Qormadaan tii ka horraysay waxay gogal dhig u ahayd qormooyin dhowr ah oo tilmaamayo sababte keentay inuu soo cusbaanoodo loollanka loogu jiro hanashada siyasadda iyo ganacsiga Geeska afrika iyo cidda ku loollamayso. Qormadaan waxaan ku eegi doonnaa marki uu soo noolaaday loollanka iyo cidda bilwoday iyo dalalka ku jiro. Qoramadi hore waxaan ku tilmaamay in dhibaatooyinka ka jiro marinka Baab-Al-Mandan aysan waxba u dhimin isu socodka ganacsiga adduunka. Laakiin asbuucaan gudahiisa ayuu bilowday culayski ugu horreeyay ka dib marki Sacuudigu uu sheegay inuu joojinayo shidaalka uu mariyo marinkaas khatar xagga ammaanka oo timid darteed. Khatartaan ayaa ah in kooxaha Xuutiyiinta ee Yemen ka dirira ay ku hanjabeen inay duqaynayaan maraakiibta sidda shidaalka ee ka timaadda sacuudiga. Intaas waa wixii ka danbeeyay qormadi hore. Dowladda yar ee Qatar ayaa afuuftay dabka ka bixi jiray Bariga Afrika ee waa hore baqtiyay. Qatar ayaa sanadihii labo kunnadii horraant...