Maxaad ka ogtahay sida xabashidu u xaalufiso dhulkaSoomaaliyeed.
Tan iyo marki ay dhacday dowladii dhexe ee soomaliya, waxaa aad wadanka ugu baahay gurida dhirta taasoo isugujirtay mid la shitto, mid guryaha lagu dhisto iyo mid dibadaloo dhoofiyo oo lacag adag laga helo. Jarida dhirta ayaa ah mid aan loo kala harin oo ka dhacday dhamaan goboladasoomaliya ka kooban tahay xataa kuwa maamulada xooga lehay ka jiraan sida soomaliland iyo Puntland. Laakiin dhibkaugu weyn ee dhirta loo gaystay ayaa ka dhacay koonfurtasoomaliya sida tan dadka loo gaystayba ay oogu badan tahay.
Dhirta ugu badan ee la gubo si looga dhigo dhuxul dibada loo qaado ayaa ah geedka loo yaqaan quraca oo aad ugu badnaasoomaaliya ahna geed cimri dheer oo gaaro boqolaal sano. War bixin ay soo saartay UN-ta (2011) ayaa lagu sheegay in geedaha la gubo 80% yahay quraca taaso qaar ka mid ah dad u dodo bay’ada ay sheegeen in 25% quricii soomaaliya la jaraydhawaana ay gaari doonto 40%. War bixinta ayaa lagusheegay in qiyaasti 150,000 oo mitre tan oo dhuxul ah Soomaaliya laga dhofiyo sanad walba. In la helo dhuxul intaasla eg waxay u baahan tahay in la jaro 2.1 million oo qurac.
Meelaha ay sida weyn uga jiro gurida waxa ka mid ah deegaamada Jubbaland oo ay Gedo ka mid tahay. Meelobadan oo ka mid ah gobalka Gedo ayaa dhirtii laga baneeyayiyadoo meelaha gaar ay adagtahay inaad ku aragto geed weynoo taagan taasoo sababtay nabaad guur baaxad leh iyo xaalufba’aan, iyo abaar aan dhamaad lahayn.
Si kastaba ha ahaatee waxaa jidkaan ka leexday dagmadaGarbahaareey iyo nawaaxigeeda oo dadka dagan ay dadaaldheer u galeen ka hortaga jarida dhirta iyo inaysan cidna u ogalaan inay dhuxul ka gubaan deegaan kooda. Dadaalkaanayaa ahaa mid si wada jir ah ay ooga qayb qaateen dhamaanqaybaha bulshada oo ay hogaaminayeen odayaasha iyoculumada kuwaaso hor istaag ku sameeyay dadkii uguhoreeyay geedo gurac xaabo badan kasoo gurtay si ay dab ooga shittaan sanadii 2000. Diidmada ayaa qusaysay geedahanool iyo kuwa qalalay ee yaalo dhulka, arintaan oo la islagartay hadii la ogolaado tan qalashay inay ku xigi doonto in la dumiyo tan baxayso. Hoos ka daawo sawiro tusayo quracwaqti hore engagay oo wali halkiisi yaalo.
Laakiin waxaa gushaan dhaawac gaarsiyay malaashiyaadTikreega ee lagu sheegay inay AMISOM ka tirsan yihiin.Maleeshiyada Tikreega ayaa timid Garbahaareey sanadii 2013markaas oo dadka deegaan si aad ah iyo lab furnaan kusoodhaweeyeen iyagoo u arkayay inay xornimo iyo maamulwanaag u wadaan. Garbahaareey ayaa ah meelaha waqti dheerlaga diidana amarada Al-shabaab iyo kuwii ka horeeyay sidaAl-Ittixaad, taasoo sababtay colaad u dhaxayso dadkadeegaanka iyo maamulada wadaad-tooyada ku dhisan.
Maleshiyaadka tikreega oo og inay guushooda la egtahayhadba inta ay dhib gaarsiyaan dad iyo deegaan soomaaliyeed, ayaa bilaabay inay inta koox-koox u baxaan ay soo gurtaanxaabo qalashay, wax yar ka dibna waxay bilaabeen inay soogurtaan geedo waa weyn balse dumay, ka dibna waxay usiigudbeen inay qabuuraha geedaha lagu meegaaro si xoolahalooga celiyo soo aruursadan. Ugu danbayntii waxay bilaabeenduminta geedo waa weyn oo qurac ahaa muddo dheerna kuyaalay meesha. Inta badan waxay isticmaaleen taankiyo si ay u dumiyaan geedaha, ka dib taagiga ay kusoo jiidayeen.
Wararku waxay sheegayaan inay Tikreegu ogolaansho ay dhirta dhuxul oga dhigtaan ay ka heleen odayaasha lagusheegay golaha guurtida oo ah gole ay dhistay dowlada hoose ee dagmada oo taageero ka helaysay ciidamada Xabashida.
Nasiib wanaag waxaa arintan ka dhiidhiyay culamadamagaalada oo masaajida ka istaagay toosh weyna ku ifiyaydhibka ay tikreegu ku hayaan dhirta. Tikreegu waxay amar kusiiyeen maamulki markaas jiray inay soo xiraan wadaadadadadka ku dirayo oo ay ku sheegeen inay amni darroabuurayaan. Maamulki oo fulinayo amarki Tikerrga ayaa iskudayay inay soo xiraan culamadii ka hadashay jarida dhulkataasoo sababtay kacdoon dad weyne oo u istaagay inaydifaacaan culumada.
Xabashidu sidaas kuma joojin gurida dhirta ee way sii wadayinkastoo ay yareeyeen geedihii badnaa ee ay dumin jireen ilaalaga soo gaaray bishii Septeber 2015 waqtigaas oo si weyn ay u kala dhinteen iyaga iyo dadka deegaan, kai b marii ay iskudayeen inay badalaan maamulki mgaalada ka jiray.Dhibaatada bay’ada ee ay gaystaan ciidamada shisheeye eedalka ku sugan ayaa soo jeedin dareenka shacabka iyosaxaafada sida uu usoo jiido kuwa siyaasada.
Ugu danbaynti reer Garbhaareey ayaa in badan ka duwangobalka intiisa kale iyo meelo bdan oo Soomaaliya ka mid ah marki la eego sida ay ooga hortageen gurida dhirta iyo nabaadguurinta deegaanka. Dhibki ay Tikreegu ka sameeyeen dhulkaSoomaaliyeed wuxuu noqon doonaa mid diiwaan gashan waqtigeedana sugu doonto.
Hoos ka daawo sawirada
Ishire86@gmail.com
31/10/2016
Comments
Post a Comment