Maanta oo kale Toban sano ka hor (23/02/2008) ayuu Sheekh Xasan Axmed Nuur qabbiltu yiri Laylo Aadan Maxamed isagoo aniga iga wakiil ah. Guntinta xirantay maalinkaas, waxay ahayd natiijo ka dhalatay sideed sano oo shukaansi iyo haasaawe jeceyl ah. Lix sano oo ka mid ah siddeeddaas sano, waxaan ku kala noolayn dhul aad u kala durugsan,farriimaha jeceylkana haadka samada duuliyo haatufkaa siday. Maalintaas waxaa furmay bog cusub waxaana bilowday geedigii lagu ogaan lahaa dhadhanki mirihii siddeedda sano la kobcinayay. waxaa la guda galay markaan kala ogaan lahayn inaan sun iyo wabaanyo huursanaynay iyo inaan sabuul gallay iyo saan wacan waraabsanaynay. Sacdiyo Xawaash ayaan ka guntay hadalkaan soo socdo, mar ay ka warraymaysay saygeeda fiicnaantiisa "guurku waa god madow oo aad gacanta u dirto. In abeeso ka qaniintana waa suura gal in dahab kaa soo raacana waa suura gal. anigu dahab ayaa iga soo raacay" ayay tiri. Sida Sacdiya oo kale, ayaa aniguna godkii aan gaca...