Skip to main content

Jubbaland: Macalin Maxamed Balan-qaadkina waa ku Baqaylay.

Wasiirka waxbarashada Jubbaland macalin Maxamed oo safar ku marayay gobalka Gedo ayaa soo gaaray magaalada Garbahaareey ee caasimada gobalka 4/8/2017. Horay wuxuu usoo maray magaalooyinka Luuq, Dolow iyo Balad-xaawo.

Ujeedada safarka wasiirka si cad looma qeexin. marki hore waxaa la sheegay inuu horudhac u yahay booqasho balaaran oo madaxeweyne Axmed madoobe gobalka u imaan doono. Laakiin marki danbe waxaa lagu soo koobay in wasiirka u kuur-galayo xaalada gobalka qaasatan tan wax barashada ee ah qaybta uu isagu masuulka ka yahay.

Wasiirka ayaa kala kulmay magaalada Garbahaareey soo dhaweyn aan horay loogu samayn madaxdii ka horaysay ee imaan jirtay dagmada dowladii dhexe ka dib. Maadaama hiigsiga Garbahaareey uu yahay inay noqoto xarunta cilimiga iyo wax barashada ee Jubbaland, waxaa sawiirka lagu soo dhaweeyay arday ubaxyo lulayso.

Soo dhaweynti ka dib, waxaa lagu soo wareejiyay madaarista, iskoolada iyo maktabadaha wax barashada ee magaalada ka jiro. waxaa la tusay wax dhiiri galiyo wasiir horay ooga gaabiyay shaqadiisi.

dhoola tuskaan ay soo bandhigtay Garbahareey ayaa looga dan lahaa in la tusso wasiirka inay dagmadu iskeed wax u qabsatay hadana ay u baahantahay qaybti ee mamulka ku lahayd iyo in taageerada loo fidyo aysan noqon doonin mid aanan laga faaidaysan.

Meeshi cir laga filayay ayay ciiryaamo ka timid

Nasiib darro, wasiirku kama hadal mushaarka macalimiinta, dhisidda fasalo cusub iyo soo kordhinta iskoolo hoose oo gobalku dhib weyn u qabo. kama hadal waxa uu ka qaban doono meelaha aysan dugsiyo sare ka jirin sida Balad-xaawo. ma sheegin waxa uu ka qaban doono caruurta iskoolada aan dhigan ee kumanaanka kor u dhaafay ee ku nool gobalka  kuwasoo qatar ugu jiro inay ku biiraan koxaha hubaysan.



Hal fadhiga ku diiday istaaga kuma godlato 

Maamulka Jubbaland hadda waa mid tabar daran. Sedexda gobal ee ka kooban yahay isuma gudbi karaan. Caasimadiisa waxaa haysto alshabab. Dhaqaale ahaan wax weyn mahayo isha kaliya ee wax kasoo galaan waa takadda Kismaayo oo aysan wax badan ka soo dagin wax ka dhoofana aysan jirin. 

Sida aan xog hoose ku helay wasiirka safar ku yimid gobalka markuu baxayay in nooliga laga bixiyo ayay noqotay. Maamulka isaga oo muruq iyo maal ahaan martabadaas joogo xataa balanqaad laga waayay haduu wax helo siduu wax ku qaban doono shaki weyn ayaa ku jiro.

Waxa kaliya ee lagu tilmaami karo balanqaad waa inuu wasiirku yiri waxaan ka furi doonnaa dagmada Garbahaareey xarun lagu tababaro macalimiinta gobalka Gedo. Ogow maahan kuwa Jubbaland oo dhan ee gobalka Gedo kaliya. In wasiirku tibaajibinayay hanka dadka uu la hadlayay way dhici kartaa oo uu is lahaa haddii tan ay ku qancaan ookiyaale bir ah u xiro haddii ay kula fahmaana xisaabta dib oogu noqo. In intaasba wax weyn la tahayna waa suura gal. Kay tahayba wax la qaato lama imaan wasiirku. 

Maamulka Jubbaland wuxuu ka koobanyahay sadex gobal (Jubbada dhexe, Jubbada hoose iyo Gedo). si la isgu dheeli tiro dhaqaalaha gobolada Jubbada dhexe waxaa la siiyay caasimadda maamulka (Bu'aale), Jubbada Hoose waxaa la siiyay caasimadda ganacsiga (kismaayo) halka Gedo aan laga dhigay "Bartire buuga kuma jiro". 

waxaa muhiim ah in qaladkaan la saxo. wali waxaa jiro xarumo badan oo haddi gobalka laga furo abuuri lahaa fursado shaqooyin iyo ilo dhaqaale. halka uu hadda wasiirku yiri waxaan furay xarunta ku kooban macalimiinta Gedo haddi laga dhigo mid macalimiinta Jubbaland oo dhan faaiido badan ayay keeni kartaa. sidoo kale waxaa loo gaar yeeli karaa xarun cilmi baaris oo matasho maamulka oo dhan dhaqaalaheeduna isagu bixiyo, kuwa kale oo badana waa jiraan haddii maskax fiyow iyo dad lexejeclo leh ay u howl galaan.

Ibrahim aden shire
ishire86@gmail.com

Comments

Popular posts from this blog

Gorfeyn: Buugga Adkaysi ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur

  Adkaysi waa buug cusub oo soo suuqa imaanaya kowda Disember 2024. Waxaan nasiib u yeeshay in aan ka mid noqdo dhowrkii qof ee ugu horreysay ee buugga la siiyo inta uusan suuqa imaan. Fiidnamdii Isniinta taariikhdu ahayd 18/11/2024 ayuu xildhibaan Cabdiraxmaan i guddoonsiiyay buugga goor aan ugu tagay gurigiisa Muqdisho. Fiidnamdii talaadada oo aan Ingiriiska safar u soo ahaa ayaan ku billaabay akhriska. Wehel waddada ila mara ayuu ii noqday. Qormadaan gaaban waxaan uga faalloon doonaa buugga.  Adkaysi oo 318 bog ah waxaa qorey xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Tafatirka iyo quraaradyntu (typesetting) waa heersare (laba meelood ayaan ka arkay wax aan is iri quraaradaynta ayaa geftay).  Waa buug xogwarran ah, xambaarsan taariikh, wacyigelin, waxbarid iyo waana-qaadasho. Waxaa uu si gaar ah u abbaarayaa waayihii Cabdiraxmaan, dhalashadiisii, korriinkiisii, waxbarashadiisii, shaqooyinkiisii ilaa siyaasadda oo uu hadda ku jiro. Sida ka muuqata ciwaankaba qoruhu b...

Hal ku dhigga halaagga noo horseeday: "Xoolaha dad weynaha ayaa ganacsi loo baddalay"

Ilaa shalay waxaa baraha bulshada lagu faafinayay in isbitaalki Jaalle Siyaad ee dagmada Garbahaareey loo rogay meel ganacsi. Saaka warki asaga ahaa waxaa qoray qaar ka mid ah mareegyada warfaafinta ee Soomaalida. Dadka qoray warkaan qaar waxay isticmaaleen erayo adag sida 'dhiig miirato', 'furasho' iyo 'boob'.  Inkastoo aan la xariiray qaar ka mid ah dadka qoray farriimahaan aana isku dayay inaan si hoose xal ugu helo warkaan aan salka lahayn, haddana waxaa ii muuqato inuu dhawaqu meel fog gaaray hoos u hadlidna aysan ku filnayn. Sidaa darteed waxaan go'aansaday in si muuqato wax ooga dhaho warkaan oo aan ahayn kii ugu horreeyay ee noociisa ah.  Muxuu yahay Isbitaalka Jaalle siyaad? Jaalle Siyaad waa isbitaal weyn oo ku yaal Garbahaareey. Waxaa dhismihiisa bilowday dowladdii dhexe isagoo qaybo ah ayayna dhacday. dhowr iyo labaatan sano ayuu qabyadaas ahaa oo arigu u xaroon jiray. Waqti aan fogayn ayay gabdho qurbajoog ah isu xilqaameen inay...

Maraykanku yuu wax siyaa sideese wax u siiyaa?

                                                                                  Dhowr bari ka hor ayuu Maraykunku ku hanjabay inuu cayrta ka jari doono waddanki ka codeeyo. Bootadi ma shaqayn oo adduunka intiisa badan oo dalkeennu ku jiro waa ka codeeyay. Ilaa shalay dhowr qof oo aan isku soo qaadnay arrintaas ayaa walaac ka muujiyay in Maraykanku biilka ka jaro dowladda. Balse su’aashu waxa ay tahay marki hore wax ma siin jiray? Waxaan isku dayay inaan wax ka ogaado inay jirto cid ku nool cayrta Maraynka, waxaana la kulmay warbixin ay daabacday Aljazeera sadex cisho ka hor iyadii ayaana halkaan idin kula wadaagayaa. Sanadki 2015ki waxa uu Maraykanku sadaqo u bixiyay adduun gaarayo $58.6 bilyan taasoo u dhiganto 1.3% miisaaniyadda dalkaas. 43% adduunka uu bixiyay Maraykanku wa...

Contact Form

Name

Email *

Message *