Skip to main content

Ka Qaybgalka Shirka Seddex Geesoodka ah ee Casmara dowladdu ma ku saxantahay?



Shir u dhexeeyo dalalka Soomaaliya, Eritareeya iyo Itoobiya ayaa ka furmay magaalada Casmara ee Eritareeya. Shirkaan waxaa ku kulmaya seddexda qof ee ugu sarreeyso dalalka ay matalayaan. Dhinaca Soomaalida waxaa durbadiiba bilowday dhaliil iyo cabsi laga qabo in dalkeennu ku dhaco halis qarsoon oo meelo fog laga soo maleegay. Haddaba aniga oo ka duulayo dareenka shacabka ila midka ah ayaan jeclaystay inaan qormo gaaban ku cabbiro sida aan u arko kulankaas iyo waxa laga filan karo.




Marka hore aan qiro inaan ku jiro dadka aaminsan in Itoobiya ay tahay guumayste. Dal ku caan baxay guumaystenimo wuxuu la mid yahay ruux tuugnimo ku caanbaxay. Si walba oo uu wanaag muujiyo oogta waarina safka hore masaajidka aad ugu aragtid, mar walba oo aad aragto ruuxa aad qaadqaad ku taqaannay waxaad qabtaa tuhun ah inuu xatooyo maaggan yahay ishana waxaad la raaci dhinaca uu safka ka galo. Si la mid ah, wanaag walba oo uu guumayste muujiyo, marnaba tuhun ah inuu khiyaano iyo shirqool maleegayo meesha lagama saaro. Sidaas awgeed, maadaama aan Itoobiya guumayste u arko, way adagtahay inuu wanaag iiga muuqdo meel ay ku jirto. Adigoo taas cindiga ku hayo akhri qormadaan.




Gees Afrika waxaa ka socdo loollan xawaare dheereeyo ku socdo oo uu dhexeeyo quwadaha dunida ugu tunka weyn. Awal Shiine iyo Maraykan ayaan ogayn. Hadda waxaa kusoo biiray Ruushka. Seddexdaan dal dhexdooda waxaa ku jiro kuwo quwad dhexe ah oo kala taabacsan dalalkaas iskuna dayayo inay dillaalaan waddamada Geeska ee duullaanka lagu yahay.




Duullaan lagu doonayo in lagu hanto maamulka iyo taageerada waddamada Bariga Afrika maahan mid cusub. Dagaalkii qaboobaa ee u dhexeeyay ree Galbeedka iyo Soofiyeedki Bariga Afrika ayaa dhextaal u ahaa oo si adag loogu loollamay. Quwadaha is garbinayo way yaqaannaan meesha ay u socdaan iyo cidda ay u marayaan danahooda. Sidoo kale, waxay yaqannaan sida loola macaamilo dal walba oo Geeska ka mid ah iyo waxa laga fili karo.




Soomaaliya waxaa haysato labo daran mid dooro. Kan hore waa inay iska indho tirto loollanka socdo kuna mashuquusho dhibaatooyinka gudaha ka haysto xal u heliddooda. Haddii taasi ay doorato waxay heli inay u madaxbannanaato siyaasaddeeda dibada go'aammada ay qaadanaysana ay noqdaan kuwa madaxdeeda kalia ka yimid. Hasa ahaatee, waxaa ka dhalan in dalkeeda la qaybsado iyadoo loo marayo maamul goboleeyda iyo siyaasiyiin aan cidna matalin laakiin aqoonsi been ah la siiyo. Sidoo kale, waxaa wiiqmi awoodda dowladda dhexe waxayna waayi qaddarinti ay ku lahayd caalamka iyo dowladaha danaynayo inay ku lug yeeshaan loollanka mandhiqadda. Horay ayaa loo yiri haddii aadan ku jirin kuwa miiska qadada fadhiyo waxad ku jirtaa cuntada la dalbanayo.




Dhinaca kale, haddii ay ku biirto dadka miiska fadhiyo iskuna daydo, sida ay haddaba yeelayso inay ka mid noqoto dalalka xisaabta ku jiro ee qoondo doonka, waxaa imaan in faragalin badan lagu sameeyo jihada siyaasadda arrimaha dibadda u socoto; inay dhinac u badato mararka dalal is qabtanna aysan dhexdhexaad noqon; inay gasho heshiisyo huumaal badan ku jiro lagana yaabo inay noqdaan kuwa god ku rido mustaqbalka dalka. Hadii ay noqoto in labadaan mid la doorto kee habboon dhibse yar?




Aniga aragtidayda, waxay masxaladdu ku jirtaa kan hore oo ah in aanan laga maqnaan miiska wadahallada iyo meelaha wax lagu qaybsanayo. Kow, qaybtu waa lama huraan waxaa duullaanka lagu yahay ee la qaybsanayana waa dalkaada. Joog ama ka maqnow, sidii horay u dhacdayda, dalalka shihseeye inay Soomaliya kala goostaan waa ka go'antahay. Haddii goobta dad ku matalaya joogaan gorgortanka ayaad kow ka tahay waxaadna yarayn waaxdi dillaalku qaadan lahaa iyo inay Carab ku iibiso sidii Saciid Barqash hadda ka horba noo iibsaday.




Labo, haddii aad joogta meesha wax lagu qaybsanayo waxay u badan tahay wax markaad maqantahay lagu fakeri lahaa in aan lagu dhiirran sidaa darteed khatarta ayaa yaraan. Saddex, dowladda dhexe ayaa noqon albaabka dalka loo maro waxaana booska ka bixi baahidi loo qabi laha in lala macaamilo maamul goboleedyada. Afar, lagaba yaabo inuu kheyr yahay oo maalgashiga iyo arrimaha la sheegayo run noqdaan halkaas dalkeennu ku baahi baxo.




Shirka seddex geesoodka iyo loollanka caalamiga maxaa ka dhaxeeyo?




Ilaa hadda lama hayo faahfaahinta shirka iyo qodobadda ugu muhiimsan ee looga arrinsan doono, hasa ahaatee ajandaha shirka ayaa lagu sheegay inuu yahay iskaashi xagga dhaqaalaha iyo amniga ah. Seddexda dal waxay u arkaan inuu isku xiran yahay horumarkooda iyo aminigooda waana sida dhabta ah ee ay tahay laakiin horay loo waayay cid fuliso haddana aysan muuqan wax muujinayo in daacad laga yahay. Haddii taasi dhab tahay, waxa loo gogol xaarayo ee la rabo in lasoo dhaweeyo waa quwado shisheeye oo hadda xagga dabe ku dhuumanayo kuwaas oo laga rabo taageero dhaqaale iyo maalgahsi xooggan.




Eritareeya ayaa hadda ah madasha ugu muhiimsan ee dihin. Jabuuti waxaa horay u qaatay Shiine Soomaaliyana waa meel aan hadda laga dhisan karin saldhig ciidan iyo rugo ganacsi oo waaweyn. Si hadda Eritareeya u hesho waxa ay rabto waxay u baahantahay taageero ay ka hesho dalalka dariska ah iyo in la xaliyo arriamaha kala dhaxeeyo Jabuuti. Itoobiya ayaa iyadu dhinaceeda rabto inay noqoto malkada loo maro maalgashiga Eritareeya iyo kan Soomaaliya sidi horayba Shiine ugu maray midka Jabuuti. Soomaaliya iyadu waxay doonaysaa inay isu muujiso dal soo hagaagay oo hadda diyaar u ah maalgashi wixii la galiyana aysan lumin doonin taasoo ay adagtahay in lagu qanciyo maalgashadaayasha caalamiga ah. Si wax looga baddalo maalgashadayaasha guulowsan, Soomaaliya waxay u baahantahay taageerada waddamada dariska ah oo muujiyo inay ku faraxsan yihiin inay qayb ka noqdaan maalgashiga Soomaaliya. Sidoo kale, amniga Soomaaliya waxaa qayb weyn ka ah labada dal ee kale kuwaas taageero kala duwan siinayay kooxaha qaska ka wada dalka.




Haddaba baahiyaha kale duwan ee dal walba gooni u hayso iyo rabitaanka ah gaaridda horumar ballaaran ayaa keenay inay isu yimaadaan dalal ay adag tahay in la fahmo ganacsiga iyo maalagshiga ay is waydaarsan karaan. Waxaa la tuhmayaa in waddamo ay ka mid yihiin Maryakanka iyo Imaaraatku ay sheedda kala socdaan shirka dibna ay ooga soo biiri doonaan wadahadalka.Haddii lagu guulayso sida wax loo dhigay waxaa la gaari amni waaro iyo horumar fiican. Waayo waddamada oo is waydaarsado hanti muuqato waxay keeni inaysan faragalin siyaasadeed isku samayn, mid walbana waxay qasaaro oogu Jiri dumidda midka kale.




Hasa yeeshee, arriamahaan ma khatar yaro. Haddii ay dhacdo in heshiishyo waaweyn lala galo mid ka mid ah dalalka is hayo waxaa imaan in mid kale ka caroodo ka dibna uu qaado tallaabooyin wax u dhimi karo dowladda tabarta daran ee Soomaaliya. Hadda waxaa suuqa ku jirta in Ruushu doonayo inuu aqoonsado Soomaalilaan si uu booska ooga helo Bariga Afrika. Maraynka oo u guulaysto Casamara iyo Xamar waxaa laga yaabaa inay keento aqoonsi dag dag ah oo uu Ruushku siiyo Soomaalilaan halkaas u ka dhisto saldhig ciidan. Saddex dal oo Soomaaliyeed (Jabuuti, Soomaalilaan iyo Soomaaliya) oo isu muuqdo inay kala marti galiyaan saddexda dal ee ugu awoodda badan caalamka hardan adagna uu ka dhexeeyo maahan mid la dhayalsan karo.




Si kastaba ha ahaatee, horumar aan khatar loo qaadan lama helo. Jarribka iyo tijaabooyinku waa illinka laga galo horumarka. Laakiin masiirka dalku ma noqon karo mid tijaabo galo. Tallaabo walba oo la qaadayo waxaa lagama maarmaan ah in la mariyo baaritaanno kala duwan hayadaha dowladduna eegaan oo si dhab ah u fiiriyaan. Sidoo kale waxaa lama huraan ah in la mariyo golaha shacabka ka hor inta uusan dhaqan galin. Indho soo jeeda iyo qalbi ogsoon khiyaada iyo hagardaamooyinka Itoobiya waa in lagu galaa heshiis walba oo Itoobiya qayb ka tahay. Ugu danbayn maadaama aan si dhab ah loo ogayn qodobada lagu heshiin doono, aragti sugan lagama qaadan karo shirkaan gaarka ah. Sidaa awgeed, waxa ay qormadu cabbirayso waa ka qayb noqoshada loollanka jiro iyo inaan bannaan cidla ah lagus oo dhicin.


Ibrahim Aden Shire
ishire86@gmail.com
kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.com/

Comments

Popular posts from this blog

Taariikh Nololeedkii Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf

  28/12/2023 waxaa geeriyooday sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf oo ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed marna ahaa hoggaamiyihii Imaaradii Gedo. Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf Aw Axmed Ismaciil Mubaarak sheekh Cabdiraxmaan sheekh Samantar,  waxaa uu ku dhashay qiyaastii 1938-kii, meel lagu magacaabo Buuro oo galbeedka uga beegan magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Sheekha waxaa uu ahaa Marreexaan, Cali Maxammed (Cali-dheere), reer Sheekh reer Mubaarak.  Sheekh Maxammed waxaa uu ku barbaaray guri aqoon iyo Diin. Sida aad ka arki kartaba abtirkiisa aabbihii iyo awooyaashii waxaa ay ahaayeen culimo. Sheekha Maxammed Allaha u naxariisto e (AUN),  waxaa uu Qur’aanka kariim ka ah dhammeeyay isaga oo aad u da’ yar. Intaa ka dib waxaa uu u jeestay barashada caqiidada, fiqhiga iyo Shaaficiga isaga oo kutubtaas ka qaatay aabbihii. Sidii uu dhaqanku ahaa, sheekh Maxammed  waxaa uu xiraystay sannadka markii uu ahaa 1956-kii ilaa 1961-kii  goortaas oo uu cilmi u raadsaday magaalooyinka Beledwayne,

Maxaa ka run ah warbixinnada foosha xun ee laga qoro Soomaalida Qurbaha?

Warbixin ka ay daabacday Boomerg oo looga hadlay waxtarka muhaajiriinta Maraykan  tago ayaa lagu sheegay in Kiinyaanku yihiin dadka saddexaad ee ugu shaqada iyo waxtarka badan soogalootiga Maraykanka. Gaana oo Afrika ah ayaa qaadatay kaalinta koowaad waxaan labo noqday Bulgeeriya oo Yurub ah. Waxaa sidoo kale toban hore soo galay dalalka Itoobiya oo afar gashay, Masar oo shan gashay, Nayjeeriya oo siddeed gashay iyo Laybeeriya oo sagaal gashay. Toban qowmiyadood ee ugu shaqada badan muhaajiriinta ku nool Maraykanka lix ayaa kasoo jeedda Afrika. Waxaan tobanka hore soo galin Soomaalida. Sidoo kale soomaalidu safka hore oogama jirto muhaajiriinta ugu aqoonta badan. Afrika Masar iyo Natjeeriya ayaa kaga jiro tobanka hore xagga aqoonta. Marka walba oo lasoo hadal qaado Soomaali waxaa lagu xariiriyaa, faqri, burcadnimo, aqoon la'aan, argagixisonimo iyo shaqo la'aan baahsan. Warbixin laga soo saaray waddamada Galbeed oo sawir quruxsan ka bixiso Soomaalida in la helo ma dhacd

Hal ku dhigga halaagga noo horseeday: "Xoolaha dad weynaha ayaa ganacsi loo baddalay"

Ilaa shalay waxaa baraha bulshada lagu faafinayay in isbitaalki Jaalle Siyaad ee dagmada Garbahaareey loo rogay meel ganacsi. Saaka warki asaga ahaa waxaa qoray qaar ka mid ah mareegyada warfaafinta ee Soomaalida. Dadka qoray warkaan qaar waxay isticmaaleen erayo adag sida 'dhiig miirato', 'furasho' iyo 'boob'.  Inkastoo aan la xariiray qaar ka mid ah dadka qoray farriimahaan aana isku dayay inaan si hoose xal ugu helo warkaan aan salka lahayn, haddana waxaa ii muuqato inuu dhawaqu meel fog gaaray hoos u hadlidna aysan ku filnayn. Sidaa darteed waxaan go'aansaday in si muuqato wax ooga dhaho warkaan oo aan ahayn kii ugu horreeyay ee noociisa ah.  Muxuu yahay Isbitaalka Jaalle siyaad? Jaalle Siyaad waa isbitaal weyn oo ku yaal Garbahaareey. Waxaa dhismihiisa bilowday dowladdii dhexe isagoo qaybo ah ayayna dhacday. dhowr iyo labaatan sano ayuu qabyadaas ahaa oo arigu u xaroon jiray. Waqti aan fogayn ayay gabdho qurbajoog ah isu xilqaameen inay

Contact Form

Name

Email *

Message *