Skip to main content

Sacuudi-Carabiya Maxay naga mudantahay?


Sanadihaan danbe waxaa aad noogu soo batay maqalka Sacuudiga iyo inuu dano badan ka leeyahay dalkeena. Dadkeenu inta badan waxay qabaan in guud ahaan carabta xariir dhow lala yeesho gaar ahaanna Sacuudiga si aad ah loogu dhawaado. Fakarkaan ma xuma laakiin Sacuudi ma yahay wadan saaxiibtinimo leh mase naga kasbaday inaan ka doorano saaxiibo kale?
Waxyeeladi sacuudiga
Maamulka Sacuudigu waxaa uu si aan is-badal iyo kala go’ lahayn noogu yahay waxyeelo siyaasadeed mid dhaqaale iyo mid dhaqanba. Waxaa la dhihi karaa ma jiraan wax uu noo reebtay oo uu awooday.
Siyaasadda
Dagaalkii qaboobaa ee reer Bari iyo Galbeed ku hardayeen, Saduudigu wuxuu xooggiisi isugu geeyay inuu Soomaaliya ka reebo saaxibadii ay lahayd taasoo uu ugu danbayn ku guulaystay. Marki uu hubsaday inaan bannaanka kusoo dhacnay ayuu ka noqday dhammaan wixii ballan qaad ahaa ee uu u sameeyay dowladdii markaas jirtay. Intaas kaliyana ugama uusan harine wuxuu billaabay taakulaynta kooxihii ku kacay dowladda ugu danbayna Soomaaliya dhigay meesha ay maanta taal.
Mayd-Garaac
Marki uu dhib kusoo gaaro, dadka dhibkaada og sedex ayay ku qaybsamaan: kuwo kaalmo dag-dag ah uu fidiyo, maxasta iyo maatida kuu aruuriyo kana qayb qaato xal u helidda mushkiladda kugu dhacday; kuwo, dhib iyo dheef toona aan kugu yeelaan oo aan halkooda kuu soo dhaafin iyo kuwo ka faaiidaysto dhibkaada oo maatida ka dhibaateeyo, dumarka iyo caruurta kaa kaxaysto, duruufaha ku haysto iyagoo u marayana isku dayo inay badalaan dhaqankaadi iyo jiritaankaadi oo dhan.
Nooca danbe ayuu Sacuudigu nagu noqday. Si aadan ugu qaadan inaan ka badbadinayo bal adna si fiican u dhuux tusaalahan. 1991-di bishiisi koowaad ayay dhacday dowladdi dhexe. Dalki wuxuu galay qalalaase, qiiqa baaruudda ayaa is qabtay Hargaysa ilaa Hoos-hungow, dhiigga dadka ayaa walacleeyay laamiyadda waxaana burburay dhammaan adeegyadi bulsahada. Waxay ahayd waqtigii ugu xanuunka badnaa ee nasoo maray waana maalintaan ugu baahida badnayn kaalmo caalami ah gaar ahaan mid aan ka helno saaxiibadeen iyo walaalaha muslimiinta ah.

Badallki uu gurmad noo fidin lahaa, Sacuudigu waxaa uu billaabay qab-qabashada Soomaalida wadakiisa ku joogtay sharci darrada. Waxaa uu qaaday qafaal aan noociisa horay loo arag ilaa masaajidda dhexdeeda dadka laga soo guray. Ogow dadka la gurayo waa dadkii markii aan qaxnay aan is lahayn wax ayay idiin soo diri doonaan ama haddii aad dhamaataan iyagaa ka bad-baadi doono dhibaatada oo dalka samata bixin doono.

Maxaabista soomaalida ah ee isugu jiro rag iyo haween, cardun iyo cirroole, culimo iyo caamo ayaa buux dhaafiyay xabsiyadi dalkaas. Maadaama aysan jirin garoon diyaaradeed oo shaqaynayo Sacuudigu waa uu waayay meel uu dadkaas u qaado sidaa darteed waxaa lagu kuusay baqaaro waaweyn oo aanan loogu tala galin in bini-aadam lagu hayo. Ihaano iyo dulaysi fool xun ayaa la mariyay muhaajiriinti soomaaliyeed waxaana loogu hanjabay haddii aysan helin dal kale oo la wareego in badda lagu shubi doono ama ay baqaaradaan ku dhammaan doonaan.

Arinti waxaa soo fara galisay hay’adda qaxootiga adduunka UNHCR oo isku dayday inay Sacuudiga ku qanciso inay dadkaan iska fasaxdo balse waa ay ku guuldaraysatay isku daygaas. UNHCR ayaa dadaal u gashay inay hesho wadamo la wareego dadki soomaaliyeed ee la hayay ugu danbayna waxay heshay dalal dhowr ah oo aqbalay in dadkaas loo keeno. Liibiya ayaa ka mid ahayd dalalki dad badan la wareegay oo waliba diyaarad usoo diray lagu daad gureeyo. Sacuudi haddii uu maalintaas sidaas noo galay maxaan maanta ka filan karnaa?
Dhaqaalaha
Dhaqaalaha ayaa sidoo kale ka mid ahaan meelaha uu nagala dagaalamay sacuudigu. Soomaaliya waxay qani ku tahay xoolaha nool, Sacuudiguna wuxuu baahi weyn u qabaa xoolaheenna sidaa darteed danta ayaa isku kaaya qasabtay. Laakiin wuxuu caan ku noqday in marki aan aad ugu baahanay iib-geynta xoolaha uu mamnuuco xoolaheenna marki aan iska illowno oo aan isku dayno inaan suuq kale helno ama aan si kale oo looga faaidaysan karo raadsanno ayuu dib u furaa.

1997-di waxay ahayd sanadi ugu badnayd ee aan xoolo nool u dhoofinno Sacuudiga. Dakadda Barbera oo kaliya ayaa laga dhoofiyay 2.8 milyan oo neef oo geel, lo’ iyo ari isugu jiro. Xoolo dhaqatadi iyo ganacsatadi ayaa hammi weyn galay waxaana la billaabay in loo diyaar garoobo sanadka danbe oo la filayay in wax kasii badan la dhoofiyo. Sidoo kale sanadaas waxay ahayd marki ay billowdeen roobabki xoogga badnaa ee wax yeeleeyay dalagi noo baxay iyo xoolihii noolaaba sidaa darteed cunno yaraan iyo jid xiran badan ayaa dhacay. Marki Sacuudigu arkay meesha ay naga taal ayuu, si ay dhibku noogu sii batto oo aan u silicon, mamnuucay gabi ahaanba xoolihi la dhoofin jiray.

Markale waxa uu mamnuucay sanadi 2000 ee Cabdiqaasin la doortay, dad badan ayaana qabo in ujeedku ahaa in laga hortago dowlad dhalato. Sidoo kale waxa uu markale mamnucay sanadi hadda ina dhaaftay oo abaarihii ugu xumaa ay na hayeen. Intaas waxaa dheer ihaanada ay ku hayaan ganacsatada soomaaliyeed iyo sida xun ee ula macaamilaan. Tusaale, marar badan ayaa waxaa dhacday in Sacuudigu xoolo ka dalbaday Soomaaliya iyo Ostaraaliya sidaa awgeed intay rabeen in badan ay soo gaareen dalkooda. Si aysan iyagu u qasaarin waxay jidki dib ugu celiyeen maraakiibti xoolaha kasoo qaaday Soomaaliya maadaama aysan jirin dowlad u dooddo.
Wax tarki Sacuudiga
Inkastoo uu dhib jiray hadana lama dhihi karo waligiis waxba nooma tarin. Waxa ugu muhiimsan ee la xussi karo ayaa ah in waqtigii Allaha u raxmadee boqor Faysal uu Sacuudigu soo dhaweeyay wadaado badan oo soomaaliya ka cararay iyo in sidoo kale waxbarasho diimeed uu siiyay dhalin yaro badan oo soomaaliyeed.

Laakiin dadki wax kusoo bartay Sacuudigu iyo fakarki ay la yimaadeen waxaa uu noqday mid sumaysan oo ilaa hadda dawadiisi la la’yahay. Maahan manhajka safalafiga waxaan tilmaamayo ee caqiidada gurracan ee dhalinyarada wadamada kale ka timid lagu shubo taasoo ku dhisan dalkaada soo dumi oo kayka hoos keen. Faaiidada laga helay waxbarashadii sacuudiga iyo qasaaraha ka dhashay kan badan anigu ma hubo.

Itoobiya Vs Sacuudi
Waa arrin xaqiiq ah in Itoobiya aan cadow nahay. Laakiin cadaawadda naga dhaxayso innaga iyo Itoobiya waa mid ku salaysan dhul iyo sad bursi sababna ay u ahaayeen guumaystihii reer yurub ee dhulkeenna siiyay. Waa cadaawad la yaqaan nooca ay tahay, meesha ay ka timid waxa laga filan karo. Waa cadaawada dhex taal Hindiya iyo Pakistaan, Shiine iyo Hindiya, Marooko iyo Aljeeriya iyo kuwa kale oo madan oo kale. Sidaa darteed innaga iyo iyugu ninba maalinkiisa ayuu haystaa oo in badan ayaan baqtiga cunsiinay iyaguna ilaa shagaashanki ayay xaarka na cunsiinayeen. Intaas waxaa dheer cadaawaddaan waxaa laga yaabaa in mar un ay dhamaato oo haddii aan ku kala baxno dhulka aan isku haysanno heshiis waa la gaari karaa.

Taas waxaa ka duwan midda Sacuudiga. Ma jiro cadaawad la yaqaan oo naga dhaxayso Sacuudiga hasa ahaatee waxay u adeegtaa dalal badan oo dano kala duwan leh iyadoo isticmaalayso awooddeeda dhaqaale, maqaamka xaramka iyo galaangalka ay ku leedahay dalkeenna. Tusaale, dagaalkeedi todobaatanaadki waxay u adeegaysay Maraykanka oo rabay inuu baalasha ka rifo Midowgi-Soofiyeeti; marki ay xoolaheena mamnuucaysay waxay u adeegaysay Ostaraaliya oo rabtay inay kuweeda suuq helaan; hadda kan ay nagula jirto waxay ugu adeegaysaa mar kale Maraykanka oo walaac ka qabo dowladda Turkiga oo kusii xoogaysanayso geeska Afrika. Sidaa darteed dagaalka  Sacuudigu lama filaayo inuu dhammaado ama xal loo helo waayo hadba qolo ayaa soo adeegsan oo haddii aad kuwa iska xalliso la waayi mahayo qolo kale oo soo tuurto.
Gunaanad
Sida halkaan inooga muuqato Sacuudigu ma mudna in loo lumiyo dano aynu ka leenanay wadamo kala, umana muuqdo mid la aamini karo. Sidoo kale maahan mid la saadaalin karo damiciisa iyo ujeedooyinka uu naga leeyahay sidaa darteed waxaa nala gudboon inaan si dhug iyo daymo leh ula macaamilno. Inkastoo horay loo yiri “ruux bukaanka kugu nacay adoo baahan kaa tagay samo kuma bannaano” hadana inaan ka roonaano oo aan iska cafinno ayaa noo fiicaan oo sharafkeenu ku jiraa laakiin inaan aaminno oo aan talo saarano waxay noo horseedi kartaa mustaqbal madow iyo mushkilad aan xal lahayn.

W/Q Ibrahim Aden Shire

04/10/17

Comments

Popular posts from this blog

Taariikh Nololeedkii Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf

  28/12/2023 waxaa geeriyooday sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf oo ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed marna ahaa hoggaamiyihii Imaaradii Gedo. Sheekh Maxammed Xaaji Yuusuf Aw Axmed Ismaciil Mubaarak sheekh Cabdiraxmaan sheekh Samantar,  waxaa uu ku dhashay qiyaastii 1938-kii, meel lagu magacaabo Buuro oo galbeedka uga beegan magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Sheekha waxaa uu ahaa Marreexaan, Cali Maxammed (Cali-dheere), reer Sheekh reer Mubaarak.  Sheekh Maxammed waxaa uu ku barbaaray guri aqoon iyo Diin. Sida aad ka arki kartaba abtirkiisa aabbihii iyo awooyaashii waxaa ay ahaayeen culimo. Sheekha Maxammed Allaha u naxariisto e (AUN),  waxaa uu Qur’aanka kariim ka ah dhammeeyay isaga oo aad u da’ yar. Intaa ka dib waxaa uu u jeestay barashada caqiidada, fiqhiga iyo Shaaficiga isaga oo kutubtaas ka qaatay aabbihii. Sidii uu dhaqanku ahaa, sheekh Maxammed  waxaa uu xiraystay sannadka markii uu ahaa 1956-kii ilaa 1961-kii  goortaas oo uu cilmi u raadsaday magaalooyinka Beledwayne,

Hal ku dhigga halaagga noo horseeday: "Xoolaha dad weynaha ayaa ganacsi loo baddalay"

Ilaa shalay waxaa baraha bulshada lagu faafinayay in isbitaalki Jaalle Siyaad ee dagmada Garbahaareey loo rogay meel ganacsi. Saaka warki asaga ahaa waxaa qoray qaar ka mid ah mareegyada warfaafinta ee Soomaalida. Dadka qoray warkaan qaar waxay isticmaaleen erayo adag sida 'dhiig miirato', 'furasho' iyo 'boob'.  Inkastoo aan la xariiray qaar ka mid ah dadka qoray farriimahaan aana isku dayay inaan si hoose xal ugu helo warkaan aan salka lahayn, haddana waxaa ii muuqato inuu dhawaqu meel fog gaaray hoos u hadlidna aysan ku filnayn. Sidaa darteed waxaan go'aansaday in si muuqato wax ooga dhaho warkaan oo aan ahayn kii ugu horreeyay ee noociisa ah.  Muxuu yahay Isbitaalka Jaalle siyaad? Jaalle Siyaad waa isbitaal weyn oo ku yaal Garbahaareey. Waxaa dhismihiisa bilowday dowladdii dhexe isagoo qaybo ah ayayna dhacday. dhowr iyo labaatan sano ayuu qabyadaas ahaa oo arigu u xaroon jiray. Waqti aan fogayn ayay gabdho qurbajoog ah isu xilqaameen inay

Maxaa ka run ah warbixinnada foosha xun ee laga qoro Soomaalida Qurbaha?

Warbixin ka ay daabacday Boomerg oo looga hadlay waxtarka muhaajiriinta Maraykan  tago ayaa lagu sheegay in Kiinyaanku yihiin dadka saddexaad ee ugu shaqada iyo waxtarka badan soogalootiga Maraykanka. Gaana oo Afrika ah ayaa qaadatay kaalinta koowaad waxaan labo noqday Bulgeeriya oo Yurub ah. Waxaa sidoo kale toban hore soo galay dalalka Itoobiya oo afar gashay, Masar oo shan gashay, Nayjeeriya oo siddeed gashay iyo Laybeeriya oo sagaal gashay. Toban qowmiyadood ee ugu shaqada badan muhaajiriinta ku nool Maraykanka lix ayaa kasoo jeedda Afrika. Waxaan tobanka hore soo galin Soomaalida. Sidoo kale soomaalidu safka hore oogama jirto muhaajiriinta ugu aqoonta badan. Afrika Masar iyo Natjeeriya ayaa kaga jiro tobanka hore xagga aqoonta. Marka walba oo lasoo hadal qaado Soomaali waxaa lagu xariiriyaa, faqri, burcadnimo, aqoon la'aan, argagixisonimo iyo shaqo la'aan baahsan. Warbixin laga soo saaray waddamada Galbeed oo sawir quruxsan ka bixiso Soomaalida in la helo ma dhacd

Contact Form

Name

Email *

Message *