Madaxweyne walba wuxuu xilka la wareegaa isagoo aad loo jecel yahay. Ayaamaha malabku waxay ku dhamaadaan si dhaqso ah, bilo gudahoodna waxaa bilowdo niyad jab ka dhasho fulin la’aanta ballammadi la qaado marka doorashada lagu jiray kuwaas oo aan xaqiiq ku dhisnayn. Waddamada Galbeedku, waxaa la gala doorashooyinka dowladaha hoose, labo sano gudahood, halkaas ayaana laga ogaadaa in laga soo booday xisbiga talada hayo iyo in kale oo haddii wali la rabo xisbiga talada hayo ayaa ku guulaysto kuraasta ugu badan dowladaha hoose. Si la mid ah madaxda adduunka, ayaa madexweyne Farmaajo rabitaan, uu hagayo rajada laga qabay fulinta ballan-qaadyadiisi, lagu qaabilay. Hasa ahaatee, muddo gaaban gudaheed waxaa si tax ah u dhacay dhacdooyin jareexeeyay madaxweynaha. Dhiibistii Qalbi-dhagax, qarixii 14ka Oktoobar, khilaafki maamul goboleeyada iyo weerarki guriga Cabdiraxman Cabdishakuur ayaa dadka ku dhaliyay su’aalo badan. Wariyayaal caan ah sida Jamaal Cusmaan iyo aqoonyahanno i...