Skip to main content

Maxaan ka baran karnaa qisadii Cumayr Binu Sacdi

In badan ayaa Qur'aanka kariimka ah lagu soo cel-celiyay qisooyin iyo sheekooyin dhacay quruumo hore. xikmada qisooyinka loo badiyay Eebe wuxuu ku sheegay inay tahay in aadanuhu ku cibro qaato. wixii dhib ah ee gaaray kuwii inaga horeeyay waynu ka leexan halka wixii dheef ah oo ay heleene aan ooga dayanayno.

sidoo kale qisooyinku waa nooc ka mid ah hababka kala duwan ee la isugu gudbiyo wanaaga. Culumo badan ayaa qabto inay tahay habka ugu awooda badan xaga gudbinta hadalka iyo gaarsiinta wacyiga. imaamu Maalik waxaa laga wariyay inuu yiri qisasku waa askar ka mid ah ciidamada Eebe weyne.

Inagoo ku dayanayo Qur'aanka ayaan halkaan waxaan ku soo gudbinayaa qiso aan is leeyahay aad ayay muhiim u tahay in la ogaado. Gaar ahaan waqtigaan ay wadaniyadi iyo qiyamkeeniba noqdeen kuwa af ka sheegad ah.

Cumayr Sacdi wuxuu dhintay aabihii isagoo aad u da' yar. ka dib hooyadii waxaa guursaday nin la oran jiray Julaas oo ka mid ahaa maal qabeenada magaalada Madiina. Julaas si wanaagsan ayuu koriyay Cumayr. wuxuu siiyay jeceyl waalidnimo wuxuuna si qurux badan u buuxiyay booski aabihii ka baxay.

Cumayr dhinaciisa waa dareensanaa sida adeerkii u wanaajiyay. Abaal badan ayuu u hayay wuxuuna u ixtiraamay sidii aabihii kole. Jeceylki uu helay wuxuu ku guday jeceyl la mid ah, wax maqal iyo inuu adeeco adeerki.

wuxuu xaalku sidaa ahaadaba, waqti ayuu suubanuhu damcay inuu duulo. maadaama la tabar yaraa wuxuu kaalmo waydiisatay saxaabadiisa. dhamaan ragii maal qabeenka ahaa waxay bixiyeen xoolo badan marki laga reebo Julaas oo aan kumi dhiibin. Cumayr wuxuu jeclaystay inuusan adeerkii ka harin sharafkaan iyo ducadaan maanta miiska u saaran. dhowr jeer ayuu si dhaga hadal ah ugu ak sheeg-sheegay waxay bixiyeen Cusmaan iyo rag kale.

Julaas waxaas dhag jalaq uma siin. maalin danbe ayaa iyagoo wada qadaynayo Cumayr yiri "adeer soo ma ogid in nabigu SCW xoolo dadka waydiistay" haa ayuu ku jawaabay Julaas. maxaad ooga qayb qaadan wayday ayuu yiri Cumayr. Maanta waxaa suuqa yaalo janno ee maalkaada maad ku iibsatid ayuu raaciyay Cumayr.

Julaas oo xumaanti qalbigiisa ku jirtay hayn kari waayay ayaa ku jawaabay "hadiiba kan (rasuulka scw ayuu ula jeedaa) wuxuu sheegayo ay xaq tahay inagaaba dameeraha ka liidano".

Cumar waa anfariiray. hadalki ayaa ku dhagay. wuxuu u qaadan waayay in ninkii u jeclaa qalbiga wax kale ku haystay. markuu qaddar yar aamusnaa ayuu yiri "Adeer ma jiro qof aan kaa jeclahay kaagana xurmo badnahay laakiin waxaad ku hadashay kalmad hadii aan sheegana fadeexad iyo ceeb kuu ah, haddii aan qariyana aan qiyaamay rasuulka iyo muslimiinta oo dhan. hadii ay is qabtaan karaamadaada iyo masiirka muslimiinta waxaan hormarinayaa kan muslimiinta. ka dibna wuu kacay oo wuxuu aaday xagga suubaha SCW si uu u ogaysiiyo sheegada dhex martay isaga iyo adeerkii.

La soco qisada qaybteeda labaad inshallah


Comments

Post a Comment

Popular posts from this blog

Gorfeyn: Buugga Adkaysi ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur

  Adkaysi waa buug cusub oo soo suuqa imaanaya kowda Disember 2024. Waxaan nasiib u yeeshay in aan ka mid noqdo dhowrkii qof ee ugu horreysay ee buugga la siiyo inta uusan suuqa imaan. Fiidnamdii Isniinta taariikhdu ahayd 18/11/2024 ayuu xildhibaan Cabdiraxmaan i guddoonsiiyay buugga goor aan ugu tagay gurigiisa Muqdisho. Fiidnamdii talaadada oo aan Ingiriiska safar u soo ahaa ayaan ku billaabay akhriska. Wehel waddada ila mara ayuu ii noqday. Qormadaan gaaban waxaan uga faalloon doonaa buugga.  Adkaysi oo 318 bog ah waxaa qorey xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Tafatirka iyo quraaradyntu (typesetting) waa heersare (laba meelood ayaan ka arkay wax aan is iri quraaradaynta ayaa geftay).  Waa buug xogwarran ah, xambaarsan taariikh, wacyigelin, waxbarid iyo waana-qaadasho. Waxaa uu si gaar ah u abbaarayaa waayihii Cabdiraxmaan, dhalashadiisii, korriinkiisii, waxbarashadiisii, shaqooyinkiisii ilaa siyaasadda oo uu hadda ku jiro. Sida ka muuqata ciwaankaba qoruhu b...

Hal ku dhigga halaagga noo horseeday: "Xoolaha dad weynaha ayaa ganacsi loo baddalay"

Ilaa shalay waxaa baraha bulshada lagu faafinayay in isbitaalki Jaalle Siyaad ee dagmada Garbahaareey loo rogay meel ganacsi. Saaka warki asaga ahaa waxaa qoray qaar ka mid ah mareegyada warfaafinta ee Soomaalida. Dadka qoray warkaan qaar waxay isticmaaleen erayo adag sida 'dhiig miirato', 'furasho' iyo 'boob'.  Inkastoo aan la xariiray qaar ka mid ah dadka qoray farriimahaan aana isku dayay inaan si hoose xal ugu helo warkaan aan salka lahayn, haddana waxaa ii muuqato inuu dhawaqu meel fog gaaray hoos u hadlidna aysan ku filnayn. Sidaa darteed waxaan go'aansaday in si muuqato wax ooga dhaho warkaan oo aan ahayn kii ugu horreeyay ee noociisa ah.  Muxuu yahay Isbitaalka Jaalle siyaad? Jaalle Siyaad waa isbitaal weyn oo ku yaal Garbahaareey. Waxaa dhismihiisa bilowday dowladdii dhexe isagoo qaybo ah ayayna dhacday. dhowr iyo labaatan sano ayuu qabyadaas ahaa oo arigu u xaroon jiray. Waqti aan fogayn ayay gabdho qurbajoog ah isu xilqaameen inay...

Dhalinyarada gobalka Gedo waxay la mid yihiin biyaha maro boholaha gobalka Gedo

Ayaanle Macalin Cabbeey oo ka mid ah dhalinyada firfircoon ee gobalka Gedo ayaa isoo diray farrintaan su'aasha ah ee hoos ku oqran: Masuul waxaan rabaa inaan kula wadaago dhallinyarada gobalka gedo Masiibada goonida u haysato oo naga reebtay goballada kale ama Xamarta an maanta ku suganahay aan kaga duwannahay annagoo haysanno dhul dihan oo dekad ah haddana maankeenna kuma fooraro wax la xariir o hanaqaad horumareed dhanka siyaasadana kuma jirno oo xaquuq xitaa kama helno. Adiga oo ah aqoonyahan wax badan ka qoro siyaasadda iyo arrimaha Somalia,sideen ku heli karnaa fakar mideysan oo wax baddala ama aan wax is bedal ah ku sameyn karno? Laga billaabo degmo ilaa iyo tuulo malahan wax xariir siyaasadeed ah iyo dano isku dhafan,anagoo ku dhex nool marxaladda aad marqatiga ka tahay sideen ku heli karnaa fursad an kaga gudubno meesha maanta an naalno oon ubeegsan karnaa halka nalaga doonayo inaan ka muuqanno oon ka dhallinyara ahaan ku muujin karnaa doowrka anku leen...

Contact Form

Name

Email *

Message *