Shir looga hadlayo arrimo bulsho oo aan tago waxaa iigu danbaysay bishii kowaad sanadki 2012'ki. Bishaas waxaa muddo asbuuc gudahiis ah aan tagay labo shir oo aan safar u galay. Rafaadki aan kala kulmay iyo faaido la'aan aan kala soo noqday darteed waxaan go'aansaday inaan joojiyo tagidda shirarka ceynkaas. Waqtigaas ka dib, kama qayb galin wax shir ah marki laga reebo kuwo shaqo ama ururro aan ka tirsanaa ku saabsanaa. Sabtidi hore ayaan helay farriin casuumaad shir ka dhacayo tuulada aan daganahay. Inaan tagin ayaa markiiiba qalbigayga kusoo dhacday, laakiin ninkii isoo diray farriinta oo ah ruux aktayda xurmo ku leh dan muhiim ahna ummada u hayo oo aan isku aragnay masaajidka ayaa iga codsaday inaanan ka maqnaan shirka waana ajiibay. Shalay oo ahayd maalinti uu shirku dhici lahaa, laga soo billaabo waqtigaan u kacay salaadda subax ilaa saacaddi uu shirku qabsoomi lahaa inti u dhaxaysay saacad aan nasto ma helin. Howlo taxan ayaan midba mar qabanayay oo ay uu...