Guud ahaan dalka soomaaliya waa meel colaadeed oo ammaankeedu xun yahay. meelo badan ka mid ah waxaa maalin walba ka dhaco dilal iyo dhaawacyo loo gaysto dad aan waxba galabsan.
Dilaalkaan waxaa loo gaystaa ujeedooyin kala duwan laakiin kuwa badan waa anooyin qabiil oo horay u dhacay. Inkastoo C/waaq ay la mid tahay magaallyonka soomaaliyeed ee dadka lagu laayo hadana teedu waxay noqotay mid aan xad lahayn.
dhibaatooyinka aan dhamaadka lahayn waxay madax-xanuun ku rideen dhamaan inta nabadda iyo horumarka jecel. inta badan ayaa lagu dadaalay in wax laga qabto laakiin laguma guulaysan in lasoo afjaro. hadaba waxaan halkaan kasoo jeedinayaa aragtidayda ku aadan sida ugu fudud ee xal waaro loo heli karo.
Labadaan arimood haddi la sameeyo waxay u badan tahay in xal waaro laga gaari lahaa colaadda aan dhamaadka lahayn ee ka taagan C/waaq.
1) wax barasho saf balaaran ah. waa in la hubiyaa in dhamaan caruurta iskoolka gaartay ee magaalada iyo nawaaxigeeda ku nool ay iskool dhigtaan. sidoo kale waa in la hubiyaa inay dhamaystaan wax barashada ilaa dugsiga sare.
2) in la yareeyo dadka miyiga ku nool. waa in dib u dejin balaaran loo sameeyaa dadka ku nool miyiga si tartiib-tartiib ahna lagu ree magaaleeyaa.
Labadaan arimood waa kuwa miro dhalkoodu fog yahay. waxaa laga yaabaa inay qaatato 10 sano ama ka badan inta la arkayo faaiidadooda laakiin waxay horseedi doonaan horumar iyo nabad waarto.
Dhamaan dadka dilka gaystay waa dad reer miyi ah ama goor aan fogayn miyi kasoo galay. aad ayay u yartahay in la helo qof magaalo ku dhashay kuna bar-baaray oo nin aan isku qabiil nahay baa ninkaasi dilay qof u dilayo. siyaabo kama ah inay u dhacday waa jirtaa laakiin waa naadir.
intaas waxaa dheer haddi dadku ree magaaloobi lahaa waa la is dhex dagi lahaa, sidaa darteed qofna uma sahlanaateen inuu ka guuro meeshi gurigiisu ku yaalay. Hadda waxaa dhacdo in inta qofku wax dilo uu miyigiisi ku laabto ama qolo dhinac kale dagan u galo waayo awalba meel ma daganayn.
Sidoo kale, dhamaan dadka wax laayo waa kuwo aan lahayn wax aqoon ah nooci ay rabtaba ha noqotee. waxaan raac-raacay dilalki ugu danbeeyay ee ka dhacay magaalada kuwasoo dadkii lagu dilay ay ahaayeen indhihi magaalada. waxaa isoo baxday in gacan ku dhiiglayaashu aysan waligeed wax dhigan.
Qofki iskool dhigto ilaa dugsi sare dhamaysto waxaa gali hammi aduun, naftiisa iyo midda dadkuna qiimo ayay la yeelan. wuxuu ku taami inuu meel sare sii aado sidaa darteed ma sahlana in inta qori loo dhiibo la yiraahdo ku aar ina adeerkaa.
iskuulaynta caruurta waxay keeni in mustaqbalka la waayo cid la isticmaalo oo qori loo dhiibo. waxay keeni in la helo dad ka wada fakarayo horumarinta deegaanka. waxay keeni in la helo dad isku dhinac u jeedo mustawa ahaana siman. waxay keeni in la helo dad si isku mid ah nabada u jecel.
sidaa darteed, inagoo og in qaab nololeedka soomaalida sidaasi ka murugsan yahay, waxaa muhiim ah in laga fakaro mustaqbalka fog, xalka la raadiyana lagu saleeyo saamaynta fog ee uu yeelan doono.
Ibrahim Aden shire
ishire86@gmail.com
Comments
Post a Comment