Skip to main content

Maxaan ka baran karnaa qisadii Cumayr Binu Sacdi. Qaybti 2aad

Cumayr wuxuu si toos oogu tagay suubanaha SCW ka dibna wuxuu u sharaxay sheekadii dhex martay isaga iyo adeerkii. Suubanahu wuxuu u cid diray Julaas oo ka dalbaday inuu si dag-dag ah ugu yimaado. wax yar ka dib Julaas oo dhagta la hayo ayaa loo keenay suubanaha SCW.

Suubanahu maahayn mid dag-dag badan, balse wuxuu ahaa mid dagan, hubsada waxa ay dadku u sheegaan. wuxuu ku yiri Juulaasow warka Cumayr ii keenay maxaa ka jira? Julaas oo xowd-mariidyadu karayaan ayaa ku jawaabay walle iga tahay. waxaas iyo wax la mid ah nimay ka suuroobaan miyaan ahay? wiilkaan xun oo najis ah ayaa been soo dhoob-dhoobay rasuulki Allow.

Judhiiba waxaa hadalka la booday koox uur-ku-gaalayaal ahayd oo Julaas hoosta iska ogaayeen. waxay bilaabeen inay Cumayr weerar afka ah ku qaadaan. balaayo ku korsatay haduu keenay inuu aabihii been intaan la eg ka sheego iyo erayo la mid ah ayay isu dhiidhiibeen uur-ku-gaalayaashii.

Cumary nafta ayaa u timid. dhidid waaweyn ayaa ka yimid waana himbiriirsaday. gooreey ka joogto allow xageen galaa ayaa Eebe weyne oo xog-ogaal u ahaa waxa dhex maray Julaas iyo Cumayr taageero u fidiyay Cumayr. waxaa soo dagay aayada 74aad ee suurada Towba. Rabbi wuxuu yiri:

يَحْلِفُونَ بِاللَّهِ مَا قَالُوا وَلَقَدْ قَالُوا كَلِمَةَ الْكُفْرِ وَكَفَرُوا بَعْدَ إِسْلَامِهِمْ وَهَمُّوا بِمَا لَمْ يَنَالُوا ۚ وَمَا نَقَمُوا إِلَّا أَنْ أَغْنَاهُمُ اللَّهُ وَرَسُولُهُ مِن فَضْلِهِ ۚ فَإِن يَتُوبُوا يَكُ خَيْرًا لَّهُمْ ۖ وَإِن يَتَوَلَّوْا يُعَذِّبْهُمُ اللَّهُ عَذَابًا أَلِيمًا فِي الدُّنْيَا وَالْآخِرَةِ ۚ وَمَا لَهُمْ فِي الْأَرْضِ مِن وَلِيٍّ وَلَا نَصِيرٍ.

waxay ku dhaaranayaan inaysan dhihin iyagoo yiri hadal gaalnimo ah ayna gaaloobeen islaanimo ka dib. waxayna ku hammiyeen waxaysan gaarayn,  kuma aysan nicin kaliya in Eebe iyo rasuulkiisu hodmiyeen moyee. haday soo noqdaan sidaas ayaa u fiican, hadiise ay diidaan Eebe ayaa cadaabi dooono cadaab daran aduun iyo aakhiraba, dhulkana kuma lahan sokeeye iyo gargaare toona. 

Julaas waa fashilmay, warkiisina waa la cadeeyay laakiin fursad ayaa la siiyay sida aayada ku cad doorashadana isagaa loo daayay. Nasiib wanaag Julaas waa soo noqday, dhab ayuuna u islaamay muddo munaafiqnimo ah ka dib, islaamnimadiisina waa hagaagtay sida lagu xusay kutubta taariikhda. ilaa dhimashadiisi wuxuu dhihi jiray. Cumayr ayaa Eebe igu bad-baadiyay, oo ula jeedoay haddii uusan maalintaas Cumayr soo dacweeyeen inuu dhiman lahaa isagoo gaalnimo qarsanaya. 

casharo badan ayaa ku jiro qisada laakiin labo ka mid ah ayaa hadda inoo muhiim ah.

1: khaawinu wadan ehel ma noqon karo. qaraabo walba oo uu kuu yahay, jeceyl walba oo aad u qabto marki aad ogaato inuu qiyaamo qaran ku jiro waad kala dhaqaaqdeen sida uu Cumayr yeelayba (FG: waa inay yihiin wax la hubo waxa aad qofka ku colaadinayso. sidoo kale waa inaysan ahayn sida aad adigu u taqaan wadaniyada iyo daacadnimada)

2: muhiimada ay leedahay in caruurta lagu beero waynaynta maadida ay rumaysan yihiin iyo in sidoo kale la baro inaysan jirin wax ka koreeyo qiyamkooda oo ay ilaashanayaan. 

Haddi aynu ku dhaqano labadaan qodob waxaa hubaal ah in dalkeena iyo diinteenuba bad-badaayaan. cabsida badan ee aan ka qabno in dalka dad kale naga qaataan, dadkana diinta laga saaro waxaa asal u ah inaan ognahay in inteena badan aysan daacad u ahayn waxa ay rumaysanyihiin. 

Hadaba waxaa muhiim ah in manhajka wax barashada dalka lagu daro in caruurta la baro qiyamkeena (values) iyo waxa aan u taaganahay. Diinta iyo dalku ma kala hari karaan waayo dalkeenu waa dal islaam sidaa darteed meeshuu dadku aado ayuu dalku aadi. 



Comments

Popular posts from this blog

Taariikh Nololeedkii Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf

  28/12/2023 waxaa geeriyooday sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf oo ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed marna ahaa hoggaamiyihii Imaaradii Gedo. Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf Aw Axmed Ismaciil Mubaarak sheekh Cabdiraxmaan sheekh Samantar,  waxaa uu ku dhashay qiyaastii 1938-kii, meel lagu magacaabo Buuro oo galbeedka uga beegan magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Sheekha waxaa uu ahaa Marreexaan, Cali Maxammed (Cali-dheere), reer Sheekh reer Mubaarak.  Sheekh Maxammed waxaa uu ku barbaaray guri aqoon iyo Diin. Sida aad ka arki kartaba abtirkiisa aabbihii iyo awooyaashii waxaa ay ahaayeen culimo. Sheekha Maxammed Allaha u naxariisto e (AUN),  waxaa uu Qur’aanka kariim ka ah dhammeeyay isaga oo aad u da’ yar. Intaa ka dib waxaa uu u jeestay barashada caqiidada, fiqhiga iyo Shaaficiga isaga oo kutubtaas ka qaatay aabbihii. Sidii uu dhaqanku ahaa, sheekh Maxammed  waxaa uu xiraystay sannadka markii uu ahaa 1956-kii ilaa 1961-kii  goortaas oo uu cilmi u raadsaday magaalooyinka Beledwayne,

Maxaa ka run ah warbixinnada foosha xun ee laga qoro Soomaalida Qurbaha?

Warbixin ka ay daabacday Boomerg oo looga hadlay waxtarka muhaajiriinta Maraykan  tago ayaa lagu sheegay in Kiinyaanku yihiin dadka saddexaad ee ugu shaqada iyo waxtarka badan soogalootiga Maraykanka. Gaana oo Afrika ah ayaa qaadatay kaalinta koowaad waxaan labo noqday Bulgeeriya oo Yurub ah. Waxaa sidoo kale toban hore soo galay dalalka Itoobiya oo afar gashay, Masar oo shan gashay, Nayjeeriya oo siddeed gashay iyo Laybeeriya oo sagaal gashay. Toban qowmiyadood ee ugu shaqada badan muhaajiriinta ku nool Maraykanka lix ayaa kasoo jeedda Afrika. Waxaan tobanka hore soo galin Soomaalida. Sidoo kale soomaalidu safka hore oogama jirto muhaajiriinta ugu aqoonta badan. Afrika Masar iyo Natjeeriya ayaa kaga jiro tobanka hore xagga aqoonta. Marka walba oo lasoo hadal qaado Soomaali waxaa lagu xariiriyaa, faqri, burcadnimo, aqoon la'aan, argagixisonimo iyo shaqo la'aan baahsan. Warbixin laga soo saaray waddamada Galbeed oo sawir quruxsan ka bixiso Soomaalida in la helo ma dhacd

Hal ku dhigga halaagga noo horseeday: "Xoolaha dad weynaha ayaa ganacsi loo baddalay"

Ilaa shalay waxaa baraha bulshada lagu faafinayay in isbitaalki Jaalle Siyaad ee dagmada Garbahaareey loo rogay meel ganacsi. Saaka warki asaga ahaa waxaa qoray qaar ka mid ah mareegyada warfaafinta ee Soomaalida. Dadka qoray warkaan qaar waxay isticmaaleen erayo adag sida 'dhiig miirato', 'furasho' iyo 'boob'.  Inkastoo aan la xariiray qaar ka mid ah dadka qoray farriimahaan aana isku dayay inaan si hoose xal ugu helo warkaan aan salka lahayn, haddana waxaa ii muuqato inuu dhawaqu meel fog gaaray hoos u hadlidna aysan ku filnayn. Sidaa darteed waxaan go'aansaday in si muuqato wax ooga dhaho warkaan oo aan ahayn kii ugu horreeyay ee noociisa ah.  Muxuu yahay Isbitaalka Jaalle siyaad? Jaalle Siyaad waa isbitaal weyn oo ku yaal Garbahaareey. Waxaa dhismihiisa bilowday dowladdii dhexe isagoo qaybo ah ayayna dhacday. dhowr iyo labaatan sano ayuu qabyadaas ahaa oo arigu u xaroon jiray. Waqti aan fogayn ayay gabdho qurbajoog ah isu xilqaameen inay

Contact Form

Name

Email *

Message *