Skip to main content

Posts

Doorashada Kenya: Maxay na baraysaa guul-darradi Axmed Cabdullahi?

Doorashadi ka dhacday Kenya talaadadi ina dhaaftay waxay ahayd mid ay isha ku hayeen dad badan oo soomaaliyeed. Qaar caruur iyo xaasas ka joogeen, qaar qaraabo kale ku lahaa, qaar ganacsi iyo hanti ka taalay iyo kuwa xiiseeyo harumarkaba dad badan ayaa sugayay sideey wax u dhacaan.  Anigu marki laga soo tago qaraabo badan oo bad-baxooda aan u cabsi qabo haddii ay rabshado dhacaan, waxaan si gaar u eegayay doorashada ka dhacaysay Wajeer iyo cidda ku guulaysan doonto barasaabka gobalka ay matasho.  Maxaa Wajeer xiiso gooni ah u yeelay? Wajeer waa magaalo kala saari lahayd waxa dadka soomaaliyeed wax ku qiimeeyaan. waa magaalada kaliya ee aanu ku fahmi karno in dadka soomaaliyeed qaan gaareen siyaasad ahaan iyo in kale. Sababta aan sidaas u leeyahay si aad u fahamto aynu eegno xaalada gobalka guud ahaan iyo wax qabadkii barasaabka Wajeer intii uu xilka hayay. Wajeer waxay ka mid tahay gobalka waamo ee Kenya haysato. ilaa markii Kenya ay xorriyadda qaadatay waxaa ...

Jubbaland: Macalin Maxamed Balan-qaadkina waa ku Baqaylay.

Wasiirka waxbarashada Jubbaland macalin Maxamed oo safar ku marayay gobalka Gedo ayaa soo gaaray magaalada Garbahaareey ee caasimada gobalka 4/8/2017. Horay wuxuu usoo maray magaalooyinka Luuq, Dolow iyo Balad-xaawo. Ujeedada safarka wasiirka si cad looma qeexin. marki hore waxaa la sheegay inuu horudhac u yahay booqasho balaaran oo madaxeweyne Axmed madoobe gobalka u imaan doono. Laakiin marki danbe waxaa lagu soo koobay in wasiirka u kuur-galayo xaalada gobalka qaasatan tan wax barashada ee ah qaybta uu isagu masuulka ka yahay. Wasiirka ayaa kala kulmay magaalada Garbahaareey soo dhaweyn aan horay loogu samayn madaxdii ka horaysay ee imaan jirtay dagmada dowladii dhexe ka dib. Maadaama hiigsiga Garbahaareey uu yahay inay noqoto xarunta cilimiga iyo wax barashada ee Jubbaland, waxaa sawiirka lagu soo dhaweeyay arday ubaxyo lulayso. Soo dhaweynti ka dib, waxaa lagu soo wareejiyay madaarista, iskoolada iyo maktabadaha wax barashada ee magaalada ka jiro. waxaa la tusay wax dhiiri g...

Dhibaatada Caabudwaaq maxaa u xal ah

Guud ahaan dalka soomaaliya waa meel colaadeed oo ammaankeedu xun yahay. meelo badan ka mid ah waxaa maalin walba ka dhaco dilal iyo dhaawacyo loo gaysto dad aan waxba galabsan. Dilaalkaan waxaa loo gaystaa ujeedooyin kala duwan laakiin kuwa badan waa anooyin qabiil oo horay u dhacay. Inkastoo C/waaq ay la mid tahay magaallyonka soomaaliyeed ee dadka lagu laayo hadana teedu waxay noqotay mid aan xad lahayn. dhibaatooyinka aan dhamaadka lahayn waxay madax-xanuun ku rideen dhamaan inta nabadda iyo horumarka jecel. inta badan ayaa lagu dadaalay in wax laga qabto laakiin laguma guulaysan in lasoo afjaro. hadaba waxaan halkaan kasoo jeedinayaa aragtidayda ku aadan sida ugu fudud ee xal waaro loo heli karo. Labadaan arimood haddi la sameeyo waxay u badan tahay in xal waaro laga gaari lahaa colaadda aan dhamaadka lahayn ee ka taagan C/waaq. 1) wax barasho saf balaaran ah. waa in la hubiyaa in dhamaan caruurta iskoolka gaartay ee magaalada iyo nawaaxigeeda ku nool ay iskool dhigtaan. sidoo kal...

Garbahaareey: Soo dhaweynti Macalin Maxamed waa bog cusub oo furmay

Garbahaareey waa magaalo da'ahaan yar qiyaasti waxay jirtaa 40 sano. Dadkeedu siyaasad ahaan waa kuwa soo jeedo. waxaa lagu xantaa in saqiirkeedu siyaasiyiin yihiin. xaga mucaaradka waxay shabahdaa magaalooyinka Ximsa oo Suuriya ku taalo iyo Kuufa oo Ciraaq ku taal. sidii ay dowladi u dhacday majirin maamul gobalka soo maray oo macno leh oo ay taageertay. Mucaaradkeedu maahan mid aanan wax ku filnayn. mansabka ay haysato iyo arimo kale owgood, cidday diidaan way adagtahay inay gobalka maamulaan. waxaa la xasuustaa si adkayd ee Itixaad ooga hortimid. Itixaad oo waqtiigisa ahaa awood aan la loodin karin maal ahaan iyo mururq ahaanba Garbahaareey waa mari waayay. sidoo kale, ururka Shabaab ayaa u maaro waayay dagmadaan yar. muddadii Shabaabku gacanta ku hayay waxaa la tusay waji xiran iyo la shaqayn la'aan.caruurta waxay samayn jireen inay kabaha ka tuur-tuuraan askarta shabaabku inta ay masaajidda ku jiraan. waxaa dhacday in maalin mid u qaabilsanaa shabaab wacyi galinta isug...

Maxaan ka baran karnaa qisadii Cumayr Binu Sacdi. Qaybti 2aad

Cumayr wuxuu si toos oogu tagay suubanaha SCW ka dibna wuxuu u sharaxay sheekadii dhex martay isaga iyo adeerkii. Suubanahu wuxuu u cid diray Julaas oo ka dalbaday inuu si dag-dag ah ugu yimaado. wax yar ka dib Julaas oo dhagta la hayo ayaa loo keenay suubanaha SCW. Suubanahu maahayn mid dag-dag badan, balse wuxuu ahaa mid dagan, hubsada waxa ay dadku u sheegaan. wuxuu ku yiri Juulaasow warka Cumayr ii keenay maxaa ka jira? Julaas oo xowd-mariidyadu karayaan ayaa ku jawaabay walle iga tahay. waxaas iyo wax la mid ah nimay ka suuroobaan miyaan ahay? wiilkaan xun oo najis ah ayaa been soo dhoob-dhoobay rasuulki Allow. Judhiiba waxaa hadalka la booday koox uur-ku-gaalayaal ahayd oo Julaas hoosta iska ogaayeen. waxay bilaabeen inay Cumayr weerar afka ah ku qaadaan. balaayo ku korsatay haduu keenay inuu aabihii been intaan la eg ka sheego iyo erayo la mid ah ayay isu dhiidhiibeen uur-ku-gaalayaashii. Cumary nafta ayaa u timid. dhidid waaweyn ayaa ka yimid waana himbiriirsaday. gooreey...

Maxaan ka baran karnaa qisadii Cumayr Binu Sacdi

In badan ayaa Qur'aanka kariimka ah lagu soo cel-celiyay qisooyin iyo sheekooyin dhacay quruumo hore. xikmada qisooyinka loo badiyay Eebe wuxuu ku sheegay inay tahay in aadanuhu ku cibro qaato. wixii dhib ah ee gaaray kuwii inaga horeeyay waynu ka leexan halka wixii dheef ah oo ay heleene aan ooga dayanayno. sidoo kale qisooyinku waa nooc ka mid ah hababka kala duwan ee la isugu gudbiyo wanaaga. Culumo badan ayaa qabto inay tahay habka ugu awooda badan xaga gudbinta hadalka iyo gaarsiinta wacyiga. imaamu Maalik waxaa laga wariyay inuu yiri qisasku waa askar ka mid ah ciidamada Eebe weyne. Inagoo ku dayanayo Qur'aanka ayaan halkaan waxaan ku soo gudbinayaa qiso aan is leeyahay aad ayay muhiim u tahay in la ogaado. Gaar ahaan waqtigaan ay wadaniyadi iyo qiyamkeeniba noqdeen kuwa af ka sheegad ah. Cumayr Sacdi wuxuu dhintay aabihii isagoo aad u da' yar. ka dib hooyadii waxaa guursaday nin la oran jiray Julaas oo ka mid ahaa maal qabeenada magaalada Madiina. Julaas si wan...

Maxaad ka ogtahay sida xabashidu u xaalufiso dhulka Soomaaliyeed.

Maxaad   ka   ogtahay   sida   xabashidu  u  xaalufiso   dhulka Soomaaliyeed . Tan  iyo   mark i   ay  dhacday   dowladii   dhexe   ee   soomaliya ,  waxaa   aad   wadanka   ugu   baahay   gurida   dhirta   taasoo   isugu jirtay  mid  la  shitto , mid  guryaha   lagu   dhisto   iyo  mid  dibada loo  dhoofiyo   oo   lacag   adag   laga   helo .  Jarida   dhirta   ayaa  ah mid  aan  loo  kala   harin   oo   ka   dhacday   dhamaan   gobolada soomaliya   ka   kooban   tahay   xataa   kuwa   maamulada   xooga   leh ay  ka   jiraan   sida   soomaliland   iyo  Puntland.  Laakiin   dhibka ugu   weyn   ee   dhirta  loo  gaystay  ...

Contact Form

Name

Email *

Message *