Skip to main content

Maktabadda garbahaarrey (Garbahaarrey library- مكتبة جربهاري)



Maktabbaddu waa maskaxda kaydiyaha qarsoon sida qofka uleeyahay maskax wax ku kaydsada ayaa makatabadduna ummad waliba ku kaydsataa aqoonteeda, afkaarteeda iyo dhammaan macluumaadka bulshada wax tarka u leh,waxaase u dheer in ay tahay muraayadda koobaad ee laga fiirsho bulshada, gaar haan markii larabo in la cabiro heerka aqooneed ee waddan-ka ama magaalada waxaa isha laga buuxsadaaa nidaaam-ka waxbarasheed iyo in ay leedahay goobo wax lagu akhrista sida Makatabadaha iyo matxafyada waa-weyn ee lagu kaydiya raad-raaca iyo dhaqanka dal-ka.

Tusaale ahaan sanadihii 1960-1970 yadii waxaa tijaabo lagu sameeyay in laga yagleelo maktabado  dal-ka Ciraaq si loo qaado heerka waxbarasho iyo wax akhris ee dal-ka, natiijadi soo baxaday ayaa ahayd mid aad loogu riyaaqaay, iyadoo ay soo baxeen jiil wax badan fahmasan, oo kaalin weyn ka qaatay isbedlka aqooneed ee dal-ka.
Dhanka kale dawaladah reer galbeedka ayaa aad oogu dadaalo in ay u sameeyaan goob waliba oo dad isugu yimaado goob yar oo wax lagu akhrista, marka laga soo tagao goobaha waa weyn ee caamka ah sida iskuulada iyo jaamacdaha, iyadoo marar ka qaar ay ku amaraan waalidka in ay u sameeyaan caruurtooda qolakhris  oo u gooni ah)a seprate reading room).

Dhanka kale Waxaad arkayasaa in ay sii hormartay qaab dhismeedka maktabadaha caalamka, tusaale ahaan waddamada, Tuunis, aljeeriya iyo kuwa kale oo badan waxaa jira waxa loo yaqaan maktabadaha wareego oo xitaa baabuurta laguugu keenayo iyo gurigaada, sidoo kale tiknoolijiyada ayaa iyana fududyasay makatabadda oo waxaa jira maktabadaha gacanta (Mobile library) oo qof-ka waqti waliba wax aqriso, haseyeeshee ay yartahay nisbada wax akhrisa iaydoo ay xusid mudantahaya in diinteenna Suuban aayaddii ugu horreyasay ee soo dagto ay na amrayasay wax akhriska.

Intaas ka dib waxaan aad u bogaadinaynaa dhalintii iyo mufakiriintii ka qayb qaadatay yagleelidda maktabaddaan Cusub oo runtii aan oran karno in ay tahay fikrada soo daahday yagleelideedda iyadoo ay jiraan boqollaal dhalinyaro iyo ufakariin ah ay maskaxdooda ka guuxaysay fikraddaan, balse maanta ay nasiib u yeesheen in ay ka qayb qaataan ama arkaan guuxii maskaxeed oo ficil iyo dhaq-dhaqaaq billabay.
Waxaa kale oo iyana aan lamoogayn in magaaladu ay leedahay maktabad ay u soo halgameen culimada magalaada iyo qurbo joog sida Himilo Trust, balse makatbaddaan cusub aan rajeenayno in ay noqoto mid wax dheeri ah iyo qaab casri ah ku soo kordhoso maktabaddii hore, kana haqab tirto bulshada dhammaan culuumta noocyadeeda kala duwan.

Ugu damabayn waxaan leenahay, waa fursad mudan in laga faa’iidaysto kana qayb qaadan karto hormarka shakhsiyeed iyo tan bulshaba, waayo culimada tarbiyada)Education scientists) waxay dhahaan(بناء الإنسان أصعب من يناء العمارة) oo macnaheedu yahay in dhisidda masakaxda dadka ay wax baddan ka adagtahay dhisidda dhismayaasha waaweyn , sidoo kale waxaan ugu baaqaynaa in mamaulka iyo bulshada reer Garabaharrey dal iyo dibad ay ka qaybqataan  dhisidda iyo taabba gelinta hawshaan  iyadoo qof waliba karaankiisa awoodeed iyo fikardba ku biirinayao iftiinkaan u hillaacay bulsho weynta gobol-ka Gedo gaar ahaan reer Garbahaarrey.


Fadlan lawadaag asxaabta kale ee jecel hormarka waxbarasho ee bulshada. 

W/Q: Tabaarak Cumar Xirsi
Date: 05/01/2018

Comments

Popular posts from this blog

Taariikh Nololeedkii Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf

  28/12/2023 waxaa geeriyooday sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf oo ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed marna ahaa hoggaamiyihii Imaaradii Gedo. Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf Aw Axmed Ismaciil Mubaarak sheekh Cabdiraxmaan sheekh Samantar,  waxaa uu ku dhashay qiyaastii 1938-kii, meel lagu magacaabo Buuro oo galbeedka uga beegan magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Sheekha waxaa uu ahaa Marreexaan, Cali Maxammed (Cali-dheere), reer Sheekh reer Mubaarak.  Sheekh Maxammed waxaa uu ku barbaaray guri aqoon iyo Diin. Sida aad ka arki kartaba abtirkiisa aabbihii iyo awooyaashii waxaa ay ahaayeen culimo. Sheekha Maxammed Allaha u naxariisto e (AUN),  waxaa uu Qur’aanka kariim ka ah dhammeeyay isaga oo aad u da’ yar. Intaa ka dib waxaa uu u jeestay barashada caqiidada, fiqhiga iyo Shaaficiga isaga oo kutubtaas ka qaatay aabbihii. Sidii uu dhaqanku ahaa, sheekh Maxammed  waxaa uu xiraystay sannadka markii uu ahaa 1956-kii ilaa 1961-kii  goortaas oo uu cilmi u raadsaday magaalooyinka Beledwayne,

Hal ku dhigga halaagga noo horseeday: "Xoolaha dad weynaha ayaa ganacsi loo baddalay"

Ilaa shalay waxaa baraha bulshada lagu faafinayay in isbitaalki Jaalle Siyaad ee dagmada Garbahaareey loo rogay meel ganacsi. Saaka warki asaga ahaa waxaa qoray qaar ka mid ah mareegyada warfaafinta ee Soomaalida. Dadka qoray warkaan qaar waxay isticmaaleen erayo adag sida 'dhiig miirato', 'furasho' iyo 'boob'.  Inkastoo aan la xariiray qaar ka mid ah dadka qoray farriimahaan aana isku dayay inaan si hoose xal ugu helo warkaan aan salka lahayn, haddana waxaa ii muuqato inuu dhawaqu meel fog gaaray hoos u hadlidna aysan ku filnayn. Sidaa darteed waxaan go'aansaday in si muuqato wax ooga dhaho warkaan oo aan ahayn kii ugu horreeyay ee noociisa ah.  Muxuu yahay Isbitaalka Jaalle siyaad? Jaalle Siyaad waa isbitaal weyn oo ku yaal Garbahaareey. Waxaa dhismihiisa bilowday dowladdii dhexe isagoo qaybo ah ayayna dhacday. dhowr iyo labaatan sano ayuu qabyadaas ahaa oo arigu u xaroon jiray. Waqti aan fogayn ayay gabdho qurbajoog ah isu xilqaameen inay

Maxaa ka run ah warbixinnada foosha xun ee laga qoro Soomaalida Qurbaha?

Warbixin ka ay daabacday Boomerg oo looga hadlay waxtarka muhaajiriinta Maraykan  tago ayaa lagu sheegay in Kiinyaanku yihiin dadka saddexaad ee ugu shaqada iyo waxtarka badan soogalootiga Maraykanka. Gaana oo Afrika ah ayaa qaadatay kaalinta koowaad waxaan labo noqday Bulgeeriya oo Yurub ah. Waxaa sidoo kale toban hore soo galay dalalka Itoobiya oo afar gashay, Masar oo shan gashay, Nayjeeriya oo siddeed gashay iyo Laybeeriya oo sagaal gashay. Toban qowmiyadood ee ugu shaqada badan muhaajiriinta ku nool Maraykanka lix ayaa kasoo jeedda Afrika. Waxaan tobanka hore soo galin Soomaalida. Sidoo kale soomaalidu safka hore oogama jirto muhaajiriinta ugu aqoonta badan. Afrika Masar iyo Natjeeriya ayaa kaga jiro tobanka hore xagga aqoonta. Marka walba oo lasoo hadal qaado Soomaali waxaa lagu xariiriyaa, faqri, burcadnimo, aqoon la'aan, argagixisonimo iyo shaqo la'aan baahsan. Warbixin laga soo saaray waddamada Galbeed oo sawir quruxsan ka bixiso Soomaalida in la helo ma dhacd

Contact Form

Name

Email *

Message *