Skip to main content

Safarka Gobollada waa Tijaabadi Kowaad ee Rabitaanka Farmaajo Loo Hayo


Madaxweyne walba wuxuu xilka la wareegaa isagoo aad loo jecel yahay. Ayaamaha malabku waxay ku dhamaadaan si dhaqso ah, bilo gudahoodna waxaa bilowdo niyad jab ka dhasho fulin la’aanta ballammadi la qaado marka doorashada lagu jiray kuwaas oo aan xaqiiq ku dhisnayn.

Waddamada Galbeedku, waxaa la gala doorashooyinka dowladaha hoose, labo sano gudahood, halkaas ayaana laga ogaadaa in laga soo booday xisbiga talada hayo iyo in kale oo haddii wali la rabo xisbiga talada hayo ayaa ku guulaysto kuraasta ugu badan dowladaha hoose.

Si la mid ah madaxda adduunka, ayaa madexweyne Farmaajo rabitaan, uu hagayo rajada laga qabay fulinta ballan-qaadyadiisi, lagu qaabilay. Hasa ahaatee, muddo gaaban gudaheed waxaa si tax ah u dhacay dhacdooyin jareexeeyay madaxweynaha. Dhiibistii Qalbi-dhagax, qarixii 14ka Oktoobar, khilaafki maamul goboleeyada iyo weerarki guriga Cabdiraxman Cabdishakuur ayaa dadka ku dhaliyay su’aalo badan.

Wariyayaal caan ah sida Jamaal Cusmaan iyo aqoonyahanno iyo diblomaasyiin heer sare ah sida Abuukar Armaan ayaa tilmaamay in arrimahaan kalsoonidi shacabka dhulka la galeen Farmaajana uu gaaray meel uusan kasoo noqon karin.

Maadaama innagu aynu lahayn doorashooyin hoose iyo xisbi talada hayo toona way adag tahay inaan ogaanno in madaexweynaha wali la rabo iyo inkale. Meelaha kaliya ee laga qiyaas qaato ayaa ahayd baraha bulshada iyaguna runnimadooda ayaan shaki badan ku jiraa.

Hasa ahaatee, safarki uu dhawaan ku tagay deegaannada Puntland waxay ahayd fursad aan ku ogaan karno waxa dadku ka aaminsan yahay hoggaaminta Farmaajo iyo halka ay gaarsiisantahay taageerada loo hayo.

Qaabki loo soo dhaweeyay, tirada dadka isu soo baxay, halku-dhigyada la isticmaalayay iyo shucuurta shacabka shaahadaha ka daawanayay ayaa ahayd mid si cad looga fahmi karay in calanki Farmaajo uusan dhicin. Farriimo dhowr ayaa muuqaalka guud kasoo baxay kuwaas loo diray kooxaha dowladda ku kacsan iyo madaxda maamul goboleedyada.

Kow, dadku waxay muujiyeen in Farmaajo u aqoonsanyihiin ruuxa waddanka ugu sarreeyo isagana uu xambaarsan yahay sharafta Soomaaliya. Waa sababta calanka soomaaliya looga sara mariyay midka Puntland, dharki gabdhaha loo xirayna xijaabka looga dhigay calanka Soomaaliya goonnadina midka Puntland.

Shacabka ayaa halkaas ku caddeeyay in dowladda dhexe ay aaminsanyihiin kuna aamineen sharafkooda iyo maslaxadoodsa. Taas ayaa meesha ka saartay, erayadi ay maamulladu ku doodayeen ee ahaa dowladdu danaha meelaha aan ka talinno annagaa ka og iyo 90% dalka innaaga xukunno.

Labo, waxaa farriin culus loo diray qolyaha ku doodayo isbadal lagu sameeyo madaxda dalka ugu sarrayso ayaa loo baahanyahay. Kooxdaan ayaa shacabka ku beer-laxawsanaysay, dowladda shacabkeedi cadowga u dhiibtay inay sii joogto maahan. Shacabka ayaa ku jawaabay, inkastoo khalad badan uu jiro haddana wali waxaan u aragnaa Farmaajo samata bixiyaha Soomaaliya.

In Farmaajo looga kalsoonaado kuwa kasoo horjeedo waxaa aad u xoojiyay mucaaradka oo ay horboodayaan shaqsiyaad cambaar leh. Sidoo kale, hebel ha la tuuro mooyee, wali lagama hayo mucaaradka qorshahaan oo ka fiican kan hadda yaallo ayaan dalka u hagaynaa. Sidaa darteed shacabku waxay yiraahdeen “wax la hubo waxaan la ogayn ku doorsan mayno”.

Ugu danbayn, shacabku wuxuu mandhayd siiyay madaxweynaha kaas oo ay ugu sheegeen inay wali la dhacsan yihiin kalsoonina ku qabaan. Kalsoonidaan ay shacabku muujiyeen ayaa ahayd mid ay dowladdu aad ugu baahnayd waayo waxay ku jirtay xaalad adag dacaayad maal badan lagu bixiyayna waa lagu waday.

Hadda waxay heleen taageero ay sanad kale ku shaqayn karaan, inay dayacaan fursaddaan labaad iyo inkale, waxaa la ogaan doonaa bilaha soo socdo, waxaana is leeyahay khaladaadki hore cashar kama aannan baran way adag tahay in mar kale laga yeelo mudane Farmaajo iyo dowladdiisa.

Ibrahim Aden Shire

Ishire86@gmail.com

Comments

Popular posts from this blog

Warbixin Kooban. Safarkaygi Gobalka Gedo. Q4

Waxaa ku jirnaa arrimaha bulshada. Tii inoogu danbaysay waxaan soo taabannay adeegga caafimaadka kaas oo sawir taban aan ka bixinnay. Hasa yeeshee meelo badan oo waxaa jiro horumar fiican uu ka jiro sida isboortiska. Garbahaareey waxaa ka dhisan siddeed naadi oo heer koowaad ah. Si joogta ah ayaa loo cayaaraa oo markuu xilli dhammaadaba dib ayaa loo billaabaa. Kooxaha koob ayaa loo dhigaa lacag ah. Inta badan waa $100 qiimaha abaalmarintu marmarna inuu ka bato ayaa laga yaabaa. Kooxdi qaaddo koobka ayaa meel fagaare ah lagu guddonsiiyaa abaal marinta. Ciyaarahaan waxay ka dhacaan garoonki kubbadda kacta ee dagmada oo saddex sano ka hor la dayac tiray. Garoonka oo loo dhisay darbi daawadayaashu fadhiistaan ayaa aad loo soo cammiraa. Maalinta ay jirto cayaarta kama danbaysta ah waa la buux dhaafiyaa. Waxaa xusid mudan in dad ugu badan ee cayaaraha daawado ay ka mid yihiin ciidanka. Waxaad arkaysaa iyagoo tuutahooda xiran qoryana sito oo shacabka dhex fadhiya. Dadka u...

Warbixin Kooban: safarkaygi Gedo Q2

Qormadi hore waxaan kaga soo hadalnay in ree baladnimadu kobacday, dhismayaasha iyo dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada oo aan waxbarashada kasoo qaadannay. Waxay ahayd inaan ku xijiyo caafimaadka iyo adeegyada kale balse waxaa igu soo noqnoqday codsi ah inaan wax ka iraahdo ammaanka gobalka iyo waxaan soo arkay. Qodobkaas ayaan maanta gorfayn doonaa hadduu Eebbe idmo.  Gobalka waxaa laga galaa dhulka ama cirka. Inta badan magaalooyinku waxay leeyihiin garoomo diyaaradeed oo shaqeeyo. Doolow ayaa ugu caalaminsan oo duullimaad maalin walba ah leh. Baardheere iyo Garbahaareey ayaa soo raaco. Buurdhuubo iyaduna marmar waa laga dagaa haddase dib u habayn ayaa garoonkeeda ku socdo in duullimaadku hagaago ayaa suuragal ah. Cid walba oo hawada marto cabsi badan ma qabto. Laakiin haddii dhulka la maro waa howlo badan tahay. Dadka qurbaha ka tago inta badan Mandera ayay Gedo ooga gudbaan. Xadku rasmi ahaan waa uu xiran yahay. Hasa yeeshee si caadi ah ayay la isugu gudbaa. Askarta...

Maxaa laga filan karaa Imaaraatka, ka dib xariirka xumaaday ee Soomaaliya

Dalka Imaaraadka Carabtu waa dal bad ahaan aad u yar, dadkiisu dhowr milyan uusan dhaafsiisnayn, xadaarad hooseeye ilbaxnimadiisuna boqol sano aysan ka shishayn. Saas oo ay tahay sanadahaan danbe awoodiisa aad ayay usoo shaac baxay. Isaga iyo dalalka kale ee Khaliijkuba waxay ku amar taagleeyaan dowlado waaweyn, una yeeriyaan waxa ay doonaan. Dhawaan ayay ahayd marki ay soo baxday in Imaaraatku codsaday in la baddalo wasiirka arrimaha dibada ee Maraykanka, codsigoodina dagdag ayaa loo ajiibay. Kaligood maahaan. Sacuudiga ayaa dalbaday in wasiirka arrimaha dibada loo magacaabo kolin Bowel waqtiguu Buushki yaraa waana laga yeelay si qasab ah. Sidoo kale, waxay dowladaha waaweyn ee reer Galbeedka ku qasbaan inay u hadlaan sida ay iyagu rabaan. Sanadki hore Taraam oo ku hadlayo afka waddamada Khaliijka ayaa sheegay inuu jabin doono heshiishki Nukliyeerka ee Iiraan kala dhaxeeyay. dowlado dhowr ah oo arkayay sida masuuliyad darrada ah ee ay wax u socdaan Faransiiskuna ka mi...

Contact Form

Name

Email *

Message *