Skip to main content

Posts

Gorfeyn iyo naqdin buugga Halgan iyo Hoggaan

  Buugga  Halgan iyo Hoggaanwaxaa la daabacey Julaay 2026. Waxa uu ka koobanyahey 244 bog. 40 bog ee u danbeeya waxaa ku qoran faallooyin ay soo gudbiyeen asxaabtii Sheekha. Waxa ay uga hadleen shaqsiyaddiisa wixii ay ka yaqaanneen. Labada boqol ee kale waxaa lagu soo koobey wareysiyo sheekha laga qaadey waqtiyo kala duwan. Buugga waxaa qorey wiil uu sheekhu dhaley oo la yiraahdo Cabdiraxmaan Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf.  Cabdiraxmaan waxa uu sheegtey in uusan buuga ku darin wax isaga ka yimid. Wax Alla waxa laga helo labadaas boqol ee bog waa erayadii sheekha oo qoraal loo rogey sida uu nagu yiri Cabdiraxmaan. Wareysiyada salka u ah buugga waa laba qeybood. Qeyb waxaa qaadey Dr Cumar warsame. Buuggu waxa uu tilmaamey in la duubey intii u dhaxaysay Jannaayo 2013 ilaa Juun 2013. Waa wareysiyo qaatey 14 fadhi. Qeybta labaad waxaa duubey Sheekh Cabdullaahi Faarax Taano 2001-dii. Sida uu qoruhu sheegey waxa ay ahaayeen laba cajalood. Xogtaas waxa aan ka fahanney in codka she...

Gorfeyn: Buugga Adkaysi ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur

  Adkaysi waa buug cusub oo soo suuqa imaanaya kowda Disember 2024. Waxaan nasiib u yeeshay in aan ka mid noqdo dhowrkii qof ee ugu horreysay ee buugga la siiyo inta uusan suuqa imaan. Fiidnamdii Isniinta taariikhdu ahayd 18/11/2024 ayuu xildhibaan Cabdiraxmaan i guddoonsiiyay buugga goor aan ugu tagay gurigiisa Muqdisho. Fiidnamdii talaadada oo aan Ingiriiska safar u soo ahaa ayaan ku billaabay akhriska. Wehel waddada ila mara ayuu ii noqday. Qormadaan gaaban waxaan uga faalloon doonaa buugga.  Adkaysi oo 318 bog ah waxaa qorey xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Tafatirka iyo quraaradyntu (typesetting) waa heersare (laba meelood ayaan ka arkay wax aan is iri quraaradaynta ayaa geftay).  Waa buug xogwarran ah, xambaarsan taariikh, wacyigelin, waxbarid iyo waana-qaadasho. Waxaa uu si gaar ah u abbaarayaa waayihii Cabdiraxmaan, dhalashadiisii, korriinkiisii, waxbarashadiisii, shaqooyinkiisii ilaa siyaasadda oo uu hadda ku jiro. Sida ka muuqata ciwaankaba qoruhu b...

Taariikh Nololeedkii Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf

  28/12/2023 waxaa geeriyooday sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf oo ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed marna ahaa hoggaamiyihii Imaaradii Gedo. Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf Aw Axmed Ismaciil Mubaarak sheekh Cabdiraxmaan sheekh Samantar,  waxaa uu ku dhashay qiyaastii 1938-kii, meel lagu magacaabo Buuro oo galbeedka uga beegan magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Sheekha waxaa uu ahaa Marreexaan, Cali Maxammed (Cali-dheere), reer Sheekh reer Mubaarak.  Sheekh Maxammed waxaa uu ku barbaaray guri aqoon iyo Diin. Sida aad ka arki kartaba abtirkiisa aabbihii iyo awooyaashii waxaa ay ahaayeen culimo. Sheekha Maxammed Allaha u naxariisto e (AUN),  waxaa uu Qur’aanka kariim ka ah dhammeeyay isaga oo aad u da’ yar. Intaa ka dib waxaa uu u jeestay barashada caqiidada, fiqhiga iyo Shaaficiga isaga oo kutubtaas ka qaatay aabbihii. Sidii uu dhaqanku ahaa, sheekh Maxammed  waxaa uu xiraystay sannadka markii uu ahaa 1956-kii ilaa 1961-kii  goortaas oo uu cilmi u raadsad...

Contact Form

Name

Email *

Message *