Cabdiyo Miigagne, maalintii la kufsaday hadda waxaa ka soo wareegtay 12 bilood. Mudadaas waxay u dhaxaysay isbitaalo, qaar dalka gudihiisa ah iyo dibada. Cabdiyo maalintii askarta Kenyan-ka ah kufsadeen 16 sano jir bay ahayd. Waxay ahayd gabadh si wacan loo soo koriyey, xannaano aabe iyo naxariis hooyo ayay ku soo barbaartay. Quruxda waxay ka raacday hooyadeed Saxarla Guure, waa joog dhexaad itaal dumar oo wacan Rabbi ku mannastay, si kale wax kuma garatide waa qalanjo qurux la soo ka caysa. Waa gabadh han weyn, isuma quudho meelaha hoose, ragga xod-xoda doonka ah ama faduuliya qaarbeyna salaanta ka qaadin. Nin ay maalin xantiisa ama xumaan laga sheegayo maqashay jubudhu uma tiraahdo, uma furto umana xidho, waa sabaabtaa ...