaqanku ahaa, sheekh Maxammed  waxaa uu xiraystay sannadka markii uu ahaa 1956-kii ilaa 1961-kii  goortaas oo uu cilmi u raadsaday magaalooyinka Beledwayne,

Hal ku dhigga halaagga noo horseeday: "Xoolaha dad weynaha ayaa ganacsi loo baddalay"

Ilaa shalay waxaa baraha bulshada lagu faafinayay in isbitaalki Jaalle Siyaad ee dagmada Garbahaareey loo rogay meel ganacsi. Saaka warki asaga ahaa waxaa qoray qaar ka mid ah mareegyada warfaafinta ee Soomaalida. Dadka qoray warkaan qaar waxay isticmaaleen erayo adag sida 'dhiig miirato', 'furasho' iyo 'boob'.  Inkastoo aan la xariiray qaar ka mid ah dadka qoray farriimahaan aana isku dayay inaan si hoose xal ugu helo warkaan aan salka lahayn, haddana waxaa ii muuqato inuu dhawaqu meel fog gaaray hoos u hadlidna aysan ku filnayn. Sidaa darteed waxaan go'aansaday in si muuqato wax ooga dhaho warkaan oo aan ahayn kii ugu horreeyay ee noociisa ah.  Muxuu yahay Isbitaalka Jaalle siyaad? Jaalle Siyaad waa isbitaal weyn oo ku yaal Garbahaareey. Waxaa dhismihiisa bilowday dowladdii dhexe isagoo qaybo ah ayayna dhacday. dhowr iyo labaatan sano ayuu qabyadaas ahaa oo arigu u xaroon jiray. Waqti aan fogayn ayay gabdho qurbajoog ah isu xilqaameen inay

Maxaa ka run ah warbixinnada foosha xun ee laga qoro Soomaalida Qurbaha?

Warbixin ka ay daabacday Boomerg oo looga hadlay waxtarka muhaajiriinta Maraykan  tago ayaa lagu sheegay in Kiinyaanku yihiin dadka saddexaad ee ugu shaqada iyo waxtarka badan soogalootiga Maraykanka. Gaana oo Afrika ah ayaa qaadatay kaalinta koowaad waxaan labo noqday Bulgeeriya oo Yurub ah. Waxaa sidoo kale toban hore soo galay dalalka Itoobiya oo afar gashay, Masar oo shan gashay, Nayjeeriya oo siddeed gashay iyo Laybeeriya oo sagaal gashay. Toban qowmiyadood ee ugu shaqada badan muhaajiriinta ku nool Maraykanka lix ayaa kasoo jeedda Afrika. Waxaan tobanka hore soo galin Soomaalida. Sidoo kale soomaalidu safka hore oogama jirto muhaajiriinta ugu aqoonta badan. Afrika Masar iyo Natjeeriya ayaa kaga jiro tobanka hore xagga aqoonta. Marka walba oo lasoo hadal qaado Soomaali waxaa lagu xariiriyaa, faqri, burcadnimo, aqoon la'aan, argagixisonimo iyo shaqo la'aan baahsan. Warbixin laga soo saaray waddamada Galbeed oo sawir quruxsan ka bixiso Soomaalida in la helo ma dhacd

Contact Form

Name

Email *

Message *