Skip to main content

Farriin ku socoto Ree Garbahaareey iyo inta la xaalka ah.


Waxay ahayd amin fiid ah horaanti sanadi 1996 marki aan aniga iyo saaxiibkeey Cayduruus wada fadhiisanay tarjiin ku yaalo mid ka ah shaaracyada maro faras-magaalaha dagmada Garbahaareey.
Aniga iyo saaxiibkeey wali waxaan ku jirnay sanadihii dhexe ee kuray-nimada (14-16 sano). Da’daan waa mid ay caruurtu ku dhaafto is-daaxuris iyo food shanlaysi. Maahan mid ay ka fakaraan maxaa inoo fiican iyo sideen wax yeelnaa. Waalidkood ayaa kula tacaalo ilaalinta dhaqankiisa iyo inuu hubsado inuusan saaqidin inta uu ka gudbayo sakashaan.
Laakiin aniga saaxiibkeey waanu ka duwanayn sidaas. Maahayn dad-nimo iyo caqli dheeraad ah oo aanu dheerayn kurayda kale ee aduunka ku nool waxa qaan gaarka naga dhigay, balse waxay ahayd duruufta adage ee ka jirtay meeshi aanu ku noolayn.
Inkastoo wali ay ahayd fiid hore, qiyaasti 8:30 fiidnimo, marki aynu tarjiinka fadhiisanay, hadana waxaad moodaysay saq-dhexe. Durba waxaa bilowday gayraha habaynimo. Ma jiraan wax dad ah oo socdo wadooyinka marki laga reebo hal iyo labo qof oo bar-go ah kuwasoo usoo kacay bal inay qaad meelaha ka shaxaadaan ama deyn ooga qaataan dumarka uu qaadku ku baaray ee ku gam’ay halki ay ku gadayeen. Ma jirin wax ileys ah oo baxayo marki laga reebo dhowr faynuusood oo ka birqayo meelo wajigeena ku beegnaa oo ka shidan biibitooyin lagu gado shaaha. Waqtigaan hadii la gaaro, biibitooyinku ma lahan macaamiil aan ka hayn dhowr qof oo muqayiliin ah, iyaguna waxay xirmi jireen waqti hore.
Guud ahaan balad ku wuxuu u ekaa meel laga guuray. Xataa maalinnimadu waa meel cid la ah. Dhamaan dukaamadi ganacsiga ee la isticmaali jiray waqtigii dowlada dhexe waa wada xirmeen, waxaana lagu badalay sandaqado jiinkad ka samaysan oo intooda badan laga dhisay dukaamada hortooda, qaarna ay ka dhisnaayeen wadooyinka dhexdooda si sharci darro ah. Ma jirin ganacsi kale, xafiisyo loo shaqo tago, qandaraasyo iyo mashaariic la fuliyo oo la dar-dhuuqo. Suuddi laga daaqay imaanshihii UNISOM ka dib magaaladu dib u korid mooyee wax harumar ah ma aysan samayn tan intii ay dowladu dhacday.
Sidoo kale ma jirin goobo wax barasho oo nafta lagu maaweeliyo. Waxaa magaalada ka furnaa hal iskool oo ka kooban fasalka koowaad ilaa fasalka shanaad. Iskoolkaan oo ilaa hadda furan waxaa gacanta ku haysay hay’ad laga leeyahay dalka Norwy, macalimiintiisu waxay ku shaqayn jireen $50.  Sidoo kale waxa masaajidka laga aqrin jiraay cashar naxwaha luuqada carabiga ah oo dadka magaalada dagani waxba aysan ka fahamsanayn ilaa maantada laga joogana ay sidii yihiin. Xerta wax ka barato masaajidka intooda badan waxay ahaayeen dad sabool ah kana soo xeraystay tuulooyinka iyo miyiga ku xeeran Garbahaareey.
Hadii qof isku dayi lahaa inu wax is baro, ma jirin meel laga iibsado agab wax barasho. Dukaamo buugta lagu gado, maktab lagu aqristo iyo cid laga caaryaysto toona maahayn kuwa dhagahayagu ay abid maqleen.
Telefishin,fiidiyow iyo shineemo toona ma furnayn. Kubad aanu ciyaarno ugu badnaan asbuuci labo maalin ayaa ka jiray wax maaweelo ama maherad ah oo aanu qabano. Si kooban, waxaanu u muuqanay jiil mustaqbalkoodi hortooda ku baaba’ayo iyagoo dhowranayo.
Waxaan ku bilownay sheekada. Sidaanu talo maahee maxaynu yeelnaa? Seexo oo soo toos inta u dhaxayso waxbo ha qaban miyaan ku noolaan karnaa?
Dowladi waxay dhacday muddo laga joogo shan sano inagoo wali ku jirno dugsi dhexe. Ilaa waqtigaas waxbo maanan xariiqan marki laga reebo muddo kooban oo meelo afka Ingiriiska lagu barto aanu tag-tagnay, iyaduna aqoon nagama raacin. Waxaan isku caraabinay inaan sida isu dhaano oo aan wax barano. Sheeko iyo hadal dheer ka dib waxaan isla meel dhignay inaan inagu iskool abaabulano aanu ku barano xisaabta iyo Ingiriiska.
Wax barasho waxay u baahantahay dhisme wax lagu barto, macalimiin ama ugu yaraan hal macalin oo casharada bixiyo, agab wax lagu barto iyo arday diyaar ah. Waxaan hayno waxaa ka jiray ardayda oo ah aniga iyo saaxiibkeey. Ma awoodno inaan qol kirayno, sidoo kale ma awoodno inaan macalin mushaar siino. Intaas waxaa dheer ma jirin cid aynu meel ku ogayn oo aan is lahayn way idin ka caawin qorshahaan hadii aad hordhigtaan.
Marki aan muddo gorfaynaynay xaajadi, waxaan isla mel dhignay inaan macalinka iyo qolkaba baryo ku raadsano. Sidaas ayaanu ku kala seexanay. Isla asbuucii waxaan u howl galnay raadinta macalin iyo fasal wax lagu dhigto. Dadaal dheer ka dibna waanu isla helnay waxaana bilwonay inaan barano labadi maado ee aanu ka codsanay macalinka.
Nasiib darro ma waarin qorshihii iyo howshii aanu isku duba-ridnay. Maadama aanan macalinka mushaar siin, inaguna lacag naga bixin, sidoo kale aysan jirin wax badan oo wax barashada kugu dhiiri galiyo iskoolki goo-goys iyo gaba-gaba ayuu u xirmay. Sidaas ayaanu u wax barasho la’aa ilaa aan qurbo imid.
Maxaa is badalay?

Toban sano ka dib (2006) habaynki aan aniga iyo saaxiibkeey tarjiinka fadhiisanay, waxaa la furay iskoolki ugu horeeyay ee ay bulshadu furato (Gogol Primary School) kasoo ka kooban fasalka koowaad ilaa sideedaad. Waxay ahayd talaabo muhiim ah iyo ifafaalo qurxoon oo soo muuqaday. Wuxuu bilow fiican u noqday hayaan cusub iyo hiigsasho wax barsho, wuxuuna horseeday dad kale inay ku daydaan. Isla sanadkaas waxaa kusoo biiray iskool kale oo la mid ah Gogol oo la furay 01/08/2006 (Al-anwar Primary and Secondary School).
Sanad ka dib marki la furay Gogol, kuna beegan 2007 waxaan usoo martiyay nin kale oo saaxiib aynu ahayn ilaa caruurnimadi laguna magacaabo Maxamed Af-dheere kana mid ahaa dhalintii ay wax barasho la’aantu nagu wada dhacday. waxaan ka wada sheekaysay waxaynu soo marnay iyo sidii waqtigeenu u lumay. Waxaan sidoo kale isku soo qaadnay sida duruufti Garbahaareey nagu haysatay ay ilaa maanta u haysato dhalin yaro hadda soo hana qaaday. Sheekadi habaynkaas aniga iyo Maxamed na dhex martay waxay horseeday furida dugsiga sare ee Ammir-Nuur ee dagmada Garbahaareey kasoo la furay dhamaadki 2007.
Maanta
Labaatan sano ka dib (2017), habaynki anigu iyo caydurrus aan quusta darjiinka la fadhiisanay, Garbahaareey waxay qaaday talaabooyin lagu faani karo xagga wax barashada. Sadexdii sano ee ay dowladu bilowday inay qaado imtixaan midaysan, Garbahaareey waxay kusoo baxday kaalimaha ugu sarayso ee dalka. Sidoo kale, waxay ilaa hadda kaalinta koowaad ugu jirtaa dhamaan dagmooyinka uu ka koobanyhay maamulka Jubbaland oo ay Kismaayo ku jirto.
Waxaa maanta jamaacado ka dhigto dalalka, Suudaan, Hindiya, Shiinaha iyo Bangaaladhesh arday ku dhalatay Garbahaareey oo iyagoon dhinac ooga bixin ku gaaray heer jaamacadeed. Qaar kaloo badana waxay wax ka bartaan jaamacadaha dalka. Waxaan sanadkii hore (2016) goob joog ahaa marki la qaadayay imtixaanka dugsiyada sare. Waxaan afkayga ku waystay gabar dhalatay 2000 oo u fadhido imtixaanki ugu danbeeyay ee dugsiga sare waligeedna aan dhinac u dhaafin Garbahaarey.
Intaas waxaa dheer, waxaa bullaalay machadki diinigi ahaa magaalada ka furnaa ilaa 1994-ti iyadoo la casriyeeyay. Waxaa sanad walba kasoo baxo ardo xambaarsan culuum kala duwan. Aradadaan in badan oo ka mid ah ayaa deeqo wax barasho ka helo wadamo badan oo carbeed. Waxaa jiro kuwo wax barasho sare ku qaatto Marooko, Suudaan iyo Masar. Suuriya ayaa iyaduna inta uusan dagaalka ka dhicin siin jirtay machadkaan deeq wax barasho oo toos ah.
Garbahaareey ayaa la dhihi karaa waxay la soo wareegtay martabadii ay lahaan jirtay dagmada Baardheere xaga barashada diinta Islaamka. Waxaa maanta lagu bartaa dhamaan culuumta kala duwan ee diinta sida: Qur’aanka oo todobada qiraba lagu barto; xadiiska, fiqhiga, culuumta luuqada iyo tafsiirka.
Caruurti Garbahaareey ku dhalatay intaan anigu kasoo maqnaa, qaar ayaa kulmiyay barashada diinta iyo maadiga. Waxaan afkayga ku waraystay sanadi 2016 gabar dhalatay 2003-di oo u gudubtay fasalka koowaad ee dugsiga sare, xagana xafidsan qur’aanka kariimka ah iyo naxwada carabiga oo ay dusha ka qaybtay kitaabka ugu sareeyo ee loo yaqaan ‘Alifiytu Ibnu Maalik’.
Intaas waxaa dheer, iskooladu waxay leeyihiin maktabado ay yaalaan buugaag badan. Qaar ka mid ah maktabadahaan waxay furan yihiin habayn iyo maalinba waxaan saaran soolaro u gaar ah oo ilays siiyo. Sidoo kale madarasadu waxay leedahay maktab ay yaalaan kutub kala duwan. Ciddi doonayso inay aqris ku daahdo ama aqoon kororsato waxay helaysaa meel ay aado. Maanta iyo maalintaan ku noolaa waa kaaf iyo kala dheeri.
Dhaliil
Waraabe ayaa laga sheegay inuu yiri “hilib waa nin waayay iyo mid dabada ku wad-wato”. Waxaa nasiib darro ah in maanta oo dhamaan wax walba oo wax barasho dhiiri galiyo ay ka jirto Garbahaareey ay yartahay dhalinta wax barato. Aradada ka diiwaan gashan dugsiyada saree ee dagmada ma dhamo 1% ka mid ah inta ay ahayd inay dhigtaan.
Waxaa jiro kumanaan da’yar ah oo aan waligood fadhiisan fasal, qaar badan waxay ku saaqideen dugsiyada hoose halka qaar ay kaga tageen bilowgi hore ee dugsiga sare. Ma muuqato wax loogu cudur daaro ubadkaan lumay iyo waalidkooda aan daba istaagin oo aan ka ahayn inay ku kufriyeen nimcadda Eebe siiyay.
Talo soo jeedin
Waaliidiinta waxaan leeyahay waa masuuliyad idin saaran inaad hubisaan inay caruurtiina ugu yaraan dhameeyaan dugsiyada sare. Looma dulqaadan karo inay guryahay idiin joogaa caruur aanan wax camal ah hayn.
Waxaan leeyahay caruurta, maalintaan idinla ekayn, murugo iyo quus ayaan tarjiimada la fadhinay. Waxaan la’ayn meel aynu wax barasho u raadsano. Maanan haysan fursadaha aad maanta haysataan, mana aanan haysan dhiiri galin iyo dad aan ku dayano toono. Goor danbaad ogaan doontaan waxaan aan ka hadlayo.
Waxaan leeyahay dhalinta dhawaan ka baxday dugsiyada sare ee Garbahaayeey, waxaad hesheen fursad aysan helin jiilki idinka horeeyay. Inaad heshaaan fusadaas waxaa suura galiyay kuwa idin la mid ah sidaa darteed ogaada inay idiin taalo shaqo badan iyo gacan qabashada jiilka idinka danbeeyo iyo horumarinta dalka.
Macalimiinta iyo maamulayaasha iskoolada waxaan leeyahay kordhiya dadaalkiina lana xisaabtama waalidiinta. La idinka yeeli mahayo inaad tiraahdaan inagu caruurta noo imaado inaan wax barno ayaa na saaran. Maya. waxaa idin saaran inaad hubisaan in canug walba wax barto. Waxaa idin saaran inaad wacyi galisaan magaalada iyo waalidiinta reer miyiga ah ee aanan fahamsanayn qiimaha aqoonta. Waxaa idin saaran inaad xal u raadisaan kuwa iskoolada ooga tago dhaqaalo yari owgeed.

Waxaan leeyahay culimada madaarista iyo masaajida gacanta ku hayso, shaqo fiican ayaad haysaan laakiin wax badan ayaa idinka dhiman. La idinka yeeli mahayo inaad ku ekaataan goobihiina wax barashada iyo cibaadada. Waxaa la idinka rabaa inaad balaarisaan shaqadiina. Waxaa la idinka rabaa inaad bulshada dhex gashaan si aad u saxdaan. Waxaa la idinka rabaa baruurujin joogta ah, wacyi galin iyo wax barid. Waxaa la idinka rabaa inaad baaritaan cilmiyaysan ku samaysaan sababta keentay inay wax barashada diidaan caruur sidaas u tiro badan. Waxaa la idinka rabaa inaad xal u keentaa dhibka aqooneed ee haysto guud ahaan gobalka.
Waxaan leeyahay qurbo-joogta iyo ganacsatada. Waad dadaasheen la’aantiina ma suura gasheen guulaha wax barasho ee la gaaray. Maanta waxaad aragtaan miraha dadaalkiini sidaa darteed waxaa idinla gudboon inaysan dayacmin. Waxaa la idinka rabaa inaad caawisaan dadka u heelan horumarinta wax barashada meel walba oo ay joogaan. Waxaa la idin ka rabaa inaad ku deeqdaan maalkiina, waqtigiina iyo aqoontiina. Qaasatan inta wax baratay waxaan leeyahay baahida ugu badan ee maanta dalkeenu qabo waa mid aqooneed ee xisaabta ku darsada inaad waqti ku tabarucdaan.
Gunaanadkii Reer Garbahaareey waxaan leeyahay maanta waxaad haysaan guul aad ku naalootaan iyo harumar la taaban karo xagga wax barashada. Nimco walba  waxaa lagu ilaaliyaa shugri naq Eebe iyo dadaal dheeraad. Sidaa darteed aynu ku wada dadaalno inay wax noo kordhaan mooyee inaysan wax naga nusqaamin

W/Q: Ibrahim Aden Shire

27/07/2017

Comments

Popular posts from this blog

Taariikh Nololeedkii Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf

  28/12/2023 waxaa geeriyooday sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf oo ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed marna ahaa hoggaamiyihii Imaaradii Gedo. Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf Aw Axmed Ismaciil Mubaarak sheekh Cabdiraxmaan sheekh Samantar,  waxaa uu ku dhashay qiyaastii 1938-kii, meel lagu magacaabo Buuro oo galbeedka uga beegan magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Sheekha waxaa uu ahaa Marreexaan, Cali Maxammed (Cali-dheere), reer Sheekh reer Mubaarak.  Sheekh Maxammed waxaa uu ku barbaaray guri aqoon iyo Diin. Sida aad ka arki kartaba abtirkiisa aabbihii iyo awooyaashii waxaa ay ahaayeen culimo. Sheekha Maxammed Allaha u naxariisto e (AUN),  waxaa uu Qur’aanka kariim ka ah dhammeeyay isaga oo aad u da’ yar. Intaa ka dib waxaa uu u jeestay barashada caqiidada, fiqhiga iyo Shaaficiga isaga oo kutubtaas ka qaatay aabbihii. Sidii uu dhaqanku ahaa, sheekh Maxammed  waxaa uu xiraystay sannadka markii uu ahaa 1956-kii ilaa 1961-kii  goortaas oo uu cilmi u raadsaday magaalooyinka Beledwayne,

Maxaa ka run ah warbixinnada foosha xun ee laga qoro Soomaalida Qurbaha?

Warbixin ka ay daabacday Boomerg oo looga hadlay waxtarka muhaajiriinta Maraykan  tago ayaa lagu sheegay in Kiinyaanku yihiin dadka saddexaad ee ugu shaqada iyo waxtarka badan soogalootiga Maraykanka. Gaana oo Afrika ah ayaa qaadatay kaalinta koowaad waxaan labo noqday Bulgeeriya oo Yurub ah. Waxaa sidoo kale toban hore soo galay dalalka Itoobiya oo afar gashay, Masar oo shan gashay, Nayjeeriya oo siddeed gashay iyo Laybeeriya oo sagaal gashay. Toban qowmiyadood ee ugu shaqada badan muhaajiriinta ku nool Maraykanka lix ayaa kasoo jeedda Afrika. Waxaan tobanka hore soo galin Soomaalida. Sidoo kale soomaalidu safka hore oogama jirto muhaajiriinta ugu aqoonta badan. Afrika Masar iyo Natjeeriya ayaa kaga jiro tobanka hore xagga aqoonta. Marka walba oo lasoo hadal qaado Soomaali waxaa lagu xariiriyaa, faqri, burcadnimo, aqoon la'aan, argagixisonimo iyo shaqo la'aan baahsan. Warbixin laga soo saaray waddamada Galbeed oo sawir quruxsan ka bixiso Soomaalida in la helo ma dhacd

Hal ku dhigga halaagga noo horseeday: "Xoolaha dad weynaha ayaa ganacsi loo baddalay"

Ilaa shalay waxaa baraha bulshada lagu faafinayay in isbitaalki Jaalle Siyaad ee dagmada Garbahaareey loo rogay meel ganacsi. Saaka warki asaga ahaa waxaa qoray qaar ka mid ah mareegyada warfaafinta ee Soomaalida. Dadka qoray warkaan qaar waxay isticmaaleen erayo adag sida 'dhiig miirato', 'furasho' iyo 'boob'.  Inkastoo aan la xariiray qaar ka mid ah dadka qoray farriimahaan aana isku dayay inaan si hoose xal ugu helo warkaan aan salka lahayn, haddana waxaa ii muuqato inuu dhawaqu meel fog gaaray hoos u hadlidna aysan ku filnayn. Sidaa darteed waxaan go'aansaday in si muuqato wax ooga dhaho warkaan oo aan ahayn kii ugu horreeyay ee noociisa ah.  Muxuu yahay Isbitaalka Jaalle siyaad? Jaalle Siyaad waa isbitaal weyn oo ku yaal Garbahaareey. Waxaa dhismihiisa bilowday dowladdii dhexe isagoo qaybo ah ayayna dhacday. dhowr iyo labaatan sano ayuu qabyadaas ahaa oo arigu u xaroon jiray. Waqti aan fogayn ayay gabdho qurbajoog ah isu xilqaameen inay

Contact Form

Name

Email *

Message *