Waxaa ku jirnaa arrimaha bulshada. Tii inoogu danbaysay waxaan soo taabannay adeegga caafimaadka kaas oo sawir taban aan ka bixinnay. Hasa yeeshee meelo badan oo waxaa jiro horumar fiican uu ka jiro sida isboortiska. Garbahaareey waxaa ka dhisan siddeed naadi oo heer koowaad ah. Si joogta ah ayaa loo cayaaraa oo markuu xilli dhammaadaba dib ayaa loo billaabaa. Kooxaha koob ayaa loo dhigaa lacag ah. Inta badan waa $100 qiimaha abaalmarintu marmarna inuu ka bato ayaa laga yaabaa. Kooxdi qaaddo koobka ayaa meel fagaare ah lagu guddonsiiyaa abaal marinta. Ciyaarahaan waxay ka dhacaan garoonki kubbadda kacta ee dagmada oo saddex sano ka hor la dayac tiray. Garoonka oo loo dhisay darbi daawadayaashu fadhiistaan ayaa aad loo soo cammiraa. Maalinta ay jirto cayaarta kama danbaysta ah waa la buux dhaafiyaa. Waxaa xusid mudan in dad ugu badan ee cayaaraha daawado ay ka mid yihiin ciidanka. Waxaad arkaysaa iyagoo tuutahooda xiran qoryana sito oo shacabka dhex fadhiya. Dadka u...