Skip to main content

Posts

Gorfeyn: Buugga Adkaysi ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Recent posts

Taariikh Nololeedkii Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf

  28/12/2023 waxaa geeriyooday sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf oo ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed marna ahaa hoggaamiyihii Imaaradii Gedo. Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf Aw Axmed Ismaciil Mubaarak sheekh Cabdiraxmaan sheekh Samantar,  waxaa uu ku dhashay qiyaastii 1938-kii, meel lagu magacaabo Buuro oo galbeedka uga beegan magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Sheekha waxaa uu ahaa Marreexaan, Cali Maxammed (Cali-dheere), reer Sheekh reer Mubaarak.  Sheekh Maxammed waxaa uu ku barbaaray guri aqoon iyo Diin. Sida aad ka arki kartaba abtirkiisa aabbihii iyo awooyaashii waxaa ay ahaayeen culimo. Sheekha Maxammed Allaha u naxariisto e (AUN),  waxaa uu Qur’aanka kariim ka ah dhammeeyay isaga oo aad u da’ yar. Intaa ka dib waxaa uu u jeestay barashada caqiidada, fiqhiga iyo Shaaficiga isaga oo kutubtaas ka qaatay aabbihii. Sidii uu dhaqanku ahaa, sheekh Maxammed  waxaa uu xiraystay sannadka markii uu ahaa 1956-kii ilaa 1961-kii  goortaas oo uu cilmi u raadsad...

Ogaysiis

Akhristayaasha qaaliga ah ee boggaan ku taxnaa waxaan ku wargalinayaa inaan u wareegay degelka humbaale.com. Dekelkaan ayaan idin kula wadaagi doonaa casharradi waanada iyo wax sheegga ahayd ee aan halkaan kusoo bandhigi jiray. Fadlan ku xiran humbaale.com. Mahadsanidin

Seddex Tusaale oo na baraya doorka lataliyayaashu ku leeyihiin go’aanka madaxdu gaarto.

                                     Madaxweyne, raysulwasaare iyo wasiir kasta wuxuu leeyahay lataliyayaal farabadan. Lataliyayaashu waxay qabtaan howlo kala duwan. Qaar ayaa magaca lataliyo sito laakiin madaxweynaha boorsada kaliya u qaado, qaarka albaabka gaariga iyo ganjeelka guriga kaliya ayay furan halka qaar ay yihiin kuwa go’aannada masiiriga ah wax ka gaaro. Lataliyayaashu waxay mararka qaar madaxdooda ku matalaan shirar, waxay diyaariyaan dukumiintiyo ama waxay wakiil ooga noqdaan shaqo muhiim ah. Lataliyayaashu shaqada kuma helaan tartan ay u galeen mana aha jago dadku u simanyahay. Baddalkeeda waxaa lagu helaa sida uu ruuxu daacad ugu yahay ruuxa uu latalinayo iyo saaxiibtinnimada kala dhaxayso. Inta badan madaxda ayaa lataliye u magacawdo shaqsiyaadki ugu kaalmeeyay inay xilka ku guulaystaan. Lataliyayaashu kala awood badan una kala dhow madaxdooda. Tusaale, Karl Ro...

Three examples that teach us why it is important to choose advisors on merit system

Every leader, every minster and every institution of modern governance has many advisors. These advisors hold different roles and responsibilities in the government ranging from bag carriers and door openers to being at the centre of the government’s policy and decision-making. Their appointment is patronage and not open to all thus, ministers or leaders choose their close friends or people who helped them win and maintain office as advisors to reward for their support. Advisors act as proxies for their respective ministers or bosses by attending meetings, preparing documents and even hearing representations. Some are more powerful than others are and some are more close to the leaders thus, more influential in decision-making and policy settings. Karl Rove, for example, was known as the brain of President George W Bush while Farah Abdul-Kadir was known as the man behind the scene during Hassan Sheikh’s presidency. However, advisors are more influential than most of us know. In ...

Soomaaliland Eed ma leh inta Koonfur sidatan u dhaqmayso

Inta aanan guda galin dooddayda aan labo arrimood sii hormarsado. Tan koobaad waa in hadalka aan halkaan kusoo gudbin doono uu yahay aragtidayda shaqsiyadeed sidaas awgeedna aanan cidna ku matalin. Tan labaad waa inaan aaminsanahay Soomaali-weyn. Taasi waxay ka dhigantahay in aanan marnaba ka raalli noqon karin inta hartay oo sii kala tagto. Soomaalidu waa dad tiro ahaan aad ooga yar dhulka ay dagganyihiin. Gobalka walba oo dhul weynaha soomaaliyeed ka mid ah inta ku nool toban jibberkeed ayuu qaadi kari lahaa balse dad buuxiya lama hayo. Dhinaca kale waxaa dul yaxoobo dadyow aad u tiro badan oo dhulku cariiri ku yahay. Dadkaasu dhulka bannaan ee u dhow waa ay arkaan una hanweynyihiin. Sidaas awgeed isla joogidda waxay kaalmayn in cudud xooggan oo laga cabsado aan yeelanno. Halka kala taggu uu sahlayo in midba dhinac loo cuno innaga oo aan isu gurman karin. Tusaale waxaa noo ah Jabuuti marki ay kusoo duushay Eritareeya. Uma aannan diri karin ciidan, xataa afka kama sheegi karn...

Warbixin Kooban. Safarkaygi Gobalka Gedo. Q5

Qormadi inoo danbaysay waxaan ku sheegnay inaan ku xijin doonno adeegyada biyaha iyo korontada. Waxaan si gaar ah ugu xusayaa labadaan adeeg muhiimmadda gaarka ah ee ay u leeyihiin nolosha aadanaha iyo inay halbeeg u yihiin horumarka ummadi samaysay.  Dabka Gobalku horumar muuqdo ayuu ka sameeyay xagga quwadda dabka. Inta badan magaalooyinka waaweyn waxay leeyihiin koronto joogta ah oo hal shirkad ay bixiso. Baladxaawo iyadu waxaa ka howl galo labo shirkadood oo marki hore hal ahaa haddase labo u kala baxay. Shacabku wuxuu helaa koronto joogta ah oo la isku hallayn karo. Sidoo kale, dagmada Luuq ayaa iyaduna intaan gobalka joogay loo dhammaystiray galinta dabka iyadoo heshay quwad koronto oo si joogta ah la isugu hallayn karo. Garbahaareey oo muddo dheer qabtay baahi koronto ayaa iyaduna hadda shaqo wanaagsan ka socotay. Waxaa gabo gabo marayay xiridda koronto saacad walba ah. Awal (xataa intaan anigu joogay) korontadu waxay joogtay saacado kooban oo waliba aad u...

Warbixin Kooban. Safarkaygi Gobalka Gedo. Q4

Waxaa ku jirnaa arrimaha bulshada. Tii inoogu danbaysay waxaan soo taabannay adeegga caafimaadka kaas oo sawir taban aan ka bixinnay. Hasa yeeshee meelo badan oo waxaa jiro horumar fiican uu ka jiro sida isboortiska. Garbahaareey waxaa ka dhisan siddeed naadi oo heer koowaad ah. Si joogta ah ayaa loo cayaaraa oo markuu xilli dhammaadaba dib ayaa loo billaabaa. Kooxaha koob ayaa loo dhigaa lacag ah. Inta badan waa $100 qiimaha abaalmarintu marmarna inuu ka bato ayaa laga yaabaa. Kooxdi qaaddo koobka ayaa meel fagaare ah lagu guddonsiiyaa abaal marinta. Ciyaarahaan waxay ka dhacaan garoonki kubbadda kacta ee dagmada oo saddex sano ka hor la dayac tiray. Garoonka oo loo dhisay darbi daawadayaashu fadhiistaan ayaa aad loo soo cammiraa. Maalinta ay jirto cayaarta kama danbaysta ah waa la buux dhaafiyaa. Waxaa xusid mudan in dad ugu badan ee cayaaraha daawado ay ka mid yihiin ciidanka. Waxaad arkaysaa iyagoo tuutahooda xiran qoryana sito oo shacabka dhex fadhiya. Dadka u...

Contact Form

Name

Email *

Message *