Dugisga
Hoose/dhexe iyo sare ee Al-anwar waa mid ka mid ah labada iskool ee horyaalka u
hayo iskoolada Jubbaland, labaduna waxay ku yaalaan dagmada Garbahareey. Gaar
ahaan Al-anwar ayaa door weyn ka cayaaray is badalka horumarineed ee dagmadu
samaysay. Iskoolka oo hadda kow iyo toban jirsaday ayaan idinla wadaagi doonaa
sabab-ti keentay in la furo, ciddi furtay, marxaladihi uu soo maray, halka uu
maanta joogo iyo waliba hiigsigiisa mustaqbalka. Si aysan qormadu inoogu
dheeraan waxaan u qaybin doonaa labo haduu Eebe idmo.
Sababihii loo furay
Qiimaha uu
shay leeyahay waxay ku xiran tahay baahida markaas loo qabo. Koob biyo ah oo
aad ku haysato dhul oomane ah wuxuu ka qiimo badan yahay fuusto biyo ah oo aad
ku haysato magaalo biyo leh. Sidoo kale howlaha la qabto waxaa kala saraysiiyo
baahida jirto iyo baryaha la joogo. Eebe waa isaga suuratul Xadiid ku yiri “ma
sinna qofki sadaqo la baxay oo jihaaday ka hor intaan Makko la furan, iyagaa ka
darajo badan kuwii wax la baxay oo diriray furashadi ka dib”.
Iyadoo ay
maal wada bixiyeen naftoodana wada hureen ayay kala darajo sarreeyaan waayo
waqtiga iyo baahida jirto ayaa kala duwanayd. Inti aan Makko la furan ka hor
muslimiintu khataro badan ayaa ku furnaa dad badan ayaana shaki ka qabay inay
guulaysan doonaan iyo in kale sidaa darteed kuwa waqtigaas islaamka galay,
maalkoodi iyo dhiigoodiba bixiyay waxay qaateen khatar ku nasiibso ah laakiin
mar haddii Makoo la furtay dadki waa u caddaatay inysan jirin meel lagu haro oo
dadkaada dhinac ka raac ayay noqotay.
Sidaas ayay
ku socotaa nolosha aadanahu; howl walba oo la qabto waqtiga cariiriga waa ay ka
wanaag badan tahay midda la qabto xilliga maraq-fuudka waana sababta Al-anwar
ka dhigtay mid ka qiimo badan boqol iskool oo gadashii la furay. Sidee ku
dhacday?
Si aan u fahanno qiimaha uu lahaa furitaanki
iskoolkaan aynu ka hadlayno marka hore waa inaan fahannaa xaaladdi ay ku jirtay
dagmada Garbahareey waqtigi la hindisay iskoolka oo ahayd horaanti 2006-di.
Waqtigaan waxaa
la dhihi waa waqtigii ugu xumaa ee abid soo maro Garbahaareey. Waxaa si ba’an
ooga jiray faqri iyo dhaqaalo xumo ay sababeen dagaaladi jiffooyinka walaalaha
ah dhex yeelay ee gobalka ka dhacay intii u dhaxaysay 1998-2005 kasoo ay
hurisay Amxaaradu. Dagaaladaan ayaa waayadii ugu danbaysay yeeshay waji fool xun oo
aan horay usoo marin taariikhda gobalka. Waxay dagmadu kasoo baxday waqti uusan
ku noolaan Karin qof aan qori wadan. Waqti odayaasha da’da ah iyagoo qoryo jeenyo
qaarsan ay habaynki furinta baryi jireen. Waqti saqiirro gowrac iyo magan lays
la arkay.
Dagaaladaas
foosha xun waxay keeneen barakac baahsan oo magaalada cidlo ka dhigay,
dhaqaalo xumo gaajo iyo macaluul horseeday. Mid ka mid ah dadkii ku noolaa
dagmada wayadaas ayaa gabay carabi ah ku cabiray xaalada dagmada waxa uuna yiri
“وبلدة ليس بها أنيس*
الا البعوضة والا الجوع” oo macnaheedu yahay “waa magaalo aad weheshanayso gaajo iyo
kaneeco kaliya”.
Xagga wax barashada magaalada waxaa ka furnaa iskool
hoose/dhexe oo ay taageerto hay’ad caalami ah. Laakiin wuxuu ahaa iskool aad looga
niyad jabsanyhay dadkuna ku tuhmayeen tayyo xumo. Sidoo kale waxaa socday
waxbarasho ka socotay masaajidka oo dad badan ay dhigan jireen. Laakiin iyaduna
waxay ahayd mid dad waaweyn kaliya loogu talagalay oo caruurtu aysan la qabsan Karin.
Dadka durrusta masaajidka qaadan jiray waxay dhammaantood ka yimaadeen miyiga
Garbahaareey ama meelo ka fog marki laga reebo dhowr qof.
Arintaan waxay keentay in caruur badan saaqiddo. Wax barasho
la’aanta ka sakow fassaad iyo fool xumo aan horay dhulka Gedo looga aqoon ayaa
soo if baxay. Daroogo ilaa khamri gaartay Axmaaraduna sabab u ahayd ayaa
bilowday. Dhalin badan oo sarqaan ah ayaa meelaha lagu arkay. Maalinba maalinta
ka danbayso dhalan gaddoon iyo dhaqan xumo ayaa sii kordhaysay. Habaynki uu
billaaban lahaa sanadki 2006-di ayaa waxaa la maqlay in dhalin yaro lab iyo
dhadigba leh ay doonayaan inay qabtaan xaflad loogu dabaal dagayo sanadka. Dabaal
dagga si looga dhigo mid xiiso badan waxaa la diyaarsaday muusiko iyo
daroogu qaad, kaniin iyo khamri isugu jirto.
Dhacdadaan ayaa waa baryay ku noqtay wadaadi masaajidda
casharada ka waday oo u haystay in dadku sidooda oo kale wada cibaadaysto. Waxaa
soo baxay su’aalo badan oo aan horay la isu waydiin iyo dib loo eego dowrka
culimadu ku yeelan karto sama bixinta dadka. Sidoo kale waxaa la is waydiiyay waxa uu noqon karo
xalka ugu sahlan ee lagu soo afjari karo fassaadkaan faraha ka baxay.
Muddo dood iyo baaritaan iyo xaalad fahan ah ka dib, waxaa
soo baxday in xalka ugu sahlan uu yahay in caruurta magaalada loo helo wax
barasho nidaami ah oo mustaqbalkooda hagto sidaas ayaana lagu go’aamiyay in la
furo iskool hoose/dhexe ee Al-anwar.
yaa furay iskoolka
Si loo hirgaliyo hadafkaan, habayn Sabti taariikhduna ay
ahayd 1/5/2006 ayaa sheikh Xuseen Ibraahim Axmed-Nuur oo ahaa sheekha casharada
ka waday magaalada waxaa uu uu isugu yeeray shan nin oo ardadiisa ka mid ahayd kuwaas oo kala ahaa: Axmed Maxamed Caafi, Cabdi-Nasir Maxamed Cilmi, Sheekh
Khaalid Macalin Nuur, Saadaq Sheekh Daahir Cali-Ciye, iyo Maxamed Gaboobe Muuse
(Baaqillaani).
Shirkaan ayaa ahaa
mid sheekhu oogu talagalay in lagu gorfeeyo sidii lagu suura galin lahaa
furintaanka iskoolka. In iskool la furo maahan mid fudud. Waa arin u baahan
qarash badan oo lagu wado, guryo u diyaarsan in wax lagu barto, macalimiin
aqoon u leh waxay dhigayaan iyo dad u diyaarsan inay wax bartaan ama ubadkooda
wax baraan.
Waxaa xusid mudan in lixda nin ee shirka isugu timid si ay
suura galiyaan iskool lagu badbaadiyo caruurta reer Garbahaareey, uusan ku
jirin qof Garbahaareey ku dhashay. dhammaan raggaan waxay ahaayeen xertii
magaalada u timid inay wax ku bartaan iyo sheekhoodi ay cilmiga ka qaadanayeen.
Arintaan ayaa muujinayso abaalka aan la gudi Karin ee sheikh Xuseen ku leeyahay
Garbahaareey iyo dadkeeda kaaso inta dareensan ay yartahay.
Labo bilood oo shaqo, wareer iyo soo jeed badan leh ka dib
waxaa la furay iskoolka Al-Anwar 1/7/2006 iyadoo lagu billaabay 40 arday iyo 5
macalin. Waxaa qayb weyn ka qaatay suura galinta iskoolka qaar ka mid ah qurba
joogta oo uu hormuud ka ahaa Sheekh xasan Maxamuud Garaad.
Waxaa lagama maarmaan ah inaan xusso in iskoolkaan uusan ahayn
kii ugu horeeyay ee magaalada laga furo si loo xalliyo mushkiladihii aan kor
kusoo xusay. Iskoolkaan bilo un ka hor waxaa la furay iskoolka Gogol oo isaguna
qayb weyn ka noqday toosinta dhalinta dagmada ahna iskoolka tartarnka kala
dhaxeeyo Al-anwar. Balse kala duwanaanshaha mabaadida ku salaysan ee magaalada
ka jiray ayaa waxa uu keenay in Al-Anwar oo inta badan dagmada laga raacsanaa
uu miisaan xoog badan ku yeesho horumarinta wax barashada Garbahareey.
La soco Qaybta xigto.
Ibrahim Aden Shire
07/09/17

Comments
Post a Comment