Madaxweyne
walba wuxuu xilka la wareegaa isagoo aad loo jecel yahay. Ayaamaha malabku
waxay ku dhamaadaan si dhaqso ah, bilo gudahoodna waxaa bilowdo niyad jab ka
dhasho fulin la’aanta ballammadi la qaado marka doorashada lagu jiray kuwaas oo
aan xaqiiq ku dhisnayn.
Waddamada
Galbeedku, waxaa la gala doorashooyinka dowladaha hoose, labo sano gudahood, halkaas ayaana laga
ogaadaa in laga soo booday xisbiga talada hayo iyo in kale oo haddii wali la
rabo xisbiga talada hayo ayaa ku guulaysto kuraasta ugu badan dowladaha hoose.
Si
la mid ah madaxda adduunka, ayaa madexweyne Farmaajo rabitaan, uu hagayo rajada
laga qabay fulinta ballan-qaadyadiisi, lagu qaabilay. Hasa ahaatee, muddo gaaban
gudaheed waxaa si tax ah u dhacay dhacdooyin jareexeeyay madaxweynaha. Dhiibistii
Qalbi-dhagax, qarixii 14ka Oktoobar, khilaafki maamul goboleeyada iyo weerarki
guriga Cabdiraxman Cabdishakuur ayaa dadka ku dhaliyay su’aalo badan.
Wariyayaal
caan ah sida Jamaal Cusmaan iyo aqoonyahanno iyo diblomaasyiin heer sare ah
sida Abuukar Armaan ayaa tilmaamay in arrimahaan kalsoonidi shacabka dhulka la
galeen Farmaajana uu gaaray meel uusan kasoo noqon karin.
Maadaama
innagu aynu lahayn doorashooyin hoose iyo xisbi talada hayo toona way adag
tahay inaan ogaanno in madaexweynaha wali la rabo iyo inkale. Meelaha kaliya ee
laga qiyaas qaato ayaa ahayd baraha bulshada iyaguna runnimadooda ayaan shaki
badan ku jiraa.
Hasa
ahaatee, safarki uu dhawaan ku tagay deegaannada Puntland waxay ahayd fursad aan
ku ogaan karno waxa dadku ka aaminsan yahay hoggaaminta Farmaajo iyo halka ay
gaarsiisantahay taageerada loo hayo.
Qaabki
loo soo dhaweeyay, tirada dadka isu soo baxay, halku-dhigyada la isticmaalayay
iyo shucuurta shacabka shaahadaha ka daawanayay ayaa ahayd mid si cad looga fahmi
karay in calanki Farmaajo uusan dhicin. Farriimo dhowr ayaa muuqaalka guud
kasoo baxay kuwaas loo diray kooxaha dowladda ku kacsan iyo madaxda maamul
goboleedyada.
Kow,
dadku waxay muujiyeen in Farmaajo u aqoonsanyihiin ruuxa waddanka ugu sarreeyo
isagana uu xambaarsan yahay sharafta Soomaaliya. Waa sababta calanka soomaaliya
looga sara mariyay midka Puntland, dharki gabdhaha loo xirayna xijaabka looga
dhigay calanka Soomaaliya goonnadina midka Puntland.
Shacabka
ayaa halkaas ku caddeeyay in dowladda dhexe ay aaminsanyihiin kuna aamineen
sharafkooda iyo maslaxadoodsa. Taas ayaa meesha ka saartay, erayadi ay
maamulladu ku doodayeen ee ahaa dowladdu danaha meelaha aan ka talinno annagaa
ka og iyo 90% dalka innaaga xukunno.
Labo,
waxaa farriin culus loo diray qolyaha ku doodayo isbadal lagu sameeyo madaxda
dalka ugu sarrayso ayaa loo baahanyahay. Kooxdaan ayaa shacabka ku beer-laxawsanaysay, dowladda shacabkeedi cadowga u dhiibtay inay sii joogto maahan.
Shacabka ayaa ku jawaabay, inkastoo khalad badan uu jiro haddana wali waxaan u
aragnaa Farmaajo samata bixiyaha Soomaaliya.
In
Farmaajo looga kalsoonaado kuwa kasoo horjeedo waxaa aad u xoojiyay mucaaradka
oo ay horboodayaan shaqsiyaad cambaar leh. Sidoo kale, hebel ha la tuuro
mooyee, wali lagama hayo mucaaradka qorshahaan oo ka fiican kan hadda yaallo
ayaan dalka u hagaynaa. Sidaa darteed shacabku waxay yiraahdeen “wax la hubo waxaan la ogayn ku doorsan mayno”.
Ugu
danbayn, shacabku wuxuu mandhayd siiyay madaxweynaha kaas oo ay ugu sheegeen
inay wali la dhacsan yihiin kalsoonina ku qabaan. Kalsoonidaan ay shacabku
muujiyeen ayaa ahayd mid ay dowladdu aad ugu baahnayd waayo waxay ku jirtay
xaalad adag dacaayad maal badan lagu bixiyayna waa lagu waday.
Hadda
waxay heleen taageero ay sanad kale ku shaqayn karaan, inay dayacaan fursaddaan
labaad iyo inkale, waxaa la ogaan doonaa bilaha soo socdo, waxaana is leeyahay
khaladaadki hore cashar kama aannan baran way adag tahay in mar kale laga yeelo
mudane Farmaajo iyo dowladdiisa.
Ibrahim
Aden Shire
Ishire86@gmail.com
Comments
Post a Comment