Qormadaan middi ka hooraysay https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/2018/03/hal-ku-dhigga-halaagga-noo-horseeday.html waxaan kaga sheekaynay jumlooyin noqday halqabsi lagu weeraro dadka u shaqeeyo bulshada kuwaas oo waqtigoodi iyo maalkodiba galiyay caawinta dan yarta iyo hurumarinta bulshada. Hal ku dhigyadaas waxaa ka mid ahaa: 'Hantida dad weynaha ayaa goob ganacsi loo baddalay'; 'Qandaraas ayuu nagu soo qaatay'; 'Lacag ayuu nagu cunaa'; Magaceenna ayuu rabaa inuu ku qaraabto' iyo kuwo kale oo badan. Qormadaan waxaan kusoo qaadanaynaa kuwo kale oo u gaar ah Soomaalida qurbaha ku nool gaar ahaan kuwa Yurub ku nool. Waxaan fadhinnay biibito, waqti casar hore sanadki 2006di. Waxaa na soo ak fadhiistay nin soomaali ah da' dhexana ku jiro. Wuxuu yiri waxaa la isoo sheegay inaad ka shaqaysaan halkaas oo aniga shaqo la iigu diray. Barri inaan shaqo tago ayaan rabaa carradana waan ku cusabahay oo ma aqaan meesha aan rabo. Marka inaad meesha i tusat...