Waxaan safar ku joogay baryahaan dagmada Garbahaareey ee gobalka Gedo. Maalinti shalay ahayd waxaa dhagtayda kusoo dhacay hadal la hayay oo Qur'aan akhris ahaa. Waxaan sheekadi ka helay in ujeedku yahay duco iyo xirsi-xir loo sameeyo soomaalida qurbaha ku nool. Waxaan jeclaystay inaan wax badan ka ogaado waxaana codsaday in maanta aan ka qayb galo Alla bariga taasoo la ii ogolaaday. Salaaddi Casar ka dib ayaan tagay goobta la ii sheegay in muraadku ka dhacayo. Waxaan koox koox u yimid wadaaddadi ducayn lahaa. Waxaa soo xaadiray 21 wadaad oo dhalinyaro aan labaatan gaarin u badan. Waxaa la keenay cunno fudud sida bun, daango, timir iyo cabbitaanno kala duwan. Cunto ka dib waxaa naloo qaybiyay boqol boqol kun oo Soomaalli ah. Waxaana la yiri akhriya waxaad kartaan oo Qur'aan ah duceeyana. Waxaa loo duceeyay dhammaan ummadda Soomaaliyeed ducadina waxaa lagu khatimay qurba-joogta oo aad iyo aad loogu duceeyay in Eeebbe dhowro iyaga iyo caruurtooda. Waxaan codsaday in ...