Waxay ahayd amin fiid ah horaanti sanadi 1996 marki aan aniga iyo saaxiibkeey Cayduruus wada fadhiisanay tarjiin ku yaalo mid ka ah shaaracyada maro faras-magaalaha dagmada Garbahaareey. Aniga iyo saaxiibkeey wali waxaan ku jirnay sanadihii dhexe ee kuray-nimada (14-16 sano). Da’daan waa mid ay caruurtu ku dhaafto is-daaxuris iyo food shanlaysi. Maahan mid ay ka fakaraan maxaa inoo fiican iyo sideen wax yeelnaa. Waalidkood ayaa kula tacaalo ilaalinta dhaqankiisa iyo inuu hubsado inuusan saaqidin inta uu ka gudbayo sakashaan. Laakiin aniga saaxiibkeey waanu ka duwanayn sidaas. Maahayn dad-nimo iyo caqli dheeraad ah oo aanu dheerayn kurayda kale ee aduunka ku nool waxa qaan gaarka naga dhigay, balse waxay ahayd duruufta adage ee ka jirtay meeshi aanu ku noolayn. Inkastoo wali ay ahayd fiid hore, qiyaasti 8:30 fiidnimo, marki aynu tarjiinka fadhiisanay, hadana waxaad moodaysay saq-dhexe. Durba waxaa bilowday gayraha habaynimo. Ma jiraan wax dad ah oo socdo wadooyinka marki laga r...