Skip to main content

Garbahaareey: Soo dhaweynti Macalin Maxamed waa bog cusub oo furmay

Garbahaareey waa magaalo da'ahaan yar qiyaasti waxay jirtaa 40 sano. Dadkeedu siyaasad ahaan waa kuwa soo jeedo. waxaa lagu xantaa in saqiirkeedu siyaasiyiin yihiin. xaga mucaaradka waxay shabahdaa magaalooyinka Ximsa oo Suuriya ku taalo iyo Kuufa oo Ciraaq ku taal. sidii ay dowladi u dhacday majirin maamul gobalka soo maray oo macno leh oo ay taageertay.

Mucaaradkeedu maahan mid aanan wax ku filnayn. mansabka ay haysato iyo arimo kale owgood, cidday diidaan way adagtahay inay gobalka maamulaan. waxaa la xasuustaa si adkayd ee Itixaad ooga hortimid. Itixaad oo waqtiigisa ahaa awood aan la loodin karin maal ahaan iyo mururq ahaanba Garbahaareey waa mari waayay.

sidoo kale, ururka Shabaab ayaa u maaro waayay dagmadaan yar. muddadii Shabaabku gacanta ku hayay waxaa la tusay waji xiran iyo la shaqayn la'aan.caruurta waxay samayn jireen inay kabaha ka tuur-tuuraan askarta shabaabku inta ay masaajidda ku jiraan. waxaa dhacday in maalin mid u qaabilsanaa shabaab wacyi galinta isugu yeeray magaalada, ka dibna wacdi u jeediyay. xogaa markuu hadlayay ayaaa sidii caadada u ahayd wuxuu yiri TAKBIIR! wuxuu filayay inuu dhulka diryaami doono balse qof juuq yiri ma jirin.

marki la dhisay maamulka Jubbaland Garbahareey ma soo dhawayn. si aad ah ayay ooga hor timid, waxaana la xasuustaa shirarki is daba jooga ahaa ee lagu qaban jiray iyo abaabuladii looga soo horjeeday ee ka socon jiray. Xoog iyo xeelba waa lagu dayay balse laguma guulaysan. waxaa la xasuustaa in xatta ciidamada xabashida ee wadanka joogay loo adeegsaday inay dadka qasbaan iyadiina ka dar oo dibi dhal ayay ka dhigtay xaalka.

si kastaba ha ahaatee, waxaa hadda muuqdo isbadal wanaagsan. Wasiirka wax barashada ee jubbaland oo safar ku marayay gobalka Gedo ayaa soo gaaray Garbahaareey. imaanshaha wasiirka waxaa lagu qaabilay soo dhaweyn ay wehliso qalbi furnaan. waxaa wadooyinka usoo baxay rag iyo dumar, caruur iyo ciroole calamo babbinayo.

waxaa la tusay waji furan iyo wanaag. waxaa loo muujiyay sidey dadka dagan Garbahaareey diyaar ugu yihiin ka mid noqoshada maamulka Jubbaland ee uu hogaamiyo Axmed Islaan.

Talaabadaan ayaan u arkaa is badal xagga wanaaga loo qaaday. Inkastoo dhaliilo iyo tabashooyin jiraan, hadana in la taageero maamulka si nabad ahna loo raadsado xaqqa maqan waa arin laga maqsuudo.

Ma hubo waxa keenay is badalkaan iyo inuu sii jiri doono balse waxaa hubaal ah in maalinba maalinta ka danbayso dadku u bislaanayo hogaansanka iyo maamul jeceylka.

Comments

Popular posts from this blog

Warbixin Kooban. Safarkaygi Gobalka Gedo. Q4

Waxaa ku jirnaa arrimaha bulshada. Tii inoogu danbaysay waxaan soo taabannay adeegga caafimaadka kaas oo sawir taban aan ka bixinnay. Hasa yeeshee meelo badan oo waxaa jiro horumar fiican uu ka jiro sida isboortiska. Garbahaareey waxaa ka dhisan siddeed naadi oo heer koowaad ah. Si joogta ah ayaa loo cayaaraa oo markuu xilli dhammaadaba dib ayaa loo billaabaa. Kooxaha koob ayaa loo dhigaa lacag ah. Inta badan waa $100 qiimaha abaalmarintu marmarna inuu ka bato ayaa laga yaabaa. Kooxdi qaaddo koobka ayaa meel fagaare ah lagu guddonsiiyaa abaal marinta. Ciyaarahaan waxay ka dhacaan garoonki kubbadda kacta ee dagmada oo saddex sano ka hor la dayac tiray. Garoonka oo loo dhisay darbi daawadayaashu fadhiistaan ayaa aad loo soo cammiraa. Maalinta ay jirto cayaarta kama danbaysta ah waa la buux dhaafiyaa. Waxaa xusid mudan in dad ugu badan ee cayaaraha daawado ay ka mid yihiin ciidanka. Waxaad arkaysaa iyagoo tuutahooda xiran qoryana sito oo shacabka dhex fadhiya. Dadka u...

Hal ku dhigga halaagga noo horseeday: "Xoolaha dad weynaha ayaa ganacsi loo baddalay"

Ilaa shalay waxaa baraha bulshada lagu faafinayay in isbitaalki Jaalle Siyaad ee dagmada Garbahaareey loo rogay meel ganacsi. Saaka warki asaga ahaa waxaa qoray qaar ka mid ah mareegyada warfaafinta ee Soomaalida. Dadka qoray warkaan qaar waxay isticmaaleen erayo adag sida 'dhiig miirato', 'furasho' iyo 'boob'.  Inkastoo aan la xariiray qaar ka mid ah dadka qoray farriimahaan aana isku dayay inaan si hoose xal ugu helo warkaan aan salka lahayn, haddana waxaa ii muuqato inuu dhawaqu meel fog gaaray hoos u hadlidna aysan ku filnayn. Sidaa darteed waxaan go'aansaday in si muuqato wax ooga dhaho warkaan oo aan ahayn kii ugu horreeyay ee noociisa ah.  Muxuu yahay Isbitaalka Jaalle siyaad? Jaalle Siyaad waa isbitaal weyn oo ku yaal Garbahaareey. Waxaa dhismihiisa bilowday dowladdii dhexe isagoo qaybo ah ayayna dhacday. dhowr iyo labaatan sano ayuu qabyadaas ahaa oo arigu u xaroon jiray. Waqti aan fogayn ayay gabdho qurbajoog ah isu xilqaameen inay...

Maxaa laga filan karaa Imaaraatka, ka dib xariirka xumaaday ee Soomaaliya

Dalka Imaaraadka Carabtu waa dal bad ahaan aad u yar, dadkiisu dhowr milyan uusan dhaafsiisnayn, xadaarad hooseeye ilbaxnimadiisuna boqol sano aysan ka shishayn. Saas oo ay tahay sanadahaan danbe awoodiisa aad ayay usoo shaac baxay. Isaga iyo dalalka kale ee Khaliijkuba waxay ku amar taagleeyaan dowlado waaweyn, una yeeriyaan waxa ay doonaan. Dhawaan ayay ahayd marki ay soo baxday in Imaaraatku codsaday in la baddalo wasiirka arrimaha dibada ee Maraykanka, codsigoodina dagdag ayaa loo ajiibay. Kaligood maahaan. Sacuudiga ayaa dalbaday in wasiirka arrimaha dibada loo magacaabo kolin Bowel waqtiguu Buushki yaraa waana laga yeelay si qasab ah. Sidoo kale, waxay dowladaha waaweyn ee reer Galbeedka ku qasbaan inay u hadlaan sida ay iyagu rabaan. Sanadki hore Taraam oo ku hadlayo afka waddamada Khaliijka ayaa sheegay inuu jabin doono heshiishki Nukliyeerka ee Iiraan kala dhaxeeyay. dowlado dhowr ah oo arkayay sida masuuliyad darrada ah ee ay wax u socdaan Faransiiskuna ka mi...

Contact Form

Name

Email *

Message *